Major-General Cawad

Nomad
  • Content Count

    261
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Major-General Cawad

  1. Cali Cabdi Cali (Suxeyfa) Waayaha, Muqdisho, Soomaaliya Muqdisho, Kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ayaa waxa ay maanta shirqool ku dileen Sarkaal sare oo ka Tirsanaa ciidamada Danbi Baarista Soomaaliya. Falkan dilka ah ayaa waxaa uu ka dhacay Meel u dhow isgoyska KM4 ee degmada Hodan agagaarka Tre-piano , waxaana marxuumka la oran jiray G/sare Maxamad Cismaan Coonka oo ahaa , waxa uuna ka mid ahaa saraakiisha Booliiska ee ka howlgasha Xarunta CID ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa la sheegay inuu watay Gaari yar keligii, waxaana rasaas huwiyay Dabley aad u hubeysan,islamarkiibana waxaa la sheegay inay xawaare dheereeya ku baxsadeen. Lama yaqaano sababta rasmiga ah ee ka danbeysay dilka loo geystay sarkaalkan, waxaana meydkiisa galabta lagu aasay Magaalada Muqdisho. Falakn dilka ah ayaa waxaa uu dhacay maanta Barqanimadii,iyadoo saacad ka dib nin kale oo gaarigiisa kaxeysanayay isna si gaadmo ah ay ku dileen duhurnimadii kooxo hubeysan agagaarka Xarunta weyn Shirkadda Isgaarsiinta Nationalink ee Magaalada Muqdisho. Falalka dilka ah ayaa labadii cisho ee ugu danbeysay ku soo kordhay magaalada Muqdisho ,iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxa falalkan xilligan ku soo beegay.
  2. Xubnaha Muqdisho oo soo dhoweeyay waanwaan Q/Midoobay ka dhex sameyneyso labada Garab ee dowladda Federaalka Shir ay maanta ku yeesheen Hotelka Saxafi International ee magaalada Muqdisho xubnaha labada Gole ee ku sugan caasimadda oo uu guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa laga soo saaray go’aano ku saabsan khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya. Kulankaas oo ay ka qeyb galeen inta badan xubnaha labada Gole ee Muqdisho ku sugan ayaa warbixin looga dhageystay Maxamud C/llaahi Jaamac (Sifir) ayaa gunaanadkiisii waxaa saxaafadda la hadlay Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay inay isla garteen soo dhoweynta dadaal uu sheegay in loogu jiro heshiisiinta labada dhinac ee dowladda federaalka oo ay wado Q/Midoobay. «Annagu waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka Q/Midoobay ku dooneyso inay nagu dhexdhexaadiso, waxaan rabaa in khilaafka jira laga wadahadlo UN-ku ka qeyb galo, aqoonyahanadda Soomaaliyeed-na goobjoog ka ahaadaan» ayuu yiri Shariif Xasan oo sii raaciyay in diyaar u yihiin waanwaanta Un-ku wado, ayna rajeynayaan in la isla ogolaado xal u helidda dhibaatada dowladda ka dhex taagan si dib loogu midoobo.
  3. Somalis all over the world are furious and rightly angry about the senseless killing of innocent good people! We should all express our disgust towards the people who did this appauling act of terrorism and crime. Hey,ada u dooda xuquuqda shacabka Soomaaliyeed saldhigeeduna yahay caasimada Norwey ee Oslo waxa ay cambaareyn dusha ooga tuureysaa gacan ku dhiiglayaasha ku sugan magaalada Muqdisho ee caadeystay in ay gumaadaan aqoon yahanada iyo culimada . Waxaan xasuusineynaa wax magaratada caadeysatay Dilka in waqti ku haboon la saari doono Maxkamad Caalami ah. Hey,adu waxa ay ku boorineysaa shacabka Muqdisho ku sugan iyo nawaaxigeeda in ay ka dhii dhiiyaan falxumada lagula kacayo. Waxaan ka codsanayaa cidii ka warheyso burcadii ka dambeysay dilka marxuumka (Sheekh Maxamed Muumin ) in ay nala soo xiriiraan si aan oogu gudbino magacyada dambiilayaasha Maxkamada Aduunka saldhigeeduna yahay Holand magaalada Hague. Gudoomiyaha Somali Peace Party Xuseen Yaasiin Gode Gode Political Sceintist Head Quarter:Norwey:Oslo Email:somali_peace_party@hotmail.com Tel:47-90626845
  4. Another senseless Killing. Dagaalkii ka dhacey maalmihii lasoo dhaafey deegaanka Iidaale ee gobolka Baay ayaa lagu waramayaa iskiis inuu iminka u istaagey. July 31, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Mukhtaar Maxamed Catoosh. Baydhabo. Dagaalkii ka dhacey maalmihii lasoo dhaafey deegaanka Iidaale ee gobolka Baay oo ay isaga soo horjeedeen maleeshiyooyin beeleedyo deegaan ku muransan, ayaa lagu waramayaa iskiis inuu iminka u istaagey, waxaana bilowdey dadaalo la doonayo in lagu hakiyo xiisada halkaasi mar kale kasoo cusboonaatey. Waxaa dagan xaalada tuulada Iidaale iyo tuulooyinka ku dhow dhow oo iska hor imaadyo hubeysan maalinimadii shaley ay ku dhex mareen laba maleeshiyo hubeysan oo mudooyinkii ugu danbeeyey isku hayey gacan ku heynta tuulada Iidaale, laakiin wararku waxey tilmaamayaan in maleeshiyaadka ku dagaalamey tuulooyin kaasi ay wali isku hor fadhiyaan goobihii ay ku dagaalameen, iyadoo dagaalkuna la sheegay iney iskiisa uu u joogsadey. Iska hor imaadka shaley halkaasi ka dhacey ayaa waxey sababeen dhimasho saddex ruux oo maleeshiyaadka labadda dhinac ah ee dagaalamayey, iyadoo ay tiro kalana uu dhaawac uu kasoo gaarey dagaal kaasi. Wararka kale oo goor dhow soo baxey waxa ay tilmaamayaan in khasaaraha uu intaasi a ka balaaran yahay, xaaladda amaan ee tuulooyinka ay rabshaduhu ka dhaceena uu yahay mid faraha kasii baxaya, iyadoo tuulooyinka katirsan degmada Qansax Dheere ay kusoo noq noqdeen dagaalo u dhaxeeya beelaha isku haya gacan ku heynta tuulada Iidaale oo dad fara badani ku geeriyoodeen. Laakiin haatan waxaa muuqanaya ifafaalo nabadeed oo lagu doonayo in xabad joojin lagu kala dhex dhigo qeybaha isku haya tuulada Iidaale, oo daba yaaqadii sanadkii tagey dab la qabad siiyey markii labadda beel ay iska hor imaad isaga hor yimaadeen dagaalo maalmo soconayey halkaasi. Dadaalada lagu doonayo in xabad joojin lagu dhex dhigo ayaa haatan waxey ka soconayaan guddaha magaalada Baydhabo, degmada Qansax dheere iyo tuulooyinka ku teedsan deegaanka Iidaale, waxaana dadaaladaasi wada waxgarad iyo odayaal labadda degmo ku kalasugan, inkastoo odayaashii kusugnaa maalmihii ugu danbeeyey tuulada Xagar Kaah oo la sheegay iney heshiis nabadeed ka dhex wadeen labadda dhinac ayaan ilaa iyo haatan wax war ah kasoo saarin arrinta rabshadahaasi, warar lagu kalsoonaan karana waxa ay tilmaamayaan in odayaashaasi ay dib ugu soo laabteen guddaha magaalada Baydhabo. Beryihii ugu danbeeyey tuulada Iidaale iyo tuulooyinka ku dhow dhow waxaa kusoo noq noqayey dadaalo laga dhex wado labadda beelood oo halkaasi isku haya, wuxuuna dagaalka salka ku hayaa gacan ku heynta tuulada Iidaale, iyadoo arrintaasna ay sii adkeyneyso khilaafka u dhaxeeya labadda dhinac. -------------------------------------------------------------------------------- Ilaa laba milyan oo Doolarka Mareykanka ayaa lagu waramayaa iney gareyso lacagihii iyo hantidii ku baabadey dabkii ka kacey suuqa Gaarisa Two magalada Nairobi. July 31, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Axmed Muuse Cabdulle. “Idaawaqaca†Nairobi, Kenya. Ilaa laba milyan oo Doolarka Mareykanka US $“2,000,000†ayaa lagu waramayaa iney gareyso lacagihii iyo hantidii ku baabadey dabkii habeenkii hore ka kacey suuqa Gaarisa Two xaafada Islii ee magalada Nairobi, suuqaasoo ay ku ganac sanayeen Soomaalida. Xiriir ay la sameysay HornAfrik dadkii ay hantidooda ku gubatey xaafada Islii ee magalada Nairobi, ayaa waxey u sheegeen in khasaare aan la koobi karin oo ku wajahan suuqa Gaarisa Two uu ka dhacey halkaasi habeen hore. Dadku waxey sheegayaan in hanti aad u fara badani ay ka gubatey iyadoo ugu yaraan dadka marka aad la sheekeysato qolo waliba ay kuu sheegeyso in ka badan toban kun US $ â€10,000†iney halkaasi kaga gubatey. Qiyaas lagu sameeyey khasaarihii uu geystay dabkii ka kacey habeen hore suuqa Gaarisa Two, ayaa waxey gaareysaa in ka badan US $ “2,000,000†iney kor u sii dhaafeyso, iyadoo aysan jirin cid ay u doontaan lacagtaasi maadaama aysan ku jirin â€Insurance†ceymis. Ilaa iyo hadda ma jirto talaabo cad oo la taaban karo oo uu qaadey booliiska lagulana tacaalayo soo qabashada cida ka danbeysay gubashada suuqaasi, walina lama hayo suuq gubtey dad loo xirey mid hore iyo midkanba, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma cada sababta dhabta ah ee dhalisay gubashada suuqa, waloow dadka ay isla dhex marayaan warar aan ilaa iyo hadda la xaqiijin. Suuqan ayaa lagu iibin jirey waxyaabo kala gadisan oo ay ugu badnaayeen dharka, iyadoo dhinaca kalana uu ka ahaa bakhaaro lagu xareeyo waxyaabaha dukaamadaasi lagu iibiyo. -------------------------------------------------------------------------------- Koox hubeysan oo maanta dil u geystay Col. Maxamed Cismaan Coon oo ka tirsanaa saraakiisha CID ciidanka booliska Soomaaliyeed. July 31, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Koox hubeysan ayaa maanta dil u geystay Col. Maxamed Cismaan Coon oo ka tirsanaa saraakiisha CID ciidanka booliska Soomaaliyeed. Col. Coon ayaa dilkiisa waxa uu ka dhacay agagaarka Three piano ee u dhow Lambar 4 ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa isla goobta falku ka dhacay ku geeriyootay gabar goob ganacsi joogtay iyadoo Nin dhalinyaro ahana dhaawac uu soo gaaray. Mid ka mid ah dadkii xilligaas joogay halka uu ka dhacay falka dilka ah ayaa Horn Afrik u sheegay in kooxahaas ay u dan lahaayeen dilka Col. Maxamed Cismaan Coon. Falalka dilka ah ee qorsheesan ayaa maalmahan dambe ku soo kordhaya magaalada Muqdisho iyadoo dadaalo ay ka socdaan magaalada Muqdisho, laguna doonayo sidii nabadgalyada loogu soo celin lahaa caasimada Muqdisho.
  5. Meet Maxamed Yaxye Xuseen the most famous Soomaali teacher in the field of Foreign Languages (Afafka Qalaad) This guy is fluent in Arabic, German, Italian and English which he learned during the Second World War. He is truely amazing and an insparation for all of us. On the other hand he also benefited and benefits his people enourmously especially the people in Baidoa and its near vacinity. Here is the story Maxamed Yaxye Xuseen: Macallinkii ugu caansanaa barayaasha afafka qalaad (ajnabiga) ka dhiga magaalada Baydhabo oo jiilal badan wax soo baray oo ka warramaya xaaladda waxbarashada Baydhabo siday tahay. Sabti, July 30, 2005 BAYDHABO (Baidoa.com)-Maxamed Yaxye Xuseen waa bare (macallin) dood la'aan lagu sifayn karo in uu yahay macallinkii ugu caansanaa macallimiintii takhasuskooda aqooneed uu ahaa baridda afafka qalaad (ajnabiga) siiba afka Ingiriiska ee wax ka dhigi jiray dugsiyadii gaarka ahaa (Private English language Schools) ee ka jiray magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolka Baay. Maxamed Yaxye Xuseen oo ah nin uu Ilaahay ku mannaystsay cilmiga luqawaatka (linguistics) ayaa waxaa uu si faseexnimo ah ugu hadlaa uuna jiilal badan soo baray afafka qalaad ee ay ka mid yihiin afafka Ingiriiska, Talyaaniga, Jarmalka iyo Carabiga. Aqoonta xagga afafka ee macallin Maxamed Yaxye Xuseen ayaa waxaa ka manaafacaday arday aad u tiro badan oo ku kala firdhisan caalamka wuxuuna xirfadiisa macallinimo uu ku hawlgalayay muddo dheer oo ku dhow afartan sanadood (40) asagoo aqoontiisa afafka ajnabig soo kasbaday xilli uu dal mareen ahaa oo uu muddo badan meeraysanayay dalal badan oo ka mid ah qaaradda Yurub iyo caalamka Carabta asagoo weliba xilligii Dagaalkii Labaad ee Aduunka (WW II 1941 - 1945) ku socdaalay dalal ka tirsan qaaradda Yurub sida Jaramlka iyo Talyaaniga. Macallin Maxamed Yaxye Xuseen oo haatan ah gudoomiyaha waxbarashada gobolka Baay ayaa waxaan waraysi ugu tagay gurigiisa wuxuuna si kooban uu iiga warbixiyay xaaladda waxbarshada ee magaalada Baydhabo gaar ahaan iyo guud ahaan gobolada Baay & Bakool siday tahay. Macallin Maxamed Yaxye Xuseen: macallinkii ugu caansanaa barayaasha afafka qalaad (ajnabiga) ka dhiga magaalada Baydhabo-BAYDHABO(Baidoa.com)-July 30, 2005 Macallin Maxamed Yaxye Xuseen oo weli weheshanaya qalinka iyo buugga oo ay in muddo ah wehel ahaayeen-BAYDHABO (Baidoa.com)-July 30, 2005 Macallin Maxamed Yaxye Xuseen waxaa uu ii sheegey in waxbarashada gobolada Baay & Bakool ay marayso marxalad aad u liidata oo ka hoosaysa gobollada kale ee Soomaaliya marka lala barbardhigo asagoo ku tusaaleeyay in heerka waxbarashada gobolada Baay & Bakool ay ka liidato heerkii waxbrashada ee ka jiray tuulo ka tirsan gobol ka mid ah gobollada Soomaaliya wixii ka horreeyay burburkii dawladnimada ee ku habsadaya Soomaaliya. Macallin Maxamed Yaxye Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa u intaas raaciyay in waagii ay dawladu ka dhisnayd Soomaaliya ka hor dagaallada sookeeye ay ka jireen gobolada Baay & Bakool 21 dugsi oo isugu jiray dugsiyada marxaladaha tacliinta ee Hoose/ Hoose Dhexe iyo Sare ayadoo maantana ay ka jiraan gobollada Baay & Bakool afar dugsi oo sadex (3) ay ku yaalaan gobolka Baay iyo mid keliya (1) oo ku yaalla Xudur, magaalo madaxda gobolka Bakool. Mar uu Macallin Maxamed Yaxye Xuseen iiga warramayay jiilalkii kala duwanaa ee uu macallinka u ahaa oo si gaar ahna uga faa'iidaystay aqoontiisa afafka ajnabiga ayaa waxaa uu yiri: "Anigu waxaan si shaksi ah wax u soo baray min bilow ilaa dhamaad arday gaaraysa toban iyo todobo kun iyo sagaal (17009) oo ka soo jeeday qabiil (beel) kasta oo Soomaaliyeed oo ku kala firdhisan daafaha dunida, aniga oo yoolka keliya ee an higsanayay uu ahaa in aan soo saaro jiil mustaqbal iyo ayaatiin horumar leh gaara... Qaar ka mid ah ardaydii aan u bilaabay xuruufta hijaa'iga ah ( alphabet) ee afafka ajnabiga waxay ay shahaadooyin caalami ah ee marxaladaha ugu danbeeya waxbarashada sida shahaadada doktooraah (PHD) ka qaateen jaamacadaha caalamka." Macallin Maxamed Yaxye Xuseen ayaa gunaanadkii wuxuu ku booriyay dhamaan intii ka faa'iidaystay aqoontiisa in aysan illaawin meeshii ay ka soo burqatay ama aasaaska u ahayd aqoontooda oo ay mashaariic waxbrasho ka fuliyaan gobolladan oo jiilalka dayacmay ee ay tacalliin la'áan ku haysato gobolldan wax u qabtaan ayagoo ku dayanaya gobolada kale ee Soomaaliya oo aqoonyahanadii ka sooo jeeday ay mashaaric waxbarasho ka fuliyeen, hadii kalena ay ku sifoobayaan oraahadii Soomaalida ee ahayd "hal bacaad lagu lisay" oo ku tacaddiyay dhulkii iyo dadkii wax soo baray."
  6. Imaamka Masaajid ku yaala Magaalada Muqdisho oo xalay la dilay. By MOHAMED ALI MOHAMUD (MADKA), Allgedo Online MUQDISHO, Somalia - Waxaa habeenimadii xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Suuqa Bakaaraha lagu diley Imaamka masjidka Abu Hureyra oo ku yaala deegaankaas. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ninka la diley ayaa waxaa weerar ku soo qaadday koox malleyshiyo ah mar ay khadimka iyo wadaado kale ay wateen baabuur iyagoo ka baxay salaadii cishaha. Dableyda weerarkan soo qaadday ayaa loo malaynaya in ay doonayeen in ay baabuurka ay wadaadadu wateen ay dhacaan, halkaas oo rasaastii ay fureen uu ku geeriyoodey khadimkii masjidka, iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen isla dhacdadaas saddex wadaad oo kale kuwaas oo laba ka mid ah lagu magacaabo Shiikh C/laahi Cali Xaashi iyo Shiikh C/naafac.
  7. La soo galiyay: 2005 Jul 30 - 10:11 • Waxaa xalay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen salaadii cisho kadib qadiimkii masjidka Abuu Hureysa xili uu ku sii jeeday... Xaafadiisa oo ku taal xaafadda Xamar Jadiid ee magaalada Muqdisho. Khadiimka iyo sadax culumo oo kale ayaa waxay saarnaayeen Baabuur Mark II ah iyadoo kooxaha geystay falkan ay ku amreen in darawalka gaariga joojiyo hase ahaatee darawalkii dheg jalaq u siin waxayna burcaddii ku fureen rasaas aan loo aaba yeelin waxaana halkaas ku dhintay Khadiimka Masjidka Abuu Hureysa oo lagu magacaabi jiray Sh. Maxamed Muumin Haaruun halka dhaawac uu kasoo gaaray Sheekh wacdi ka aqrin jiray masjidka oo la yiraahdo Sh. C/llaahi Xaashi iyo labo kale. Lama yaqaan sababta keentay weerarkan lala beegsaday culimada iyadoo aysan jirin wax war ah oo laga helay ehelada sheekha la dilay iyo kuwa la dhaawacay, Sh. Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culimaa'uddiinka Muqdisho ayaa cambaareeyay kooxaha gaystay falkan iyadoo uu sheegay in taas ay qeyb ka tahay xasilooni darada ka jirta Muqdisho. Cali Muxayadin Cali Garoweonline-Muqdisho
  8. Khaadimkii masjidka Abu Hureyra ee magaalada Muqdisho oo xalay la diley Muqdisho - 30.July.2005 Waxaa habeenimadii xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan Bakaaraha lagu diley Khadimkii masjidka Abu Hureyra ee deegaankaas,Sheekh Maxamed Muumin Haaruun. Khadimka la diley ayaa waxaa weerar ku soo qaadday koox malleyshiyo ah mar ay khadimka iyo wadaado kale ay wateen baabuur iyagoo ka baxay salaadii cishaha. Dableyda weerarkan soo qaadday ayaa loo malaynaya in ay doonayeen in ay baabuurka ay wadaadadu wateen ay dhacaan, halkaas oo rasaastii ay fureen uu ku geeriyoodey khadimkii masjidka, iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen isla dhacdadaas saddex wadaad oo kale kuwaas oo laba ka mid ah lagu magacaabo Shiikh C/laahi Cali Xaashi iyo Shiikh C/naafac. MM Dhoorre SBC Muqdisho
  9. Sheekh Caan ah oo Magaalada Muqdisho Lagu Dilay Xalay. {Muqdisho}30-07-05 mid ka mid ah culimaaudiinka soomaaliyeed ee sida aadka ah looga yaqaanno magaalada muqdisho ayay xalay maleeshiyooyin hubaysani ku dileen xaafadda xamar jadadiid ee degmada wardhiigley ee magaalada muqdisho. Sheekh maxamed muumin haaruun oo ahaa imaanka iyo khadiibka masjidka wayn ee abuu hurayra oo ku yaalla suuqa bakaaraha ayay maleeshiyooyin hubaysani rasaas huwiyeen salaaddii cishaha ka dib xilli uu ku sii jeeday gurigiisa uuna ka yimid masjidka oo uu salaadda cishaha ku soo dujiyay jamaacada. Sheekha waxaa xilligii la weerayay gaari yar oo uu ku socday la saarnaa saddex nin oo kale oo iyana wadaaddo ah oo dhammaantood dhaawacyo soo gaareen in kastoo aanay dhaawacyada raggaasi khatar ahayn. Tani waxay dhacday ka dib markii wadaha gaariga maleeshiyooyin hubaysani ka dalbadeen in uu istaago laakiin uu ka dhaga adaygay markii sida la sheegayo uu dareemay in ay furin rabaan dil wadareed qorshaysan oo lagu doonayay in dhammaan wadaaddadan looga takhaluso. Markii wadaha gaarigu u hoggaansami waayay dalabka dablaydii dilka gaysatay ee ahaa in uu gaariga isbaajiyo ayay rasaas oodda kaga qaadeen taas oo keentay in shiikhu isla goobtii shilka ku geeryoodo. Sheekh maxamed muumin haaruun oo muddo dhowr sano ah soo ahaa imaamka ioyo khadiibka masjidkaa abii hurayra halkaana ku akhriyi jiray kutub kala duwan ayaan ilaa haatan la garan ciidda dilkiisa ka dambaysay iyo ujeeddada ay ka lahaayeen dilkiisa. Culimaa'udiinka soomaaliyeed ayaa qaarkood saxaafadda la hadlay waxay falka dilka sheekhan ku tilmaameen mid barbari ah oo bani aadmid nimada ka baxsan. Sheekh xasan daahir aways oo ay shiikha la dilay aad isu garanayeen ayaa tilmaamay in falkaasi yahay mid waxshinimo in kastoo aanu cidina farta ku fiiqin,waxa uu sheekh xasan daahir aways sheegay in falalka ugaarsiga culimada iyo aqoonyahanku ay aad u kordheen ka dib markii lagu guul darraystay in la qisaaso ama go'aanno cad laga qaato dadka sida gar darrada ah wax u dilaya. Iskuulka Almarwazi oo sheekh la dilay uu maamule ka ahaa ayay saaka isugu soo bexeen boqollaal ka mid ah ardaydii wax ka baran jirtay oo wajiyadooda murugo fara badan laga dheehan karay,iyagoo cambaareeyay dilkii maamulihii iskuulkooda sheekh maxamed muumin haaruun oo ay tilmaameen in aanu galin haba yaraatee wax keeni kara in dhiiggiisa la daadiyo oo la dilo. Dilka shakhsiyaadka muhimka ah ee culimada iyo aqoonyahannada isug jira ayaa aad ugu soo kordhayay toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo aan walina la garan cidda ka dambaysa falalkaasi. dhawaan ayay ahayd markii magaalada muqdisho lagu dilay agaasimihii hay'adda cilmi baarista iyo wada tashiga soomaaliyeed ee CRD C/qaadir Yaxye sheekh Cali iyadoo maalin ka dib dilkiisana la khaarijiyay taliyihii ciidammada maxkamadda islaamiga ah ee ifka xalan xirsi lugay ,kuwaas oo aan ilaa hadda meel la saarin raadkoodana la garan dadkii dilkooda ka dambeeyay.
  10. Maleeshiyo hubeysan oo dilay Imaamka Masjidka Abu Hureyra Muqdisho Muqdisho:- Maleeshiyo hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay mid kamid ah shiyuukhda magaalada. Sheekh Maxamed Muumin Haaruun oo ahaa imaamka Masjidka Abu Hureyra ee kuyaal xaafada Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa ku dhintay weerar ay dabley hubeysan ku qaadeen gaari uu saarnaa. Marxuumka ayaa la sheegay in uu u dhintay dhaawacyo kasoo gaaray weerarkan. Waxaa sidoo kale dhaawacmay 3 qof oo kale oo gaarigaasi saarnaa. Weerarkan oo dhacay xalay kadib salaadii Cishe ayaan la aqoon sababta keentay ayadoo ay horey magaalada Muqdisho uga dhaceen falal dil ah oo lala beegsaday Culimada magaalada. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  11. Shiikh ka mid ahaa Culumaa'udiinka ugu Caansan Magaalada Muqdisho oo xalay ladilay,Sadex kalana ladhaawacay Posted to the Web Jul 30, 18:49 Muqdisho:-Aalaha u naxariistee waxaa xalay habeenimadii magaalada Muqdisho ay kooxo hubeysani dileen Sh.Maxamed Muumin Haaruun oo ka mid ahaa Culumaa'u diinka ugu caansan Magaalada Muqdisho,iyagoo sidoo kalana dhaawacay ilaa Sedex kale oo Culumo ah oo Shiikha la socotay. Sh.maxamed Muumin Haaruun iyo Culumadii la socotay ayaa xiligii la dilayey waxaa ay kasoo baxeen Salaaddda Cishaha oo ay kusoo Tukadeen Masaajidka Abuu Hureyra oo uu Sheekhu ka mid ahaa Qaadibiinta Masjidkaasi,waxaana ay Kooxahan Dableyda ah u galeen wadada,iyagoo ku amray intii aysan rasaasta ku furin kahor in ay gaari ay wateen ay joojiyeen, balse ay ka biyo diideen culuma'udiintu inay istaajiyaan gaarigii ay wateen, taasina ay keentay in ay maleeshiyadii hubeysneyd ay rasaas huwiyaan. Marxuum Sh.Maxamuud Muumin Haaruun ayaa maanta barqanimadii waxaa lagu aasay Qabuuraha Barakaat oo ku yaala duleedka magaadalada Muqdisho,iyadoo aaskiisana ay kasoo qeybgaleen dadweyne aad ufara badan oo u badnaa Culumaa'u diin,oo iyagu si kulul u cambaareynayey dilkkii waxuushinamad ahaa ee sheekha lagula kacay. Sh/C/laahi Xaashi oo isagina ka mid ah Culumadii la dhaawacay ee Sheekha la socotay ayaa waxaa uu xiligaasi tafsiir kasoo aqriyey masjidka Abuu Hureyra. Lama oga ilaa iyo haatan cidda ka dambeysay weerarkan xalay lagu qaaday Culumaa'udiintan laguna Dilay aalaha u Naxariistee Sh.Maxamed Muumin Haaruun oo ka mid ahaa Culuma'udiinka ugu caansan magaalada Muqdisho. C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceyl) Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya
  12. Sarkaal Sare oo maanta Muqdisho lagu dilay. Posted to the Web Jul 31, 17:31 Muqdisho:-Alaha u Naxariistee G/sare Maxamed Cismaan Coon oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa abaarihii 10:30-kii barqanimo ee maanta ay kooxo hubeysani ku dileen agagaarka Taree Biyaano ee Xaafadda Taleex ee Magaalada Muqdisho. Sida ay Puntlandpost,u sheegeen dad goobjoogayaal ah oo xiligii uu falkaasi dhacayey goobtaasi ka dhowaa,G/sare Maxamed Cismaan Coon ayaa sida la sheegay xiligii la dilayey waxaa uu kasoo baxay Gurigiisa waxaana uu soo aaday inuu cabitaan banaanka kasoo cabo,balse kooxo dabley ah oo watay Gaari yar oo Cad ayaa gaari uu Marxuumku watay soo agdhigtay waxaana ay durbadiiba oodda kaga qaadeen rasaas aad ufara badan ,taasoo uu ku dhintay Sarkaalku iyo Gabar yar oo halkaasi ka dhoweyd iyadoo sidoo kalana uu halkaasi ku dhaawacmay daraawalkii Marxuumka dhintay,lamina oga ilaa iyo hadda cidda ka dambeysa falkan dilka ah ee loo geystay Marxuunkaasi. Aalaha u naxariistee G/sare Maxamed Cismaan Coon oo ka mid ahaa taliyayaasha ugu sar sareysa ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa meydkiisa waxaa la geeyey Isbitalka Madiina,waxaana la filayaa in isla galabta Galinka Dambe in la aaso. Ma ahan markii ugu horeysay ee Magaalada Muqdisho lagu dilo sarkaal ka tirsan saraakiishii hore ee Soomaaliyeed,waxaana horey Muqdisho loogu dilay saraakiil dhowr ah oo magac iyo maamuusba ku lahaa umadda Soomaaliyeed,Taariikhdana baal dahab ah kaga jiray. Waa dilkii labaad ee ka dhaca Muqdisho muddo 48-saacadood Gudahood ah iyadoo habeen horeyna magaalada Muqdisho lagu dilay Sheikh Caan ahaa oo la oran joray Sh.Maxamed Muumin Haaruun oo ka mid ahaa qaadibiinta Masjidka Abaa Hureyra oo ku yaala wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho. Falalkan lagu ugaarsanayo dadka aqoonyahaniinta ah ee mudooyinkanba si aad ah ugu soo badanaya Muqdisho ayaa waxaa la oran karaa waa falal qorsheysan oo si aad ah loo soo abaabulay ,balse ilaa iyo iminka si dhab ah looma hayo cid si toos ah loogu eedeyey in ay falalkaasi ka dambeyso amaba ay ku lugleedahay ,sidoo kale waxaa arrintani ugaarsiga ah si aad ah uga argagaxay shacabka ku dhaqan Guud ahaan G/Banaadir oo iyagu qaarkood ayba guryahooda hoosta kasoo xirteen iyagoo ka cabsi qaba in ay ku timaado tookadooda islamarkaasina si macna darro ah loo dilo. C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceyl) Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya
  13. Waxaa xalay weerar kedis ah oo lagu qaaday ku geeriyooday ALLAHA u naxariistee Khadiib-kii masjidka Abuuhureyra Sheekh Max’ed Muumin Haarruun oo kooxo hubeysan ay ku weerareen xilli uu saarnaa gaari marayey waddada Cali kamiin ee xaafadda X/jadiid ee degmada Wardhiigley. Sheekha la dilay ayaa ahaa Sheekh caan ka ah magaalada Muqdisho oo Khudbada Salaada Jimcaha ka aqrin jiray Masjidka Abuuhureyra, waxaana xilliga la dilayey uu ka soo baxay Tafsiir uu ka aqrin jiray masjidka Abuuhureyra, waxaana lala dhaawacay 3 qofood oo uu ku jiray darawalka gaarigii uu saarnaa, iyadoo kooxihii falkaasi geystayna ay iska dhaqaaqeen. “Dalkaan waxa uu la xasili la’yahay waxey tahay carada ALLE oo dadka magaaladan ku sugan ku dhacday, mar walba oo la dilo qof culimo ah oo dhiigiisa macna darro lagu banneeyo cid ka hadleysa ma jirto, marka masaajidada lagu tukunayo-na waa la soo buuxinayaa, waa in dadka muslimiinta ah ay dareenkooda ku muujiyaan sida ay uga xun yihiin dilka qofka muslim-ka ah ee aanan waxba galabsan oo mar waliba macna darrada dhiigiisa lagu baneynayo†ayuu yiri Sheekh Musdaf Yaxye C/casiis oo ka mid ah mashaa’iqda waaweyn ee Muqdisho, wuxuuna dilka Sheekha loo geystay ku tilmaamay mid lagu aamusinayo xaqa. Dhinaca kale, waxaa dorraad ka dhacay fal dil ah oo aad u fool xun xaafada suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, markii labo gabdho oo ilma adeer ah laguna kala magacaabi jiray Deeqo Cali Sahal & Zam-zam Jimcaale Sahal ay is dileen, iyagoo dilalkooda u adeegsaday Toorey & Bastoolad. Labadan gabdho ayaa horay waxaa u dhex-maray muran lacageed, waxaana mid ka mid ah ay ku eedeysay tan kale in ay ka qaadatay lacag, kadibna gabadhii lacagta laga qaatay ayaa dacwad u gudbisay waalidiinta gabadha kale, waxeyna waalidiintu u sheegeen in ay ka war sugto, balse muddo kadib markii ay jawaab ka weysay waalidiinta ayey soo qaadatay toorey, waxeyna ku dhufatay gabadhii ay aaminsaneyd in ay lacagteedii ka qaadatay, iyadoo gabadhii tooreyda lagu dhuftayna ay bastoolad la soo baxday kuna riday xabado, taasoo keentay in labadii gabdhood ay isla goobtii ku geeriyoodeen. Muddadii 14-kan sano aheyd ee dalku ku sugnaa xaaladda dowlad la’aan & fowdada ah ayaa waxaa dhacayey falal aad u xun oo aanan horay kaga dhex dhici jirin qoysaska & caa’ilada Soomaalida ah dhexdooda, waxaana falalkaasi sal u ah markii la waayey dowladdii dhexe ka gadaal 1991-kii, iyadoo la arkay sanadihii u dambeeyey wiil aabihiis dilay, mid hooyadiis dilay, mid awoowgii dilay & dhaqamo sidaa oo kale ah oo aysan Soomaalidu dhaqan & hido u laheyn. Cabdishakuur Cilmi Xasan Dayniile, Muqdisho
  14. Sarkaal dhowr daqiiqo ka hor lagu dilay Tre-Piano Muqdisho Waxaa dhowr daqiiqo ka hor lagu dilay daarta Tre-Piano ee xaafada Taleex ee degmada Hodon sarkaal ka tirsanaa ciidamada CID-da oo lagu magacaabi jiray Max'ed Cusmaan Con, waxaana sarkaalkan oo taagnaa meel biibito ah oo uu biyo la cabayey rasaas ku furay maleeshiyo wadatay gaaron Mark 11. Habeen hore ayey aheyd markii agagaarka xaafada Cali kamiin lagu weeraray gaari uu la socday Sheekh Caan ka ah magaalada Muqdisho oo kooxihii weerarka u geystay ay dileen, iyadoo dhaawac halis ahna gaarsiiyey labo ka mid ah culimadii la socotay Sheekhaasi. dhacdooyinka dilalka ah ee lala beegsanayo dadka wax-galka ah ayaa ilaa haatan aanan la ogeyn rasmi ahaan cidda ka dambeysa, iyadoo muddooyinkan ay yaraadeen dilalkaasi, balse maalmahan ay dib u soo laba-kac-leeyeen
  15. Muqdisho: Sargaal ka tirsanaa ciidanka Booliska oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho. - Sunday, July 31, 2005 at 17:54 Muqdisho(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sargaal katirsana ciidanka booliska gaar ahaan qaybta sirdoonka ay dablay hubaysan ku dileen agagaarka Trey Biyaano xaafadda Taleex. G/sare Maxamed Cusmaan Coon ayaa waxaa dilkan ugaystay koox dablay ah oo ku hubaysnaa qoryaha fud fudud kuwaasoo watay gaari yar oo ah nooca loo yaqaan Karoollaha ah . Xilliga ladilayay Marxuumkan ayaa ahaa maruu kasoo baxay gurigiisa uuna ku dhex jiray gaarigiisa oo yaallay aagga Sarta Trey Biyaano ee degmada Taleex. Wararka naga soo gaaraya Muqdisho waxay intaasi ku darayaan in marka ay dhacday geerida marxuum Coon uu rasaas iswaydaarsi dhex maray malleeshiyadii dilka gaystay iyo koox kale oo ilaalo ka ahaa dhismayaal hayadeed halkaasna waxaa ku nafwaayay gabar da' yar. Dablaydii dilkan gaysatay ayaa baxsaday , lama sheegin cidda ay ahaayeen iyo halka ay kayimaadeen toonna dadkaasi wax laayay,Sargaalkan ayaa ahaa dadka u ololeeya in dalka Soomaaliya uu xasilo. Ma ahan markii koowaad , labaad ama saddexaad oo sargaal sare lagu dilo magaalada Muqdisho , dilalka caynkaan oo kale ah ee dhacaya ayaa ah kuwo salka ay qaarkood ku hayaan aano qabiil halka wararka qaarna ay sheegayaan inay jiraan ururo iyo shaqsiyaad ugaarsada dadka doonaya in dalka laxasiliyo. CCC Farayaamo [ July 31, 2005, 02:05 PM: Message edited by: Admin ]
  16. Jowhar(AllPuntland)- Magaalada Jowhar ee ah fariisinka kumeel gaarka ah ee Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya hawlo isu soo dhawaansho ah ayadoo ay dheceen xiriir xagga taleefonka ah oo dhex maray madaxdii khilaafaadku ka dhexeeyay. Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxmed Geeddi iyo madaxwaynaha Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ay ku doonayaan inay wada hadallo diblomaasiyadeed layeeshaan madaxda kusugan Muqdisho ee uu kamid yahay Guddoomiyaha baalramaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xiriir xagga taleefonka ah ayaa dhex maray madaxwaynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha baarlamaanka iyo sidoo kale raysulwasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha baarlamaanka . Inakastoo masuuliyiinta xiriirka sameeyay aysan saxaafadda u caddayn xiriirkaasi ayaa hadana sida ay AllPuntland soo gaarsiinayaan xog ogaal Jowhar kusugan , waxaa muuqda dabacsanaan labada dhinac ah oo ay kasoo dabceen mawqifyadii ay horay u taagnaayeen. Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa naf ahaantiisu Muqdisho ka sheegay inay muhiim tahay in lala shaqeeyo dawladda Soomaaliya laguna gudo jiro xallinta khilaafaadka u dhexeeya garabyada dawladda. Wada hadalladaasi waxaa bar bar socda kulan dhex maraya madaxwaynaha , rasulwasaaraha iyo qabaa'ilka Soomaaliyeed oo looga falan qoonayo xasilinta dalka . Waxaa maalmihii tagay hoos u dhacay xawligii ay ku socon jirtay doodaha madaxda Soomaaliyeed ay isku dhaafsanayaan saxaafadda ayagoo midba midka kale dhaliilayo , waxaana dadka siyaasadda ka faallooda ay sheegayaan in isu soo dhawaanshaha ka dhex muuqda madaxda DFKGS uu noqon karo mid heshiis dhab ah ka danbeeyo.
  17. Well Brother let/leave me alone with my dreams they might never come to reality but I know for sure that people from my part of the world actually have dreams, visions for the future which might be seen sometimes as adventureous or even daring. That is exactly the reason why I adore the people of my part of the world because they are brave, wise and very daring. My condolences to the people who'll never dream because they can't see a way out of their misery and plight but hey that's life. The worst thing is to be dreamless and landless that is the real inkaar for me if you know what I mean. Have fun and lots of dreams. Good Dreams or dreaming simply I don't know!!!
  18. That's the way we're are inshallah we will be changing in the near future. What can I say that is actually somali nature.
  19. Fartun what a ludacris topic don't have any dignity what that girl-boyfriend stuff. you really need to grow up. It doesn't mean because we will in the west we've to behave like them. We got our own values religious and cultural and kissing girl and boyfriends and having indecent relationships wtih them is none of them.
  20. No not at all Housewife is full emplyment it's actaully emplyment for 24/7 a day if you knw whta i mean. I keep forgetting to include the letter o. i don't know why but never mind.
  21. I believe that marrying someone because of the simple reason that you're in love with is actually naive. He man or woman has to have certain qualities before marrying them/ That's all my advice that i can give you. Don't worry inshallah everything will be fine and ok.
  22. Walaal don't worry inshallah you'll find someone suitable inshallah. Pray to Allah allmighty.
  23. Folks I don't want to be matched to someone although I'am single. Iam just here because i want to express my salutes to our sister hibo for professionlly conveying the message of love and peace to all the brothers and sisters stationed here. Well done Walaalo. Keep up the good work and I also hope that you'll never get tired from your noble work. People should marry and look for their other half or they should abstain from illegal sexual intercourse which is very unhealthy and which can lead to sexual transmitted diseases and ofcourse the angriness of Allah subxaanah and dissatisfication with you. Keep healthy and simple.
  24. Maxamed Dheere: “Tusaalihii Nabadda†Waxa la yiri taariikhdu iyaadaa is qorta, waa haddii la waayo qalinleey had iyo goor u dabran inay diiwaan geliyaan dhacdooyinka maalinlaha ah ee dunida guudkeeda ka dhacaya. Haddii aynu Soomaali nahayna si baad mooddaa inaynu u xaqiro qofkii ummadda uu ka tirsan yahay wax wanaagsan oo muuqda u qabta. Laakiin si kasta oo is riixriix iyo loollan la isugu sabaaxadeeyo masuulkii wax wanaagsan dadka u abuura, samafalkiisa lama dedi karo, ee sida dayax shan iyo tobnaad ayuu hal abuurkiisu ugu daa’imayaa dunida guudkeeda. Gobolka Shabeelada Dhexe, oo deris la ah caasimadda Soomaaliya, waxaa la isku raacsan yahay inuu amni iyo kala dambayn joogtaysan oo saxar tiran ka abuuray Guddoomiyaha gobolka Shabeelada Dhexe Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere). Haddii aad meel barwaaqo ah ka beerto geed midhood, oo uu si wanaagsan u qaan gaaro, waxaa dheefsada dad tiro badan oo laga yaabo inaysan hawshii geedkaas laga soo maray waxba ku darsan. Mudane Maxamed Dheere wuxu Shabeellada Dhexe ka hir geliyey nabad iyo kala dambayn kaliftey in ay dawladdii Soomaaliyeed ee Kenya lagu soo dhisay xarun ku meel gaar ah ka dhigato. Waa astaan iyo wax qabad lagu xusuusan doono dareenka caafimaadka qaba ee Mudane Maxamed Dheere uu ugu adeegay qayb ka mid ah ummadda Soomaaliyeed, taas oo ay hadda Soomaali oo dhani u ayday. Sooyaalka taariikhda ayeey da’yarta Soomaaliyeed ka heli doonaan hawsha biyo kama dhibcaanka ah ee uu Maxamed Dheere dalkiiisa iyo dadkiisa u qabtay. Dadku waa inay abaal gudaan, oo ugu yaraan qofkii wanaag sameeya loo aqoonsadaa, maxaa yeelay haddii nidaam kharibaha iyo samafalaha danta guud heeganka u ah isku meel la qotomiyo, waxaynu noqonaynaa ummad aan jirin oo uusan damiirkeedu caafimaad qabin. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa la helayaa oo jecel inay wanaagga u go’doomaan, laakiin adduunku wuxu dhashay isagoo leh: “Ma Dhami†oo dadku isku karti iyo isku garasho midna maaha. Mudane Maxamed Dheere waxaan odhan karaa wuxu isku darsaday garashadii wanaagga iyo kartidii uu ku fulin lahaa. Taas oo qof kulansaday, oo weliba meel marinteeda ku dhiirani uu waayahan Soomaali ku yaraaday. Iyagoo Wasiiro ah ayeey Isbaarooyin iyo guri fawdo dhex gawdiidaan, oo aanay weliba inay sii kharibaan mooyee, ka soo reeya garashadooda iyo maankooda ku jirin, halka uu Maxamed Dheere isagoo aan Wasiir ahayn, heeganka u yahay hirgelinta dawladnimada iyo qaranimada dalkeena. Qabqablayaasha dawlad la’aanta Soomaaliya la jecel ee magaalada nabadda badan ee Jawhar deriska la ah iyo Mudane Maxamed Dheere waxay isu jiraan cirka iyo dhulku inata ay isu jiraan. Guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed, waa inay aqoonsadaan oo tilmaamaan qofka danta guud wax ka qabta, oo weliba ku maamuusaan wax qabadkiisa iyo natiijada aayatiinka dadkoo dhan u leh ee kartidiisa iyo garashadiisa laga dhaxlo. Waana in gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan Mudane Maxamed Dheere looga aqoonsadaa qof ixtiraan, iyo tixgelin qaranimo bulshada Soomaaliyeed ku dhex leh. Waxaana fiican in loogu yeedho: “Tusaalihii Nabaddaâ€. Waxaynu u baahanhaya halyeeyo sida Maxamed Dheere dalkeena u kaca oo nabadda iyo amniga gacan bir ah ku qabata, si ay dadkeena iyo dalkeenu u noqdaan kuwo la tartama bulshada caalamka. Si ay caruurteena colaadaha iyo qabyaaladda ku ababtay u badbaadaan oo u noqdaan kuwo berito asaagood la jaan qaadi kara. Mudane Maxamed Dheere Wargeyska Dalku wuxu leeyahay Hambalyo wanaagaga aad umadda Soomaaliyeed u samaysay, ogoowna inaadan dadkaaga ku hungoobi doonin ee ay kuugu abaal gudi doonaan magac iyo mansab midkii ay dadka Soomaaliyeed kuu gartaan. Wargeyska Dalka Warsidaha_dalka@yahoo.com
  25. Wargeyska todobaadlaha ah ee lagu magacaabo: Wargeyska Dalka, caddadkiisii 8aad, ayaa daabacay laba Faallo, waana sidan: _______________ SOO DHOWOOW MADAXWEYNE, OO SAMATA-BIXI DALKAAGA Guul shacbi weynaha Soomaaliyeed u soo hoyatey ayeey ahayd imaatinkii geesinimada iyo wadaninimada ku dhisnaa ee uu Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kmg ahi ku yimid magaalada Jawhar ee xarunta ku meel gaadhka ah u ah Dawladda Soomaaliyeed inta ay caasimadda dalka nabadaynayso. Sidoo kale, Dawladda Federaalka, oo ilaa iyo muddadii ay waddankii lagu soo dhisay ee Kenya ka soo guurtey ku kala maqnayd gobolada dalka ayeey imaatinka madaxweynaha ee Jawhar ka dhigtay mid ay awoodeeda waxqabad, iyo haykalkeeda dawladnimo isu muujiyeen sida kayn cagaaran oo xilli jillaal ah lagu soo hayaamay oo runtii u muuqda mid ummaddan daashay ka haqab-tiri kara nabad gelyo, iyo maamul ay hogaankiisa toosan iyo wax qabadkiisa u aayi karaan. Imaatinka Madaxweynuhu wuxu soo af jaray dacaayado aan sal iyo raad midna lahayn, oo kuwo dusha Soomaali uga eg, laakiin dhaqankoodu uusan Soomaalinimo waafaqsanayn la guura bahalaynayeen. Taas oo aysan marnaba bulsha weynta Soomaaliyeed dheg jalaq u siin, maadaama ay si wanaagsan muddadii bur-burka u barteen bilaash xaytayaasha ummadda dhibay ee inay Soomaaliya dawladnimadeeda hir geliso gambadhka gaaban assii aan xoogga badan lahayn ugu yuurursaday. Safarka Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf, uu ku yimid magaalada Jawhar oo uu horay Raysal Wasaaruhu u joogey, waxay dadweynaha Soomaaliyeed madaxweynaha u soo dhoweeyeen si laga dhadhansan karo taageerada ay ummadda Soomaaliyeed dawladdooda u hayaan. Markii uu cagaha soo dhigayba wuxuu madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu Jawhar u yimid inuu waajibaadyadiisa qaran ku guto, oo uu ummaddiisa ula socdo nabad, dib u heshiisiin, waalnimo iyo inuu dhibaatada dadkiisa ku gaamurtey deg-deg wax uga qabto. Taas oo ka mid ah waxyaabihii markii la dooranayeyba ay xildhibaanadii madaxweynaha doortay ku raceen. Waxaa la aaminsanaa, haddana ay astaamaheedii muuqdaan inuu Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf daacad ka yahay soo noqoshada qaranimada iyo dawladnimada Soomaaliya. Madaxweyne, waxaad haysataa kalsoonida ummadda Soomaaliyeed, oo dhawraysa maalinba hawl maalmeedkaagu halka uu ku wajahan yahay. Waxay kaa sugayaan inaad horseed ka noqoto gaadhitaanka Soomaaliya oo nabad ah, kalsoonidii iyo is aaminkii oo soo noqday, nidaam iyo kala dambayn wadankeena ka hir gala, iyo in si la taaban karo looga bugsoodo haarihii nidaam-darradu keentay ee ay bulsho weynta Soomaaliyeed muddada dheer ku soo jireen. Ummaddani, maanta, wax fursad ah uma hayso faataa dhuglayaasha, nidaam la’aanta dalkeena ka jirta ku mamay. Waxay sheegayaan oo dhan horay, ayeey u soo isticmaaleen, oo wax laga rumaysan karaa ma jiraan, dadweynaha Soomaaliyeedna taas makhrati iyagaa ka ah, oo marka ay soo jeediyaan inay arrin ku dhaqaaqayaan dadku danta ay ka leeyihiin iyo halka ay ku dambaynayso way sheega-sheegaan. Waayo Soomaaliyi isuma cusba, shan iyo toban sano oo bur-bur iyo xal raadin lagu jireyna waa la is wada bartay, nin baa Isbaaro iyo kharibaadda nabadda inuu ku caan baxay bulshadu u taqaan, oo inuusan garadakiisu Isbaaro dadkaaga u dhigo mooyee, wax kale higaadin loo og yahay. Mid baa inuu halkeeyaha bulshada daba socdo mooyee aan wax hindise siyaasadeed dadkiisa u roon aan marnaba laga filayn. Mid baa nabad jire ah, oo wakhtigiisa iyo kartidiisaba geliyey inuu mar kasta ka shaqeeyo inuu nidaam iyo kala dambayn dalkeena ka dhacda, had iyo goor u suxul doobo. Dadku sidaasay kala yihiin, ummadduna waa og tahay, iyagaana kan dantooda wada iyo midka inuu nabadda samada ku laalo kabaha u illan u kala gar sooraya. Dadka Soomaaliyeed, ma aha dad xun, ee waxaa haleeshay masiibo ragaadisey hab dhaqankoodii wadaninimo ee ay caanka ku ahayaeen, hadda ka horna ma helin madax daacad ka ah inay dhibaatada shan iyo tobanka sano jirta, dadkooda sidii ay uga bixi lahaayeen ka arrimisa. Haddii ayiminka heleena, laga fili maayo inay fidmawalayaal dadkooda ku sii cariigsanaya sii eegtaan, ee dawladooda u adeegaysa ayeey garab iyo gaashaanba u noqonayaan. Dawladdani, waa xukuumad dib u heshiisiineed, oo xoogeeda oo dhan isugu geeynaysa sidii dalkeena looga hir gelin lahaa nidaam iyo kala dambayn, si qof kasta oo Soomaali ahi cabsi la’aan iyo nabad gelyo buuxda ugu noolaado. Waxay leedahay barnaamij qaydan iyo shax degsan oo loogu talo galay in lagu nabadeeyo gebi ahaanba waddanka oo dhan. Kaabayaasha nabadda marka dhidibada loo taago, ee hayadaha nabadgelyadu waajibaadyadooda si joogta ah u qabsadaan, dalka oo dhanna ay hawlihiisa dawladdu isku duba-riddo, oo nidaam iyo kala dambayn la helo, dadkuna ka nastaan baqdinta iyo jaahwareerka ay shan iyo tobanka sano ku noolaayeen, dalkana dib loo dhiso, waxaa loo gudbayaa horumarka dalka. Miyeeynan tiigsan karin ummadaha inaga hor maray intii aynu isku jeednay ee muranka iyo colaadaha aan xigmadda ku dhisnayn isku warjeefayney. Haa, weli fursad dahabiya ayaa ina hor taal, haddii gacmaha la is qabsado, oo dawladda inoo dhalatay gudashada waajibaadyadeeda lagu garab is taago, waxaa hubaal ah inaynu ka baxayno dhibka inagu raagey ee muddada dheer inagu laba raadleynayey. Waxaa kaloo muhiim ah, inay ummaddu iska qabato, oo ku gacan sayrto kuwa weli u sii hunguri qaba inay nabaddan dhalatay ee ay dawladdu hogaanka u hayso carqaladeeyaan. Ha ka yeelina, ha maqlina, ku gaca saryra, diida, oo dantiinu kuma jirtee ka hadha, oo weliba la xisaabtama si loo badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed ee shan iyo toban sano ka dib mar kale Illaahay (SW) dib u dhaliyey. Shacabka Soomaaliyeed waa inay la yimaaddaan ficillo ay dhiiranaan iyo geesinimo ka muuqato oo ay wax kaga qabanayaan bur-burka iyo dac-darrada magac xumo ee wakhtiga dheer dalkooda ka aloosnayd. Aynu hogaamiyaasheena ku raacno, oo kala shaqayno waajibaadyada qaran ee ay ummadda Soomaaliyeed ugu adeegayaan. Wargeyska Dalka Warsidaha_dalka@yahoo.com