Sign in to follow this  
cadnaan1

Abwaan hasan shekh mumin, sharaxaya melaha iskaga egyihin somalida iyo mukulasha

Recommended Posts

galbeedi   

Cadnaan1, that was classic.

 

May shaqo tegin oo way huruday, haddana waxay doonaysaa hilib iyo caano.

 

Rag waa ragii hore hadalna waa intii uu yidhi.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

maanta marka aad fiiriso dhaqanka somalida joogta europe gaar ahaan uk aan daganhay hadalkiisa 100% waa sax ma shaqaystaal ayey u badanyihiin somalida,,

 

baris la sameeyey wadanka uk 87% somalida waxay qaataan ceyrta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalidu horta waa isku dayataa, xumaan iyo wanaagba, shaqo iyo baryoba, ma aaminsahi waa hido in ay u fadhiyaan, waa hadii CADNAAN1 baritaanka aad sheegtey run yahay.

 

Ishaa u macalin ah, meesha aan hada joogo, SOMALI BADAN koodu waa shaqeeystaan, runtii, sababtuna waa ISHA u macalin ah, oo waxa yimi SOOMAALI sharci leh, Cayr se loo ogoleeyn, (have incentive to work) markaas bay noqotay in shaqo tagaan, ama wadanka iskatagaan, KUWII fadhiyey oo CAYR ta qaadanayeyna waa shaqo tageen oo ku daydeen markey arkeen SOMALIDAN ordeeysa, oo shaqo taga ah, oo QOF waxa sameeyn weeyn ku leh BULSHADA uu ku dhex jiro.

 

Mushkilada kale waa perception iyo in laga dhaadhiciyo, xoogaaga cayrta ah, in wax ka weeyn aad heli markaad shaqo tagtid, weliba laga dhaadhiciyo qof markiisii hore waxba haysan oo hada 100 pound la weeyn yahay.

 

Yeelkeede, Arinka ABWAAN HASAN SHEKH MUMIN, EEBE ha u naxariistee, wax badan baa ka run ah, waxaana aaminsahay, he was more intelligent than most people, , that way he could see the problem. Waa ku mahadsantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

allaha u naxariisto abwaan waakii dadkiisa yaqaan.

 

sidaan maqlay iyo maakhir hadalkiisu waa is waafaqsanyihiin qolo walbaa qaxootigeeda si gaara bay u tababaratay.

 

weliba waxaan maqlay oo abwaanku uusan xusin markaad kaluun siiso bisadda indhahay isku qabsataa si ay kuu inkirto

 

lagayaabe in bakhayl sameeyay oraahdaas oo cilmi ku fadhiyin

 

erayga alxamdulilah waa ducada sayidkeeda haddaadan aqoon sida loo ducaysto akhriso faataxada ducoo dhan halkaasay ku jirtaa

 

erayga masha allah wuxuu kuu diidaa xasadka waxaad naftaada la jeceshahay walaalkaa la jeclow waa lawada liibaani markaas

 

erayga subxanallah waa qiridda cajaa'ibada ilaahay asagaana wax walba sababteeda leh

 

 

soomaalidu badankooda aan ka mid ahay waayaro badan baa naga guban.

 

erayga shaxaad haddii carabi lagu macneeyo waa tuugsi

 

haddii aad carab ku tiraahdo masoo tuugsanaysaa wareer badan baad kala kulmaysaa sababtoo ah waa cayda kuwa ugu qaawan.

 

 

haddii aad soomali ku tiraahdo war kaalay qolo reer yurubaa timide aan soo shaxaadnee,si dhakhsaa bay usoo labistaan waayo eraygaa macno fiican loogu turjumay.

 

ka waran haddaad ku tiraahdo soo labiso aan soo tuugsanee qolada dibaddaha ka timid?

 

halkaas waxaad ka baranaysaa caadooyinka xun in macno fiican loo yeeli karo haddii la doono

 

haddii aad weydiiso war ninyahow qof kale jeebkiisa waxa ku jira waa ceeb inaad weydiiso,waxaa laga yabaa inuu ku jawaabo war xoolahaan asba tuugsi buu ku kenee, waana dhaqan xumo inuu sadaqo gaal keligiis cunee naga kici meesha

 

lubnaan yaan beri u martinay nin 10 m. oo beera khudrad ku beertay gurina ka ag dhistay waxaan weydiinay ilaa intee deganayd?

wuxuu noo sheegay ilaa afar awoow waana intuu yaqaan balse waa dhaxal fog.

 

dhaqan ahaan daruuf kastoo timaada inta badan ma gadaan ama ma iibiyaan hadba sidaad u taqan dhulka ay dhaxal ahaan heleen waa abtirsigooda iyo meeshay kasoo jeedeen.

 

 

reer guraaga soomaalidu dhul bay iska degenaadaa ilaa uu iskood u guuraan ijaarna ma bixiyaan hal awoowna kama dhaxlin,hadaysan awoowayaal badan ka dhaxlin

 

nimcada waa lagu shukriyaa

wax walban waxaa laga hormariyaa alxamdulilah

 

bariis xunbaan soo cunay rooti qalalayna waa isaga dejiyay

 

naagtii xumayd baan isa soo laynay ciyaalkii xumaana waa kala carareen

 

dhulkii balaayadu ka qiiqaysay baan u socdaa ee iisoo duceeya

 

waxaasoo xumaana markay afkaaga kasoo buuxdo tuugsi iyo daciifnimo see looga baxayaa?

 

ma qadaysay@alxamdulilah

soomaaliya ka waran@alxamdulilah

shaqo ma heshay?@alxamdulilah

imtixaankii ku guulaysatay?@alxamdulilah

 

saaxiibkeen wiil iyo gabar mataanaa u dhashay @maasha allah

shirkadna wuu furtay geela dhoofisa @masha allah

 

dayax gacmeedku weynaa @subxanallah

dhul gariir baa talyaaniga ka dhacy@subxanallah

 

afkeena haddii khayrku ku bato waa la khayri

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Waxaan ku raacsanahay Maakhir, Soomaalidu aad ayey iskugu dayataa. Goboladan galbeedka Canada, tirada Cadnaan1 shhegay 87% mid u dhaw ama ka sareysa , ayaa shaqaysa.

 

Wax caydh la yidhaahdo lama siiyo dadka shaqaysan kara. Haddii bil ama laba qofka la caawiyo waa laga goyaa oo waa in uu shaqo raadado.

 

Ingriisku duni saddexaad weeye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this