Sign in to follow this  
malistar2012

Somali President expect to tour centre Somalia to open centre state Conference

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu tago magaalada Dhuusa Mareeb

 

 

xasan-sheekh-safar.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu tago magaalada Dhuusa Mareeb

by A M | Sunday, Feb 8, 2015 | 5133 views

 

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.

 

Wafdi horu-dhac u ahaa Madaxweynaha oo shalay gaaray Dhuusa Mareeb, kuwaasoo isugu jiray Mas’uuliyiin iyo saraakiil ayaa qaban qaabinaya soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha ee maanta la filayo inay gaaraan Dhuusa Mareeb.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Dhuusa Mareeb, iyadoo wali aan loo guda gelin qaban qaabada shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo uu hakad badan ku jiro.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in wali ay ka jirto is qab qabsi ku aadan halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta, iyadoo dowladda Federaalka laga sugeyso inay cadeyso goobta sida rasmiga ah ee shirka lagu qaban doono.

 

Madaxweynaha ayaa horay uga baaqday booqasho uu ku tagi lahaa Dhuusa Mareeb, waxaana dib u dhacyada ku imaanayay la sheegay inay ahaayeen arrimo farsamo iyo marxaladihii khilaafyada siyaasadeed ee dowladda Federaalka ka dhex jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda oo maanta gaaray Dhuus-Mareeb

 

IMG_488126-CFC329-0683E0-EF3646-7F090C-2

 

 

Posted on February 9, 2015 by Webmaster in WARAR, WARARKA // 0 Comments

 

 

Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Janaraal C/raxmaan Tuur yare ayaa maanta gaaray degmada Dhuus mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana Taliyaha socdaalka ku wehliyay saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

 

Taliyaha ayaa markii u gaaray magaalada Dhuus Mareeb waxaa uu kormeeray xarunta hay’adda Nabad Sugida oo ku yaala magaaladaasi isagoo sidoo kale kormeerey saldhig lagu tababaro ciidanka hay’adda Nabad Sugida.

 

Socdaalka Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Janaraal C/raxmaan Maxamuud Tuur yare uu maanta ku tagay ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo sidoo kale Madaxweynaha Janhuuriyadda Soomaaliya oo dhowaan halkaasi booqan doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali president visits Dhusomareb Centre State

 

Dhuusamareeb.jpg

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Goordhaw gaaray Magaalada Dhuuso Mareeb si weyna loogu soo dhaweeyay

 

 

 

 

Waxaa Goordhaw Magaalada Dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud gaaray wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .

 

Wafdiga Madaxweynaha ay ku jiraan Xubno katirsan labada Golle ee Dowlada ,Saraakiil ciidan iyo waxgarad ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuuso Mareeb oo ay gaareen Daqiiqado kahor.

 

Madaxweynaha ayaa hada kusugan Xarunta Villa Barwaaqo oo ah halka uu kasocdo shirka ay leeyihiin Waxgaradka beelaha dega Gobolada Galgaduud iyo Mudug oo la filayo in dhawaan Maamul Goboleed loo sameeyo.

 

 

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu la hadlo waxgaradka shirka uu uga socdo Magaalada Dhuuso Mareeb, waxa uu sidoo kale kulamo la qaadan doonaa Maamulka Gobolka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Safarka Madaxweynaha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

 

Wararka iyo Barnaamijyada Allbanaadir Live si aad u dhageysato garaac

USA iyo Canada +17124322959

UK 0330-332-6520

Australia 1-300-230-739

Sweden: 46840308867

Norway: 021.984.528

South Africa 01.05.90.46.02

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com

Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

·

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Sirdoonka oo ka degay Dhuuso-mareeb, Ciidamadii Mudug iyo Galgadud

 

 

 

Taliyaha Hay.adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo Maanta Gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Hay.adda oo dhawaanahaanba tababar uga socday Magaaladaas.

 

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada uu tababarka u soo xiray ay yihiin kuwii sugilahaa amaanka Gobolka Galgaduud isla markaana Cadawga ka Xoreyn lahaa Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

Sidoo kale Madaxwaynaha soomaaliya Xasan sheekh maxamuud ayaa waxaa la filayaa inuu gaadho magaalada Dhuusomareeb.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this