Sign in to follow this  
malistar2012

Mogadishu Gov vs frm warlords-arms dealers - Armed politiance

Recommended Posts

Somali Government has started campaign to disarm Mogadishu , former warlords - politiance and Arms dealer are being targeted .

 

Last night a former warlords who still armed and causing trouble was target along with Somali MP

 

 

 

 

 

 

Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa xalay ku fashilmay qorshe ay doonayeen in ay ku qabtaan Cabdi Nuure Siyaad oo kamid ah Siyaasiyiinta kusugan Magaalada Muqdisho.

 

Xogo lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Cabdi Nuure Siyaad kahor inta aysan soo weerarin Ciidamada Nabad Sugida in uu kusugnaa Hoteelka Jaziira halkaana uu shaah kula cabay Xubno Siyaasiyiin ah iyo Saraakiil katirsan Dowlada.

 

Hotelka Jaziira waxaa sidoo kale kusugnaa sida aan Warar ku helnay Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida qaranka kuwaa oo la tuhmayo in iyagu ay wax badan ka ogaayeen Qorshaha la doonayay in lagu qabto Cabdi Nuure

Ciidamo gaar ah oo katisan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa la sheegay in banaanka Hotelka ay kusugayeen Cabdi Nuure ay xog ka hayeen in uu ku jiro Hotelka , waxa ayna Ciidamada markii uu soo baxay Siyaasigan durba gacanta ku dhigay Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida oo markii dambe la dilay.

 

Goob jooge kusugnaa Hotelka Jaziira ayaa noo xaqiijiyay in Cabdi Nuure iyo Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida ay gacanta iskula tageen , waxaana xiligaa kadib Rasaas soo riday ciidamo ilaalo u ahaa Cabdi Nuure oo kusugnaa meel aan ka fogeyn Hotelka Jaziira.

 

Xaalada ayaa mar qura is badashay waxaana halkaasi ka bilowday Rasaas Culus ay is dhaafsadeen Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaalo yar uu watay Cabdi Nuure , waxaana la sheegay markii ay Rasaastu bilaabatay in Siyaasigan ay u suurto gashay in goobta uu ka baxsado.

 

Ciidamada Nabad Sughida oo tuhmay in Siyaasigan ka baxsaday uu galay Guriga Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare ayaa durba rasaas ku bilaabay Guriga Xildhibaanka , waxaan halkaasi ka dhacay Dagaal dhax maray ilaalada Guriga Xildhibaanka iyo Ciidamadii Nabad Sugida.

 

Cabdi Nuure Siyaad oo xalay ka bad baaday qorshe ay doonayeen Ciidanka Nabad Sugida in ay ku qabtaan ayaan ilaa hada la ogeyn halka uu ku dambeeyo , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Siyaasigan dowladu dooneysay in ay xirto.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xog ku aadan Qaabkii uu xalay Cabdi Nuure Siyaad uga baxsaday Ciidanka Nabad Sugida Qaranka

 

 

 

 

Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa xalay ku fashilmay qorshe ay doonayeen in ay ku qabtaan Cabdi Nuure Siyaad oo kamid ah Siyaasiyiinta kusugan Magaalada Muqdisho.

 

Xogo lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Cabdi Nuure Siyaad kahor inta aysan soo weerarin Ciidamada Nabad Sugida in uu kusugnaa Hoteelka Jaziira halkaana uu shaah kula cabay Xubno Siyaasiyiin ah iyo Saraakiil katirsan Dowlada.

 

Hotelka Jaziira waxaa sidoo kale kusugnaa sida aan Warar ku helnay Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida qaranka kuwaa oo la tuhmayo in iyagu ay wax badan ka ogaayeen Qorshaha la doonayay in lagu qabto Cabdi Nuure

 

Ciidamo gaar ah oo katisan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa la sheegay in banaanka Hotelka ay kusugayeen Cabdi Nuure ay xog ka hayeen in uu ku jiro Hotelka , waxa ayna Ciidamada markii uu soo baxay Siyaasigan durba gacanta ku dhigay Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida oo markii dambe la dilay.

 

Goob jooge kusugnaa Hotelka Jaziira ayaa noo xaqiijiyay in Cabdi Nuure iyo Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida ay gacanta iskula tageen , waxaana xiligaa kadib Rasaas soo riday ciidamo ilaalo u ahaa Cabdi Nuure oo kusugnaa meel aan ka fogeyn Hotelka Jaziira.

 

Xaalada ayaa mar qura is badashay waxaana halkaasi ka bilowday Rasaas Culus ay is dhaafsadeen Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaalo yar uu watay Cabdi Nuure , waxaana la sheegay markii ay Rasaastu bilaabatay in Siyaasigan ay u suurto gashay in goobta uu ka baxsado.

 

Ciidamada Nabad Sughida oo tuhmay in Siyaasigan ka baxsaday uu galay Guriga Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare ayaa durba rasaas ku bilaabay Guriga Xildhibaanka , waxaan halkaasi ka dhacay Dagaal dhax maray ilaalada Guriga Xildhibaanka iyo Ciidamadii Nabad Sugida.

 

Cabdi Nuure Siyaad oo xalay ka bad baaday qorshe ay doonayeen Ciidanka Nabad Sugida in ay ku qabtaan ayaan ilaa hada la ogeyn halka uu ku dambeeyo , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Siyaasigan dowladu dooneysay in ay xirto.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada oo Muqdisho ka billowday hub ka dhigis ka dhan ah siyaasiyiinta H""ya

 

Aug 11, 2014 - jawaab

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah hoggaamiye kooxeedyada iyo siyaasiyiinta beelaha ee Muqdisho ku heystahubka iyo ciidamada.

 

Arrintan ayaa waxaa fikradeeda lahaa wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya, Khaliif Axmed Irig, waxaana qorshaas la qaatay ra’iisal wasaaraha oo soo dhaweeyay.

 

Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah hoggaamiye kooxeedyada iyo shaqsiyaadka hubka Muqdisho ku heysto waxaa dhacay seddax howgal, waxaana kii ugu dambeeyay xaley lagu qaaday gurri uu deggan yahay Cabdi Nuur SIyaad oo ka mid ahaa kooxdii la dagaallanka argagixisada ee maxkamadihii Islaamiga ka itaal roonaadeen.

Arrintan waxay billowday in ay isbaheysi sameystaan shaqsiyaadka hubka Muqdisho ku heysto waxaana ay ku dhawaaqeyn in ay diyaar u yihiin in ay iska celiyaan dowladda.;

 

Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare waxaa dhalay hoggaamiye kooxeed hore Maxamed Qanyare Faarax waxaa xaley gurigiisa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida, waxaana la sheegay in dhowr daqiiqo ay xabad ka socotay gurigiisa.

 

Waxaa la sheegay in gurigiisa uu ku dhuuntay hoggaamiye kooxeed Cabdiwaal balse wuxuu isaga lee yahay waxaa la rabay in la ikhaarajiyo arrintaas mana dhaafi dooni cidda soo weerartay gurigeyga oo waxaan la tagayaa sharciga.

Maxaa keenay arrintan?

 

Arrintan waxaa keentay markii labo howgallo oo ka dhacay Muqdisho lagu soo qabqabtay hub loo waday Al-Shabaab kuwaasoo lagu qariyay guryo ay lahaayeen hoggaamiyaal kooxeedyo.

 

Golaha wasiiradda xukuumadda ayaa meel mariyay sharciga xakameynta hubka, waxaana hadda sharcigaas la rabaa in ay meel mariyaan xildhibaannda baarlamaanka.

 

Si kastaba siyaasiyiinta ayaa dareemaya inaysan caddaalad ahayn in ayaga kaliya iyo magaaladooda hub ka dhigis laga sammeeyo, ayada oo aysan jirin qorshe guud oo dalka dhan hubka looga dhigayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Sheekh Xasan:”Hubka ka Dhigista Muqdisho Ka Socota Ma Ahan Mid Cadaalad ah Waxaana Ka Dambeeyo….

cabdulaahi-3.jpg

 

 

C/laahi Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Isbahaysiga Nabadda iyo Dimoqraadiga oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa eedeyn u soo jeediyay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Somalia oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

 

Guddoomiye C/laahi Sheekh Xasan ayaa sidoo kale ku eedeyay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir hub ka dhigista ciidamada amaanka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

 

”Howlgalada Hub ka dhigista ah ee ka socota Magaalada Muqdisho waa mid lagu bartil maameed sanayo ilaa 63 qof oo dhamaan Reer Muqdisho ah mana ahan mid cadaalad ah in hal beel hubka laga dhigo ayuu yiri C/laahi Sheekh Xasan oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

 

C/llaahi Sheekh Xasan ayaa tilmaamay in arrintaasi ay tahay mid sharci darro ah islamarkaana uu ka warqabay Xildhibaanno aan heysan wax ay isku difaacaan in lagu laayay Muqdisho haddi qorshahaan uu hirgalana ay Qatar gali doonaan ammaanka Xildibaanada iyo Siyaasiyiinta ku nool Magaalada Muqdisho.

 

“Awooda Xildhibaanada Iyo Siyaasiyiinta loo Isticmaalayo al Shabaab maa lagu baacsado” ayuu intaas Raaciyay Cabdullaahi Sheekh Xasan.

 

Si kastaba C/laahi Sheekh Xasan ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn ugu soo horjeedo dowladda Somalia.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

war-culus.jpg

 

Dowladda Soomaaliya ayaa diiwaangalisey illaa boqol qof oo hub baddan oo sharci darro ah ku heysta caasimadda, kuwaasi oo la qorsheynayo in hubka laga dhigo.

Waxa ay isugu jiraan hogaamiye kooxeedyo hore, qabqablayaal dagaal, kuwa beeleed, dad xildhibaano ah oo ku marmarsoonaya in ay ammaankooda illaalinayaan balse heysta wax ka baddan hubkii ku filnaa in ay ammaankooda ku illaaliyaan iyo sidoo kale rag ka ganacsada hubka.

 

Dadkani hubka badan heysta ayaa waxa loo arkaa in ay qeyb ka yihiin ammaan darada dalka ka jirta, gaar ahaan kuwa ka ganacsatada hubka, waxaana la ogaaday in hubka lagu geysto qaraxyada inta badan laga dhex abaabulo magaalada dhexdeeda ama laga iibsado.

 

Dadka hubka heysta ayaa waxa ay sidoo kale qeyb ka yihiin, islamarkaasina sii huriyaan dagaalo beeleedyo ka dhaca gobolada qaar ee dalka.

 

Inkasta oo qorshaha dowladda uusan ahayn mid turxaan baxsan islamarkaasina aanan aad looga baaran dagin sidii hubkaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa ka hor inta uusan faraha ka bixin, ayaa laakiin ay tani tahay talaabo muhiim ah oo dowladda ku dhaqaaqday mar haddiiba ay garwaaqsatay in hubka sharci darada ah uu qeyb ka yahay amaan darada.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Ciidamada Nabadsugida oo Weerar kale ku qaaday Hooyga Sargaal ka tirsan Ciidamada Boliska (Warbixin)

 

 

 

 

Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia, ayaa la sheegayaa inay weerar kale ku qaaden Hooyga Sargaal sare oo ka tirsanaa Boliska.

 

Ciidamada ayaa weerar ku qaaday Hooyga Mahad Dollar oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Soomaaliya, waxa uuna Sargaalka Degnaa Xaafadda Seybiyaano ee Magaalada Muqdisho.

 

Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyay in Iska Hor imaadka dhex maray Ciidamada nabadsugida iyo kuwa Sargaalka uu ku dhintay hal Askari, iyadoo mid kalana uu ku dhaawacmay.

 

Askariga dhintay ayaa ka tirsanaa Ciidamada Mahad Dollar halka kan kalana ee dhaawacmay uu ahaa Nabad sugida.

 

Ciidamada nabadsugida ayaa la sheegayaa inay baarayeen Hub lagu sheegay inuu haayay Mahad, balse waxa ay halkaasi ka waayen Hubkii loosoo Tilmaamay.

 

Warkaasi Khilaafsan ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad sugida ay halkaasi ka fuliyeen Howlgalo ay Ciidamadu kusoo qabteen waxyaabo maanka dooriye inkastoo Sarkaalka uu iska fogeeyay arrintaasi.

Dhanka kale, Weerarka Mahad ayaa waxa uu imaanayaa xilli Habeenimadii Xalay ay ciidamo ka tirsan Hay’ada Nabad-Sugida ay weerar ku qaadeen guri uu degnaa C/wali Qanyare oo ay doonayeen sida la sheegay in hubka laga wareejiyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

14.bmp

 

Tonight the Gov Raided another trouble maker who is a high ranking police officer , Gov are feeling confident in Mogadishu and have vowed to disarm everyone politicians - Armed clans - business community .

 

Things Heating up in Mogadishu but armed individuals are alone no clan to back them good thing . Congrats and we'll done to the security force.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan habeenimada si shirqool ah loo weerarooyo dowladda ayee ka wada tirsanyihiin, waa xildhibaano, waa ciidamo saraakiil ah, waa xubin ka tirsan wasaaradaha jiro iyo kuwa kale ganacsato waa weyn. Iyagoo sidaas tahay ayee hubka ka ganacsadaan, hubkaasna ay ka gadaan kooxaha kasoo horjeedo dowladda ay ka tirsanyihiin inay jirto. Hub kalena guryaha ugu duugan oo ay sugayaan ama rajeynoyaan in lagu noqdo sidee ahaan jirtay kahor 2006.

 

Qorshahaan inay bilaabato sanadkii 2009 ayeeba ahayd amaba kahor. Barbaarta dadkaan camal ma baryaan, habeenimo si qarsoodi camalna uma weeraraan. Maalin cad ayee hubka ugu dhigi lahaayeen bilaa baryo la'aan sidee ugu dhigeen 2006.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Gov has no choice but to disarm these Anarches , they have the nerve to dress their militias with army uniforms kill - rape . fight each other for check points and feud tribal wars In Shabelle Hoose.

 

 

The Gov needs to involve the public also hold rally's come up slogan " let's clean mogadishu "

 

Lets if Xaad and co are happy with dissarment

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdi Waal oo fadeexeyay DF Somalia sheegayna inay ka dhacday lacag…

AUGUST 12, 2014 5:05 PM0 COMMENTSVIEWS: 1087

image.php?id=5477.jpg

Warlord on the run hiding ....

 

Muqdisho (Caasimada Online) - Dagaal ooge Cabdi Nuurre Siyaad ayaa ka hadlay weerar habeen hore ciidamo ka tirsan nabad sugida ay ku qaadeyn gurri uu ka deggan yahay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Wuxuu sheegay in weerarkaas lagu doonayay in lagu khaarijiyo isaga sidda uu hadalka u dhigay, isagoona tilmaamay in ka hor inta uusan dhicin weerarka in ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano Rooxaanta ee nabad sugida ka tirsan ay isku soo arkeyn hotel Jazeera, kaddibna markii uu soo baxay oo uu rabay in uu soo aado gurigiisa in ay istaajiyeen ciidamo uu tiradooda ku sheegay 25 ilaa 30 askari, kuwaasoo ku yiri waxaa loo baahan yahay in lagu soo xiro.

 

Cabdiwaal ayaa intaas ku daray intii ay wada-hadaleyeen ciidamada in uu hal mar ka war helay rasaas is qabtay goobta uu joogay oo ay soo ridayaan ciidamo kale, waxaana la ii sheegay buu yiri in la idili rabay oo meesha shirqool uu ka socday.

 

“Wiil askari ah ayaa igu yiri adeer carar adiga ayaa la rabaa in lagu dilo” ayuu yiri Cabdiwaal.

 

Cabdiwaal ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii dili rabay ay weerar ku qaadeyn gurriga uu deggan yahay xildhibaan Cabdiweli Qanyare, waxaana ay iska caabin kala kulmeyn ayuu yiri ilaalada ilaalada xildhibaanka.

Wuxuu sheegay in uu badbaaday balse u jeedka ay ahayd in la khaarijiyo isagoona intaas ku daray in ciidamada nabad sugida ay gurrigiisa ka dhaceyn lacag uu ku sheegay 10kun oo dollar oo boors ugu jirtay shan qori oo ah AK47 iyo dhar uu lahaa sidda uu hadalka u dhigay.

 

Mar la weydiiyay halka uu ku sugan yahay wuxuu diiday in uu sheego balse wuxuu xusay in ay ku sugan yahay xaafad Muqdisho ku taalla.

 

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ragga soo weeraray ay aad isku yaqaanaan oo ay ka tirsanaayeen midowgii maxkamadaha Islaamka iyo Al-Shabaab isla markaana ay ugu hanjabeen in ay dili doonaan isaga.

 

Sidoo kale Cabdinuure Siyaad ayaa xusay in taliyaha cusub ee nabad sugida Cabullaahi Maxamed Sambaloolshe uu magaalada ka billaabay dagaal uu ka hayo qabaa’lo gaar ah.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan weerarka lagu qaaday Cabdinuure Siyaad oo ka mid ahaa kooxdii la dagaallanka argagixisada ee maxkamadihii Islaamku ay ka adkaadeyn dabayaaqadii 2006.

 

Caasimada Online

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this