Sign in to follow this  
malistar2012

Jowhar rice farming and production has started after 25 Years

Recommended Posts

Tacabka bariiska oo dib uga bilowday degmada Jowhar(Sawiro)

by mahad | Monday, Dec 14, 2015 | 2137 views

 

 

 

 

December 14 (Jowhar)—Beeralayda degmada Jowhar ayaa bilaabay inay dib u bilaabaan beerista tacabka bariiska oo muddo kabadan labaatan sano uu dib u dhac ka jirey beeristiisa.

 

Dallaga bariiska ayaa ahaa mid si joogta ah looga beero degmada Jowhar iyadoo loo iibgeyn jirey gobolada dalka. Tacabka bariiska ayaa hoos u dhac uu ka jirey labaatankii sano ee la soo dhaafay iyadoo sanadba sanadka ka dambeeya uu hoos u dhacayay beeristiisa.

 

Hase yeeshee waxaa haatan muuqanaya ifafalaae wanaagsan oo ah in uu dib u soo noolaanayo beerista bariiska oo si weyn looga cuno dalka Soomaaliya. Degmada Jowhar ayaa waxaa ku yaal dhul ballaaran oo ku habboon beerista bariiska haddii loo helo dhaqaale lagu beerto.

 

Haddaba mid ka mid ah Iskaashatooyin ka jira degmada Jowhar oo la magac baxday iskaashatada beeralayda Naciim ee deeganka Bayaxow degmada Jowhar ayaa soo bandhigtay beer 50 hekter ah oo ay ku abuureen dalagga bariiska.

 

Guddoomiyaha degmada Jowhar C/dir Cabdulle Buurfuule iyo mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee gooblka Sh/dhexe Cali Cismaan Ibraahin,guddoomiyaha iskaashooyinka gobolka Sh/dhexe Cisman Nuur Ibraahin, guddoomiye kuxigeenka iskaashatooyinka gobolka Cabdulaahi Macalin Xuseen(Biis) guddoomiyaha iskaashatada degmada JowharAxmed Tifow Gacal xoghayaha iskaashatada degmada Jowhar C/qani Xaaji Muxumad kale iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqday beerta bariiska ee deegaanka Bayaxow waxayna halkaas kula kulmeen beeralayda ku bahowday iskaashatada beeralayda Naciim kuwaasoo iska kaashaday tacabka bariiska oo sanooyinkii la soo dhaafay uu hoos u dhac ka jirey beeritaankiisa.

 

Guddoomiyaha iskaashatada Naciim Axmed Qaasim Xasan oo ka warbixiyay qaabka ay u beereen beerta ayaa sheegay in ay xubnaha iskaashatada ay lacago ay iska soo ururiyeen ay ku abuureen bariiska ayan haatan marayso heer wanaagsan balse ay u baahan yihiin kaalmo inta ka hartay soo jarista beerta.

 

Guddoomiyaha iskaashatada Naciim ayaa ugu baaqay maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe iyo hay’adaha samafalka inay ka caawiyaan qodista kanaal,matoor,daawo iyo fatahaada siimowga ah si iskaashatada ay sare ugu qaado beerista bariiska.

 

Guddoomiyaha degmada Jowhar C/dir Cabdulle Buurfuule oo ka hadlay munaasabadan ayaa u mahadceliyay iskaashatada Naciim sida ay ugu dadaashay in ay dib u soo nooleyso tacabka beerista bariiska isagoo ku tilmaamay iskaashatada waxqabadkeedu inuu yahay mid kudayasho mudan.

 

“Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha samafalka kuwa wadaniga ah iyo kuwa heer caalamiba inay gargaar siiyaan iskaashatadan oo muujisay in ay tahay mid mudan in la garab istaago si ay u gaaraan higsigooda ah ka miro dhalinta tacabka bariiska.”ayuu yiri guddoomiye Buurfuule.

 

Iskaashatada beeralayda Naciim ayaa ah haatan iskaashatadii ugu horeysay ee bilowday tacabka bariiska ee gobolka Sh/dhexe caanka ku ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this