Libaax-Sankataabte

Moderator
  • Content Count

    4,182
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Libaax-Sankataabte

  1. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta tagay magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti. Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Djibouti ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayo qaar kamid ah dadlalka gobolka ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si uu taageero uga hello dagaal ay dowladdu qorsheyneyso inay kaga jawaabto weerarkii Muqdisho ee ay dadka badan ku dhinteen. Horey madaxweynaha wuxuu u soo maray Uganda iyo Ethiopia. Hadaba Safarka Madaxweynaha ee dalalka gobolka ee markii horeba ay ciidamo ka joogeen Soomaaliya muxuu ku soo kordhin karaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Maxaase ka duwan doorkoodii hore oo ay dalalkan ka qaadan karaan la dagaalanka Al-Shaabab.? Su’aalahaa iyo kuwo kale ayuu wariyeheenna Maxamed Cabdi Xassan Weydiiyay, Professor Cabwahaab Cabdi Samad oo ka faallooda arrimaha gobolka. Khadka taleefanka ee Nairobi ayuu kula xiriiray. View the full article
  2. Soomaaliya ma laheyn Bangiga “Kayd-ka Dhiiga” taniyo burburkii waddanka, waxaana dadka ay fikrado khaldan ka haysteen qaarkood inay ku deeqaan dhiigooda, gaar ahaana xiliyo adag oo qaraxyo iyo dhibaatoyin xoogan ay jireen. View the full article
  3. Taliyayaasha milatariga ee AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka shiray qorshayaasha milatari ee la sheegay inay socdaan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab. View the full article
  4. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqanaya qaar ka mid ah waddamada gobolka toban maalmood kadib qaraxii Zoobe ee Muqdisho. View the full article
  5. Iyadoo maanta ay ahayd maalintii saddexaad ee Ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland, ayaa taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay isu soo baxyo ka sameeyeen magaalooyinka. Masuuliyiinta xisbigaas u sarraysa ayaa goobo fagaarayaal ah kala hadlay meelo kala duwan oo magaalooyinka ah. Geesta kale, guddida doorashada ayaa soo saaray amarro cusub oo ku aaddan ololaha doorashada, waxaanay wax ka-beddel ku sameeyeen jadwalka ololaha. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa. View the full article
  6. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waa weyn ee lagu xusuusan karo masiibadii dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ah sida ay bahda caafimaadka Soomaalidu uga jawaabeen iyo gurmadkii ay bixiyeen haddii ay yihiin adeegyada ambalaasyada iyo dhakhaatiirta. Dr. Maxamed Yuusuf waa agaasimaha cisbitaalka Medina, waxa uu idaacadda VOA u sheegay in qaar badan oo ka mid aha dhakhaatiirta wax badbaadiyey ay yihiin kuwii kasoo qalin jebiyey jaamacadaha waddanka. Haaruun Macruuf ayuu u warramay. Ugu horraynna waxa uu ka hadlayaa tirada dhakhaatiirta soo qalin jebisay ee hawlgasha. View the full article
  7. Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisan ee dalkaasi Uganda uu imanayaa maalin kadib markii uu cidamada u sheegay inay dawladdu dagaal qaadayso. View the full article
  8. Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada Daniga oo u dhaxysa Magaalooyinka Balcad iyo Afgooye, iyada oo dadkii qaraxa ku dhintay ay saarnaayeen baabuur BL ah. View the full article
  9. Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha gobolka Nugal. View the full article
  10. Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka, waxa toddobaadkan soo diyaariyay Ridwaan Xaaji Cabdiwali. View the full article
  11. Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington oo toddobaadkan xiiso gaar ah leh. Sahra Ciidle Nuur, ayaa soo jeedineysa. View the full article
  12. Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo aan markan diiradda ku saari doonno mashaqadii ka dhacdey Muqdisho 14-kii October, iyo sidoo kale doorashada Kenya. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa soo jeedinaya. View the full article
  13. Somaliland, waxaa xalay ay dood dhinacyo badan taabanaysaa ku dhex martay magaalada Hargeysa saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxtooyada oo ay innaga xigto muddo saddex toddobaad ah. View the full article
  14. Magaalada Muqdisho waxaa 14-kii bishan October ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee magaalada ka dhaca, kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 300 oo qof, islamarkaana boqolaal kale ay ku dhaawacmeen. Barnaamijka faaqidaadda waxaan ku eegeynaa dhibaatooyinkii ka dhashay qaraxaas. Waxaana soo jeedinaya Haaruun Macruuf. View the full article
  15. Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay in wixi ka danbeeya sabtida birrito ah uu dalka geli doono xaalad dagaal. View the full article
  16. Dadka ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdishu ee daaweynta loo geeyey dalka Suudaan ayaa sheegaya inaysan saacado badan helin daryeelkii caafimaad ee loo baahnaa kadib markii lagu daadiyey goob cisbitaal ah oo aan ku habboonayn baahidooda. View the full article
  17. Oodka, Farmaajo neither has the resources nor the experience to solve the Somaliland question, therefore, we will have another 5 years of status quo.
  18. @cadnaan1 said: in the history of somali election no president has won twice. i think hasan sheekh knew his days were numbered, I Agree. Farmaajo was the compromise candidate backed by everyone who was against Hassan coming back. The same thing happened to Shariif in the last election. The Somali people hope for a new beginning this time. We say the same thing at every election, but nothing changes.
  19. We always forget that Ethiopia has permanent military bases inside Somalia.
  20. Allahu u naxariisto maatada dhimatay. Abdi Ileey is a coward and a greedy puppet for massacring women and children over truck accident. The puppet is very loyal to the Tigre commanders in the region and that is why he believes he has the mandate to kill. Justice will find him, Inshaallah.
  21. And Abdiweli is enjoying a tour of Minneapolis landmarks while this goes on. Terrible optics. UPDATE: A different group claiming to be ISIS followers is now in control of another coastal town close to Eyl. .... Garowe(Puntland Today) Wararka aan hadda ka helayno deegaanka Garmaal oo qiyaastii 80-KM dhanka bari kaga beegan degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in dagaal yahandii saaka la wareegay mamulka deegaankaasi ay ku dhawaaqeen inay ka tirsan yihiin ururka Daacish ee ka dagaalama Dalalka Suuriya iyo Ciraaq . Goob-jooge ku sugan Deegaanka Garmaal oo ka tirsan degmada Dongorayo ayaa Puntland Today u sheegay in 180-dagaal yahan oo hubaysan ay maanta ku qadeeyeen banaanka magalada iyagoona saddex qaybood isku kala saaray, waxay la kulmeen odayaasha deegaanka iyagoona ku war galiyay inay u socdaan fidinta diinta balsa aysan wax dhibaato ah dadka iyo deegaanka dhibaatayn doonin. Marka laga tago amarka kooxdan sheegatay inay Daacish ka tirsan yihiin waxaa jira warar kale oo sheegaya inay qorshaynayaan inay caawa u guureeyaan degmada Eyl ee Gobalka Nugaal, taasoo haddii ay u suurta gasho xaalada deegaanka ay sii adkaan doonto. Deegaanka Garmaal ayaa ah marsada labaad ee Gobalka Nugaal, kooxdani waxay sidoo kale doonayaan sida warar madax banaan sheegayso inay dhulka xeebaha isku balaariyaan. Dhanka kale wararka laga helayo deegaanka Garacad ee Degmada Jariiban ayaa tilmaamaya in kooxdii xalay halkaa qab-saday ay dib ugu soo laabteen maanta, waxayna meel u jirta deegaanka 15-KM ku qasheen xoolo ay dadka deegaanka ka kaxaysteen, Qoysaska ku nool ayaa cabasho xooggan ka muujinaya dhaq-dhaqaaqa dagaal yahanada kooxdan. Degmada Jariiban waxaa soo gaaray ciidan ay hoggaaminayaan taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland iyo taliyaha ciidanka Birmadka Gobalka Mudug. Lama yaqaan ilaa iyo hadda tilaabada ciidan ee ay Puntland qaadayso, balse wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyadda ayaa sheegay inay yihiin kooxda weerarka soo qaaday kuwa ka tirsan Al-Shabab lagana soo abaabulay Koonfurta Soomaaliya, wuxuu sidoo kalehadalkiisa ku cadeeyay inay dowladda dhexe lugta kula jirto arrintan. Puntland Today
  22. @gooni said: Maro cagaaran oo dadkii lahaa ka quusteen walaalkaa ku dil habaar ma dhaafo. :D
  23. This is a very disturbing news. Alshabab isn't able to defend Garacad, so is this a suicide mission? Was this convoy heading to Galgala mountains and they go sidetracked? There are many unanswered questions.
  24. Polling Average in Iowa before the voting Donald Trump 30.7% Ted Cruz 23.8% Marco Rubio 17.4% Ben Carson 7.7% Jeb Bush 3.9% Rand Paul 3.9% John Kasich 2.6% Mike Huckabee 3.1% Chris Christie 2.3% Carly Fiorina 2.1% Rick Santorum 1.2% Jim Gilmore N/A