Sign in to follow this  
Mooge

Jawari denies he insulted Puntland

Recommended Posts

Mooge   

Baydhabo(pp) Afhayeenka gollaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo shalay hadal ka jeediyay shirka dib u heshiisita Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay hadal maalmahan warbaahinta gudaha ay si wayn u hadal hayeen kaasoo ahaa inuu Jawaari u gafay Puntland kuna tilmaamay meel lagu dhibaateeyo Dadka Bay iyo Bakool kasoo jeeda.

 

Prof.Maxamed-Sheekh-Cismaan-JawaariHadalkan uu sheegay inaa ahaa sanadkii hore balse saxafaaddu ay dib usoo cusboonaysiisay wuxuna sheegay inuusan Puntland waxba ka sheegin.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa u muuqda nin iska leexinaya hadal uu horay u yiri taasoo keentay in madaxda Puntland iyo dowladooda ay ka hadleen kuna baaqaan inuu raali galin ka bixiyo.

 

“taasi waxaan tusaale ugu soo qaatay in idinka nabadii meeshaan laga doonaayey aad hanti weyseen oo aad xasilin weyseen,dadkii idiinka tagayna meel kale ay joogaan , waa la gooyey hadalkeeyga oo dhan Jawaari waxaa la yiri Puntland dadbeey xier xirtaa baraha internetka ayaa lasoo geliyey, saakay oo dhan Xildhibaanno ayaa telefoonno iga soo wacayey oo I dhahay Oday waa sidee? Hada inaan dhahay ayaa laga dhigay waana hal sano ka hor mar howlgallo ay socdeen oo aan idinka tusaale ahaan idiinkugu soo qaatay, bal amarka ilaaheey intaas ayaa lasoo geliyey dadkii oo dhan waxey leeyihiin Oday sidaan laguuguma ogaan jirine”

 

Balse Jawaari ayaan wax faah faahin ah ka bixin howlgaladda uu ku sheegay sanadkii hore in lagu dhibateyay Shacabka Bay iyo Bakool ee Puntland ku nool, wuxuna sheegay oo kaliya inuu sanadkii hore jeediyay xili uu ku sugnaa magalada Baydhabo.

 

Daawo sida uu uga war wareegayo Jawaari inuu hadalkasi raali galin ka bixiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Wax weyn oo raali gelin laga bixiyo ma jiraan reer baydhabo waxay ka ganacsadaan tuulo kasta oo soomaaliya ku taal baydhaba kaliya kuma filna.

 

2011kii waa markii iigu horaysay oo arko dhalinyaro soomaaliyeed oo dhul soomaaliya ku yaal tahriib ama dhuumasho ku galaysa

 

markaan weydiiyay wadihii gaarigana wuxuu ii sheegay inaan loo ogolayn sababo amaanka la xiriirta waxaana dhici karta inay doonayaan inay usii gudbaan boosaaso lagana yaabo inay bilo ku qaadato tegisteedu

 

waxaan kaloo wediiyay aniga sida laygu ogolaan doono maadaama aanan wax aqoonsi ah aanan wadan wuxuu ii sheegay in lahjadda reer muduga aan aqoonsi looga baahnayn

 

Puntlan batrool allaha siiyo si loo arko dhaqankooda fiican.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

^Dhaqankooda fiican hada ma maqanyahay? What does batrool have to do with it? What exactly does this phrase mean?

 

An idiot who has hatred and ill will in addition to incompetency and drunkenness. He should have been removed long ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Maya boowe dhaqankooda fiican hadda waa joogaa,

I don’t see specific word to answer patrol is a gasoline which is most engine run

 

Dhanka kale miyaysan kuu muuqan haddii gas iyo batrool soo baxo idanka alle, loo baahan yahay in la helo aqoonsi lagu kala garto muwaadinka reer puntland iyo muwaadiniinta soomaaliyeed ee usoo haajiray puntland?

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

Gooni sheekada raqiiska ah meeshaan kala dhex bax!

 

Batrool ama batrool la'aan, qof waliba oo ku nool degaanada Puntland-- ama dhalad ha ahaado ama dhul kale haka yimaado ee- waa muwaadin Puntlandi ah.

 

Laakin waxaa muhiim ah inuu qofku u hogaansamo sharciyada iyo dhaqanka u yaal ummada ku nool dhulkaas. Puntland xaq bey u leedaahay inay iska ilaaliso dadka afka duubta, kuwa burcad badeedka ah iyo kuwa tahriibka ku lug leh.

 

Sharciguna isku si' buu uwada qabanayaa kuwa dhaladka ah iyo ku meelaha kale ka yimid!

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Sow ma ogid muwaadinka puntland inuu dhalay muwaadin soomaaliyeed tol ma waayow?

 

Waana kugu raacsanahay in loo hogaansamo nidaamka iyo sharciga ka jira dadkaa meeshaa horay u deganaa,wixii dhib la yimaadana maamulkaa laga doonayaa inuu kala saaro kan dhibka wada iyo kan laga faa’iidayo asna faa’iidaya, balse waxaan meesha qaban in muwaadin soomaliya u tahriibo dhul soomaaliyeed ama layska raafo haday dhacday sida professor jawaari sheegay.

 

Si kastaba puntland iyo carab si fiican baan u aqaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this