Sign in to follow this  
wiilwaalRadio

ILA QOSOL SOMALI/ A COMEDY OF ERRORS

Recommended Posts

Waxaa stage-ga soo wada galay turjubaankii, islaantii iyo ninkii ajnabiga ahaa ee gabadheeda doonayay. AudioVersionHalkanKa Dhagayso

 

AJNABIGII: What’s up.

 

TURJUBAANKII: Wuxuu ku leeyahay maxaa kor ah.

 

ISLAANTII: War ilaahay baa kor ahe waxaan ku weydiinay maxaad gabadhayda ku aragtay.

 

TURJUBAANKA: She says God’s up. She says also what you see with our daughter.

 

AJNABIGII: I first saw your daughter at a mall.

 

TURJUBAANKII: Wuxuu lee yahay gabadhaada suuq baan ku arkay. Haa—suuq iyadoo wareegaysaan arkay.

 

ISLAANTII: Waa kow.

 

TURJUBAANKII: It is one.

 

AJNABIGII: What’s one.

 

TURJUBAANKII: Maxaa kow ah buu yidhi

 

ISLAANTII: War ka saco dheh.

 

TURJUBAANKII: She says walk away from it.

 

AJNABIGII: Anyway, your baby is very hot.

 

TURJUBAANKII: Wuxuu yidhi: ubadkani way kulu shahay. Aad bay u kulu shahay.

 

ISLAANTII: Kulaylku xaguu joogaa wadankaa qabow baaba naftii nooga gooyay.

 

TURJUBAANKII: Where is the hot thing. The cold is cutting our lives in this country.

 

AJNABIGII: Anyway, your daughter and I fall in love.

 

TURJUBAANKII: Wuu ku leeyahay aniga iyo gabadhaadu jacayl baan iskula dhacnay.

 

ISLAANTII: Jacayl baad iskula dhacdeen aa. Qujuc qujuc.

 

TURJUBAANKII: Ina adeer qujucqujucda ka reeb lama turjimi karee. Qujucqujucdu waa kalmad inkaaran. Hadda ka hor baa qolo iila timado howl baa iga qabsatay. Balaayaa iga raacday.

 

ISLAANTII: Alla yaa agooda bisinkana lama barine. War bismilaahi dheh.

 

TURJUBAANKII: Do you know Bismilaah.

 

AJNABIGII: No, I am sorry I don’t know a lot of Somalis.

 

TURJUBAANKII: ..Wuxuu leeyahay Soomaali badan ma aqaan.

 

ISLAANTII: Soomaali yaa u dirsaday doqonka. Waydii inuu alle yaqaan.

 

TURJUBAANKII: Do you know God

 

AJNABIGII: Yes, I believe in God.

 

TURJUBAANKII: Wuxuu yidhi waan rumaysanahay Ilaahay.

 

ISLAANTII: Haddaba waydii inuu shaqeeyo iyo in kale.

 

TURJUBAANKII: She wants to know if you work or else.

 

AJNABIGII: Or else what?

 

ISLAANTII: War weydii ninka inuu shaqaysto iyo in kale.

 

TURJUBAANKII: Do you work she wants to know or else.

 

AJNABIGII: Or else what?

 

TURJUBAANKII: Or else she wants to know do you work?

 

AJNABIGII: I was working but I was fired last week.

 

TURJUBAANKII: Wuxuu ku leeyahay waan shaqaynayay balse wiigii hore ayaa la isoo gubay.

 

ISLAANTII: Gubbo dheh. Horta qofku magac ma leeyahay.

 

TURJUBAANKII: Does the person have a name..

 

AJNABIGII: My name is Baker Keller.

 

TURJUBAANKII: Waxaa la yidhaahdaa buu lee yeehay Rootiile Dille.

 

ISLAANTII: Rootiile Dille aa?

 

Turjubaankii: Did you say Baker Killer.

 

AJNABIGII: Yes, my name is Baker Keller.

 

TURJUBAANKII: Ninku wuxuu k adkaysanayaa in magaciisa la yiraahdaa Rootiile Dile.

 

TURJUBAANKII: She says if you have killed all the bakers my daugher will not be save with you. So good by.

 

AJNABIGII: I didn’t kill no baker. What are you talking about.?

 

ISLAANTII: nabadeey, nabadeey…. RadioWiilwaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Loool. That's so funny. Keep it coming saxib.

 

..The Somali Cat Affair play is another hillarious stuff. Is it your work as well?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by NASSIR:

Loool. That's so funny. Keep it coming saxib.

 

..The Somali Cat Affair play is another hillarious stuff. Is it your work as well?

War libaax Nasir thanks---I shall keep them coming and I think you should keep in tauch. Yes, THE Somali Cat Affair is mine and am particularly proud of it.

 

Thanks Jacaylbaro, Thanks Malika, and in the spirit of the TURJUBAANKA, let me say least but last thanks Jafe101

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Wiilwaaloow, horta soo dhowoow saaxiib. Wacad Alle si aanan dhawaanadan u qoslin ayaan u qosley kolkaan cajalka *1 waad dhageystey, siiba qaybta garaabada. Nin aan habeen London kula kulmay oo reer Jabuuti ah, Kanadana ka yimi, sheeko uu ii sheegey ayaadba i soo xasuusey.

 

Raggiinan w/america deggan runtii xaalad cakkiran ayaa idin haysata, Alloow sahal umuuraha. Dhoodaan baa laga hayaa 'adoo kororso doonaaya ninkii qori ii dhiib kugu yiraa waad kala xanaaqdaane', markuu iga walle in uu mirqaanku haadayo kolkii qaadka taqsiin ku qasmo.

 

Anigu ninyow arrinta yaroon jeclaan lahaa inaad u kuur gasho ayaa waxay tahay kolka adoo tu yarood dooneyso madaddaaleeda hayya, oo ay kuugu jirto, qaar kale oo aad sida Dhibta hargaha isaga dhawrto ay radiowgaagu mawjad khalad ah ka soo galaan - tashuushna kugu furaan.

 

Waa adoo bacadle haysta oo haamaan askari ah laaluush kaa xalaashanayo, adna aad is dhega tireyso raadiyahana ku falaadeysa Radio Kulmis ha kugu soo gasho ee, soo ma garatey. Waa suuqa lagu gu jiid adooy macawuusta ka furatee ma garatey.

 

Hadal yaanan kugu daalinine, bal sxb kol un arrinkaa barnaamij ka soo saar, oo advise ragga ka sii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks Cadde123 iy Canjeex. Belief me when I say this: of late I have been toiling in obscurity so it is heartening to hear my Turjubaan peice have became popular---not only here but elsewhere in the web.

 

Jammaal11 waad ku mahadsan tahay sidaad ii soo dhawayso. Waan dhawahay libaax.Runtii waxaad u eg tahay nin raggayga ah si haddii loo eeggana adaaba iga funnysan marna ha ka baqin inaan su'aashaada fududaysto. Waxaan ku kaftamaa raadiyayga afar qof baa dhagaysta, afartana daacad ama loyal baan u ahay. Marka aan iraahdo waa shaqadayda inaan sheekadaa noo xiran episode 9 ku soo qaato inkastoonan ayaamahan diyaar u ahayn inaan wax duubo. Ilaahay amarkii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Wiilwaal, saxib, Mineapolis adee kuu kala xiran tahey baa la yiri. Raggeedi, & keep up the good work.

IA, I'll keep in touch.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheeko xariir madadaalo miiran oo wanaagsan. Aad u fuuray qosol daraadiisa.

 

Meesha kasii wad dadaalkaaga. icon14.gif

 

Laakiin magaciisa haddaa Keller ka dhigtay, micno kale leedahay ereygaas magaceedka. Killer iyo keller magac ahaan iyo erey ahaanba iskumid ma'aha, isku macnana ma'aha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this