Sign in to follow this  
Mooge

Ethiopian Troops will be in Kismayo any time now

Recommended Posts

Mooge   

Itoobiya ayaa sheegtey in dalkeedu diyaar u yahay xoojinta ciidamada Soomaaliya, kadib bixitaankii ciidamada dalka Sierra Leone ee isaga baxay todobaadkan Soomaaliya, kadib markii laga cabsadey ciidamada beddeli lahaa in ay dalka keenaan cudurka dilaaga ah ee EBOLA oo dalalka uu la degey ay ka mid tahay Siiraliyoon.

 

Ciidamada Siiraliyoon ayaa gaarayey 850 Askeri kuwaas oo ka hawlgalaayey gobolka Jubada Hoose, waxaana ay ka mid ahaayeen 22 000 oo askeri oo ka socda Midowga Afrika, waxaana ay dalka ku sugnaayeen ku dhawaad laba sano.

 

AMISOM ayaa sheegtey in ciidanka Siiraliyoon aan la soo beddalayn, ilaa cudurka EBOLA laga cirib tiro galbeedka Afrika.

 

Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dalkiisu dyaar u yahay in ay diraan ciidamadii beddeli lahaa doorkaasna qaadan karaan.

 

“Haddii codsi nooga yimaado Midowga Afrika, Itoobiya waxay diyaar u tahay in ay diyaariso ciidamadii beddeli lahaa kuwa Siiraliyoon” sidaas waxaa warbaahinta u sheegey Raysalwasaaraha Itoobiya, waxaana uu ku darey in ciidamada dalkiisu ay horey ugu sugnaayeen Soomaaliya isla amrkaana ka hawglanaan 60% dhulka Soomaaliya!.

 

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa dhanka kale wel-wel ka muujiyey khilaafka markasta soo noqda ee madaxda Dowladda Federaalka kaas oo raysalwasaaraha la cayriyo.

 

Khilaafka waa in la wajaho oo xal loo helo

 

Waxaan rajeyneynaa in khilaafku aanu soo noqon mar danbe, xoogana la saaro ciribtirka al-Shabaab.

 

Ugu danbeyntii ayuu Mr Desalegn sheegey in al-Shabaab weli khatar ku tahay Itoobiya iyo danahooda, waxaana si dhaw ula soconeynaa mar kasta dhaq-dhaqaaqooda ayuu yiri.

 

Dalka Itoobiya oo xuduud dheer la wadaaga Soomaaliya ayaa ciidamo faro badan ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo mar danbe qaatey calanka AMISOM ee oggolaanshaha ka haysta Qaramada Midoobey, lama yaqaano titrada saxda ah ee ciidanka Itoobiya

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

These newly trained should be deployed to Kismaayo The Army are self sufficient indeed I hope the Government Declines the offer .....

IB0A6851-515x343.jpg

IMG_6672.jpg

 

 

xooga-dalka.jpg

 

There are thousands of well trained and equipment Somali Soldiers , more Foreign troops is not productive it's time they start withdrawing .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Once Ethiopian troops are in Kismayo they have completely surrounded Somalia from Hiiraan in the north to bay and bakool to the west and to the south Kismayo. Very interesting development.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

There are thousands of well trained and equipment Somali Soldiers , more Foreign troops is not productive it's time they start withdrawing .

 

Yes, that is true, but these soldiers owe their alleigence to Mogadishu and can be a threat to the internal security of Jubaland. The Ethiopians will remain until Jubaland finishes training its own armed forces.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Once Ethiopian troops are in Kismayo they have completely surrounded Somalia from Hiiraan in the north to bay and bakool to the west and to the south Kismayo. Very interesting development.

 

This is absolutely tragic. We can easily recruit thousands of capable Somali men to police Kismayo, yet we allow our arch-enemy to occupy our land and surround our major cities.

 

The great Ahmed Gurey must be turning in his grave right now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

This was the plan all along. Ethiopia never really controlled any major city or town beyond the border towns since 2006. For a long time they were looking for the opportunity to get back in the game and take control of a major city in the coast area. Darky will gift them that gift and sadly there is little the current government can do.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda oo qorsheyneysa dhisidda ciidan gaaraya 28-kun oo askari

 

xasan-tababar-7.jpg

 

Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in bisha Janaayo ee sanadka 2015 Muqdisho lagu qaban doono shirweyne qaran looga arinsanayo mideynta iyo isku dhafka Ciidamada Soomaaliya.

 

Jen, Maxamed Sheekh oo la hadlayay Idaacada VOA, isagoo ku sugnaa degmada Tiyeeglow ayaa sheegay in shirkan ay ka soo qeyb geli doonaan maamul goboleedyada dalka, isla markaana qorshaha uu yahay sidii loo dhisi lahaa ciidamo gaaraya 28-kun askari.

 

“Waxaa qorshaha noogu jirta in bisha Janaayo ee soo socota inaan qabano shirweyne qaran looga hadlayo mideynta iyo isku dhafka Ciidamada, waxaan rajeyneynaa markaa shirkaas ka soo qeyb galaan Maamul goboleedyada”ayuu yiri Jen. Maxamed Sheekh Xaamud.

 

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shirka lagu qarameyn doono dhamaan ciidamada ku sugan Gobolada dalka, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada, isagoo tilmaamay in dib u habeyn lagu sameyn doono howl gelintooda.

 

Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in ujeedkooda yahay sidii looga bixi lahaa ku tiirsanaanta Ciidamada shisheeye, isla markaana muhiim tahay in la helo ciidamo tayo leh oo ku filan ammaanka iyo xasiloonida dalka.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan war uu ka soo saaray Xafiiskiisa ku sheegay sida ay muhiim u tahay in la isku dhafo Ciidamada Soomaalida ee ku dhaqan Gobolada, isla markaana la qarameeyo.

 

Dowladda Soomaaliya oo uu Caalamka taageero ayaa dagaal kula jirta Ururka Al-Shabaab, waxaana xooga ugu badan ee dhanka milateriga ay ka heshaa Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo ka socda ilaa shan dal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this