
oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Mayor of Mogadishu 6 Children in London all on housing benefit.
oba hiloowlow replied to London2010's topic in Politics
loooool @ Thread. Howl la'aana ku geeyse wax qabso -
Shaqaalaha Wasaaradda oo abaalmarino la guddoonsiiyey SAWIRRO Munaasabadani oo ah mid bille ah islamarkaana ay Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta bil waliba abaal marino ku gudoonsiiso shaqaalaha ugu dadaalka badan bishaasi ama muujiyey howlkarnimo dheeraad ah oo ka tirsan waaxda Warbaahinta ayaa waxaa bishani abaalmarino lagu siiyey ilaa 18 shaqaale kuwaasi oo dhamaantood kawada tirsan waaxda Warbaahinta sigaar ahse uga kala howlgala Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Telifishinka Qaranka Soomaaliyeed ee Somali National TV. Xaflada Abaalmarinta lagu guddoonsiiyey shaqaalahani katirsan waaxda warbaahinta ayaa waxa ay barqanimadii maanta ka dhacayday howlka Shirarka ee Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta waxaana kasoo qaybgalay Mas’uuliyiinta Wasaarada Warfaafinta sida Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta,Wasiirudowlada Wasaaradda iyo Wasiirkuxigeenka, sidoo kale waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda intuba Ugu horeyn Agaasimayaasha Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed C/raxiin Ciise Caddoow iyo C/raxmaan Xasan Jimcaale ayaa Munaasabadaasi si wadajir ah uga aqriyey magacyada Howlwadeenada muteystay abaalmarinta bishan ee dadaalka dheeraadka ah muujiyey. Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada Iyo Isgaarsiinta Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa faah faahiyey abaalmarintani labixinayo iyo sida ay ku timid. “Alle ayaa mahadda iska leh, mida labaad waxaa arrintaan uga mahad celinaynaa waana ku faraxsannahay tallaabada shaqaalaha lagu abaal marinayo” ayuu yiri wasiir kuxigeenku Sidoo kale Wasiirudowlaha Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/casiis Laftagareen oo isna ka hadlay Munaasabadaasi ayaa sheegay ugu horeyn inay farxad weyn u tahay in uu kasoo qaybgalo goob lagu abaalmarinayo shaqaale muujiyey dadaal dheeraad ah inta kale ee dhimanna haddii ay dadaalaan la abaal marin doono. “Aada baan ugu faraxsanyahay in aan ka qayb galo munaasabad ceynkaan oo kale ah oo abaalmarino lagu gudoonsiinayo shaqaalaha warbaahinta” ayuu hadalkiisa ku daray. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/kariin Xasan Jaamac oo isna Munaasabadaasi ka hadlay islamarkaana shaqaalaha la abaalmariyey guddoonsiiyey waxa ay muteysteen ayaa ka hadlay qaabka dar darka leh ee ay u socdaan howlaha Waaxda Warbaahinta gaar ahaan amaanta ay shacabka u hayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed aysan ahayn mid qarsoon. Mudane C/kariin Xasan Jaamac ayaa ku booriyey shaqaalaha in ay sii laba laabaan howlaha shaqo ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in abaalmarintu ay tahay mid meerta ah oo qofka markiisa lagu abaalmarin doono howsha uu Qaranka u hayo. “wax sir ah ma ahan macluumaadka ay shacabka Soomaaliyeed ka heleen wararka ka baxa Idaacadda Webka, iyo TV-ga Qaranka, waxaana idinkugu dar daarmayaa in aad howshiina si labo laabtaan” Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ay Agaasimayaasha Idaacadda iyo Telifishinka Qaranka C/raxiin Ciise Caddow iyo C/raxmaan Xasan Jimcaale ay goobta ka akhriyeen magacyada dadkii muteystay abaalmarinta.
-
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta horrumar ka sameeyey dagaallo ka dhacay qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho, ayagoo dagaalladaasina kula wareegay fariisimo hor leh oo ay ku sugnaayeen Khawaarijta Al-Shabaab. Dagaalkaasi oo saakay aroortii ay ciidamada ku qaadeen xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo ay maleeshiyaadka Khawaarijt Al-shabaab ku dhibaataynayeen shacabka Soomaaliyeed ayey ciidamadu ugu suurta gashay in ay la wareegaan dhowr goobood oo ay Shabaabku ku sugnaayeen. Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Max’ed Abuukar Jacfar oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa *****lka qaaday in ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya ay howlgaladii saakay ka fuliyeen qaybo ka mid ah Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay kula wareegeen goobo muhiim ah, waxaana uu hoosta ka xariiqay in maleeshiyaadkii kooxda Khawaarijta ee Al-Shabaab ay isaga carareen goobihii ay saakay ciidamadu howlgaladu ka fuliyeen Max’ed Abuukar ayaa xusay in howlgalladaasi ay saakay ciidamadu ka bilaabeen dhinaca iskool dhagaxtuur kaasi oo uu ku sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii dadka fara ku tiriska ah ee deeganadaasi ku haray looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay ku hayaan Khawaarijta Al-Shabaab. Tani ayaa ku soo aadaysa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay la wareegeen fariisimo dhowr ah oo ay horey ugu sugnaayen Khawarijta Al-Shabaab, haddii ay ahaan lahayd Gobollada Koonfureed iyo Banaadir intuba
-
Kadib kulan maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Taliska MIlateriga iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ku aadan furitaanka wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha, oo bilihii la soo dhaafay uu xirnaa, kadib markii inta badan wadooyinkaas ay dagaalada saameeyeen. Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Gen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-Badan ayaa sheegay in rasmi ahaan uu furan yahay wadooyinka gala suuqa bakaaraha, gaar ahaan wadada Dabka ilaa Isgoyska Bakaaraha, isagoo xusay in in awaamiir kala duwan ka soo saareen qaabka isticmaalada wadadaas, si loo sugo buu yiri Ammaanka. "Waxaan cadeyneynaa anigoo amar ka heysta Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga, in dhankeena uu Suuqa Bakaaraha ka furan yahay, waxaan idin ka codsanayaa Ganacsatadiina inaad kooxaha Jid iyo Jaha-diidka aad ka soo bisleysaan in dhankooda wadooyinka furaan"ayuu yiri C/kariin Dhega-Badan. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in si ay uga hortagaan falalka is qarxinta iyo kuwa ammaan darada ay hada kadib sameynayaan inay wadooyinka dhigaan waxa uu ugu yeeray biyo hakiya Gaadiidka xowliga ku socda, si aanay u dhicin in goobaha Ciidamada la bartilmaameedsado. "Hada kadib Suuqa wadooyinkiisa waxaa uu furan yahay 7-da Subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo, waxaan taas u yeelnay in aan ammaanka ku xaqiijino, si aanay u dhicin falalka is qarxinta iyo in weeraro la soo qaado, waana ka taxadireynaa"ayuu sii raaciyay Abaanduulaha Ciidamada. Dhinaca kale C/llaahi Ugaas Aadan oo u hadlayay Ganacsatada Gobolka Banaaidr ayaa sheegay in dhankooda ay wadeen dadaalo kasta oo ay ku doonayeen in lagu furo wadooyinka soo gala suuqa bakaaraha, isagoo sheegay in dhinacyada kala duwan ay la hadleen. Inkastoo aanu xilligan furneyn wadada isku xirta Dabka iyo Isgoyska Bakaaraha oo ahaa goob dagaal, ayaa hadana saaka ilaa duhurnimadii maanta waxaa ka dhacayay dagaalo, waxaana wadada xilligan ay tahay mid bur bursan oo dhagxaan waa weyn, jawaano dhufeysyo ah ay yaalaan. Sidoo kale dhanka Isgoyska Bakaaraha ayaa waxaa ka qodan boholo waa weyn oo dhufeysyo ay ka sameysteen Xarakada Alshabaab, iyadoo Ganacsatada ay xilligan dadaal weyn ugu jiraan furida suuqa bakaaraha oo ah halbowlaha ganacsi ee Soomaaliya. Hadalka ka soo yeeray dhinacyadan ayaa waxaa uu yahay war farxad u ah shacabka soomaaliyed oo ah kuwo nolol maalmeedkooda ku tiirsan, iyadoo suuqa ahaa mid ganacsigiisa uu isu furnaa, isla markaana Gobolada dalka oo dhan ay ku xirnaayeen.
-
Sxbayaal anigu koleey Mowliidku wax qaldan uma arko, Allaheey wuxuu yiri, bismillahi raxmaani raxiim qalbi fadlilahi wabiraxmatihii fabithalika fal yafraxu oo micnaheedu tahay, you should be happy for the the mercy of Allah. Which mercy marka is bigger than the sending of our prophhet Muhammad (S.A.W). Rasuulka is the gift of mercy, marka anagu waxaan xuseyno waa the mercy to the world. Ila dhageystaa Dr/sheikh Said oo ka hadlaayo hadii Xuska uu yahay Bidco iyo inkale.
-
Fanaaniin Muqdisho jooga oo ku biiray Kooxda Qeylodhaan.
-
Deg Deg: Iska Hor Imaad Ka Dhacay Qabuuraha Magaalada Gaalkacyo
oba hiloowlow replied to Liqaye's topic in Politics
acuudi bilahi ciidamada sugi lahaa amaankana xagey qabteen?? :eek::eek: -
Newest regional Somali state (Galgaduud state) declared
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Acuudi bilahi dadka maamul goboledyada ku khafiifay in maanakobiyo la geeyey uu baahan yihiin -
Al shabaab waala kasaaya waagii ethiopianka intey dad waxgala ay dilaan ayeey dhahaayen xabashida iyo niman dharcad ayaa dilay taana waa sidii shacabkii iyo culumaa'udiinka Ahlu sunnah iyo maamulgoboleedka Pl ayaa laysku dirooya. Mardhow dagaalo fool fool ayaad arki doontaa iney qarxaan.
-
War nimanka ilaa Burco iyo hargeysa ay joogan
-
^^ Al shabaab lee waa
-
Amiir Axmed Cabdi Godane talks About the Wars with Amisom
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Zubeyra indhashareera -
Amiir Axmed Cabdi Godane talks About the Wars with Amisom
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
lool amiir indhashareer xirto intee lagu arkay -
Amiir Axmed Cabdi Godane talks About the Wars with Amisom
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
lool zubeyra indhashareerka markuu iska dhigo oo shir jaraa'id qabto sidaa kheyrkiis maalintaasa hadalkiisa almiino la dhageysan karaa.. -
JB meesha balaaya kaso socota marba hadii masaajidyada laysku galooya, waxaan cuqubo aheen laga dhaxli maa
-
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa qeylo dhaan culus oo dhanka amaanka ah soo saaray kadib markii saacadihii lasoo dhaafay weeraro isdabajoog ah oo ku lug lahaa qarax shalay duhurnimadii lagu dilay Agaasimihii waaxda diinta ee Wasaarada Cadaalada & Arimaha diinta Puntland lagu dilay ay ka dheceen qaarkamid ah Masaajida magaalada Gaalkacyo,iyadoo sidoo kalena ay xaalad kacsanaani ka jirto magaalada,waxaana uu maamulku ku baaqay in wax laga qabto xaalada khatarta ah ee Gaalkacyo kasoo bidhaantay. Duqa magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaj-Xassan oo ka hadlay xaalada amnidaro ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegey in Maamulkiisu uu ku dadaalayo wax kaqabashada xaalada Magaalada,isagoo ka tacsiyeey dadka faraha badan ee ku dhintay weeraradii u danbeeyey,waxaana uu duqu sheegey in ay dawlada dhexe ee Puntland ka codsanayaan in si deg deg ah loosoo farageliyo xaalada Magaalada Gaalkacyo,islamarkaasna wax laga qabto amnidarada kajirta magaalada oo imika u eg in ay gaartay heerkii u saraysay. "Annagu inbadan Amaanka waanu ka shaqeynaa,habeenkii ciidankeenu waxay sameeyaan howlgalo culus,waad la socotaan xaaladu meeshay marayso,hada ka hor dawladu arintan oo kale waxbay ka qabatay,hadana wixii baa soo laabtay,waanu ku dadaalaynaa in aanu wax kaqabano waxa jira,Qof Qof dilaya oo u gaatamaya cidna ma qaban karto,Dawlada dhexe degdeg hanoo soo farageliso"Ayuu yiri Duqa Magaalada Gaalkacyo.
-
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Koox hubaysan ayaa saaka kadib Salaadii Subax weerar xoogan ku qaaday masjidka Faaruuq ee Xaafada garsoor kaas oo ay dad badani ku tukanayeen salaadii Subaxa,waxaana weerarkaas uu geystay Khasaaro kaladuwan oo dhimasho & dhaawac isugujira kuwaas oo aanan weli si rasmi ah loo xaqiijin. Inta la'ogyahay Hal Ruux ayaa weerarkaas ku geeryooday iyadoo ugu yaraana Sadex kale ay ku dhaawacmeen Weerarka,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kooxdii weerarka gaysatay ay goobta ka baxsatay walow ay jiraan warar aan rasmi ahayn oo sheegaya in dableydii weerarka ku qaaday Masaajidku ay goobta kala tageen dad kamid ah kuwii masaajidka joogay. Weerarka laga qaaday Masjidu-Faaruuq ee Gaalkacyo wuxuu imaanaya waqti yar un kadib markii isla xalay weerar xoogan lagu qaaday Masaajidka Salaaxu-diin ee magaalada Gaalkacyo kaas oo khasaaro badani ay kasoo gaartay dad ku tukanayey masaajidkaas,waxaana weli xaalad kacsanaani kajirtaa gudaha Magaalada Gaalkacyo.
-
Allow qabooji saan ma nuureysee
-
Xaalad kacsanaan ah ayaa saaka ka jirta Magaalada Galkacyo dhankeeda koofur ee uu ka arrimiyo Maamulka Puntland, iyadoo goobaha ganacsiga iyo isu socodka ay yihiin mid albaabada u xiran, kadib markii weeraro is xiga lagu kala qaaday Masaajidyo ku yaala Magaalada, kaasoo ay dadi ku dhinteen. Sida ay sheegayaan wararka weerar xalay fiidkii lagu qaaday Masaajidka Salaaxudiin ee Xaafada Garsoor ayaa lagu dilay ilaa saddex ruux, halka 10-kalean ay ku dhaawacmeen, iyadoo dhacdadan oo aheyd mid aad uga argagaxeen dadka deegaanka ay geysteen Ragg Hubeysan. Wararka ayaa intaa ku daraya in weerarkaas uu ahaa mid daba socday qarax shalay lagu dilay Sheekh caan ka ahaa Galkacyo, ahaana Agaasimihii Wasaarada cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ismaaciil. Hase ahaatee waxaa saaka mar kale Ragg hubeysan ay iyana weerar ku qaadeen Masaajid, kadib markii sida la sheegay ahaa mid daba joogay weerarkii xalay ee masaajidka lagu qaaday. Ilaa afar ruux oo kale ayaa iyana la sheegay inay ku dhinteen masaajidka mar kale waabarigii saaka la weeraray. Dhacdooyinkan foolxamada ee ka kala dhacay Magaalada Galkacyo dhankeeda Waqooyi ayaa xaalada ka dhigay mid jahwareer iyo cabsi la soo gudboonaata dadka deegaanka, iyadoo weerarkan arxan darada uu yahay mid dadka cabsi ka sii qaadi karaan in Masaajidada Alle lagu beegsado, bedelkii dadka u heysteen in Lagu nabad-galo oo kooxo waxmagarato ah bilaabeen in Masaajidada dadka lagu laayo. Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeen dambe.
-
Dableey la tuhunsan yahay inay yihiin Ahlusunada Mayalka adag ayaa saakay weerarkii labaad ku qaaday Masjid ku yaal xaafadda Garsoor ee Magaaladda Galkacyo sida uu ku soo waramay Wariyaha Waagacusub ee gobolka Mudug.Masjidka la weeraray salaadii subax kadib ayaa la sheegay inuu ka mid yahay talisyadda Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Mudug gaar ahaan Magaaladda Galkacyo. Sarkaal u hadlay Ahlusunada Mayalka adag oo magaciisa ku koobay Sheikh Yaasiin ayaa Waagacusub u sheegay in labada weerar ee lagu qaaday waxa uu ku sheegay talisyadda Al-Itixaadka Wahaabiyadda loogu aargudayay Agaasimahii Wasaaradda diinta iyo aawqaafta Puntland oo qarax miino shalay lagu dilay Galkacyo " Masaajid lama dhihi karo laakiin waa talisyadda Wahaabiyadda dhismayasha aan weerarnay,waa halka laga soo abaabulo qaraxyadda lagu laayo waxgaradkeena iyo culumadeena"ayuu yiri Sarkaalka u hadlay Ahlusunada mayalka adag ee magaciisa ku sheegay Sheekh Yaasiin. Dableey hubeeysan ayaa xalay bacdul salaadii Maqrib weerar ku qaaday Masjidka Salaaxu diin ee xaafadda Israac,waxayna labada jiho kala istaageen qoryaha loo yaqaan BKM,iyagoo si arxan daran u jar jaray dadkii ku dhex jiray. Ahlusunada Mayalka adag sarkaalka u hadlay wuxuu ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ilaa ay gobolka Mudug ka sifeeynayaan Al Itixaadka iyo Khawaarijta ,dad uu ku sheegay. Agaasimaha la dilay ee diinta iyo aawqaafta ayaa ka mid ahaa Saraakiisha sare ee Ahlusunada gobolka Mudug.Sheekh Axmed Khudubi ayaa khudbad uu hore u jeediyay ku sheegay in dilalka socda ee la leeyahay isagoo masjid ka soo baxay ayaa la dilay ay xigi doonto isagoo dukanaya ayaa la dilay.Halkaan ka dhageyso Xeeldheerayaasha waxay rumeeysan yihiin in weerarada lala beegsaday Masaajidada Al Itixaadka ee Galkacyo noqon karaan kuwa ku fida guud ahaan Somalia maadama gobolka Mudug lagu tilmaamo meel looga daydo habka colaadaha. AL-SHABAAB ayaa hore loogu yaqiin inay Masaajidada alle jameecadda ka soo baxda dilaan laakiin sida muuqata hada ficiladii ay bilaabeen waxaa laga dhaxlay in masjidkii gudahiisa lagu xasuuqo jameecadii ku jirtay.