Sign in to follow this  
malistar2012

Som Gov arrest 14 suspects accused of Killing MP Yuusuf Maxamed Dirir

Recommended Posts

 

 

Guddigii loo saaray baaritaanka dilkii Xildhibaan Dirir oo baaritaan horu dhac soo bandhigay

by A M | Saturday, May 30, 2015 | 4524 views

 

 

 

Dahir-xeer-ilaaliyaha-guud-620x348.jpg

May 30 (Jowhar)— Guddigii loo xil saaray baaritaanka dilkii Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir loogu geystay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay baaritaan horu dhac ah oo ku aadan qaabkii uu u dhacay dilkaas oo ay geysteen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

 

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir oo xubin ka ah Guddiga ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xarunta CID ayaa sheegay in baaritaanka uu wali yahay mid horu dhac ah.

 

“Shilkii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama 23-kii bishan, halkaasoo muwaadiniin Soomaaliyeed ku geeriyoodeen oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Dirir iyo labo qof oo kale shacab ah,Guddiga baaritaan horu dhac ayay ku guuleysteen inay soo bandhigaan, waxaa gacanta lagu hayaa saddex baabuur, qoryihii fal dambiyeedka lagu galay iyo ilaa 14 ruux oo u xiran falkaas”ayuu yiri Dr. Axmed Cali Dahir.

 

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in saddex baabuur ay kala yihiin baabuurkii ay Xildhibaanada wateen, gaari ay leedahay Waaxda Socdaalka iyo gaarigii ay wateen Ciidamadii Milateriga ahaa.

 

“Waxaa gacanta Guddiga ku jira ilaa todobo qor oo lix qori ay yihiin AK47, halka qoriga kalena uu yahay BKM, waxaana tuhunsanahay inay yihiin kuwo fal dambiyeedka lagu galay 14 ruux ee falkaas u xiran labo ka mid ah waa Ciidamada Milateriga, iyagoo dhaawac ah ayay xiran yihiin”ayuu hadalkiisa ku sii daray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

 

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in falkii lagu dilay Xildhibaan Dirir ay ka dambeeyeen ciidamo milateri ah, iyadoo Wasaaraddu tilmaamtay in falkaas uu ahaa mid ku dhacan si kama’a ah, markii gaari ay wateen ciidamada oo wadada marayay ay dhowr jeer hoon u yeeriyeen gaariga Xildhibaanada la socdeen, dabadeedna markii uu ka dhega adeegay ay wado kale mareen, rasaasna ku fureen.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore magacawday Guddi soo baara falkan, waana markii u horeysay ee Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay dilkiisa ku lug yeesheen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this