oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Abbaas;926235 wrote: Caasho stress Female version of Nabadoon Alpha Blondy ma istiri?
  2. Caasho stress looooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool
  3. Abbaas;926231 wrote: sxb what does the title mean :confused: Thats me yoo , i have no idea LOOOOOOOL
  4. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=CxAwDdjbu44#!" frameborder="0" allowfullscreen> :eek:
  5. jacpher loool the inoyar is too funny its like she is having an heart attack
  6. Mooge;926219 wrote: lol. is eveverthing that simple for you?? war ninyoow maxa kugu dhacay ? ii wad sheekada
  7. Xaaji Xunjuf;926212 wrote: Naga da seedigood dili mayaan eh kkk caqlixumadooda eeg xaaji why would they kill their seedi waliba ally la ah kkkkkkk
  8. i don't see any school girls habro baan arkaa loooooooooool
  9. Ceel Hindi company laying 24 h clean water pipes for customers.
  10. kkkkkk raaskamboni where al shabaab 2 yrs ago LOOOOOOOOOOOOL
  11. Macallinka;926095 wrote: lool I don't even know who the hell 1rri1d I saw referring to them couple of times, I am hearing Xaaji Xunjuf's are included too lol + Djabouti ? How can that be even possible ? read my previous posts you'll know my stance on irir samaale,
  12. Macallinka;926091 wrote: @ Oba if u want to unite all 1rir under one umbrella why are you opposing them to unite lol ? Actually there is nothing wrong dadka walaaha to unite and share common interest laakiin dadka kale in lagu dhibaateeyo un baa daran. whoa irir wtf? ,,
  13. The Zack;926087 wrote: Puntland are our brothers, we love them walaal. Brotherhood is not a choice, we will be together despite our difference on many issues. :D ileen tano kale
  14. The Zack;926081 wrote: Af ceytamo ninkiisuu ku yaalaa. For your ******* information, when we intiated Azania, Xiin was opposing it. Now Xiin knows Jubbaland aka Azania is good for all. If you where smart you would ally yourself with Gedo
  15. xaaji one guy in the local maqaayad from Badhaadhe was saying today Jubbaland is taking orders from Garoowe waliba he added its nothing wrong with that
  16. One of the guys in the picture was sentenced to death for terrorist activities apparently the case aint so infact he was kidnapped.
  17. Labo qof oo rayid ah ayaa maanta siyaabo kala duwan Gaalkacyo loga afdubtay. Nin ganacsade ah islamarkaana kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Puntland iyo nin dhalinyaro ah oo ka mid ah bahda Sportska Galmudug ayaa maanta siyaabo kala duwan looga afduubtay Magaalada Gaalkacyo. Subaxnimadii hore ee Maanta ayaa Bartamaha Suuqa Gaalkacyo waxaa laga afduubtay Nin ganacsade ah kaasi oo deegaan ahaan kasoo jeeda Maamulka Puntland, Ayadoona loo kaxaystay dhanka Deegaanada Galmudug, wararka qaar ayaa sheegaya in Afduubka ninkaan ay ka danbeeyeen Ehelada C/risaaq Xuseen tahliil oo horay gacanta ugu hayay labo ninoo kale midkana sadex uga dhigay, ayagoona qabsashada Dadkaan ku macneeyay Xarigii iyo Xukunkii Maamulka Puntland ku riday Ganacsade C/risaaq. Ridwaan oo ah wiil u dhashay Galmudug oo la afduubay maanta..... Warar kale ayaa sheegaya in Galabnimadii maanta Ridwaan Maxamed oo ka mid ah Bahda Sportska Galmudug laga afduubtay Garoon Salax ah oo ku yaala Agagaarka Suuqa Gaalkacyo, Sia Idaacada Hobyo u xaqiijiyay C/naasir oo ah Daawadayaashii Ciyaarta halkaasi ka socotay, Goob jooge C/naasir ayaa yiri" Sadex nin oo Shacab ah islamarkaana hubaysan ayaa Garoonka gudaha usoo galay Ciyaartii way istaagtay waxayna amar kusiiyeen Ridwaan in uu si Nabad galyo ah kuraaco Asagana wuu aqbalay waxyna ku qaadeen gaari ma garan karo halka ay la aadeen laakiin waxaan xaqiijin karaa in falkaasi uu ahaa Afduub, sidaasi waxaa yiri C/naasir. Dhanka kale waa afduubkii 4aad ee Sanadkaan gudihiisa ka dhaca Magaalada Gaalkacyo, Ayadoona loo gaysanayo Dad shacab ah oo aan waxba galabsan, manajirto ilaa iyo hada cid si rasmi ah u sheegatay Afduubyada maanta dhacay hase ahaatee Rikoorgoob oo ah nin kasoo jeeda Deegaanada Galmudug islamarkaana dhawaan laga afduubtay Xaafada Garsoor ayaa waxaa markii danbe la sheegay in dib xoriyadiisii loo siiyay kadib markii Ciidamada Amaanka Puntland ku guuleysteen siidayntiisa. Dhan walba hajirtee Ma'ahan markii ugu horeysay ee qof rayid ah Magaalada Gaalkacyo laga afduubtay hase ahaatee waxaa malinba maalinta ka danbeysa sii badanaya afduubyada ka dhacaya Magaalada manajirto cid arintaasi wax ka qabashdeeda u istaagta
  18. War dag dag ah: Nin Darawal ah oo kasoo jeeda Puntland ayaa laga afduubtay Dagaari. Wararka Maanta Idaacada Hobyo ay ka helayso Deegaanka dagaari oo qiyaastii 25KM u jira Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in nin Darawal ah oo kasoo jeeda Deegaan ahaan Magaalada Garowe laga afduubtay halkaasi. Sida aan wararka ku helnay Ninka la afduubtay ayaa u shaqeyn jiray Shirkada Shidaalka Durdur oo Xarumo ku leh Gobolada Mudug iyo Nugaal, waxaase la sheegay in uu Booyad shidaal oo shrkadaasi leedahay u waday Dagmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud, xili uu kasoo anbabaxay Deegaano ka tirsan Maamulka Puntland lamana oga halka uu jaan iyo cirib dhigay hase ahaatee Deegaanka Dagaari ayaa ka mid ah Dhulka uu ka arimiyo Maamulka Galmudug. Dhanka kale Wararkii ugu danbeeyay ee Afduubka Darawlkaasi ayaa sheegaya inuu la xiriiro Qafaal Shalay loo geystay Wiil yar oo lagu magacaabo Ridwaan Maxamed Jamaal islamarkaana ka mid ah Bahda Waxbarashada iyo Sportska Gobolka mudug ee Galmudug, Ayadoona la sheegay in Ehelada Ridwaan ay gacanta ku dhigeen Darawalkaasi kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Puntland. Dhan walba hajirtee Afduubkaan ayaa noqonaya kii 5aad ee Sanadkaan ka dhaca Magaalada Gaalkacyo marka laga tago Ganacsade C/risaaq Xuseen Tahliil oo 17kii Nov sanadkii hore Ciidamada Maamulka Puntland ay ka kaxaysteen Suuqa Gaalkacyo, hase ahaatee Afduubyadaan ayaa waxaa sal u ah Xarigii iyo Xukunkii Ganacsadahaasi lamana oga halka ay ku danbeyn doonto Nolasha Dadkan la kala haysto, waxaase laga yaabaa hadii Toogasho Maamulka Puntland ku fuliyo Ganacasde C/risaaq in Qatar dadkaasi soo wajahdo.