
Paragon
Nomads-
Content Count
8,464 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Paragon
-
Originally posted by Libaax-Sankataabte: Dhulkayaga bilicsanaa. Siday cadcaadiyo harka u kala shabahanyihiin ayaaba lama ilaawaan ah. Hoos-galbeedka ay nimanka maqaaxida gidaarkeeda dugaashayaan alla muuq macaanaayeey. Yaa halkaa galab wacan ku 'barjeeya' .
-
^^I bet you were subscribed to his tabloid site, weren't you? Popular, yes he was in some quaters. I must admit I visited occasionally, in the name of satire. For you it might have been for another reason, eh?
-
Not a new trade, really. Both entities have done so before and would do so again to please Ethiopia. Shame, really.
-
Lol. Like the big shot he is. Congratulations. Sincerely. I mean it.
-
Fahiye: Let me be bold about this! The crux of the issue gents and ladies is that many who wants to marry someone of “high calibre” is someone who is not happy with the way they have been brought up. I know this sounds radical, but consider the following. Most of the family units (Somalis) either both parents didn’t have the Tertiary education (arguably many parents in the west didn’t even had the benefit of secondary education) as such the life these young bright driven ladies don’t want to create a home in which one of the principals shares something of commonality with their parents--- this might not be apparent to them, but it is arguable that it is psychological thing. Erm, not entirely true actually. My grandfather was a scholar and I still seek 'high calibre' women (not girls) in the interest of intellectual amusement . PS: Would be lucky if I get to like what a well-rounded woman has to say when on tiffin. Might decide to marry her. (the word 'Marry' sounds so dirty)
-
^^Are you sure about that? I 'spose you are right. Now that there are some scores to settle, it wouldn't be surprising if the next step is war. How I shudder at the thought of war.
-
^^ Guulwadow Siyaad Aabihii garashada...
-
...iyadoo ku fiirsigi xaq darada badan u ku hayay Reer maakhir aan cidina ka hadlin,(Aamusku waa nooc ka mid ah yeelitaan) Dabshid, ku fiirsiga mar ay xaajo talax tagtey ayaa la eedaa.
-
^^Sax. Let us hope this matter is solved peacefully.
-
^^Waan kugu raacsanahay Emperor. Shiddada in la sii huriyo uma baahna. Waxay u baahan tahay in siyaale kale wax lagu xalliyo. Nimankan la haysto ee sheekadu ka soo bilaabatey, sidii sidayn lahaa in ay Odayaasha ka shaqeeyaan ayey maslaxadu ku jirtaa wallee. Rabshada reer Boosaaso ama reer Puntland oo dhan ma wadaane waxaa wada Cade Muse. Waxaana haboon in isaga sidii dadka looga badbaadin lahaa lagu dadaalo waa hadii xal waara la doonayo.
-
Boosaaso Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Ayaa Hadan Qarka Usaaran In Dagaal Culus uu Kadhoco Bosaaso(Badhanonline.com)Wararka naga soogaaraaya magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa sheegaaya in halkaas ay ilaa shalay ka aloos naydi xaalad aan waxa xasilooni ah salka ku lahayni kadib marka ninka mamulka puntland usareeya ee cade muuse uu armar kubixiyey in willal gurigooda hurda b10 lagu garaaco arint ayaa dadka ku noqotay mid aan caadi ahayni oo sharciyada mamulada kaweyni laguna macneeyey arin aarsasho ah arinta magaalada boosaaso ayaa waxa ay umuuqataa mid faraha kabexeysa kadib markii in kabadan 2 maamlmood ciidan beeleedyo wax iska caabinta wada lagu hurgoogey magaalada laag waxana wararkii ugudameyey ay hadan sheegayaan in xaaladu ay udhowday dagaal culus oo boosaaso kabilowda magaalada boosaaso kadib markii odayaal dhaqmeedka beesha dubaysi ee warsangeli ay ku gacan sayreen kuwa kale ee majeeteen waxana arintan lacadeyey in uu masuulka usareeya yahay madaxweynaha puntland Gen maxammuud muuse xirsi sida uu noo xaqiijiyey mid ka mid ah odayaal dhaqamedka degaankaas oo usagu kagaab saday in magiciisa lashaaciyo waxa uuna intaas kudaray in ku rajo weyni yahay in magaalada boosaaso ay saacadaha soosocda ay gacanta ugelidoonta ciidamada beesha dubaysi oo haatan lagu horjoogo meel aan magaalada kadheeraan waa sida uu hadalka uyiriye wararka hadan kusoo dhacaya warqabadka shabkada warbaahinta ee badhanonline.com ayaa tibaaxaaya in uu dhaqdhaqaaq xoogani kajiro magaalada boosaaso kaas oo aan ilaa iyo hadan lacadeyni waxa uu salka kuhayo balse lasheegay in ay diyaar garow xoogan galeen ciisamo beeleedyada puntland oo iyagu halkaas indhoweydi foodada kawadey waxa wararku intaas kudarayaan in ciidamo beeleedyada puntland ay hadan magaalada dhexdeeda si laga dereemaayo diyaar garow iyo argagax kuyimi oo ay magaalada dhexdeeda marnarayaan. War wixii intaa dheer kala soco wararkeena dame ee Badhanonline.com updated on 20-10-07
-
^^Castro, horta good to see you again sxb. Marka labaad, waa runtaa. One reaps that which he sows. Balse I am hoping Cade would get deposed peacefully. No need for more bloodshed. I think his support for the Amxaaro and his corruption have caught up with them at last.
-
Banaanbaxyo rabshada wata oo hareeyey Magaalada Laascaano maanta(Daawo sawirada) Posted to the Web Oct 20, 18:05 Laascaano:-Waxaa saaka mar kale dib uga qarxay Xarunta gobolka Sool ee Laascaanood Mudaharaad xooggan kaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne fara badan ku dhaqan Magaalada Laascaano iyadoo ay mudaharaadkaan ay soo abaabuleen dhalinyaro aad u caraysan oo jidgooyooyin ka sameeyey wadooyinka Magaalada. Dadka mudaharaadayey ayaa waxaa ay ka soo horjeedaan Maamul Beeleed ka soo jeeda gobolka Sool iyo Ciidanka Soomaaliland oo hadda gacanta ku haya magaalada Laascaano. Banaanbaxayaasha ayaa socod ku maray Wadooyinka Magaalada iyagoo sida la sheegay weerar ay dhagaxaan u adeegsadeen ku qaaday Xarumo ay ka mid yihiin Saldhiga Booliska, Xarumaha Xawaaladaha iyo goobaha ganacsiga ee furnaa. Banaanbaxayaasha ayaa socodkooda ka soo bilaabay Hotel ay deganaayeen Xuseen Taarwale iyo Cali Sandule oo ka mid ah Masuuliyiin u dhashay Gobolka Sool kana tirsan Maamulka Soomaaliland ee hadda gacanta ku haya Magaalada Laascaanood. Dadweynaha qaar ayaa ka baxay magaalada iyadoo dadka badankiisa uu aaday Magaalada Buuhoodle iyo dhinac Garoowe walow dadka ka qaxay magaalada Laascaano ay dulsaar ay ku yihiin eheladooda ku sugan howdka & dhamaan Magaalooyinka kan tirsan Gobolka Sool. wixii war ah ee soo kodha kala soco warsidaha Halgan.net NB: Isha sawirda Jidbaale Halgan.net Maryan C/llahi Garoowe
-
War deg dega: Wadada Laamiga ah ee isku xirta Magaalada Bosaso iyo Al xamdulilah oo Maanta Duhurkii la joojiyey Gawaaridii isagakala gooshi jirtey Wadadaasi Bosaaso:-Wada dheer ee isku xirta Maagaalada Bosaso ayaa waxaa isa soo dhoobay Ciidamo ku hubaysan Hubka Noocyadiisa kula duwan ku waasi oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag waxaana ay Ciidankaasi Maanta Bandow lixaadle ku soo rogeen Gadiidka Xamuulka Qaada ee ka baxa Magaalada Bosaso waxaana ay xakamayn ka sareen safarkoodii ay ugu baxayeen Gobolada kale. Ciidankan ayaa waxaa uu fariisino ka dhigtay Tuulada Laag oo ku dhawaad 30 km u jirta magaalada Bosaso iyo Magaalada Ceeldoofaar waxaana ay ciidankaasi ku hubaysan yihiin hub aad u culus oo noocyadiisa kala duwan Ciidankana oo ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa waxaa ay iminka kusugan yihiin inta u dhexaysa Kontoroolka Carmooyin iyo Alxamdulilah duleedkeeda halka lugu magcaabo kala dhacda ilaa iyo laag oo ah wejiga 1aad ee laga soo galao Magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari. Ciidanka Maamulka Puntland oo ku hubaysan 4 gaari oo cabdi bileyaala ayaa galabta Dib uga soo Noqday Ciidankaasi ka dib markii ay arkeen awooda uu leeyahay ciidankaasi iyagoo dib uga soo noqday. Ciidankan ayaa waxaa ay amar ku bixiyeen in Maamulka Puntland uu mudo 24sacadood gudeheeda ku sii daayo dadka guryohooda lugu soo weeraray ee sharcidarada lugu haysta hadii kale talaabada ku haboon ay ka qaadayaan iyagoo gebi ahaanba diidey inay wax waan waan ah la galaan Ciidanka Puntland, Dhinaca kale waxa ka jira Gudaha Magaalada Bosaso gawaari si aan caadi ahayn u raran oo dib ula soo Noqday rarkoodii ka dib markii ciidankaasi ay bondow iyo xaalad degdega ay ku soo rageen wada Gadiid ku mare ee laamiga ah. Magaalada Bosaso ee xarunta G/Bari ayaa Caawa xaaladeedu cirka isku shareertay iyadoo cabsi wayn laga qabo cidiankaasi degay Tuulooyinka Laag iyo Ceeldoofaar. Maxamed Axmed ciise Geedi7@hotmail.com === Ciidamo aad tiro badan ayaa u soo ruqaansaday dhinaca magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Bosaaso:- Ciidamo aad u xoog badan oo ah Ciidamo ka amar qaada Maamulka Maakhir ee dhawaanahanba ku sugaan magaalooyinka Ceer-daahir iyo Laag ayaa waxay u soo ruqaan sadeen dhinaca Kaanta Rool magaalada Bosaaso,iyagoo waliba soo ceshay gaadiid badan oo Bosaaso ka boqoolay,kuwaas dib ugu soo laabtay magaalada Bosaaso. Ciidamadaas ayaa la sheegay inay wadaan Hub aad u Culus iyagoo hadheeyay dhamaan Jiida hore ee magaalooyinka Laag iyo Ceel-daahir, waxana ay wacad ku mareen inay weerar Buuxa ku soo qaadayaan magaalada Bosaaso,halkaas oo ah meesha ay Jeelasheeda Buux dhaafiyiin Dhalinyaro Warsangali oo aan waxaba Galabsan. Hor jooga yaasha Ciidamada Beesha warsangali ee ku sugan Jiid hore ayaa LaasqorayNet- u sheegay inay 24- Saac gudahoos ku soo galayaan Gudaha magaalada Bosaaso ee ay ka jiraan Gobood fala Dadka rayidka loo gaysanayo,waxayna intaas ku dareen in Malayshiyaadka Cade Muuse ay la galayaan Dagaal daba dheeraad oo ay in badan ka sheekeeyaan. War si duur xul ah u soo gaadhay LaasqorayNet- ayaa sheegay inay jiraan Ciidamo kale oo ku soo dhawaaday Jaanka kuwaas oo doonaya inay gacan buuxda ku qabtaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso. Waxaana jira warar lagu kalsoon yahay oo ka imanaya magaalada Ceerigaabo oo tibaaxaya in ciidamo hubeysani ay kasoo bexeen magaalada iyagoo soo marey magaalada Carmale ee iyana ku taala galbeedka Gobolka Sanaag oo ay ciidamo kale iska soo raacayaan. Badhan ayaa waxaa lagu diyaarshey ciidamo hor leh oo sugaya iney dhaqaaqaa, waxaana goor aanu la xiriirney magaalada Badhan naloo xaqiijiyey iney ciidamadaasi saanadoodii milateri u dhantahay. Dhanka magaalada Bosaaso ayaa waxa ka socda qax iyo barakac kuwaas oo dad badani ay ka qaxeen xaafadahoodii iyagoo walaac xoogan ka muujiyay dagaal ka qarxa gudaha magaalada Bosaaso, xaafada ah ugu badan ee laga qaxay ayaa waxa ka mida xaafada Raf iyo Raaxo ee laba maalmood ka hor uu dagaal ku dhex maray Dhalinyaro ee Beesha Cade Muuse. Wararka qaar ayaa sheegay inay Ciidamo ka soo baxeen Magaalada Garoowe ee xarunta u ah Maamulka Cade Muuse ku waas oo ku soo fooli halka ay ku sugan yihiin Ciidanka Maakhir. Isku soo duuboo xaalada ayaa u muuqta mid aad u cakiran iyadoo Maamulka Cade Muusena ku qanac san yahay inay Dagaal la galaan Beesha warsangali. LaasqorayNET
-
^^Lol. Yaad u duur-xulaysaa ninyow Jimcaale .
-
^^War waa kheyr, Mansa. It is the last thing that regions needs now. Enough problems in LaasCaano already.
-
War Deg Deg ah: Ciidanka booliiska Puntland oo madfac ilaa iyo hada ku garaacaya guri ka mid guryaha xaafada Boosaaso ee Laanta Hawada….. Ciidamada Puntland ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen dhalinyaro joogtey guri ka mid ah guryaha Xaafada Laanta hawada iyagoo markii laga adkaaday booliiskii ay doonteen madaafiicda waaweyn kuwaasoo ku garaacay guryihii halkaas ku yaalay. Dhalinyarada lagu garaacay madfaca ayaa waxay kasoo jeedaa deegaanka Dhahar ee gobolka Sanaag iyo magaalada Boosaaso asal ahaan, taasoo dhalisey in gurmad fara badan ilaa iyo haatan ay kusoo qul qulayaan magaalada gudeheeda oo ka yimid daafaha magaalada Boosaaso. Waxaa kaloo jira ciidamada gurmad ahaa oo kusocday magaalada Laascaano ee ka ambabaxay Sanaag in ay hada usoo weecdeen dhanka magaalada Boosaaso ayna soo gali doonaan magaalada gudaheeda mudada dhow... Arintaa ayaa ka dambeysay todobaad ka hor mar laba nin oo ka mid ah ragii Majiyahan difaacay lagu soo xirey xabsiga Boosaaso, taasoo uu hada wada hadal socday. Dhalinyarada ayaa waxay go’aansatey in aysan wax dagaal ah qaadin ay wada hadal kusoo dhameeyaan, maadaama hada uu dagaalo wadanka ka jiro kale. Hase yeeshee ciidanka Puntland ee haatan aan la garaneyn sababta ay dagaalka ugu qaadeen xaafadaaas ayaa dagaalka ilaa iyo hada wuxuu ka socdaa magaalada gudaheeda. Lasoco wixii ka soo kordho...kala socod DHahar Doesn't look good I tell you.
-
Xogta dhabta ah eed Dagaalka Boosaso ka dhacay maanta Dagaalka maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarutna goboka Bari ayaa waxa uu salka ku hayaa ka dib markii dhawaan ciidamada booliska Puntlanad ay qafaasheen dhalinyaro ganacsato ah oo uu dhashay degmada Dhahareed oo ay ku eedeeyen in ay teegeero dhaqaalo ku bixiyeen dagaakii Majiyahan . Sida ay noo sheegeen odoyaal iyo waxgarad reer Boosaasood ah waxaa maalmahan socday dedaal la isku dayayaye in dhacdadan lagu dhameeye si nabadgelyo ah iyo wadahal ah , haseyeeshee arintaa ayaa waxaa ka dhega adeygay maamulka Puntland oo iyagu ku adkaystey in dhalinyaradini yihiin argigixiso isla markaana loo gudbind doona dowlada Ethopia. Ciidamada sheeganay boolisk Puntland ayaa maanta gelinki danbe soo weeraray guri nin dhalinyaro oo magaciisa naloogu sheegey Yusuf. Sida dad goob joogayaal noo sheegeen waxaa guriga soo weeray ciidamo ay Cade Muuse isku hayb yihiin oo markaa ku qaraabanay magaca ciidanka booliska Puntland, warka waxa uu intaa ku daryaaa in milashiyada Cade ay Jiib iyo madaafiic culus la dhaceen guriga ka dib markii ay iska caabin weyn iyo khasaaro badan kala kulmiin dhalanyaro markaa ku sugnaa guriga ay maleeshiyda Cade soo weerartay. Dagaalkii oo weli socda awgeed, ilaa hada ma cade khasaaraha dhabta ah ee uu sababay dagaalkani. Dhanaca kalene Kornayl Mohamed Cali oo tirsan ciidamda daraawiishta ee Maakhir land oo la soo xiriiray warbaahinta dhahar ayaa noo sheegey in ciidamo ay diyaariyeen iin ay u diraan gobolka Sool oo ku sugnaa magaalada Dhahar ay hada u soo weeciyeen xagga Boosaaso si ay uga qayb qaataan dagaalka ka bilowday magaalada Boosaaso. Sarkaalka waxa kale oo uu waxba kama jiran ku ku tilmaamay warar saxaafada qaarkood ay faafiyeen kaas oo sheegayey in ruux ajnabi ah lagu haysto guriga la soo weeraray. Si kastaba ha ahaate dagaaka maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa hadii uu sii socdo dhabarjab weyn ku noqonaya maamulka Puntland oo maalmihii loo soo dhaagay looga roonaaday magaalada laascaanood. Dhahar.com
-
^You want reer LaasCaano in ay Tooreey iska soo gooyaan to confront a tank? They can protect their city, but they need the weapons the tax collected from them was meant to buy sxb. They need that money to confront their opponents. What happened to 'we are the state of Puntland'?
-
LaasCanood: A decleration of war and nothing less should do
Paragon replied to General Duke's topic in Politics
^^Can't agree more with you on that, Xiin. Gullible indeed.