Suldaanka

Reer Sool intii ugu danbaysay rajo ka qabtay maamulka Puntland ka tashanaysa

Recommended Posts

Saalax   
11 hours ago, Ducale said:

 

So if you acknowledged it's about interest and Sool community's interest lies with the wider D block community in muqdisho, isn't the logical thing for Saalax to do is inuu isaguna dadkiisa dhinac ka raaco?  Iyaga waadiga sheege adi maxaa muqdisho kaaga horeeya?

 

 

 

What is wrong with Mogadishu? Last I checked the deputy PM and head of chief justice are both from the West Burco/south Hargeisa/Ceerigaabo community.  :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan

Ninkii  awood kuu sheegta waa caqli inaad ku tiraahdo war ninyahow qof xanuusan baan ahay ee dhulkayga iidaa, isagay u taal inuu ku dulmo iyo inuu ku daayo.

Balse midda ka foolxun waa tan maskaxda lagaa xado sida snm ka muuqata.

Aakhirka waxaa isu iman nin qallin lagu xaday iyo mid qori lagu xaday oo dal iyo dadna ka fara maran

Makuu muuqataa taas? mise khiyaalkaaga waxaa ku jira jamhuuriyad gaara oo beeshu yeelato?

Odweyne

Saxiib aqoontaadu ma  dhaafsiisna 200km nuskeed iyo afweynaan ka adkaaday, waana tacab khasaar inay xayndaab qabiil kaa saari waydo, intaasoo sano, qabaw iyo kulayl waxaad kusoo kalahdayba.

Laascanood, boorama iyo inta kaleba waa muhiim inay kala saaraan madadaalo iyo wixii dhaxal xumo u keeni kara jiilka dambe.

snm yaa iska-kaana maamulatay anagoo la joogna ama jaamacadaan dhisaynay, waa ceeb aan cawaaqib wanaagsanayn, lagana yaabee in hadhow lagu bixiyo "taman" qaaliya oo caruurtiina dhib badan u keena.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Meelo gabaygu iiga xiran yahay way jirtaa saaxiib

Seed ku ogaatay inaan siyaad barre ku qabiil ahay?

Reer laas-caano iyo boorame shacabkoodu waa somali qalbi fiican

balse waxa aan ka hadlayo waa kuwa snm hoos-fariistay oo ku gowracan jeebkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Aamiin walaal kuligeen allaha na caafiyo, balse energy badan haku bixin snm waxbaa lala maamulaa.

Ninkii makhaayad furta shaqaalihiisa asagaa u madax-banaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
20 hours ago, Oodweyne said:

Gooni,

Saaxiib, waanad garaneyne gabayga oo qudha maahe'e hadalka oo dhan ayaa kaa xidhan. Sababtuna waxa ay tahay, ninka kaliya ee ilaa maanta halkan "hadal-tiris" faan ah "Afweyne-Faqash" uga wada waa adiga.

Oo sikasta oo loogu aqli-celiyo, oo loo yidhaahdo, dib-u-jaleec "utumaha" iyo "dhagarta" uu Soomaali kala dhex-dhigay ee uu ka tagey, aad tahay qof aan garankarin. Markaa, saaxiib, taasi waa naxligii iyo macnala'aantii hadalkaaga aheyd ee "meheradda" kuu aheyd ee wax kale maad odhan.

Ta kale ee ah, Reer Las-Canood iyo Reer Boorama, iyadana waxa aad moodaa in aad wali "deelqaafkii" aad sidiisii usii wado. Taas-na waxa aan uga jeedaa wali waxa aad ku indho-adag tahay in aad tidhaahdo dhulka dadkaasi dagaan wax lagu "maamulaa" niman "jeebkooda ku gowracan". Bal hadalka naxliga ah ee intaas le-eg ee aad tidhi dhuux oo bal qiime.

Saaxiib, Somaliland's dhulkeeda "taako" ka mid ah oo lagu xukumo "nin-jeebkiis" ma jirto. Waa laga yaabaa "dhaqankaas" noocaas ah ee "bahdilan" in dhulka aad kasoo jeedo ee Koonfurta Somalia ah laga yaqaano. Laakiin Somaliland ma -aha dad "isxukuma" ee waa dad "wax-wada-xukunta". Shaqsi-qudha iyo jeebkiis-na ma aha meel ay "talo-wadareed" gooyaan.

Waase garashadaada liitada in aad istidhaahdo Soomaaliland ayaa Boorama iyo Las-Canood ku xukunta dhowr-qof oo lacag lasiiyey oo dadka dhulkaas degan xukunka Somaliland iyo dowladeeda ma-aaminsana. Sababta oo ah, Yuhuuda oo ah wadan aad u xoog weyn ayaa xukumi la "maxas-falastiiniyiin" ah oo dhagax-tuureysa, iskaba dhaaf in aad xoog-ku-xukunto Soomaali qori wada heysata.

Sidaa-daraateed, hadalkaas aad tidhi waa naxligii aan kugu ogaa iyo ciil-qabkii kuhayey oo maalin-ba maalinta ka dambeysa kaaga sii daraya ee wax kale maad odhan. Markaas, hadalku wuxuu kudhan yahay in lagu yidhaahdo, saaxiib, ilaahaey haku caafiyo. Sababta oo ah "Bukaan-socod" indho-liita leh ayaad u muuqaal egtahaye. 

Hadalku waa dhanyay. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.