Libaax-Sankataabte

Moderator
  • Content Count

    4,182
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Libaax-Sankataabte

  1. Galaydh is not very popular in SSC. His endorsement of Siilaanyo's team doesn't have much significance. But the irony is not lost on me. I do understand the deep symbolism of a famous fighter defeated with a tiny arrow.
  2. Ilaahay ha u naxariisto Cawad. I know the marxuum's family in Toronto and I agree he was a great patriot who never compromised his core principles.
  3. Without me commenting on Biixi's questionable past, Galbeedi, is it not a progress to break up big clans into smaller units that can vote for different candidates based on "sub-clan" interest? Subclan A from Awdal + Subclan B from Hargeisa + Subclan C from Sanaag = Wadani or vice versa. Somaliland politics is inherently clan-based, but it is probably the only clan-based system closest to a true democracy in the region.
  4. Galbeedi, waan ku salaamay Awoowe. I just read Madoobe Nuunoow, one of the most prominent Somali politicians was among the dead. Ilaahay ha naxariisto Madoobe, reerkiisa iyo qaraabadiisana samir iyo iimaan.
  5. Alshabaab is a dangerous entity, but it seems to be having a free reign lately in suffocating the people of Mogadishu. What is really going on? Illaahay ha u naxariisto shacabka la laayey.
  6. In ka badan 20 ruux ayaa la aamisan yahay inay ku dhinteen weerarkan sida ay ilo wareedyo kala duwan u sheegeen VOA,, iyada oo dadka dhintay ay ku jireen kuwo magac ku leh siyaasadda Somalia. View the full article
  7. Talaabadan ayaa timid ka dib markii labo weerar oo darani ay ka dhaceen magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah labada weerar ayaa ka dhacay huteelka Naasa Hablood 2 oo ku yaalla degmada Xamar-weyne, halka ka kalena uu ka dhacay meel u dhow Dal-jirka Dahsoon. View the full article
  8. Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Caafimaadka D. F. ee Somalia, Dr. Fowzia Abiikar, waxayna ka jawaabaysaa su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasheena oo meelo kala duwan oo dunida ah ku sugan. View the full article
  9. Koox dhalin yaro oo tageerayaal u ah xisbiga Kulmiye, ayaa xalay isa soo hor dhoobey hoyga guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, kuwas oo lagu eedeyay inay dhagxaan ku tuureen hoyga guddoomiyaha oo xilligaasi ka maqnaa. View the full article
  10. Ku soo dhawaada barnaamijka Martida Makrafoonka. Maxamed Cabdi Xasan (Sandheere) ayaa soo jeedinaya. View the full article
  11. Kooxo hubeysan ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday hotel Naasa-hablood Laba oo ku yaalla degmada Xamarweyne, gelinkii dambe ee maanta. View the full article
  12. Laba qof oo heysta dhalashada dalka Jarmalka oo midkood uu Soomaliya ka soo jeedo ayaa shalay ay maxkamad ku taala magaalada Frankfort ee dalka Jarmalka xukun ku ridday. View the full article
  13. Ku soo dhawaada dhageystayaal Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo aan dib ugu falan qeyno dhacdooyinkii ugu doorka weynaa toddobaadkii tagay. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya. View the full article
  14. Dalka Kenya waxaa shalay mar kale ka dhacay doorasho ku celis ahayd, kadib markii maxkamadda sare ee dalkaas ay ku gacan seertay sharci ahaanshaha doorashadii dhacday sideeddii August, ee uu ku guuleystay madaxweyne Kenyatta. Doorashadii shalay ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, una sheegay taageerayaashiisa inaysan codeyn. Haddaba barnaamijka faaqidaadda toddoaadbka ayaan ku eegeynaa. Waxaa soo jeedineysa Caasha Ibraahim Aadan. View the full article
  15. Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa ku dhalleeceeyey beesha caalamka gaar ahana waddamada US, UK iyo Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen inay hay’adaha amniga Soomaaliya ku caawiyaan khibrad iyo qalab farsamo si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabab. View the full article
  16. Maleeshiyada Al-shabaab ayaa gabar 30-sano jir ah dhagax ku dilay magaalada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe kadib markii ay ku eedeeyeen in ay gogol-dhaaf sameysay. View the full article
  17. Wararka ka imaanaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qof ay ku geeriyoodeen dagaal shalay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni oo ka tirsan gobolka. View the full article
  18. Dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka ka bilaabmay deegaanka Godad oo ku yaalla waqooyi bari gobolka Mudug. View the full article
  19. Alla ha u naxarariistee, waxaa shalay magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday Jeneraal Maxamed Abshir Muse oo loo yaqaanay Haamaan, kana mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee ciidanka booliska Soomaaliyeed. View the full article
  20. Laba qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa ku dhintay qarax iyo rasaas ka dambaysay oo ka dhacday deegaanka Carbiska ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye. View the full article
  21. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne oo halbowle u ah isku socodka Muqdishu iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu xiran yahay laba maalmood kasib markii roobab da’day ay waxyeelleeyeen dhabbihii diyaaradaha ay ka kici jireen. Warbixintan waxaa Beledweyne nooga soo diray Xusene Xasan Dhaqane. View the full article
  22. VOA-da ayaa marki ugu horreysay heshay warka sheegaya in weerarki 14-ki October ka dhacay Isgoyska Zoobe loola danlahaa in lagu gumaado saldhiga milatari ee uu Turkiga dhawaan ka furay Muqdisho. View the full article
  23. Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dab uu ka kacay kaalin shidaal oo ku yaalla Afar Irdoodka magaalada. View the full article
  24. Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay soo dhoweynayan wadahadalka uu ugu yeeray Madaxweyne Farmaajo madaxda maamul gobaleedyada isla markana ay ka qaybgalayan. View the full article
  25. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay lix kalena ay ku dhaawacmeen laba qarax oo galabta ka dhacay meel ku dhow Saldhigga Bartamaha ee magaalada. View the full article