Sign in to follow this  
Abwaan

Wartebinta Shabakadaha Soomaalida iyo tayo-xumo maxaa kala haysta!

Recommended Posts

Abwaan   

Khilaafkii Gabdhaha oo la xaliyay shalay

 

:D Anigoo mareegtan meermeeraysanaya ayaa maqaalkaan ishaydu ku dhacday markaas baan is weydiiyey gabdhahee? lol...sidii in akhristayaashu ka wada warqabeen dulucda mowduucan ayna u sahlan tahay inay sidii sheeko musalsal ah fahmaan. Waa Yaab!

Kilaafka la xaliyey sidaa maba u sii gelayo waxaanse rabaa inaan diiradda saaro qaabka maqaalkan loo qoray.

Runtii kani ma ahan khaladkii iigu horreeyey ee aan arko oo runtii anigoon rabin inaan tirokoob ku degdego maadaama aanan baaritaan qoto dheer u gelin tayada shabakadaha Soomaalida balse waxaan keliya u soo qaatay tusaale, weliba waxaan is dhihi karaa waxay shabakaddani ka mid tahay kuwa aan aqoonta u leeyahay shakhsiyaad wanaagsan oo wax ka qora ayna runtii shabakaddani ka mid tahay kuwa soo tebiya warar aan ilo kale ku soo bixin (exclusive).

Lama soo koobi karo inta aan arkay maqaallo qaabka ay u qoran yihiin ay akhristaha ku dhalin karaan jahawareer iyo inayba fahmi waayaan farriinta ay xambaarsan yihiin kuwaasoo ku qoran shabakado fara badan oo afsoomaali ku wax ku qora.

 

Waan ogahay inaysan arrintan wax ka qabashadeedu aysan sahlanayn marxaladda dalku marayo awgeed balse waxaan marar badan maqalaa ururro magacyo waaweyn wata oo ay ku bahoobeen weriyeyaal Soomaaliyeed oo weliba sidii dagaal-oogeyaashii tartan ugu jira innaga keenna ayaa ayaa asli ah inta ninba meel boorso iyo laptop shirar la yimaado. Waxaan isweydiiyey miyey fahmi la'yihiin inay ka faa'iideystaan shakhsiyaadka ku xeeldheer qoritaanka afka Soomaliga oo laga heli karo goobo badan oo dunida dacalladeeda ah oo kaalin mug leh ka geysan kara inay tababarro u furaan si ay weriyeyaashan amaba qoreyaasha shabakadaha Soomaalidu warar tayo leh u soo gudbiyaan, mise maba danaynayaan oo waxyaabo kale ayaa arrintan kala weyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this