MoonLight1

Nomads
  • Content Count

    2,492
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by MoonLight1

  1. Haatu;955612 wrote: If Somalia is to develop, we need to get our house in order and get over these petty squabbles. The truth is Somalia can't develop properly without a central government, and that won't happen without Xamar. I'm not looking at this from a clan point of view, but I'm looking at it from a Chimera point of view if you like. Somalia has spent wandering in the wilderness for too long. PS: Hate MJs? lol sxb there is deep mistrust among somali people, there was wars, destruction and hate being sawed for the last 22 years, the way to build trust is to be even handed and to distribute aid accordingly, OK Xamar has to be sorted first, but who can guarantee if Xamar gets prosperous and gets all the arms and wealth it needs it will not starve other regions or even attack them? there is a deep mistrust and the way the SFG should handle is to be fair and even handed then they will get people's hearts and mind, for example if Mog gets 5 projects why cant they allocate the next 3 to other regions?
  2. Haatu;955585 wrote: if all regions follow in his footstep, how are we to move on? How is reconstruction to be restarted? Politics aside, how is the central government to get revenues? Haatu sxb ha xiiqin laf baad toobeysaa, don't you know Muqdisho is the only recipient of reconstruction projects currently being under taken,, the Turkish FM Mr Oglo lifted the lid when in the London conference this month he uttered what we all suspected when he said "we can not take any regional reconstruction projects without the permission of the central government", how can you expect PL or any other region to share with you their God given resource when you are refusing to share what you received in the name of "SOMALIA", come on man, put your blind hate for MJs aside PL will never accept these double standard policies. You must realize your argument is baseless unless you believe Somalia is Xamar and Xamar is Somalia.
  3. Shirkadda Muqdisho Taxi Company oo laga Hirgeliyey Magaalada Muqdisho Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimay isla markaana lagu soo ban dhigay Tagaasi Cusub oo ay leedahay Shirkad Cusub oo la magac baxday Mogadisho Taxi Company ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho.Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Ganacsato Shirkado iyo Marti Sharaf kale oo halkaa lagu Casuumay ayaa waxaa Khudbado ka soo jeediyay Xubnihii ka soo qayb galay Munaasibaddaas. Ugu horeynba waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Iskaashatooyinka Gaadiidka Gobolka Banaadir Daahir Maxamuud Dirir kaasoo si diiran u soo dhaweeyay Shirkaddan Cusub ee manta ku soo biirtay Gaadiidka Dadweynaha Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Shirkaddan oo ay leeyihiin Dad Soomaaliyeed ay tahay Figrad cusub oo u baahan in looga daydo Ganacsatada Soomaaliyeed ee kale ee Dibadaha ku sugan ay ka qayb qaataan dib u Maalgelinta Dalka iyo Dib u Dhiskiisa. Sidoo kale waxaa isaguna Munaasibaddaas ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda Beder isagoona ballan qaaday in Shirkadooda ay ugu Deeqayso Shirkaddan Cusub illaa Boqol Book oo hawlaha Shirkadda lagu sii bilaabayo taasoo Free ah Shirkadihii kale oo ay ka mid ahayd Shirkadda Hormuud oo iyaguna mas’uuliyiintii ka socotay ay halkaa ka hadleen ayay dhamaantoodba waxa ay ballan qaadeen in ay la shaqaynayaan isla markaana soo dhaweynayaan Shirkadaan Cusub ee Maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho. Eng. Axmed Xuseen Buulle oo ah Guddoomiye ku xigeenka Shirkadda Muqdisho Taxi Company oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Tagaasidan ay Shirkadoodu hawl galinayso inay si weyn wax uga bedelayso habkii Tagaasidii hore isagoona Sharaxaad ka bixiyay Qiimaha ay dadka ku qaadayaan oo uu sheegay in ka soo bilow Kiilo Mitir Eber (0) oo ah halka laga bilaabo Cabirka Magaalada Muqdisho illaa Km 4 in qofkiiba ay ku qaadayaan illaa Afar Doolar. Guddoomiye ku Xigeenka ayaa intaa ku daray in Tagaasidan ay hawl galinayaan dhamaantooda ay Lambarsan yihiin isla markaana ay wataan Raadiyayaal yar yar oo gacanta lagu qaato taasoo Nin walba oo ka mid ah Wadayaasha gaadiidkaa Gaa markii loo yeero iyo halkii looga yeero uu ku soo diyaar garoobayo. Engineer-ka ayaa soo hadal qaaday Dhallinyarada Wadayaasha ah oo ay Tagaasidaas u dhiibeen kuwaasoo uu sheegay inuusan ku jirin mid keliya oo Balwad leh isagoo intaa ku daray in loo Tababaray Macaamilka wanaagsan iyo dad la dhaqanka wanaagsan. Ugu dambayntii ayuu Guddoomiye ku xigeenka Muqdisho Taxi Company u balan qaaday Bulshada ku Dhaqan Gobolka Banaadir in ay u soo bandhigayaan adeegyo raaligeliya. Si kastaba Gaadiidkan oo Tiradiisu ay gaareysey illaa Dhowr iyo labaatan Gaari oo Calaamado lagu garto leh ayaa socod Dhoolatus ah waxa ay ku mareen qaara ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho kuwaasoo soo jiitay Indhaha Dadka oo si weyn u Daawanayay.
  4. XX adeer munaafaqada naga daa dee waanu is naqaanaaye, your whole existence depends on what you call "Koonfurian" anarchy and chaos,you believe a rape in Muqdisho, a hijack in Baidoa, an assasination in Garowe, a famine in Saakow will near your recognition. so don't tell me you feel the pain of girls rapped in Muqdisho.
  5. Xaaji Xunjuf;955257 wrote: Thats sad to do you think rape in hargeysa and Mogadishu in qof kala jecelyahay u are very sick person wallaahi you are the sick man of SOL, why didn't you comment on the Hargeysa rapes while you shed crocodile tears for the girls of Muqdisho, you guys are very ill men who's daily googling is to find southern problems, posting them and making fake du'a for them.
  6. guys... comment on the rape epidemic in Hargeysa. war heedhe maxaa idinka jira xamar? comment on the rape cases on your doorsteps that Carafaat posted.
  7. the SFG's 24/7 concern and energy has been consumed by Jubbaland as if destroying it was the way to it's success. wallee xasan sheekh waa kaga dhagtay Jubbaland.
  8. Muqdisho: Mooshin Ciidamada Kenya Kismayo lagaga saarayo Kismaayo oo DF u gudbisey Barlamanka. Afhayeenkii Maamulka KMG Kismayo ka hor intii aan la dooran Madaxweynaha Jubaland C/naasir Seeraar oo warbaahinta gudaha ay wax ka weydiisay dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Jubaland ka soconaya ayaa sheegey in uu jiro qorshe DF Somalia ku dooneyso inay ciidamada Kenya kaga saarto magaalada Kismaayo. Mudane Seeraar ayaa sheegey in Madaxweyne Xasan Shiikh uu dacwad ciidamada Kenya meel walba ka dhigey islamarkaana uu hadafka madaxweynuhu yahay sidii uu uga hor imaan lahaa howshii wanaagsaneyd ee ciidankaasi u qabteen shacabka Soomaaliyeed ee Jubooyinka. “Ciidamada Kenya waxay gobolada ka saareen Alshabab iyo Argagixisadii haysatey, Xasan Shiikh-na midaas ayuu kasoo horjeeda, taasna waa mid fool xun in Madaxweyne Somalia uu argagixiso garabsiiyo” ayuu yiri Sareer. C/naasir Seeraar waxa uu intaas ku darey in mowqifka maamulka Jubaland uu yahay hadii ciidanka Kenya wadanka laga saaro ay midaas bedelkeeda iyana si la mid ah dalka uga baxayaan ciidamada Ugandha iyo Burundi . “Kenya waxay ka mid tahay Howl-galka ciidamada AMISOM, kaligeed-na biximeyso hadii laga shaqeynayo in Kismayo laga bixiyo, waxa la baxaya ciidamada Ugandha iyo Brundi oo ay ka wada tirsan AMISOM, taas ayaan u sheegayaa dadka is leh Kenya dacwad laga gudbiyo ku baxaysaa” ayuu yiri mar kale Seeraar. Mooshin Baarlamanka DF loo gudbiyey. Dhanka kale warar Puntland Post ka helayso xubno ka tirsan baarlamanka Muqdisho ayaa sheegaya in xukuumadu soo gudbisey mowshin ay ku dooneyso in ay cod baarlamanku ugu qaadaan ciidamada Kenya oo laga saaro Kismaayo. Mooshinkan ayaa imanaya , xilli maalmo ka hor uu jirey mooshin baarlamanka lagala noqdey kaas oo sida la sheegey dhicisoobey, balse badelkiisa xukuumadu u adeegsatey baarlamanku in uu ansixiyo ciidamada Kenya oo Kismayo laga saaro. Mooshinka baarlamanka loo gudbiyey ayaa ahaa mid maalmaha DF Somalia ka fekeraysay, iyadoona kusoo beegtey markii uu soo baxay Go,aankii Urur goboleedka IGAD oo Madaxda Dowlada Somalia ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan dhismaha Maamulka Jubaland. Ilo wareedyada la hadley Puntlandpost ayaa sheegey in xukuumada iyo Madaxweyne Xasan Shiikh dagaal ugu jiraan sidii ay u fashilin lahaayeen maamulka Jubaland lagaga dhawaaqey. Lama Oga Mooshinka baarlamanka loo gudbiyey ee kasoo horjeeda joogitaanka ciidanka Kenya ee Kismaayo go,aanka barlamanku ka qaadan doonaan iyo xilliga si rasmiya Dowlada Federalku u shaacin doonto jiritaanka mooshinkan, iyo sababaha ay ku hindistey mooshinkan, iyadoo Magaca Amisom ay ku howl galaan ciidamo kala duwan oo ka kala socday wadamo dhowr ah oo ka tirsan Africa. puntlandpost.com
  9. http://www.bbc.co.uk/news/world-latin-america-22669331
  10. D.O.C;954144 wrote: 80% of italian somaliland is messed up except puntland, therefore admit it plz! British Somaliland is not part of somalia anymore unless you are in deep asleep, i can excuse you for that. DOC I might be in deep sleep, but someone is in deep coma here, check this map the United Nation's map, if that changes then I will admit you are a nation. http://www.un.org/depts/Cartographic/map/profile/somalia.pdf
  11. Mad Mullah don't be a self hating pessimistic f00L, there are whole regions in Somalia where there is thriving economies and peace, yes we (Somalis) have gigantic issues to address, but Somalia is a country of 637000 sqkm and there are lots of people from diaspora and inside (Doctors, nurses, teachers, engineers, solders, traders etc) who are contributing immensely to improve people's lives, so think about what you can do for the country not lambaste it into one hopeless pot.
  12. This is Badar Mosque in Garowe the spot where the sheikh's blood was spilled while he was praying. AUN
  13. http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Garowe_Dil_lagu_xakumay_ragii_dilay_Shiikha.shtml
  14. D.O.C;953641 wrote: Syria was the best arab country for somali refugees. Aad baan uga xumahay waxa ku dhacay. May allah help that beautiful country as well as all the muslims around the world. True.. I have never been to Syria, but somehow its destruction shocks me every time i see it on the news, I've seen Iraq and Libya go down the same rout but Syria seems to touch my heart..... sad very very sad... you can see it's society's heart being ripped and it's fabric destroyed. Syria will be a failed state for at least a 100 years to come.
  15. http://www.aljazeera.com/indepth/features/2013/05/2013514115836301175.html
  16. jaaliyada Maamulka Khaatumo State ee cariga Uk ayaa si wayn u xusay 18 May maalinta Nadaafada deegaamada SSC waxaana kasoo qayb galay xuskan Xubno kamida ah gudiga jaaaliyada Khaatumo State ee magaalada London iyo dadwayne kala duwan oo kayimid xaafadaha magaalada London ee magaalo madaxda boqortooyada ingriiska halkaan ka daawo sawirada. http://horufadhi.com/2013/05/19/top-picturs-jaaliyada-khatumo-state-ee-london-oo-siway-uxusay-maalinta-nadaafada-18-may-daawo/
  17. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Arrimaha Jubbooyinka iyo Gooni-isku-taagga Maamulka Somaliland Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimaha ka taagan Jubbooyinka, isagoo sheegay in waxyaabaha ka taagan ay qayb ka yihiin waxyaabihii ay muddada ka digaysay dowladda. Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Somaliland, isagoo xusay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah, loona baahan yahay in shacabka ku nool gobollada Waqooyiga Soomaaliya ay dib u liqaan hankooda. "Waxyaabaha ka dhacaya Jubbooyinka waa arrimihii ay dowladdu ka digayso muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana caddaatay in shirarkii Jubbooyinka ka socday iyo wixii kasoo baxayba aysan ahayn wax loo dhamaa," ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka hadlayay xaflad lagu furayay xarun lagu xannaaneeyo agoonta oo laga furay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Xaruntan lagu xannaaneynayo agoobta oo lagu magacaabo ANADOL ayaa waxaa maalgelisay dowladda Turkiga, iyadoo loogu talogalay in lagu xannaaneeyo saddex 300 oo agoon Soomaaliyeed ah si ay u helaan nolol wanaagsan iyo waxbarasho. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in shacabka ku nool Jubbooyinka ay yihin dad nabadeed; sidaasi darteedna aan loo baahnayn in colaad la geliyo, isagoo sheegay inay wali jirto fursad xal looga gaari karo arrimaha ka taagan Jubbooyinka. Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo soo hadal qaaday arrimaha Somaliland ayaa sheegay in la gaaray xiliga la xajin lahaa midnimda ummadda Soomaaliyeed; ayna tahay in meel la iska dhigao waxyaabihii lasoo dhaafay lagana fikiro mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan jirin wax colaad ah oo dadka ku nool Koonfurta ay u qabaan dadka waqooyiga Soomaaliya ku nool, sidoo kalena loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii midnimada loo adkeyn lahaa. Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay u dabaal-degayso maalinta sanad-guuradii 22-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday Somaliland inay ka go'day Somalia inteeda kale. Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay arrimaha federaalka; isagoo sheegay in dowladda Somalia ay ogoshahay in Somalia laga hirgeliyo federaalka; balse loo baahan yahay in laga fikiro sidii lagu dhaqangelin lahaa. Hiiraanonline
  18. " frameborder="0" allowfullscreen>
  19. Kismaayo: (pp)- Magaalada Kismaayo ayaa waxaa gabo-gabo kudhow doorashada hogaamiyeyaasha cusub ee Jubbaland State ay yeelan doonto Sanaha soo socda, waxaana hadda si habsami u socda doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa. Sidda Wararku nagu soo gaarayaan illaa 6 Musharax ayaa is sharaxay , waxaana loo badinayaa inuu kusoo baxo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland State Sh. Axmed Madoobe oo ayaamahan loolankiisa siyaasadeed ka waday Guddaha magaalada Kismaayo. Ammaanka guud ee magaalada ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo goob walba ay taagan yihiin ciimo Soomaali ah iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Kenya.
  20. BEAKING NEWS—Codeyntii doorashada Madaxweynaha Jubaland oo hada soo gabagaboowdey– Axmed Madoobe oo lahadal hayo inuu guuleystey War Deg Deg ah– 15 may,2013–Kismaayo-Puntlandi– Waxaa saaka si rasmi ah u bilowdey doorashadii Madaxweynaha Jubaland iyadoo Ergooyinku si buuqla’aan ah ay ugu dareereen Sanduuqyada cod bixinta, inkastoo aad loo adkeeyey ka warhelida iyo amaanka goobta doorashadu ka socoto oo aysan jirin cid si rasmi ah uga war bixin karta, hadana Howlwadeenada Puntlandi ee ku sugan goobta, waxay ku dadaalayaan iney wararka rasmiga ah helaan. Warar rasmi ah lama hayo aan ka ahayn in Doorashadii soo dhamaatey hadana la tirinayo codka, sida aan warka ku helayno, waxaana aad loo hadal hayaa in Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) uu cod buuxa ugu guuleystey Doorashada. Warar kale ayaa iyana markii hore sheegayay in Cod tirintu ay socoto oo aan wali natiijada rasmiga ah lasoo gudbin ilaa hada. Gabi ahaan Waxaa xiran khadka Teleefoonada oo amar ay ku bixiyeen Maamulka kumeelgaarka ah in la xiro ilaa doorashadu ka dhamaaneyso sidaas awgeed haka dheeraan Puntlandi.com oo ah isha kaliya ee aad ka heli kartaan Wararka Kismaayo,
  21. http://www.bbc.co.uk/news/world-africa-22430608
  22. 1.QODOBka 9,aad, ee ka hadlaya Magaalo madaxda qaranka, waxaa lagu kordhiyey (magaalo madaxda jamhuuriyada soomaaliya waa mugdisho), halka nuqulkii lagu heshiiyey dhigayo,( maqaamka magaalo madaxda federaalka soomaalia waxaa go’aan laga gaari doonaa dib u eegista dastuurka). 2.QODOBka 26,aad, ee ka hadlaya hantida.Waxaa laga saaray faqrada sadexaad ee nuqulkii rasmiga, ahaa, taasoo u qoran sidan: 3. faqrada 1, iyo 2, ee qodobkan laguma dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 49,aad. 3.QODOBka 44,aad ee ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka. Ee nuqulkii rasmiga ahaa wuxuu ka koobnaa 6 faqradood, ama prograph, waxaa laga tirtiray faqrada 5,aad, oo u dhigan sidan: 5, kala qeexida awoodaha dawlada federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah dowlad federaalka ee la xiriira maamulka iyo maaraynta waxay ku tilmaaman yihiin lifaaqa. 4.QODOBka 50,aad ee ka hadlaya, tirada iyo xuduudaha dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka, faqradiisa 5,aad oo u dhigan sidan: 5, xuduudaha dowladaha xubinta ka ah dowlada federaalka waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobolada ee jiray 1990-kii, (waxaa loo bedelay 1991’kii). 5.QODOBka 55,aad ee nuqulka rasmiga kana hadlaya Kala qaybinta Awoodaha, waxaa lagu siyaadiyey ( oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso xukuumada federaalka). 6.QODOBka, 69,aad. Nuqulka rasmiga ah ee dastuurka, kana hadlaya, Xeer-hoosaadka Golaha shacabka, faqradiisa 4,aad, waxay u qoran tahay sidan: 4. Mashruuc sharci oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegto lix-bilood maalinta Goluhu diiday,(waxaa loo bedelay 30,maalmood). 7.QODOBka 72,aad ee ka hadlaya aqalka sare , waxaa laga saaray ama laga tirtiray faqrada u danbaysa xarafka (J), in ay gutaan waajibaadka kale ee dastuurku ku farad yeelayo si loo sugo in dastuurku si habsami ah u hirgalo. 8.QODOBka, 81,aad. Ee ka hadlaya curinta sharciyada, waxaa lagu siyaadiyey ama lagu daray faqrad cusub, oo aan horey ugu jirin nuqulka rasmiga ah ee dastuurka. Oo ka kooban A iyo B, una dhigan sidan: 2. Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha sare e barlamaanka federaalka ah u soo bandhigi kara( A) ugu yaraan hal wakiil oo ka socda dowladaha xubinta ka ah federaalka ama (B) Guddi kasta oo ka mid ah aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah. 9.QODOBka, 82,aad, ee dastuurka kana hadlaya, Go’aamo siyaasadeed, faqradiisa 3,aad ayaa si kale loo siyaadiyey, sidii la isla ogaa nuqulka rasmiga ah waxay u qorayd sidan 3. In la helo qodob saamaxa iswaafajin iyo isu soo jiidka labada aqal, haddii aan wax heshiis ahi dhicin.) waxaa loo dhigay sidan 3) haddii labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada aqal ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban labada aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah, oo la is-waafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan qodobbada 51,aad iyo 52,aad. 10.QODOBka 91,aad. Ee ku saabsan, Muddada xil-haynta Madaxweynaha federaalka. Soomaalia Madaxweynaha federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo shan (5) sano, (waxaa loo bedelay 4,sano) 11.QODOB cusub (131 ah),Waxaa la soo geliyey qodob cusub oo (131) oo aan dastuurka nuqulka rasmiga ah hore ugu jirin kuna saabsan xaalad deg degga ah, kana kooban 7 faqradood. 12.QODOB’ka 199,aad. Ee ka hadlaya wax ka bedelka dastuurka, faqradiisa 3,aad, ugu yaraan (440.000,) oo muwaadiniin ah ayaa lagu bilaabi karaa habraaca wax ka bedelka dastuurka, (waxaa loo bedelay 40,000). 13.QODOBka, 210,aad ee Ciwaankiisu yahay Qodobbada is-khilaafsan, oo labo (2) faqradood ka kooban, ayaa meesha laga saaray. 14.QODOBka 204-aad, ee ka hadlaya dhaqangalka dastuurka oo ahaa Hal farqad ama prograph. Waxaa lagu kordhiyey farqad cusub. Oo u qoran sidan: (2) dhaqangalka qodobada la xiriira aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka meelaha lagu xusay Dastuurkan, dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo samaynta dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Faderaalka ah iyo inta kuwa matalaya loo dhaarinayo xilka ayagoo ah xubno ka tirsan xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka. Inta uu laalan yahay samaynta aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka, Golaha shacabka ayaa qabanaya dhammaan waajibaadka iyo hawlaha dastuurkan siisay aqalka sare wuxuuna u shaqaynayaa sida Baarlaman ka kooban Hal-aqal, si daacad-nimo ku jirtana maanka ugu haynayaa mabaadi’da aasaasig ee awood qaybsiga ee nidaamka Federaalka lagu qeexay qodobka (3) ee dastuurkan iyo danaha Gobolada Soomaliyeed marka la gaarayo go’aanada. 15. Waxaa kaloo la khalday qaarna laga saaray Jadwalada kala guurka ah (A. iyo B. iyadoo lagu bedelay Calanka iyo astaanta) iyo wax yaalo kale oo aan meesha ku jirin. http://www.puntlandpost.com/akhrisoqodobada-dastuurka-somalia-wax-laga-bedelay-ee-puntland-ay-ku-eedaysay-df/
  23. Puntland oo dil toogasho ah ku fulisey 13 qof oo lagu xukumey in ay ka qayb-qaateen dilal kala duwan Duleedka Bari ee magaalada Bosaso ayaa maanta dil toogasho ah ka dhacay kaas oo lagu fuliyey 13 qof oo lagu xukumey in ay tirsanaayeen al-Shabaab, isla markaana dilal kala duwan fuliyeen. Lix ka mid ah dhalinyarada maanta dilka toogashada ah lagu fuliyey ayaa loo haystey dilkii Dr.Axmed Cabdiraxmaan oo 5/12/2011 lagu diley magaalada Bosaso, Dhalinta dilka lagu fuliyey waxaa kamid ah ahayd Gabadh lagu magacaabo Ruqiyo Xassan Maxamed Yusuf Qaar kamid ah dhaliyarada dilka lagu fuliyey ayaa horey Maxkamadda ciidamada qalabka sidaa ugu xukuntey dil, taariikhdu markey ahayd 27 Feberaayo 2013, Sidoo kale qaar kale oo ka mid ah ayaa waxaa dil ku xukuntey Maxkamadda Darajada kowaad, waxaana lagu eedeeyey in ay dileen, Culimo, Xildhibaano, Saraakiil, Qaadiyaal iyo dad kale oo bulshada waxtar u lahaa. Askeri isla goobta ku dhintey Cabdikariin Xasan Firdhiye xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka Puntland ayaa Horseed Media sidoo kale u sheegay in uu jiro askari ka tirsanaa ciidamadii dilka fulinayey uu goobta ku geeriyoodo, kadib markii ay ku dhacdey xabadiihii lagu ridaayey dhalinyarada dilka lagu xukumey, inkastoo uu ka gaabsaday xeer ilaaliyaha in uu faahfaahiyo sida uu askariga ay xabadda u gu dhacdey iyo magaciisa. Askarta toogashada fulisey ayaa la sheegay in ay ahaayeen saddex saf oo kala danbeeya, kuwo dhulka dhabacan, kuwo jilibka laabtey iyo kuwo taagan, waxaana la filayaa in askarta taagan rasaastoodi ay haleeshay mid ka mid ah askarta Jilibka dhigtey. Waxaa weli Xabsiyada Puntland ku jira dhalinyaro badan oo ku eedaysan falal dil ah in ay ka fuliyeen Puntland iyaga oo amarka ka soo qaatey al-Shabaab, waxaana badankood lagu xukumey dil tyoogasho ah. Horseed Media http://horseedmedia.net/2013/04/30/puntland-oo-dil-toogasho-ah-ku-fulisey-13-nin-oo-al-shabaab-ka-tirsanaa/