Sign in to follow this  
malistar2012

Mogadishu NISA foilds Two Alshabaab Planned attack One targeting Xalane Base

Recommended Posts

Mogadishu NISA foilds Two Alshabaab Planned attack One targeting Xalane Base

 

https://youtu.be/6U1GEa-8vPc

 

NISA Foilds attack on AMISOM main base of xalane

 

https://youtu.be/6o9_EyBa6m8

 

WEERAR KOOXDA SHABAAB KU FASHILANTAY OO AY KU SOO QAADEN SALDHIGGA DEGMADA HELIWAA

 

 

Great Job security in Mogadishu is improving 100%

 

Thanks to the hardworking brave security Force

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

SHAQSIGA Sanadkii Hore ee 2015 Waa Askariga Soomaaliyeed: DOWLADDA F. SOOMAALIYA

bo-620x330.jpg

 

 

Sabti, Janaayo 02, 2016 (HOL) — WARBIXIN kasoo baxday dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ASKARIGA SOOMAALIYEED u aqoonsatay shaqsiga sannadkii 2015-ka ee Soomaaliya, waxaana warbixintu ay u qornayd sidan:

 

Bulshada caalamka ku nool waxay sanad walba marka uu dhamaado soo bandhigaan qofka ugu caansanaa sannadkaa dhamaaday; kaasoo inta badan lagu tix-geliyo waxqabadkiisa iyo kartidiisa, adeegga uu soo kordhiyay iyo weliba kaalinta uu kaga jiro bulshada.

 

Soomaalida meel kasta oo ay joogto waxay hadal-hayaan qofka loo doortay inuu shaqsiga sannadka Somalia ee 2015-ka noqdo, gaar ahaan siyaasiyiinta, dhallinyarada, fannaaniinta, xarumaha waxbarashada iyo bulshada qaybaheeda kale.

 

Haddaba, Dowladda Somalia waxay qabtaa in shaqsiga sanadkii hore ee 2015-ka uu yahay Askariga Soomaaliyeed oo sannadkii lasoo dhaafay duruufo adag ku shaqeynayay; Qaarna ilamahoodii agoontoobeen, xilli uu ku jiray difaacaya dalkiisa iyo dadkiisa; weliba isagoo laga yaabo in xuquuqdiisii aysan u dhameystirnayn, laakiin waqti kasta u taagnaa baacsiga cadawga muwaadiniinta Soomaaliyeed hororka ku ah.

 

Alpha-Group.jpg

Waxaa xusid mudan in guula amni ee la gaaray sanadkii dhamaaday ee 2015 uu hormuud u ahaa askeriga Soomaaliyeed

 

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in halku-dhiga sannadka cusub ee 2016-ka uu noqon doono 'AMNIGA DALKEENNA WAA INAAN SI BUUXDA ULA WAREEGNAA.'

 

Arrintaan uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya waa midda uu u taagan yahay Sskariga Soomaaliyeed ee ka tirsan ciidamada qalbka sida inuu naftiisa u huro difaaca dalkiisa, siina wado baacsiga haraadiga ku dhuumaalaysanaya, qaybo ka mid ah dalka.

 

 

xasan-milateri-1.jpg

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ahna taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida, oo dhamaadkii bishii hore ka Qayb-galay horumar la gaaray ayaa xusay inay taasi tahay tan keentay in dib-u-dhiska dalka ka socda ee dar-darta leh.

 

Arrimaha lasoo soo xusay iyo kuwa kaleba ayaa waxaa kaalinta ugu mugga wayn iska leh Askariga Soomaaliyeed oo qorraxda taagan maalintii, habeenkiina aan seexan, si dalkiisa iyo dadkii uga difaaco cadowga doonaya inay dhibaateeyaan.

 

Guulaha uu Asakariga Soomaaliyeed soo hayay Sannadkii hore waxaa ka mid ah:

18913_961172287236726_534960277927891205

1. Waxaa hoos dhac 85% ah uu ku yimid weerarradii argagixisadu ka fulinaysay gudaha Muqdisho iyo deegaannada ka baxsan.

 

2. Waxaa 70% hoos u dhacay baabuurtii loo adeegsanay fulinta weerarada abaabulan ee maalin walba dhici jiray.

 

3. Ciidamada Qalbka Sida qaybta (NISA) waxay gudaha cadawga Soomaaliya ka fuliyeen weerarro lagu khaarijiyay xoogag ka tirsan Al-shabaab.

 

4. Waxaa la barburiyay 11-shabakad oo Al-shabaab ay Muqdisho ku lahayd, tan ugu yarna waxay ka koobnayd Shan qof.

 

5. Ciidamada amaanka waxay fashiliyeen 121-weerar oo isugu jira weerarro iyo qaraxyo ay Al-shabaab maleegaysay ayna rabeen inay ku beegsadaan xarumaha dowaldda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

6. Waxaa gacanta lagu soo dhigay 201-qof oo ay ka mid ahaayeen hor-joogayaal ka tirsan ururka Al-shabaab, waxaa lasoo taagay maxkamad inta kalana waxaa ku socda baadhitaanno.

 

7. Ciidanka amnigu waxay qabteen 206 waxyaabood oo isugu jiray bambaano, miino iyo kuwo walxaha qarxa laga sameeyo.

 

8. Ciidanku waxay dileen toddoba hor-jooge oo ka tirsan Al-shabaab sannadkii la soo dhaafay isagoo iskaashi la sameeyay saaxiibbada Soomaaliya.

 

9. Waxaa gacanta lagu dhigay hal konteenar oo ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo dhar ciidan; kuwaasoo sannadkii lasoo dhaafay dekedda Muqdisho laga soo dajiyay.

 

10. Waxaa iyaguna isi soo dhiibay 1,376 xubnood oo Al-shabaab ka tirsanaa oo ay ka mid ahaayeen toddoba horjooge.

 

11. Cadowgu waxaa laga saaray Magaalooyinka muhiim ah waxayna 90% ku harsan yihiin meelo kooban, waana laga saari doonaa dhawaan.

 

Ugu dambeyn, Askariga Soomaaliyeed Wuxuu mudan yahay inuu noqdo kan ugu Qiimaha badan sannadkii 2015-ka, iyadoo lagu Tix-galinaayo Shaqada culus ee uu Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed u hayo habeeniyo maalin.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

 

- See more at: http://www.hiiraan.ca/news/2016/Jan/wararka_maanta2-94373.htm#sthash.Wpg56bfk.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this