Abaadir

Nomads
  • Content Count

    193
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Abaadir


  1. Nur: Though I do not contribute this forum as much as I like yet I try to read most of your posts. You never cease to amaze me with your positive lively contributions to the posts on this forum. I admire your energy and colorful messages and wish there were more people like you around to inject positive vibes into everything they do.

    Thank you, keep it coming…


  2. Inkastoo uusan topic ninweyn ahayn hadana...... anyone here think that FGM deter women having pre-marital affairs? …But I agree it is bad and primitive practice and has to be stopped. I would NOT allow anyone do this to my daughter.


  3. SomaliP… you can disagree with the decisions that our beloved president made while in office. But to say he was responsible for the defeat of the Somali forces in 1977 is false and ridiculous. If election is hold in Somalia today, Aabo Siyaad would win landslide.


  4. My kids broke countless stuff, but I am not worried about it. What worries me more is my younger son grabs everything he can find (coins papers etc)…….and puts his mouth. Just to be save I have to vacuum the house everyday.

     

    Oh, I love them.


  5. Castro, What is it that bothering you about Sangub’s case? The chances Sangub convicted are remote. Latest news has it, that the Judge is weighting to throw the case out. The victim does not have enough evidence to support her case. Her character is also in question.

     

    Take it easy bro. We will get the end of the road. Caku wax fudud oo aan fardo ahayn


  6. Alla Ubaahne: here is the entire Gabay. As Kasharne said, you should give credit the source of the poem. In this case Galayax.

     

    Awel Maanso waataan gurshoo, gooyey waayadane

    In dhawayd ka gaban gaabsadoo, wayga garateene

    Anigoo an gabin baan nacee, kama gal gaaleene

    Lix iyo toban haloo wada gartaya, wawga gaabsadaye

     

    Gabaygu waa yaraa Muxumedoow, gaafihii hore

    Garka iyo sidaydaas nimaan, guudka ka caddaanin

    Ama aan shaarubada oo gotay iyo gucumo Aar yeelan

    Goloyaasha lama keeni jirin, gaafka loo tago e

     

    Maantana Gurbood iyo gabdhiyo, gaban yaroo wiila

    Iyo Oday guxuushaaya yaa, guusha loo simaye

    Gef inay amuurtaasi tahay wawga gaabsadaye

     

    Guubaabo iyo gooddi iyo, gabay ma daayeene

    Haddii aan garwaaqsaday intaan gu iyo Waa Joogay

    Nin gaboobay oo oday noqdiyo, guudcaddaan ahaye

    Gefkii iga dhacaa maanta waa, geeri oo kale e

    Inuu godob islaameed I bado, wawga gaabsadaye

     

    Cibaadada ninkii gaar ka mara , guul darraa heliye

    Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor iyo ayaanba

    Marna kama gidaadeen fahmada, guulle ii qoraye

    Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka

    Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede

    Gelin dhexe habaynkii wardibaan, guriyaa Laylkiiye

    Nin ilaah u go ay baan ahoo wa uga gaabsadaye

     

    Geddaan anigu soo maray haddaan, gun uga sheekeeyo

    Inkastoo barkood go ay naflaha, geeri bow imane

    Raggii Geedka ila joogi jiray, gabalki baa noole

    Galkaa Bari Garoowiyo Nugaal, Garacad meesheeda

    Gooddiga Hargaysa intii, Guban ka hoosaysa

    Gar loo gubay Galbeed iyo Jig-Jiga, Goobba dhinaceeda

    Garbahaaraleey iyo dhulkaa, Gedo ka baalleeya

    Intaasoon guriyo meelo iyo, gobollo soo sheegay

    Anigaa geyiga eebbahay, gabay u teednaaye

    Maantana rag badan baw gurmaday, gooha maansada e

    Inay wiilal wada guuxayaan, wawga gaabsadaye

     

    Nin gurbooda lama qayrsan karo, guun haddaad tahaye

    Midaan hooyadii gurininoo, guriga meeraaya

    Aan weli gosheediyo ka bixin, gurada Awrkooda

    Hadduu goob walbaba taagan yahay, gabayna tookhaayo

    Kolna inaanan garab joogsan karin, wawga gaabsadaye

     

    Gabay Hawle iyo Raage iyo, Gooni baa lumaye

    Cali iyo Gahayr iyo Qamaan, geeri baw timide

    Ismaaciilna mawd baa genbiyay, waana tuu go

    Afcad wuxuu Gallayr yeyn ogaa, geesigii dhimaye

    Galaaskayga nimankii ahaa, gululi weeyaane

    Anna goor dhow baan filahayaa, goof la ii qodo

    Inay guurtidii eber yihiin, wawga gaabsadaye

     

    Markaanse gaban ahaa iyo haddoon, gooman oday yeeshay

    Intii aniga geed iyo shir iyo, garan gar lay keenay

    Amaan meelo lagu guulay iyo, gogol ka sheekeeyey

    Haddii anan gabaro weyn ku helin, guuyo iyo xoolo

    Inaan faa'ido laga gaara hayn, wawga gaabsadaye

     

    Haddii anan gobaadoo dhashiyo, geri ku taabaynin

    Ama anan gamaankii fardaha gorey ka fuulaynin

    Ama anan garaaddiyo billado garabka saaraynin

    Waxba gooddiggiisiyo ma rabo, gole kasheeggiise

    Inaan galala diisu i anfacayn wawga gaabsadaye

     

    Aduunyaduba gaasiran ninkii gaan ahaan jiraye

    Ninkaan gacanta lala laaci jirin waa gabanayaaye

    Hayeeshee gadaal niman dhashiyo gaafiyaa kacaye

    Amba rag baa gabay igu qabsaday iina goodiyaye

    In aduunku gaafaysi yahay wowga gaabsadaye

     

    Nin ragihi wuxuu galay amuu, gudeyba loo diidye

    Haddaad geesi tahay meel walbaba, cadawga guulaaya

    Giiryaalihii kula dhashaa gaalo, kaa necebe

    Inaan xaasid gacal kuu ahayn, wawga gaabsadaye

     

    Shir la gooday waayeel gabraday, talo la goyn waayey

    Guddi ururtay niman gaan ahoo, gararka feeraaya

    Xaajada guyaal iyo guyaal gees, u dhici wayday

    Garaad iyo wax loo sooci jiray, guud-caddow odaye

    Haddana geedka wiilkii yar baa, gic isa soosiine

    Haddaanse guushey kani, waa adduun gees u foorare

    Inba aakhir sabankii la galay, wawga gaabsadaye

     

    Gooraan Fardood iyo Darmaan, Galow ka dheeraysa

    Sayid maxamed geel iyo lo iyo, godol wuxuu haystay

    Arlaa’iga wuxuu daar gin gimay, gulufna heenseeyey

    Gubnigii Daraawiish wuxuu, gaasas bixinaayey

    Gumaysiga wuxuu laayay oo, Gaal la diriraayay

    Gebo-gebo intuu dhigay wuxuu, libin ku geeraaray

    Waxuu naago goba guursadoo, aqallo gawriirshay

    Intaasoo gallada oo ilaah, ugu gar gaaraayay

    Gegi buu ka taaganaa cid la ah, maalintuu go aye

    Nimanakii godka u qoday ma cunin, gudurki duugeede

    Gadaal xumida dunidaan arkoo, wawga gaabsadaye

     

    Gabdhaheenna waxaa loo yiqiin, haybad gooniyahe

    Goshay xiran jireen maryaha loo garraarsado e

    Gobna waxay ahaayeen intay, guudka dabayeene

    Gayaankooda lama laacdamayn goor iyo ayaane

    Maantana gad baa lagu arkiyo, guul darriyo ceebe

    Adigoo gidaar uga horyimid, kaama gudayaane

    Garoob waalan iyo waxaa ka haray, goroyo food dheere

    Hiddiihiina waa garab mareen, gaar ahaan jiraye

    Timihiina gedef bay ka dhigeen madax ganbuur weyne

    Iyagoon ninama guursan bay, wada ganbaysteene

    Haweenkeenna dhaqankii geddiyay, wawga gabsadaye

     

    Garaad nimaan lahayn baan ogayn gaadistii Malage

    Gugaan manta joogiyo hadaan gadaha faalleeyo

    Gantaalaha wadkii haystay iyo gamaska mawdkayga

    Markuu ruuxa iga goyn lahaa waala soo galaye

    Inay taasna igu guullan tahay wawga gaabsadaye

     

    Inkastoon gu yaal badan cimriga, gelimo sii joogo

    Maraan go aba Mawdkii rabbaa,yaa ii gadaal imane

    Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone

    Gabnahaa agoontoobi iyo, gaaryahaan qabo e

    Intaanan ciidda hoosteeda galin, wawga gaabsadaye

     


  7. Zafir

    In terms of looks its women that tend to age faster then their counterpart, and..Ummm..Oh yeah, above and beyond men are never too old for fun seeking women

    A woman is as old as she looks, while a man is as old as he feels. ;)

     

    In a serious note though, for a relationship to last long, the man has to be the elder one


  8. Abraar sounds more masculine name. Ina abti, how do you like these names: Qalanjo, Suuban, Saxarla, Samawado, Saaqa or Siman hadii kale sida Soomalida galbeedka degta waxaad qaadataa laba magac…. Saaqaluula, AaminaCadar or FalxadoQuman

    Baashe, when was the last time your eye vision checked?. I know it is costly here in the States but … Heey It is free in Europe.


  9. Abraar

    Touching lyrics!

     

    Hooyooy macaaney

    Nuurkii indhaheygaay

    Ruuxii qalbigeygaay

    Aayihii nafteydaay

     

    Hooyooy Macaaney

    Daaradadaa nasasho laga helaaye

    Dhabtaadaa raaxo laga helaaye

    Agjoogaagaa nimco lagu helaaye

    Ducadadaa farxad duni iyo akhiroba lagu helaaye

     

    Hoyoooy macaaney

    Qofaan kugu miitaalo aduun laguma arkinee

    Jaceylkaan kuu qabo

    Kalaam laguma koobi karee

    Saad iigu rooneyd

    Rabbi ha kuugu roonaado...

     

    Abraar, ina abti ma jacbur baa mise waa gabay horey u jirey...... Si buu iila deel qaaf badan yahay.


  10. Waxase nasiib darro weyn ahayd in ku sheeganaya aqoonyahan suugaaneed uu shirka u adeegsaday dano qabiil isagoo rajiimkii dhintay ee kelitaliska ahaa ku ammaanay inuu horumar gaarsiiyey reerahaa la quudhsado. Haddii aynaan is-yeelyeeleynin, rejiimku reeraha wuxuu u adeegsan jiray keliya inuu ku laayo kuna tunto kuwa kasoo horjeeda ee iyaga wax la taaban karo uma qabanin. Waxase hubaala “aqoonyahankaaâ€, oo ahaa dadkii rejiimku magaca u yeelay oo muufadiisuna maraqa ku jirtay, inuuna manta qaxowti noqdeen haddii sida uu ku doodayo rejimku uu ahaa mid wax hagaajinaya oo horumar innoo hogaaminaya.

    Soomalida xaqiraadeedaan la yaabaa. Dawladii kacaanku waxa ay ka qabatey quursiga U malayn maayo in Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo wixii ka horeeyey ay ka ka qabteen. Xili waxaa jirey ay dawladii maxamed siyaad dadka la quursado ay ku lahaa yeen sadex wasiir. Waxaa ay ciidamada ku lahaayee 4 jeneral. Waxaa la aasay qabiil laakiin Soomalidaa soo faagtay. Waxay dawladii muujisay in aan nina la yasi karin.

    Mida kale oo aan la yaabay waxaa weeye, goormuu Maxamed Siyaad u adeegsadey dadka la yaso in ay qabiilo kale u laayaan. Dadkaas iga ayaa la ilaalin jirey. awood iyo tiro ay qabiilo kale ugu duulaan ma aysan lahayn.

     

    Idaajaa waxa uu meeshaas ka yiri waxay ahayd wax sax ah.

    Dadka la quursadaa waa og yihiin in sidii uu maxamed Siyaad u soo qaaday sharaftooda iyo sumcadooda aanu nin hada dhintay iyo mid asaga ka horeeyey uusan u soo qaaday.


  11. Jaylaani

    Have you ever wonder why this mullah was in Somaliland in the first place? Isn’t like he was from there nor was he representing or fighting for ALL Somalis in general. The question remains why Somaliland and the British? He could have done the same thing in Ethiopia (his own people) or Somalis under the Italian rule that were more oppressed if he was sincere.

     

    The mad Mullah was the first WAR LORD in the history of the Somalis. He killed a lot of innocent Somali people (read his poetry). He had a hidden agenda in promoting and spreading the dominance of one particular tripe and yes Somaliland citizens saw it and rejected his twisted political strategy. He was never embraced in Somali history books before Siyad Barre came to power…I wonder why?

    You are not making any sense at all