Gediid

Nomads
  • Content Count

    1,854
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Gediid


  1. Originally posted by marcassmith:

    i am a tory for two reasons:

     

    I believe in the power of the individual. the conservative party believe that the state shouldnt give handouts to lazy individual but should give the individual as much freedom to exercise and realise their aspirations.

     

    A new Ayan Hersi in the making...


  2. If you make your name prosecuting powerful men with loose zippers then you make sure you wear one made out of titanium...

    Spitzer unfortunately reminds me of ninkii faruurnaa who went to seek tuumaasho from a lady of the street.When all was said and done ayey gabadhi tiri baal somalida eeg rag sooman ayaan u raaxeeya and they call me dh!ilo markaas ayuu tuur yiri aniga nafteeyda ee fanaaxdan yar leh ayey iigu yeedhaan faruur and the lady said saaxiib waxaas aan arkaa waa faruur and he responded oo manaa hadaa ceel qodaayey.....


  3. This thread reminds me of Somalis saying P Diddy waa Somali.....Did you guys ever hear the one where Obama was from Baardheere,according to some highly placed sources in Columbus,OH Obama is really ina Osman a well known family in Baardheere.His first name is Baruud.His granpa was married to ina Kooshin another prominent member of the clan who was from Cabudwaq(sp)


  4. Maansadan waxa allifay Maxamed Xirsi Guuleed, waxayna soo baxday 2008-03-02. Waxa ay ka warbixinaysaa sida uu yahay dhaqanka u dhexeeya saraakiisha ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo jaalleyaashooda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliyeed. Waxay curatay markii la faafiyey dharbaaxadii quudheed ee ka dhacday Villa Soomaalia, Muqdisho. Kama madhna taariikh iyo saadaasha sida uu xaalku ku dhammaan karo. Wuxu yidhi:

     

    Gabre iyo Gumaysane

    Iyo beri gadood dhacay

    Gabay inan ka tiriyaa

    Geeraar ka mariyaa

    Way ila gudboontee

    Waxan soo gudbinayaa

    Murti layla garan karo

    Warar laysu soo guray

    Iyo guud mar waayeel

     

    Wax la yidhi Gumaysane

    Gabannimo yaraantii

    Gob ayuu ahaan jiray

    Geelbuu lahaan jiray

    Gaawuu sidsidan jiray

    Ha yeeshee gadaalbaa

    Cudur aan la garanayn

    Dhiiggiisa galayoo

    Guudka sare ka soo baxay

    Isna wuxu guddoonsaday

    Dadka gebi ahaantood

    Guri guri dhammaantood

    In bukaanku wada galo

    Xeeshaase lagu garay

    Gacal iyo shisheeyaba

    Dadkii gees ka wada mare

    Goobtuu yimaaddaba

    Gujo laysku fahansii

    Sanka gacanta lala boob

    Guclo orodna lagu dhaaf

     

    Dabadeed galiilyada

    Cuqdad gaadhay xididdada

    Waxa uu go´aansaday

    Inuu geeshku baaba´o

    Guunyada la cidhibtiro

    Godob laysu wada dilo

    ilaa cudurkan gaamuray

    Dadku kaga gataan lacag

    Guul iyo xil loo qiro

    Garbo shaashle lagu tolo

    Gondihiisa lagu shiro

    Gadhwadeenna laga dhigo

     

    Guntay oo is xayd xayd

    Sidii neef la gawracay

    Hadba geedo sii jiidh

    Hadba gebi ka sii duul

    U gal aakhirkii cadow

    Guluf soo abaabule

    Hadba guuto soo dire

    Ku hungoowyey dhawr goor

    Mar ay talo gabaabsiday

    Wiil Goondhar lagu dhalay

    Gabre looga magac dhigay

    Gosha bidix ku soo qaad

    Garab iyo u noqoy xoog

     

    Gabre waa habaarqabe

    Dadka Goondhar joogaa

    GURRAC! bay yidhaadaan

    Gobolkuu degaabay

    geeridu hadhaysaa

    Guriguu yimaaddeey

    Gaajadu u hoyataa

    Inta cudurro gooniya

    Guudkiisa lagu wadhay

    Tiro laguma garan karo

     

    Kuye waar Gumaysane:

    Aan kuu gargaaroo

    Dilka aynu guullee

    Godobtaada ii sheeg?

    Inta ay ku gadanteed

    Ku gam´ayso ii sheeg?

     

    Wuxu yidhi Gumaysane:

    Gabre gacan macaanoow

    Galti awliyaadoow

    Marka hore gargaarsiga

    In Giyoorgis lagu daro

    Gaalada buruudka leh

    Gurmadkeenna loo waco

    Baaderiga gaadhsii

     

    Marka xiga garaadoow

    Gabannimo yaraantii

    Markaan geela hayn jiray

    Nin i gawdhiyoo beri

    Gego igu legdaa jiray

    Waa in aan ka goostaa

    Qudhna uuma garan karo

    Ha gubteene idilkood

    Ku garaac madaafiic

     

    Dhanka kale guyaal hore

    Markuu cudurkan gaamuray

    Sidaad aragto ii galay

    Iimay gargaarine

    Way igu giriifeen

    Cidlay igaga guureen

    Anna waxan go´aansaday

    Taa inan ka gooyaa

    Gondahayga keenaa

    Lay wada garaabaa

     

    Gabre sheekadaa dheer

    Gocashadaa raqiiska ah

    GARTAY! kaga jawaab celi

    Gacantana u soo tag

    Duqan gees ku ciirka ah

    Ballan inu la sii galo

     

    Kuye waar Gumaysane:

    Waan kuu gurmanayaa

    adna awrka gaadiid

    een ku guuro maad noqon?

    Ciilka igu gaamuray

    Markaan taada garab dhigay

    Godobtaadu waa sahal

    Haddday taadu gelin tahay

    Taayadu geyood ma leh

    Nimay Gurey lahaayeen

    Mar uu beeshayada galay

    Wuxu geystay waa hore

    In aan goosto mooyee

    Guul kuma xisaabtamo

    Geeridaada dabadeed

    Gulufkaygu wuu socon

     

    Sidaa laysku gacan qaad

    La gal duul warmooge ah

    Gobol nabada weerare

    kumannaan qof gawrece

    Galacleeyey dhiiggii

    Guryihii qurxoonaa

    Laga yeel gabaahiir

    Gurte duunyadii tiil

    Shabackina gumaysiga

    Geeri bay ka doorteen

    Go´aankii dullaysiga

    U daruure gaashaan

    Gabre iyo Gumaysane

    Goolkoodi dhalan waa

    Afartooda geesood

    Kaga ciye gantaalladu

    Fahme inay go´doomeen

    Guuldarro iyo caadkeed

    Iyagii is gooddiye

    Gefaf laysku eedee

    Gacan qaad la soo sheeg

     

    Goolaaftan dirireed

    Galab laysu soo baxay

    Dad gumaysi diid ihi

    maalin ay gadoodeen

    wuxu yidhi Gumaysane

    Gabroow geesigiiyoow

    Geestaa waxa dega

    Niman gacallayaalee

    Garab aan ka dhigannee

    Ka yaree gantaalada!

     

    Gabre cadho is girangiri

    Ku gadood af shaydaan

    Gacantiisa kor u qaad

    Ku bilow Gumaysane

    Ku gaggabi dhirbaaxada

    Isagina galgalashada

    Gabbashiyo gargaar dalab

    Gacmihiisa taag taag

    Gasariir ku yidhi heeeeeee

    Gabroow waan ka tegayaa

    Gefkaan falay muxuu yahay?

     

    Kuye inan gumeedyahow

    Soomaali gibil-madow

    Yaa kala gur kugu yidhi

    Giddigiin qushaashaa

    Midna gacal ma noqon karo

    Adiguna garaad xume

    Gaadiid-qaadkay baad tahay

     

    Gabre maaha kii hee

    Is gamaarintii daa

    Galka seef ka soo sar

    Geddii lagu aqoon jiray

    Gole loo dhanyahay keen

    Wuxu yidhi go´aan culus

    Magal YAA Gumaysane!:

    Askartayda gaarka ah

    Wixii gaadha qoomaal

    Kuwa gaarka kuu aa

    Laga goynayaa qabo

     

    Waxan kaloo go´aansaday:

    Gabdhihiina quruxda leh

    Oo wada gashaantiya

    Goortaan u baahdaba

    Gelbis inaad ku keentaan

     

    Wuxu yidhi Gumaysane:

    Gabre geesigiiyoow

    Askartaada gaarka ah

    Cidda looga aar gudo

    Marna kama gilgilan karo

    Go´aankaasi hadal ma leh

    Dhanka kale gabdhahayaga

    Guurdoon haddaad tahay

    Waa wada gayaankaa

    Aw cali-gadhoosiyo

    Sheekh Aadan good baa

    Meher kuugu gawsiin

     

    Gabre cadho is girangiri

    Ku gadood af shaydaan

    Gacantiisa kor u qaad

    Ku bilow Gumaysane

    Ku gaggabi dhirbaaxada

    Suxulkana ku gaw sii

    Isagina galgalashada

    Gabbashiyo gargaar dalab

    Gacmihiisa taag taag

    Gasariir ku yidhi heeeeeee

    Gabroow waan ka tegayaa

    Gefkaan falay muxuu yahay?

     

    Kuye waar Gumaysane

    Nin garaad xunbaad tee

    Gaabsibaan u baahnee

    Guurkiina yaa raba?

    Maydinkaa geyaanba ah

     

    Isagoo Gumaysane

    Iska dhigaya guulwade

    Gabre raalli gelin kara

    Gudan kara xilka u qoran

    Wuxu yidhi garaad-xume;

    Gabre ina Zenaawoow

    Geesigaannu xididnoow

    Gallad Eebbe weeyee

    Gabadheheenna sharaftale

    Anaa soo gudbinayee

    Gelbintooda dabadeed

    Gabannaday inoo dhali

    Gabre maw bixbixinnaa?

     

    Gabre cadho is girangiri

    Ku gadood af shaydaan

    Ku garaacyey feedh-jilib

    Gacantiisa kor u qaad

    Ku bilow Gumaysane

    Ku gaggabi dhirbaaxada

    Isagina galgalashada

    Gabbashiyo gargaar dalab

    Gacmihiisa taag taag

    Gasariir ku yidhi heeeeeee

    Gabroow waan ka tegayaa

    Gefkaan falay muxuu yahay?

     

    Kuye waar Gumaysane

    Goxoshyahow habowsani

    Garacyada sideebaa

    Gabre loogu bixiyaa?????

     

    Kuye hadal go´aanlee

    Gabre geesigiiyoow

    Galabtaad aroostee

    Gasho macatabkaagii

     

    Waxaas oo gef lagu falay

    Kuma duxin Gumaysane

    Ma garwaaqsan xaajadu

    Inay soo gurracantahay

    Hadba gabadh yar doon doon

    Hadba gaari raadcee

    Hadba guuto dhan u dalab

    Garbaduub mid lagu wado

    inay golaha keenaan

    balse guul lamay hoyan

    Gabadh dhoorle xiitaa

    Laga waayey gobolkii

    Giddigood jihaadkay

    Geesta uuga biireen

    Guubaabadooday

    Geesiyadu ku dirireen

    Shicibkana gadoodkii

    Hadba goosan sii biir

    Gurmadkoodi soo baday

    Gulufkoodi weynaa

     

    Isagoo Gumaysane

    Gacma madhan la yuurura

    Oy geeso tubanyiin

    Gaaraayucuuntii

    Gefka kala shaqayn jiray

    Gabre yimi abbaartii

    Gaafkiisa laga waday

    Gebgeb iyo mashxaradiyo

    Gelbinbuu filaayee

    Afka juuqda gabay arag

    Iyo geeri muuqeed

     

    Kuye aawey gooshii

    Aad ii gelbinayseen?

     

    La ye garanba maynee

    Bal weydii Gumaysane

     

    Isaguna Gumaysane

    Gargariir ku yidhi hee

    Gobolkeena oo idil

    Laga waa gashaantimo

     

    Waaryaa gumaysane

    Dadkii kaleba garannee

    Gabadhaadi aawey?

    Gabre ugu jawaab celi

     

    Meel aan la gaadhayn

    Iyo gobol shisheeye ah

    Ayey guudka fidhaysaa

    Gurxan hoose ugu sheeg

     

    Gabre taasna liqi waa

    Ma garaysan hadalkaa

    Gogol badinse ugu celi:

    Waaryaa gumaysane

    Kuwan geesta kaa tuban

    Gabdhohoodi aawey?

     

    Intuu yara gunuunucay

    Wuxu yidhi gumaysane:

    Waddamada galbeedkay

    Geysteen dhashoodo

    Kama gaadhi karayaan

    Inay galabta keenaan

     

    Kuye maqal Gumaysane

    Dhaxaad gidhiishiyo

    Been iga gadaysee

    Usgagbaa I gubayoo

    Gama´ jiifsan maayee

    Haddii aan lahayn gabadh

    Adba aan ku guursado!!

     

    Haddeer fahan gumaysane

    In aan guul dambayso

    Gabre laga filaa jirin

    Naxdin labada geesood

    Gasariir u daymoo

    Arki waa il gacaloo

    Ka gilgilata ceebtaa

    Dhidid le´eg galaasyada

    Guudkiisa sida roob

    Gabax uuga soo yidhi

    Ilmo gobo´le lagu arag

    Gocay boqol xasuusood

    Iyo wuxu gef soo falay

    Gaarkii isula hadal

    Alla geeri, waa hore

    Godka maan u jiifsado

    Alla yaa I gawraca

    Muu gurigan baas dumo

    Dhulku aniga ila go´o

     

    Isagoo halkii gegan

    Gabre weedhi ugu celi

    Guntigiina soo furay

    Gogoshiina loo fidi

     

    Hayeeshee GIG lagu toos

    Goortaa tilmaanta leh

    Waxa dhacay gariir culus

    Madfac gawle baa baxay

    Guushii Allaa timi

    Shicibkii gadoodaa

    Soo dhaafay gaadhkii

    Waxa laysla soo galay

    goobtii xilka lahayd

     

    Goblan tala adduunyooy

    Waa kaa Gumaysane

    Ku galbaday nasiib xumo

    Waa kaa godkii galay

    Nin gumayste raacaa

    Gaarka u lahaan jiray

     

    Maxamed Xirsi Guuleed

    abdibashir@hotmail.com

    2008-03-02


  5. Skinny Farax once swore muscle men though big in size lack size where it matters most.His argument was based on something he reffered to as "cabudhin or caburin"...whatever that means


  6. I doubt if Obama will turn that down but I think the question he or anyone thinking of becoming part of a Hilary presidency will have is how much influence Bill will have in her presidency.Its really hard to think of Hilary running the show by herself without Bill stepping in but either way the democrats have to avoid a protracted primary that will potentially harm their chances of uniting their party in time for the November elections.....


  7. ^^^In light of the Obama loses I think its in the best interest of both Obama and Clinton to negotiate and forge some sort of an understanding.This is in the interest of the democratic party.I personally think a Clinton/Obama ticket can easily get back the white house and if you take Obama's age into perspective 8 years down the road he will be 51, a ripe age for the presidency and no talk of inexperience.


  8. FB

    I have been to Kenya twice and both times I was in the Westlands, Parklands and Hurlingham areas and I doubt if those areas even had matatus... icon_razz.gif and if they did I dont remember them

    As far as Run DMC go they are the granpas of rap and odeyaasha of yesteryears only remember them.

     

    Mase wasnt he P Diddy's sidekick only to become a priest.


  9. ^^^UCID in full force are currently touring the USA,I hear they will be in Columbus Ohio this coming saturday.The group is made up of the following people...Faisal Ali Waraabe,Abdillahi Cirro the speaker of the parliament,Nasir Ali Shire,MP and a few other UCID members....


  10. How about Kool Moe Dee,LL Cool J and anyone remember Kris Kros....

     

    Jump Jump

     

    The Mac Dad will make you Jump Jump

     

    The Daddy Mac will make you Jump Jump

     

    Kris Kross will make you Jump Jump

     

    uh huh uh huh

     

    Jump Jump

     

    The Mac Dad will make you Jump Jump

     

    The Daddy Mac will make you Jump Jump

     

    Kris Kross will make you Jump Jump


  11. Loved the show......One of the best on HBO.I blv it was the 1st or 2nd season when the real Frank Lucas the one from American Gangsta plays a priest/counsellor rite.... smile.gif


  12. Ayoub

    LOOOOOOOOL

     

    KK

    Dont worry you got me.haddi sheekadu toodha toodha gaarto anaa ku jooga.Kaas haddi Jano lagu geli sida Punajabi Gio Armani marsan aan ugu hadlaa....

     

    As far as the story goes Ayoub ayaa dhameeyey.Yey should not have been anywhere near where the Generals slap eey ka soo gaadhi laheyd waa of course hadey dhacdey...


  13. ^^^^^ :D

     

    Sheekhu intu is yiri wax sheeg ayuu wax xun sheegey.Sheekada haddu sidaa ku deyn lahaa ee marki isagu meesha isa soo dhigey ayaan idhi han weynaa odeygu.Wuxuu yiri Omer anigaba teyda bal eega oo 5th floor apartment iyo 5 miles iyo 5 dhikil baan leeyahay iyo weliba sankiinta age 5 baa leygu saarey :D ayaan anigu ka hadhey sheekaada ..... :D


  14. ^^^^Waar Baashi back in the day a lot of young nubile xabaashi sisters have been known to fall(normally dhabar dhabar) for my awesome skills in the Amharic language or so I thought till I was told falling dhabar dhabar is very much the norm among sexy xaabashi girls.Imika se I can conduct a decent conversation with a mute Ethiopian if given the chance.....


  15. I like this part the most...

     

    The current President was elected for 5 years as Vice President and 5 years as a President. He worked in 5 different professions; as an intelligent officer; a Diplomat; a Governor, a Vice President and finally as a President. He has 5 children too. Both his name; and his grand father’s name are composed of 5 letters; very interesting revelation. Many people belief that the President is lucky, may be because he has a number of 5ves in his belt… the magic number. I don’t know whether the two leaders of the two other parties have 5ves in their lives or as much 5ves as he has. But there is a probability that the current President with a number of 5ves in his life will have a better chance of winning the forth coming election for another 5-year term solely predicted on the magic number. It looks as though things are shaping in that direction these days.

     

    Alaa aduunka maxaaa jira mid cilmigu meeshaa caqliga ku dhici lahaa ayuu meel xun kaga dhacey....