Major-General Cawad

Nomad
  • Content Count

    261
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Major-General Cawad

  1. Good for you Brother!! But can we quit Somalis politics. I don't think so because our whole cultrue is around politics. Ever went to a soomaali restaurant what are they talking about past things like the civil war, things that happened before the civil war and things which are happening at the present like the new governmetn etc, We're altogther a bunch of big loosers who have nothing else in their life than to be sad individuials. I told myslef many times to quit politics but I can't because the environment is too tempting. I saw a bunch of Somalis on a bus and guess what they were taling about yeah Qabiil and Abdullahi Yusuf i didn't even know them everywhere I go i see somalis arguing and debating about nonsense. Our politic section is qabiil. let's return to the early 60s where the majority of us didn't even know what politics was. There were a handful of politicians in Soomaaliya at that time and iam the first to denounce politics because it was started by my people who taught other Somalis the princepels of dirty politics and how to cheat your way into parliament and ultimate power. We're the biggest problem in Somalia no wonder why we're hated by so many Somalis. To quote a Somli amateur would-be politician who said that there was "No adults in politics in somalia at that time than Reer Puntland and that the other Somalis were political teenagers and minors at that time and reer Puntland were the only people who had a direct agenda of how to rule the country for the next hundred years but luckily that aint happen". So all the Somalis have now progressed from being insignificant minors in politics to dangerous would be professional politicians. Anyhow Good on you mate waxaa nalu nacay awal baa waxay ahayd "siyaasadda xumidda" because we still believe that we've got a divine right to rule Somalia and that we're god chosen people to lead the rest of the Somalis and that's excatly Abdullahi Yusuf and Co believe. They want to establish a Second Republic called "Governo Maxamuud Salaimaan (Saleebaan).
  2. Astaghfirullah!!! Brother Fidel do you believe in the buddhist teaching of incarnation or what or are you brainwashed too much by western culture. Anyhow iam sure that you aint lived before... I'd liked to be called "Soomaali" because the constant ticking "others" feels a little bit being different and alien to me. I know for sure that we Soomaalis are Arabs but isn't it shameful for someone too call himself Arab when his mother doesn't speak "Arabic" at all. As Ski said we're are different then most other people because we'r neither caucausion nor negride but something in the middele. My Aunt tells me everytime that we aint arabs but decendent from the Acient Egyptions (Phircoon) because of our pharaonic cults and heritage. Like the word "Fir" which comes from "Fircoon".
  3. Habac soo galay qorshihii Isbaara qaadista & nabadeynta caasimada ee ay wadeen xubnaha labada gole dowladda ee Muqdisho ku sugan!!!! Dhaq-dhaqaaqyadii Isbaara-qaadista & nabadeynta magaalada Muqdisho ee ay wadeen xubnaha labada gole dowladda ee Muqdisho ku sugan ayaa u muuqda kuwa hadal-heyntoodu ay sii lib-dheyso, kadib markii xubnaha dedaalada nabadeynta ah ka waday Muqdisho ay u caal waayeen, waxna ka qaban waayeen Isbaarooyin u yaala waddooyinka magaalada Muqdisho soo gala & gudaha magaalada maleeshiyooyin ka amar-qaata wasiirada & xildhibaanada beesha ****** ee ku jira dowladda & maleeshiyooyin isugu jira kuwa madax-banaan & kuwa maxaakiimta islaamiga ah. Wasiiro & xildhibaano ka tirsan xubnaha Muqdisho ku sugan oo laga sugayey in ay qaadaan Isbaarooyinka u yaala maleeshiyooyinkooda ayaa u soo gubiyey guddigii loo xilsaaray qaadista Isbaarooyinka ee ay magacaabeen xubnaha labada gole liis-ka lacagaha maleeshiyadooda ka soo gala waddada, una soo jeediyey guddiga in lacagahaasi ay bixiyaan ganacsatada taasoo ganacsataduna ay ka biyo dideen. Wasiirka howlaga guud & guriyeynta ayaa u soo u gudbiyey guddiga Isbaara qaadista lacag dhan 25 Milyan Shilling Soomaali ah in maalin kasta ay soo gasho maleeshiyooyinkiisa waddada Ex. Kontarool, halka liisas kale ay soo gudbiyeen wasiirada ganacsiga & dhaqancelinta & tababarka maleeshiyooyinka. Xubnaha ka soo jeeda beelaha kale, kana mid ah xubnaha labada gole ayaa ku sugan xaalad quus ku dhow, kadib markii ay waxba ka socon waayeen qorshihii nabadeynta & Isbaara-qaadista ahaa, waxeyna warar ku dhow dhow xafiiska guddoomiyaha baarlamaanku sheegayaan in maalmahan xaaladiisu aysan caadi ahey, uuna si weyn uga careysan yahay sida gaabiska ah ee ay wax u socdaan, wuxuuna ku eedeeyey xildhibaanada & wasiirada hubeysan in ay uga baxeen balan-qaadyadii ahaa Isbaara qaadista & nabadeynta. C/shakuur Cilmi Xasan Dayniile, Mogadishu – Somalia
  4. Muqdisho: Dil aad looga naxay oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho. - Tuesday, August 09, 2005 at 11:08 Muqdisho(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay nin dhallinyaro ah lagu gawracay inta u dhaxasya isogsyka Siinaay iyo Xararyaale. Warka ayaa intaasi ku daraya in saaka waabarigii la arkay maydka ninkaasi lagawracay oo jirkiisa oo dhan lagu jar jaray mindi , isla marakaasna ay suurtoobi wayday in laqaado. Goob joogayaal kusugan xaafadda Buuloxuubeey ayaa sheegaya in lagaran waayay muuqaalka iyo dhismaha jirka ee ninkaasi la dilay , waxaa sidoo kale lasheegay in ninkaasi la jar jaray uu ahaa nin dhallinyaro ah oo 30 jir lagu qiyaasay. Waxaa la isla dhex marayaa Muqdisho in ninkan la dilay lagala baxay Kalyihii iyo Beerkii , inkastoon aan si rasmi ah loo xaqiijin karin arintaasi. Dhacdadan ayaa noqotay mid ay aad ula yaabaan dadka magaalada Muqdisho, inkastoo dhacdadani aysan ahayn mid ku cusub magaalada Muqdisho ayaa haddana dadku ku tilmaameen fal waxashnimo ah. Dhowr goor oo hore ayaa magaalada Muqdisho lagu arkay dad hilbohoodii la jar jaray oo lagu soo guray boco ,lana dhigay dariiqyada magaalada . CCC Farayaamo AllPuntland
  5. May Allah have mercy on him and make the path to Al-Jannah comfortable for him and all the righteous people that have pasted away before&after him ameen yaa allaah!! This week has been particularily sad for the Muslims as also the great mujaahidah of our time past away Al-marwatu mu'minatul as-saalixah Zainab al-Qasaali who was a direct decentend of the family of Cumar ibn Alkhattaab and whose story moved so many people regarding what pityness and plight she went through while making dacawah in Egypt. Once again may Allah have mercy on all of us!!! Ameen.
  6. Our Somalia (revised) by Safi Abdi Saturday, July 16, 2005 There is a place right here in my heart, nourished within me everywhere I go. The cool sands of Hamar tickling my toes out of every cry or moan, Sunshine replicated in the mirrors of the river Shabelle. The grand mountains of Bari and Sheekh… what a feast for the hungry…but then... what better panorama has Mother Earth on offer? I nourish within me these scenes of my land... Children at play carefree in their soil I supplicate for the whole body: Land Sea River Lake Mountain Flora and fauna And "us" the people, Muslim, wholesome, not the pieces thrown here and there. I pray for the whole body blessed, unified in the name of Allah, having no wish for any sickly pie, dispersed, handed down to divide, disgrace. I cherish the term “we†the collective “us†Not “i†or “theyâ€. I dream of the milky white Ari of "our" land The dazzling speech of “our†moon North and South, East and West, Sky is the limit Our geel to graze, proud, majestic, a free herd, coming home everywhere they gaze: Lascanood and Hargeisa Bandar Qaasim and Borame Marca, Kismayo and Berbera. Everywhere we turn sweet scents of uunsi and ‘anbar Let that be our jaawi. Bid you all farewell to this fire of hell Pray for unity O you with the pen May the pens be dipped in the springs of Baidabo. --------------------------------------------------------------------------Copyright . Safi Abdi 2005 -------------------------------------------------------------------------- Picture: A statue of a Somali nationalist/poet (Mohamed Abdille Hassan) who fought the British colonials in the North. Like much of Hamar (Mogadishu) this landmark too was slaughtered on the altar of man’s greed. To get a glimpse of what really went wrong your welcome to check out my book"Offspring of Paradiseâ€.
  7. I just came across this Website of Safi Abdi who is a young Somali girl who does poetry in the most amzing style. Her poetry is mainly about patriotic stuff and al-Islaam. Here is the link to her website: http://www.authorsden.com/safiabd
  8. ******* We want Peace; We want Peace ******* ******* The masses are Shouting.... ******* ******* Peace,Peace,Peace,Peace.... ******* ******* We want development........ ******* ******* We want a United Gedo...... ******* ******* We wanted a United Somalia ******* ******* United in Federalism........ ******* ******* We want to see Equality..... ******* ******* Brotherhood................. ******* ******* And Liberty................. ******* ******* Long Live the People of Gedo ****** [ August 07, 2005, 08:09 PM: Message edited by: Admin ]
  9. FAALADA ADAN AXMED IYO SHIRKA NABADDA EE G/HAAREY: "NABAD BAAN RABNAA, DAGAALADA EHLIGA AH WAA NACNAY, SHIRKA NABADDA EE GOBOLKA GEDO KA SOCDA HA GUULEYSTO" erayadaasi waa halku dhigga iyo hadaaqa bulshada ********* meel ay joogtaba. Shaki kuma jiro waxa bulshada ********* ka keenay qeylo-dhaantaas nabad-doonka ah in ay tahay biseyl iyo waayo aragnimo ay ka dhaxleen colaadaha ehliga ah ee galaaftay dad iyo duunyaba. Meeshii ay ku soo noq-noqdaan colaado isdaba joog ah, waxaa la ogyahay in aanay nabadi ka jiri karin, mar haddii nabad la waayana sidoo kale waxaa hubaal ah in aanan horumar bulsho la heli karin. Qur'aankeena kariimka ah ayaa waxuu meelo badan noogu sheegay in colaadaha ay ka mid yihiin dhowr masiibo oo ay haboon tahay in laga duceysto. Bani'aadamka sidiisaba isaga oo og dhibka uu dagaal leeyahay oo aanay waxba ka diimooneyn, ayaa haddana waxaad arkeysaa isaga oo intaas fidno laga yaabo isaga in uu ku bixi doono maleegaya ama dhigaya dabino uusan ogeyn isagu in uu ku dhici doono iyo in kale. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa "god sireed ha qodin ku dhici doontidaa ma ogide!." ********* waxuu isu wada dhigay dabin iyo jilaafooyin u horseeday bur-bur iyo dib u dhac ka reebay bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Iminka waxaad moodaa bulshada ********* meel ay joogaanba in ay waxoogaa indhaha soo kala qaadeen oo ay deysay xumaddii isnaceybka bilaa macnaha ahaa isla markaana ay garowsadeen in ay asaagood ka hareen iyada oo ay taana ugu wacan tahay duliga uusan Ilaah badin ee ay iyagu gacmahooda iyo caqligooda sida guracan u shaqeynayay uu usoo jiiday. Su'aasha meesha ku jirtaayi waxay tahay, maanta nabadda gobolka Gedo ka socota ee lagu dhex-dhexaadinayo labada beelood ee walaalaha ah ma noqon doontaa furihii nabadda iyo horumarka Gobolka Gedo? Jawaabta su'aashaan waxay ku jirtaa mid ama dhamaan qodobada hoos ku qoran:- 1. Haddii xubnaha maanta ku shirsan G/Haarey, kuwo la dhex-dhexaadinayo iyo kuwo wax dhex-dhexaadinayaba ay howsha nabadda ee ay ku jiraan ay ka tahay DAACAD AMA NIYAD iyo in arrinta nabadda la xariirta si isku mid ah loo arko in loo wada baahan yahay, sidaas awgeedna maanta ay tahay fursad qaali ah oo loo baahan yahay in laga wada faa'ideysto, waa suurtagal in uu Gobolku helo nabad iyo horumar waara. 2. Haddii ay xubnahaas maanta ku shirsan G/Haarey dhamaantood garwaaqsadaan in aanan iyaga la'isu dhaamin, sidaas awgeedna ay haboon tahay in ay iyaga oo kaliya isku tashtaan, isla markaana ay maanka ku hayaan si weyna uga feejignaadaan in nabadda ay maanta u fadhiyaan ay jiri karaan QUWADO LIDI KU AH OO JECEL IN UU SHIRKANI BUR-BURO AMA UUSAN MIRO DHALIN. Marka haddii akhyaarta u fadhisa shirka nabadda ay arrintaan dareensan yihiin oo ay aad u feejigan yihiin, waa laga yaabaa in uu shirku miro dhalo, isla markaana uu Gobolku helo nabad iyo horumar waara. 3. Haddii ay xubnaha ku shirsan G/Haarey si aada uga fekeraan una lafaguraan cawaaqib-xumada uu ku reebi karo dagaal danbe ee geyiga Gedo kusoo noqda iyo is afgaran waa dhexdooda ah ee sii jira, sidaas awgeedna ay haboon tahay inta ay goori-goor tahay in la xaliyo qilaafyada ********* dhexdiisa ka jira oo dhan, waa laga yaabaa in uu Gobalku helo nabad iyo horumar waara. 4. Sida caadada ahba, dagaal meel walba wuu ka dhacaa oo waxaa loo dagaalami karaa Qof-Qof, Qabiil iyo Qaranba, laakiin caado la yaqaan ma'ahan WAAN DAGAALNAYE, YAANAN HESHIIN OO AAN WELIGEEN COL AHAANO!, sidaas awgeedna, haddii ********* meel uu joogaba uu go'aansaday in lasoo gaaray waqtigii la xiri lahaa kitaabkii colaada iyo isjiid-jiidka waqti lumiska ah, waa suurtagal in uu Gobolku helo nabad iyo horumar waara. 5. Haddii bulshada ********* ay garwaaqsadaan in waxa bur-burka u keenayba ay ugu horeyso iyaga oo isaga tagay ku dhaqanka iyo aaminaada caqiiqada Islaamka, isla markaana dhexdooda isku jowi falay oo isugu tuntay qabiil-qabiil iyo qof-qofba. Marka haddii ay taasina ka towbad keenaan oo ay garowsadaan in uu bani'aadamku deeqo istix-gelin iyo walaalow aan wax wada qabsano ee aanay jirin qabiil qabiil xoog wax ku marsiin karo, waa laga yaabaa in uu Gobolku gaaro nabad iyo horumar waara. 6. Intaasoo qodob ee sare ku qoran haddii xataa ay aaminsan yihiin, isla markaana ay niyad ka tahay dhamaantood inta shirka fadhida in uu shirkaas najaxo, balse gebo-gebada ama gunaanadka shirka heshiisiinta labada jifo ee la dhex-dhexaadinaayo haddii aan la sameyn qodobada soo socda waxaa suurta gal ah in uusan shirku mira dhal noqon. Qodobada looga baahan yahay in lagu dhaqaaqo shirka nabadda ee hadda ka socda G/Harey markuu dhamaado kaddiib ayaa ah: A. In ilsa gogoshaan ayada oo aan loo kala kicin lagu dhawaaqo qabashada shirweyne guud ee reer Sade ayada oo la sheegayo waqtiga la qabanayo, meesha lagu qabanayo, iyo wufuudda kasoo qeyb galeysa inta ay la egtahayba. B. Ujeedada shirweynahaas la qaban doono waa in ay noqotaa sidii loo dhisi lahaa maamul loo dhan yahay oo leh Hay'adiisii garsoorka, Ciidankii Booliiska iyo Sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen, dadweynaha reer Gedana ay ku kala socon lahaayeen ama ku kala bad-baadi lahaayeen. Anigu qof ahaan waxaan qabaa qodobada sare ee lixda ah haddii la maro ama lagu camal falo in natiijada kama danbeysta ah ee shirka loo fadhiyo maanta G/Haarey ay noqon doonto guul, barwaaqo iyo nabad, haddiise intaasoo qodob la daba maro oo lagu kaco bilcagsigooda waxaa laga yaabaa in aanay arrinta maanta lagu jiro wax badan iska bedelin, balse lagaba yaabo in ay arrimaha halka ay hadda joogaan kasii xumaadaan. Ugu danbeyntii, anigu waxaan si aada oo weyn ugu rajo weynahay in uu shirkaan maanta socda uu najaxi doono oo uu mira dhal noqon doono. Idim Ilaah, shirka nabadda ee ka socda G/Haarey ha guuleysto. Amiin. Aden Axmed aden7@msn.com
  10. The Vision for a better Future, the Grace, Amusement and Beheading of a Camel in Gedo Region for a Bright Ushering of Peace in South-West Somalia!!!! Warakii Iyo Muuqaaladii Ugu Danbeeyay Ee Shiweynaha Nabadda Ee G/Gedo!!! Waxaa maalintii labaad halkoodii ka sii socdo munaasabadaha gawraca sabaynaha waran-tiiris-ka ah ee lagu xukumay dhinacyada lagu heshiisiinayo shirweynaha nabadda ee G/Gedo. Boqollaal qof oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta isugu soo baxay bar-kulan lagu ballamay si loo fuliya gawraca sabayntii labaad ee ka soo jeedo dhinaca degmada Luuq iyada oo la raacayo xeer-dhaqameed-ka la qadariyo ee isu-qabadka sabaynaha oo loo arkayo in uu yahay hab-dhaqameed ka dhigan dhaar iyo wacad ay wada galayaann dhinacyada heshiiyay. Mid ka mid ah arrimaha door-ka ah ee maanta ka dhacay munaasabadda gawraca ayaa waxay ahayd in nabadoon Aadan-gaab uu dalbaday in lakeeno Kadiye Colaad oo markaasi ka maqnaa madasha gawraca, waxayna labada nin markii ay kulmeen isdhaafsadeen eraryo isugu jiro kaftan iyo isdhaarsi waxana erayadaasi ka mid ahaa: Kadiye:yaa I dalbaday oo I calmaday: Aadan-gaab: anaa ku calmaday. Kadiye:oo maxaad aniga ii calmatay dadku waa badnaaye?. Adan-gaab:adiga iyo aniga labo abaanduule ayaan ahayn,maanta waa la ishayaa ee waa inaan isku dhaarsano in aanan mar danbe dhalinyarada isku laynin oo aad hasha gawracdaa. Kadiye:in kaste oo aanan abaanduule dagaal isu haysan hadana Aadanow waa iga ballane adigu ballan iyo wacad ma ku maraysaa inaan mar danbe la iigu soo duulin taladaada iyo mid kale oo aad ogatahayba. Aadan-gaab:waxaa iga wacad ah oo aan ku dhaaranayaa in aan lagugu weerarin taladayda iyo mid kale oo aan ka war hayo. Sidoo kale odayaasha labada dhinac ayaa si diiran isugu gacan qaaday goobta ay ka dhacaysay munaasabada gawraca,waxayna arrintani ka dhigantahay in la soo af-jaray cuqdad-nafsigii muddada dheer dhextaalay labadan garab. Si kastaba ha ahaatee maalinimada barri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loogaga dhawaaqo hool-ka shirka is-afgaradka guud ee labada jifo iyo fulinta qodabkii ugu horreeyay ee go’aan-kii guddiga garsoorka iyada oo markaasi kadibna loo gudbi doono dhamaystirka fulinta qodabada ka haray go’aankii gudiga garsoorka. Axmed Gaaruf Gedonet,Garbo
  11. Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG-ka ah Yuusuf Bari-bari ayaa beeniyay warar ay qoreen Wabaahinta gudaha dalka (Muxuu yahay Warkaasi) Jowhar:- (Puntlandpost) War dhawaan ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaalia Mudane Yuusuf Ismaaciil (Barbari) ayaa lagu sheegay in aanay jirin wararkii ay qoreen Saxaafadda gudaha dalka maanta oo sheegayay in Guddoomiyaha siyaasadda Gobolka Shabeellada Dhexe Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) iyo xubin ka tirsan xoghaynnada Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaalia Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed inuu gacan hadal dhex maray. Warkaan oo lagu shaaciyay warbaahinta gudaha dalka, gaar ahaan midda Muqdisho ayaa sheegaya in Maxamed Dheere uu dharbaaxay mid ka mid ah Xoghaynnada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, kaddib markii ay is afdhaafeen, wuxuuna Yuusuf Barbari sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. "Warbaahinta gudaha dalka waxaa looga baahan yahay inay iska hubiyaan wararka ay baahinayaan oo aysan dadweynaha u bandhigin warar been ah, ha ******** Milkiilayaasha warbaahinnada dalka in wax walba oo ay baahiyaan berrito lagula xisaabtami doono" ayuu yiri baribari. Afhayeenka Madaxweynaha dowladda ayaa sheegay in warbaahinta gudaha dalku ay u muuqato mid ku jirta dagaal ay ku kala geynayso madaxda dalka ayna had iyo goor caadeynsteen inay baahiyaan warar aan sal iyo raad toona lahayn. "Guddoomiyaha Siyaasadda Gobolka Shabeellada Dhexe iyo madaxda dowladda ayaa waxaa dhex yaal wada shaqeyn iyo is qiimayn aad u weyn, mana laga yaabo inay dhacdo inay is afdhaafaan ama ay iska hor yimaadaan, waana wax lala yaabo inay warbaahinta qaarkeed faafiso arrimahaas oo kale, waxaana loo arki karaa inay tani tahay dagaal qarsoon" ayuu yiri baribari. Wararkaan ayaa mid ay si u baahiyeen warbaahinta gudaha dalka, waxaana hadalkaan uu noqday mid si weyn ugu shaacay dadweynaha Muqdisho, balse waxaa dadka qaarkood oo aan la kulmay ku tilmaameen inuu warkaani yahay mid aan xaqiiqo ahayd oo la sameeyay. Maahan markii ugu horreysay ee ay shaaciyeen warbaahinta gudaha warkan oo kale, balse dhowr jeer oo hore ayaa laga beeniyay xafiisyada dowladda warar ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka, waxayna wararka ay baahinayaan warbaahinta guduhu u muuqdaan kuwo aan si dhab ah u xaqiijisnayn. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya
  12. Lix dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen falal is qarxin ah gudaha magaalada Jowhar ee caasimada KMG-ah ayaa lagu soo waramayaa in duhurnimadii loo dhaadhicayay xabsiga.iyadoo ay sheegeen dhalinyaradaas in laga soo abaabulay magaalada Muqdisho Lix dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen falal is qarxin ah gudaha magaalada Jowhar ee caasimada KMG-ah ayaa lagu soo waramayaa in duhurnimadii loo dhaadhicayay xabsiga. Maleeshiyaadkan ayaa markii baaritaan lagu sameeyay waxay qaarkood qirteen in laga soo abaabulay magaalada Muqdisho. Xariga nimankam ayaa ka dambeeyay kadib markii habeenimadii xalay aheyd lagu soo wargaliyay gudiga amaanka Gobolka Sh/dhexe, in ay meel magaalada ka baxsan ay ku sugan yihiin niman aan heybtooda lagaraneyn balse loo maleynayo, in ay falal is qarxin ah ka fulinayaan gudaha magaalada. 6da nin oo isla habeenimadiiba la bilaabay baadigoobkooda ayaa la waayey , balse ay suurto gashay in duhurnimadii saaka gacanta lagu soo dhigo ayagoo ku dhuumaaleysanayo duleedka magaalada. Arintan markii ay soo baxday ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Gudoomiyaha Maamulka Sh/dhexe canaantay mid ka mid ah xoghaynta Madexweynaha oo la sheegay in isagu damiintay ragaas, markii ay magaalada soo galayeen. Madexweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa sidoo kale si aad u canaantay ninkaasi oo kamid ah xogheynadiisa waxaana uu ku wargeliyay in uusan mardambe cidna u damiinan si ay u soo galaan magaalada Jowhar. Wixii ku soo kordho Warkan kala soco Warsidaha idamaale.com Xuseen Yaasiin Gode-Gode godegode_6@hotmail.com Idamaale News
  13. There we go again your source has actually betrayed you and is reporting now also the same story as other websitets do. Maamulka Max’ed Dheere oo maanta sheegay inay qabteen 6 nin oo la tilmaamay inay doonayaan inay qarxiyaan magalada Jowhar Moqadisho:- Sida ay sheegtay idaacadda Shabeelle ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho maamulka Ma’xed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa maanta xabsiga u taxaabay 6 nin oo maamulkaasi sheegay inay ahaayeen kuwo doonayey inay qaraxyo ka geystaan magaalada Jowhar, waxaana raggaasi loo dhaadhiciyay xabsiga. iyadoo la tilmaamay inay ku jiraan xubno ka tirsan xogheynta madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. Warku wuxuu intaasi ku darayaa in raggan la qabtay la sheegay in maalmo ka hor soo galeen Jowhar, lamana garanayo sababta rasmiga ee ay u yimaadeen halkaasi. Dhinaca kale madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay inuu canaan u jeediyay ninkii ka tirsanaa xogheyntiisa kuna canaantay inuusan damiinan karin qof soo galaya Jowhar, waxaana la sheegay ninkaasi inuu dharbaaxay Max’ed Dheere. C/shakuur Cilmi Xasan Dayniile, Mogadishu – Somalia
  14. Further Breaking-News on the Failed Terrorist attack to assassinate President Yusuf revealed assassins were from Moqadisho and they failed to accomplish their task and Mission to assassinate the President but further terrorist attacks are possible. Iam sure this is not the last attempt on the Presidents Life!!! Lix Dhalinyaro ah oo doonayay innay qaraxyo ka sameeyaan magaalada Jawhar oo fashilmay kadib markii laga hortay, dhalinyarada ayaa laga soo abaabulay magaalada Muqdisho. {Jawhar} Lix dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen falal is qarxin ah gudaha magaalada Jowhar ee caasimada KMG-ah ayaa lagu soo waramayaa in duhurnimadii loo dhaadhicayay xabsiga. Maleeshiyaadkan ayaa markii baaritaan lagu sameeyay waxay qaarkood qirteen in laga soo abaabulay magaalada Muqdisho. Xariga nimankam ayaa ka dambeeyay kadib markii habeenimadii xalay aheyd lagu soo wargaliyay gudiga amaanka Gobolka Sh/dhexe, in ay meel magaalada ka baxsan ay ku sugan yihiin niman aan heybtooda lagaraneyn balse loo maleynayo, in ay falal is qarxin ah ka fulinayaan gudaha magaalada. 6da nin oo isla habeenimadiiba la bilaabay baadigoobkooda ayaa la waayey , balse ay suurto gashay in duhurnimadii saaka gacanta lagu soo dhigo ayagoo ku dhuumaaleysanayo duleedka magaalada. Arintan markii ay soo baxday ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Gudoomiyaha Maamulka Sh/dhexe canaantay mid ka mid ah xoghaynta Madexweynaha oo la sheegay in isagu damiintay ragaas, markii ay magaalada soo galayeen. Madexweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa sidoo kale si aad u canaantay ninkaasi oo kamid ah xogheynadiisa waxaana uu ku wargeliyay in uusan mardambe cidna u damiinan si ay u soo galaan magaalada Jowhar. C/raxmaan Jaamac
  15. Madaxtooyada Puntland oo lagu gaaray go'aano dhowra. Posted to the Web Aug 06, 16:23 Garoowe:- Waxaa Madaxtooyada Puntland maanta ka dhacay shir balaaran oo ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada ee DGPL ayaa waxaa dood dheer kadib la go'aamiyey arrimaha ay kamidka yihiin: -In Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo dhalinyarada iyo Isboortigga loo gudbiyo Liiska shaqaalaha Dowlada inta diiwaanka gashan. - In Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo dhalinyarada iyo Isboortigga loo gudbiyo Liiska Ciidamada kala duwan ee DGPL. -In dakhliga soo gala Maamul goboleedka Puntland 5% loo qoondeeyo arrimaha xaga amaanka labo bilood gudahood. -In la bilaabo Roondo ka shaqaysa howlaha amaanka Magaalooyinka Puntland oo dhan. -In lasameeyo dhaqaale oo looga hortago arrimaha ammaan darada iyo gubista deegaanka. -In la sameeyo guddiyo gaara oo loo xilsaaro in wax Sanaadiiq ah aysan soo gelin gobolka Sool. Shirkan ayaa go'aanadii lagu gaaray ayaa loogu balamay sidii loo hirgelin lahaa, cid walba oo ay khusaysana sideeda ay udhaqan geliyaan.Waxaana shirkaas maanta soo gunaanuday Kusimaha Xilka Madaxweymaha /Madaxweynaha DGPL Mudane Xasan Daahir Afqurac. Axmed C/salaaam Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya Contacts:loole25@hotmail.com
  16. ************* Breaking News- Breaking News -Breaking- Breaking News ********************** *********************** *********************** Walle This Guys ma' naxaan. Read the article very carefully. War-deg ah:6- Nin ayaa Xabsiga loo taxaabay, Kadib markii laga warhelay in Magaalada Jowhar ay kadhex-samayn lahaayeen Qaraxyo Ismiidaamin ah!!! Posted to the Web Aug 06, 14:54 Jowhar :-Lix qofood oo lagu eedeeyey in ay maleegayeen oo ay doonayeen in ay falal isqarxin ah ka fuliyaan magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe ayaa lagusoo waramayaa in saaka xabsiga loo taxaabay. Xariggan raggani lixda ah ayaa ka dambeeyey ka dib markii habeenimadii xalay aheyd lagusoo wargeliyey Maamulka Maxamed Dheere in ay Meel magaalada ka baxsan ay ku sugan yihiin niman doonayaa in ay falal is qarxin ah ka fuliyaan gudaha magalada Jowhar. Lix-dan nin oo isla habeenimadiiba la bilaabay baadi goobkooda ayaa la waayey, balse ay suurta gashay in saakay gacanta lagusoo dhigo iyagoo ku dhuumaaleysanaya Duleedka Magaalada Jowhar. Arrintani markii ay soo ifbaxday ka dib ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Gudoomiyaha Maamulka Siyaasadda ee G/sh/dhexe Maxamed Cumar Xaabeb (Maxamed Dheere),in uu ugacan qaaday oo uu dharbaaxay mid ka mid ah Xogheynada Madaxweynaha C/laahi Yuusuf Axmed,oo la sheegey inuu isaga damiintay Raggan markii ay magaalada Jowhar soo galayeen,isagoo weydiinaya lixdani nin meesha ay ku sugan yihiin,balse uu sheegey inuusan aqoon meesha ay joogaan waqti xaadirka. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale si aad ah u canaantay ninkaasi ka midka ah Xogheynadiisa,waxa uuna ku wargeliyey inuusan mar dambe cidna u damiinan Karin si ay usoo galaan Jowhar. Dhinaca kale waxaa si aad ah heegan buuxa loo geliyey Ciidamada ilaalada gaarka ah u ah Madaxweynaha iyo kuwa Maxamed Dheere,ka dib markii xalay arrintani ay loo ifbaxday. Lixdan nin ayaa baaritaan loogu jiraa sidii loo cadayn lahaa cida soo dirtay,iyo meelaha ay rabeen inay qarxiyaan. Lix-dani nin ee laqabtay oo lagu eedeeyey in ay maleegayeen falal isqarxin ah oo ay ka dhex geystaan Jowhar ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka mid ahaayeen Ciidamadii Hore ee Soomaaliyeed. C/risaaq C/llaahi Maxamed (Indha-jaceel) Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya
  17. Rajada laga qabo nabad waarta oo ka dhacda Gobolka Gedo oo kor usii kaceysa! Gogosha nabadda G/Haarey oo ay beri isku dhaafsanayaan labadii garab ee la dhex-dhexaadinayay laba qaalmood oo geel ah (Dhedig) - kuwaas oo loogu yeeray in ay yihiin sabeyn xir! Iyo Dhageysigii doodaha ay is dhaafsanayeen labada garab ee la dhex-dhexaadinayay oo uu wajigiisii labaad dib u furmi doono! G/HAAREY, Somalia - Dadka ku nool Gobolka Gedo ayaa waxay ilaa iyo intii uu Soomaaliya ka dhacay dagaalka sokeeye kusoo jireen dhibaatooyin dhinacyo badan leh oo isugu jiray kuwo ay iyagu isu geysteen, kuwo uga yimid dowladaha deriska la ah, iyo kuwo kale oo uga imaanayay qaar gobolada kale ee Soomaaliya ka mid ahba. Waxaa nasiib daro aad u weyn ah in marnaba bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan Gobolka Gedo aanay hoos u eegin cidda ka danbeysa shirqoolada iyo debin-daabyooyinka guracan ee lala beegsanayo danahooda laguna carqaladeynayo nabad-gelyadii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee uu gobolkaasi mudooyinka dheer kusoo naaloonayay. Dhib kasta oo ay bulshada Gobolkaas ku dhaqan soo martayba, waxaa xusid mudan in waayadanba uu shir nabadeed oo lagu dhex-dhexaadinayo laba beelood oo ********* ah ka socday magaalada G/Haarey, taasoo abaabul dheer iyo diyaar garow aad loosoo agaasimay kaddib uu shirkaas si rasmi ah uga furmay caasimadda Gobolka gedo ee G/Haarey July 25, 2005. Shirkaas markii uu furmayba waxaa la doortay laba guddi oo kala ahaa:- 1- Guddiga Sare ee Marjica ********* ee gogosha nabadda G/Haarey iyo 2- Guddiga Garsoorka ********* ee gogosha nabadda G/Haarey Sida uu nidaamka shirka nabadda G/Haarey u degsan qeexayo, waxaa la go'aamiyay haddii mid ama labada jifo ee la dhex-dhexaadinayo (uu/ay ku qanciwaayo/waayaan) go'aanka kasoo baxa Guddiga Garsoorka, in markaasi ay u furan tahay inay APPEAL ka qaadan karaan go'aankaas ayaga oo dalbanaya in ay dacwadooda mar kale dhageystaan Guddiga Sare ee Marjica ********* . Haddaba go'aankii kasoo baxay shirkaas bishii dhamaatay ee July 31-keedii oo ka koobnaa 4 qodob ayaa waxaanan ku qancin mid ka mid ah labadii garab ee la dhex-dhexaadinayay, go'aankaasna waxuu u dhignaa sidaan:- 1-In la isu dhigo ama la'isu gooyo dilalkii kala aargoosiga ahaa ee ugu dambeeyey, isla markaasna jifadii hal dheeri ah yeelata loo gudo magteeda. 2- In la dhowro ama la fuliyo go'aan ay horay labada beelood ugu gaareen B/Xaawo sanadkii 2002, kaas oo ahaa in la kala qaato waxii mag hal dheeri ah waana kuwii ka horeyey dhacdadii B/dhubo. 3- In labada jifo ay mid walba keento hal Neef oo Geel ah (Dhedig) oo sabeyn-xir ah. 4- In la'isu celiyo waxii hanti ah ee la kala haysto ee muuqda sida Gaadiidka iwm. Kaddib markii uu mid ka mid ah labada garab ee la dhex-dhexaadinayay saluugay go'aanada kor ku qoran ee kasoo baxay Guddiga Garsoorka, isla markaana uu APPEAL ka qaatay go'aankaas ayaa waxaa dhacday sidaan soo socota:- 1. In Guddiga Sare ee Marjica oo iyagu ka kooban duqeyda dhaqanka oo uu guddoomiye u yahay Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ay dhowr maalmood ka doodayeen sidii laga yeeli lahaa arrintaan ku qanci waaga go'aanka Guddiga garsoorka ee ay usoo gudbisay mid ka mid ah labadii jifo ee la dhex-dhexaadinayay? 2. Wada xaajood dheer iyo dib ugu noqosho go'aanadii uu guddigaas soo saaray kaddib, waxuu Guddiga Sare ee Marjica maanta go'aamiyay in wixii dil ah ee horay u dhacay ee sida dadban loo kala dilay wada xaajoodka lagu daro iyo in la isku celiyo wixii hanti muuqda ah, sidaas awgeedna waxay bari labada dhinac ay isku wareejinayaan min hal neef oo geel ah oo sabeen ah waxaana mar kale dib u furmaya wadahadladii tooska ahaa ee amuurtaas la xariiray ayada oo rajo badana laga qabo in uu shirkaan noqdo mid mira dhala. allgedo@allgedo.com
  18. Sabeen-xirkii labadii qaalmood ee Geelaha ahaa oo maanta ay is dhaafsadeen labadii jifo ee G/Haarey lagu dhex-dhexaadinayay iyo dhegeysiga doodihii labada dhinac oo maalmaha soo socda dib uga bilaabmi doona G/HAAREY, Somalia - Maanta oo ay taariikhdu tahay August 4, 2005 ayaa waxaa gogoshii nabadda ee lagu dhex-dhexaadinayay labadii jifo ee uu qilaafka u dhexeeyay ay isku weydaarsadeen sabeyn-xirkii labadii neef ee Geelaha ahaa oo horay loogu sheegay in ay qolo walba bixiso. Sabeyn-xirkaa oo ah mid ka mid ah dhaqamada guunka ah ee wanaagsan ee ay bulshada Gobolka Gedo ku dhaqan xeerka u leeyihiin ayaa waxuu macnaheedu yahay "is raali gelin, isu soo dhawaasho iyo isaga soo hoyasho wixii qalad ah ee ay qolo walba horay u gashay". Haddaba, marka heerka maanta uu xaalka Gobolka Gedo maraayo la bar-bardhigo sidii uu ahaa sanooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa la oran karaa bulshada Gobolka Gedo ku nool waxay qarka u saaran yihiin sidii ay u xiri lahaayeen boggii colaada iyo dhibaatada oo ay ugu gudbi lahaayeen NABAD WAARTA oo ay ka wada faa'ideystaan dhamaan bulshada reer Gedo oo dhan. Nabad la'aani waa horumar la'aan, furaha horumarkana waxaa la oran karaa waa NABAD, sidaas awgeed, waxaad moodeysaa maanta in ay bulshada reer Gedo ku soo baraarugeen ahmiyadda weyn ee ay bulshadooda u leedahay nabadda. Qof kasta oo aad baar kula kulanto, teleefan kula hadasho, email kula xariirto ama Via-Chating aad isku heshaan ayaa waxaad ka dareemeysaa baahida weyn ee loo qabo sidii ay Gedo uga dhici laheyd nabad waarta iyo sida ay waqtigaan ugu haboon tahay sidii loo xiri lahaa buuggii colaadda iyo fidnada ee uu Gobolkaasi intii muddo ahba kusoo jiray. Dhanka kale, waxaa la dhihi karaa waa guul usoo hoyatay bulshada reer Gedo mar haddii maanta labadii jifo ee ay colaada u dhaxeysay ay is weydaarsadeen Sabeyntii, ayada oo sidoo kalena la oran karo sabeyntaan waxay fure u tahay isfahanka labada jifo ee walaalaha ah iyo hanashada guul waarta oo nabadeed oo dhawaan looga dhawaaqo magaala madaxda gobolka Gedo ee G/Haarey. Ugu danbeyntii, shirka nabadda ee ka socda G/Haarey ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda u gudbi doono wajigiisii labaad ee looga wada hadlayo dhamaan wixii dilal ah ee si toos ah iyo si dadbanba u dhacay, ayada oo wixii hanti ah ee muuqda ee ay labadaas jifo kala haystaana ay isa siin doonaan. Wixii kusoo kordha shirka nabada ee ka socda G/Haarey si joogta ah ayaan idinkugu soo gudbin doonaa haddii uu Rabi raali ka noqdo.
  19. Sabeen-xirkii labadii qaalmood ee Geelaha ahaa oo maanta ay is dhaafsadeen labadii jifo ee G/Haarey lagu dhex-dhexaadinayay iyo dhegeysiga doodihii labada dhinac oo maalmaha soo socda dib uga bilaabmi doona G/HAAREY, Somalia - Maanta oo ay taariikhdu tahay August 4, 2005 ayaa waxaa gogoshii nabadda ee lagu dhex-dhexaadinayay labadii jifo ee uu qilaafka u dhexeeyay ay isku weydaarsadeen sabeyn-xirkii labadii neef ee Geelaha ahaa oo horay loogu sheegay in ay qolo walba bixiso. Sabeyn-xirkaa oo ah mid ka mid ah dhaqamada guunka ah ee wanaagsan ee ay bulshada Gobolka Gedo ku dhaqan xeerka u leeyihiin ayaa waxuu macnaheedu yahay "is raali gelin, isu soo dhawaasho iyo isaga soo hoyasho wixii qalad ah ee ay qolo walba horay u gashay". Haddaba, marka heerka maanta uu xaalka Gobolka Gedo maraayo la bar-bardhigo sidii uu ahaa sanooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa la oran karaa bulshada Gobolka Gedo ku nool waxay qarka u saaran yihiin sidii ay u xiri lahaayeen boggii colaada iyo dhibaatada oo ay ugu gudbi lahaayeen NABAD WAARTA oo ay ka wada faa'ideystaan dhamaan bulshada reer Gedo oo dhan. Nabad la'aani waa horumar la'aan, furaha horumarkana waxaa la oran karaa waa NABAD, sidaas awgeed, waxaad moodeysaa maanta in ay bulshada reer Gedo ku soo baraarugeen ahmiyadda weyn ee ay bulshadooda u leedahay nabadda. Qof kasta oo aad baar kula kulanto, teleefan kula hadasho, email kula xariirto ama Via-Chating aad isku heshaan ayaa waxaad ka dareemeysaa baahida weyn ee loo qabo sidii ay Gedo uga dhici laheyd nabad waarta iyo sida ay waqtigaan ugu haboon tahay sidii loo xiri lahaa buuggii colaadda iyo fidnada ee uu Gobolkaasi intii muddo ahba kusoo jiray. Dhanka kale, waxaa la dhihi karaa waa guul usoo hoyatay bulshada reer Gedo mar haddii maanta labadii jifo ee ay colaada u dhaxeysay ay is weydaarsadeen Sabeyntii, ayada oo sidoo kalena la oran karo sabeyntaan waxay fure u tahay isfahanka labada jifo ee walaalaha ah iyo hanashada guul waarta oo nabadeed oo dhawaan looga dhawaaqo magaala madaxda gobolka Gedo ee G/Haarey. Ugu danbeyntii, shirka nabadda ee ka socda G/Haarey ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda u gudbi doono wajigiisii labaad ee looga wada hadlayo dhamaan wixii dilal ah ee si toos ah iyo si dadbanba u dhacay, ayada oo wixii hanti ah ee muuqda ee ay labadaas jifo kala haystaana ay isa siin doonaan. Wixii kusoo kordha shirka nabada ee ka socda G/Haarey si joogta ah ayaan idinkugu soo gudbin doonaa haddii uu Rabi raali ka noqdo.