Sign in to follow this  
malistar2012

Xaglo Toosiye:- Xuduuda Somaliland 5km ayey u jirtaa Garoowe, Boosaaso-na 15-km

Recommended Posts

silanyo-and-xaglo-toosiye-300x237.jpg

 

SSC region is in the hands of Hargeysa admin done deal sealed off , Good luck Puntland

 

 

 

Xaglo Toosiye:- Xuduuda Somaliland 5km ayey u jirtaa Garoowe, Boosaaso-na 15-km marka waa u caqli xumo qolada cusub puntland inay…

 

 

Wasiirka caafimaadka maamulka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa waxa uu digniin u diray madaxwaynaha cusub ee maamulka Puntland oo uu uga digay inuu wax faro-galin ah ku sameeyo deegaano ka mid ah Somaliland, kaas oo ugu hanjabay inuu isagu masuul ka noqon doono khasaaraha iyo dhibaatada ka dhalata dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah Somaliland ee uu wado sida uu yiri

Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo wax laga waydiiyey sida uu u arko hadalo doraad ka soo yeedhay Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland C/wali Gaas oo isagu sheegay inay ka go’an tahay inuu dib u sooceliyo deeganada maqan ee puntland ayaa waxa uu ku jawaabay oo uu yiri “Run ahaantii hadalkaasi waxaan u arkaa mid hurinaya colaad iyo dhibaato, C/wali Gaas waa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah hadana waxaan uga digayaa inuu isku dayo talaabo kasta oo keeni karta colaad, waxaanan mar kale uga digayaa inuu haba-yaraatee uu faro-galin ku sameeyo deegaano ka mid ah Somaliland”.

“Waa laga soo gudbay wakhtigii qabiilka iyo isirka ee laga dhaxlay dagaaladii sokeeye. Somaliland xuduudeeda way taqaanaa oo 5KM ayey xuduuda Somaliland u jirtaa magaaladda Garoowe, sida runta ahna colaadu nina dan uguma jirto. C/wali Gaas-na waxaan u sheegayaa oo aan xasuusinayaa in Puntland tahay saddex gobol oo waliba saddexdaba ay dhibaatooyin ka jiraan oo amni daro iyo horumar la’aani ka jirto’e aqoontiisa goboladiisaasi ha galiyo oo wax ha u qabto, wixii faro-galin ah ee uu Somaliland ku soo sameeyo-na caano ka maali-maayo, Somaliland waxay xaq u leedahay inay is difaacdo oo xuduudaheedana sugto oo ilaaliso markaa Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waxay ka tirsan yihiin Somaliland, waxaananu diyaar u nahay in cidkasta oo xuduudahaasi soo faro-galisa inaanu ka difaacno dadkayaga” ayuu yiri mar kale wasiir xagl-toosiye oo intaasi kudaray “waa u caqli xumo hanjabaadda uu ku celcelinayo nin 5KM xuduuda ay Somaliland la leeyihiin u jirto caasimaddiisa garoowe oo Boosaaso-na 15KM aanu u jirno, mana filayo inay dani ugu jirto Puntland in colaadi meel 5KM u jirta Garoowe inay ka bilaabanto mar walba waan ka digayaa arintaasi”.

Ugu danbayntiina Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye waxaa uu baaq u diray beesha caalamka isagoo yiri “Beesha caalamka waxaanu ugu baaqaynaa inay la socdaan oo ay la taliyaan qolyaha meesha ku cusub ee digniinaha iyo hadalada colaada abuurayaa ka soo yeerayaan, waxaananu dunida u sheegaynaa wixii ka yimaada dhaqdhaqaaqyadaasi waxa masuul ka ah maamulka cusub ee Puntland ee Garoowe ka dhisan.

Wariyaha aarannew.com Caaqil Dalmar

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

haha. that is what i call a real dreamer.

 

The bases of a dream: is that it is not reality:but what health minister says is based in reality: as you can see below: Somaliland is 5 klm border from Garowe and 15 from Bosaso.

 

 

Mooge: we will keep your kind under our boot forever: kismayo you have becuase of kenya and Hag will be back for that soon. and the desert wasteland of yours: keep it. nothing can live there anyways.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

ader I am 5 km from lasanod and I am coming to remove your ragtag skinny looking huunos from the great city of lasanod. ha sugu wayin niyoow.

 

dabadhilifka wadatid ee lascanod kuu qabtay u kaxayso hargeisa oo haku raceen. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

We have been hearing the same thing for over 5 years... please grow a pair and come..so we can use self defense as the reason to expand further into your desert wasteland...

 

lool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I agreed with Xaglo Toosiye on his previous strategy when he joined SL that was if you can't defeat them, then joint them! that is exactly what he did back then, but now he is f...dreaming he couldn't even liberate his own village from likes of Ina Warancade, Did any body saw the pictures of his lasanod visit last week with a gun and uniform! what a fulay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland crazy like Mogadishu...for eva coming!!!.We are coming,we are coming,we are coming,we are coming, Its the 24TH year now and still on their Azz. LOL:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this