Sign in to follow this  
SomaliaRising

Fanaankii Qaranka oo geeriyooday

Recommended Posts

Allaha u naxariisto Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec oo saakay ku geeriyooday dalka Jarmalka

 

 

Allaha u naxariistee waxaa saakay Isbitaal ku yaal dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaanka Maxamed Suleymaan Tubeec oo loo yaqaanay Boqorka Codka, oo in muddo ah ku xanuunsayay.

 

Geerida Fanaanka waxaa saxaafada u xaqiijiyay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Mustafa Maxamed Suleymaan Rubeec, isagoo sheegay in mudadii uu isbitaalka ku jiray labo jeer qaliin lagu sameeyay.

 

Allaha u naxariistee Fanaanka ayaa ka xanuunsanayay dhinaca Sambabada, iyadoo dhowr jeer laga daweyay xanuunkaas sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

 

Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa ka mid ahaa fanaaniinti loogu jeclaa dalka Soomaaliya, waxaa lagu xasuustaa heeso wadani iyo kuwa kale oo uu xiliyo kala duwan ku luuqeeyay, waxaana uu ahaa nin magac iyo maamuus ku dhex lahaa umada Soomaaliyeed.

 

 

ALLAHA U NAXARIISTO

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this