Sign in to follow this  
Mahiigaan

Duliga Madaxu Somalida

Recommended Posts

 

Bal Soomaalay arrinta eega iyo daydayadan shaadka dawladda huwani siday ugu tumanayaan xuquuqda masaakiinta. Sidee loo aamini karaa xilna loogu dhiibai kara qof Ilaahay aadni midna ka baqayn?

Waa sababta Somalida inkaartu ugu dhacday oo 24 sano godka ugu jirto

http://m.youtube.com/index?&desktop_uri=%2F#/watch?v=eKT04yLFO7E

 

Waa in si daegdeg ah looga xayuubiyo drerjada uu mooryaannimada ku qaatay maxkamadna la soo taago.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cadale   

">

 

 

Gaafow is a thug, however the family will get their property back inshallah since the court already made a verdict for her since she had legit evidence. Gaafow wuu is ceebeye he already admitted the house isn't his and he tried to buy it lol he was told to back of.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Cadale,

Thanks for the info, I was not aware of that he admitted. I was really upset when I heard of the incident, b/c I have no real life expereince of how things work in Somalia. My worry is how this guy can be trusted in this important official post?. A thug should never be trusted with any government post, we know there are many like him but maybe they were not exposed yet.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Mar haduu qirtay inuusan lahayn guriga waa arin wanaagsan

Somaalidu waxay tiraahdaa hadaad aragto qof calooshu kasoo dhacday gar ha siin waxaa laga yaabaa in kii kale dhintay

Asagana ha la dhagaysto wuxuu ku andacoodo bal inuu yiraahdo gabar baa iigu dhalatay sidii oday axmed iyo in kale.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cadale   

 

 

<cite>
said:</cite>

Cadale,

Thanks for the info, I was not aware of that he admitted. I was really upset when I heard of the incident, b/c I have no real life expereince of how things work in Somalia. My worry is how this guy can be trusted in this important official post?. A thug should never be trusted with any government post, we know there are many like him but maybe they were not exposed yet.

 

Gaafow is a certified moryaan waa kii yiri the airport got robbed LOL intuu lacagta dhacay naftarkiisa buu yiri airportka tuug baa so gashay oo khasnada kala baxdey lacag how is that even possible there are atleast 10 checkpoints before you can enter the airport. I hope dowladdu iney xirto odaygan najiska ah.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

I will never trust any Minister or whatever unless laws of accountability are introduced. Any appointee for an official post should declare what assets he/she has. Every crook steals the tax payers money and buys mansions within the first year. They rob the poor b/c they know they will get away without even questioning them, let alone putting them behind bars.

We need a responsible and strong government. Somalidu jiljileec wax kuma laha, waxay ku wanaagsanyihiin wax dhakada ka garaaca. Lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

somalia waligeed waxay dhaqan u laheed sharciga maskiinka ayuu qabtaa madaxda sharicga way ka saraysaa

 

maxakamad ayaa amartay inuu guriga wareejiyo wuu na diiday asaga oo awooda dowlada isticmaalaya xitaa wuu qiranayahay inuusan guriga laheen. balaayo foolxumo badan xaaraanta ayaa sidaas u foolxumaysay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Wherever you go, Somali region of Ethiopia , Somaliland, puntland or the wretched Somali administration...Madaxda dawlada is a term associated organized legalized looting of public - some cases - private property. naive spectators may couple Madaxda dawlada with ethical and moral expectations but a hyena is hyena as well he might laugh like a human, Somali have the tendency of choosing the scum of society to lead them and in funny turn of events blame the same scum they brought to power....Although loosely related I find Sayid's gabay suitable

 

Allahayoow muxuu ferenjigii nacas fariideeyey

Nin aan aabbihiis fuuli jirin faras muxuu saaray.

 

Feranji in this case (the wretched Somali administration)

 

No legal system, judicial law, court order or presidential decree will give those poor people their property back....Allaha u gargaaro..ps he I am not surprised if I see him in the next few years him being appointed as wasiirka guriyaynta or dib-u-dajinta

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Gaafow gave his side of the story.

 

 

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Generaal C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa beeniyay warar sheegayay inuu xoog ku heysto guri uusan laheyn, kadib markii loo keediyay eedeymo la soo dhigay barta Youtube-ka.

 

Taliyaha ayaa sheegay in dhulka lagu eedeeyay inuu degan yahay uu yahay mid banaan oo deris la ah hoygiisa islamarkaana aanay jirin hay’ad ama shaqsi degan waxaa uu xusay in dhulkan lagu eedeeyay uu yahay mid uu leeyahay nin u dhashay dalka Taklyaaniga hase yeeshee ay dhowr jeer u yimaadeen dad fara badan oo mid weliba sheeganayo milkiiyada dhulkaasi banaan.

 

"Dhulkan markiisii hore waxa deganaan jiray nin u dhashay wadanka Talyaaniga oo milkiyadiisa leh hase yeeshee intii lagu guda jiray burburkii waxaa uu noqday meel burbursan oo qashinka lagu shubo dad badan ayaana sheegta ilaa hadda inay leeyihiin mana garan karno cida saxda ah iyo kuwa doonaya inay boobaan hase yeeshee waxaa jira hay’ado garsoor oo dalku leeyhay kuwaasoo ay la xiriiri karto cidii dacwad ii heysata" ayuu yiri Generaal Gaafow.

 

Sidoo kale taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha C/lllaahi Gaafow ayaa cadeeyay in isagu uusan sina ugu lug laheyn dhulkaasi balse uu ka ag-dhow yahay oo kaliy ah hoygiisa waxaase uu ku tilmamaay sababta loogu eedeeyay inay tahay mid ay siyaasadi ka dambeyso oo aan loo baahneyn in lagula kaco shaqsi haya mas’uuliyad dowladeed.

 

"Ilaa 3 haween ah oo mid weliba ay sheeganeyso inay xaaskiisa tahay ninka dhulkan leh ee u dhashay wadanka talyaaniga ayaa dhowr jeer yimid dhulkan marka eedeynta la ii jeediyay waa mid dano gaar ah laga leeyahay oo lagu doonayo in lagu xalaaleysto dhulka ninkaasi oo isagu aan dalka iman tan iyo markii ay dowladii dhacday"ayuu yiri Generaal Gaafow.

 

Generaal Gaafow ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay safaarad ku leedahay Soomaaliya, isla markaana muwaadinka leh dhulkan hadii uu dacwo qabo uu dacwoon karo.

 

"Dowlada Talyaaniga safaarad ayey ku leedahay Soomaaliya hadii muwaadinkii lahaa dhulkan uu dacwo qabo wuu dacwoon karaa safaaradiisa isaga oo kaashanaya dalkuna waxa uu leeyahay hay’ado garsoor oo awood leh marka ma ahan in dad mas’uuliyiin ah loo jeediyo eedeyn noocaan ah sumacad dil ah"ayuu hadalkiisa ku sii daray

Generaalku waxa uu xusay in qofkii dhul leh looga baahanyahay inuu la yimaado cadeymihiisa hase yeeshee qof milkiile ah website ama Youtube ma adeegsado, isagoo yiri "Nin sharci ku dhashay sharco ma diido”

 

Yuusuf Cali Diini oo ah nin caan ka ah deegaanka uu dhulkani ku yaalo isla markaana goobjoog ahaa xiliyadii dhulkan la cabiray ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dhul la cabiray nus qarni ka hor oo decoment leh in la isku eedeeyo isagoo tilmaamay in dhulkan banaan oo 1 boos ah uu leeyahay nin talyaani ah oo ka gatay muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabo Caanood Saadaq dhulkaasi oo ku dhegan hooyga Generaal Gaafow.

 

Sidoo kale waxaa uu cadeeyay in dhulka ay ku dooday haweeneyda lagu magacaabo Ifraax uu yahay mid banaan oo uu lahaa ninkan talyaaniga ah oo aysan jirin cid degan.

 

"Waxaan cadeynayaa in dhulka 1-ka boos ah ee talyaanigu leeyhaay inuu yahay mid banaan oo ka agdhow hooyga generaalka waxaana ku tilmaami karaa hadalada aan maqlay in dadka hadlay ay maqleen warar ku tiri kuteen ah oo aan xaqiiqda u dhoweyn cid kastana wey imaan karaan si ay u xaqiijiyana in aan la dhisan dhulkaasi banaan"ayuu yiri Yuusuf Cali Diini.

 

Si kastaba ha ahaatee horay ayaa waxaa Barta Youtube-ka iyo websiteyada qaar loogu qoray in guri uu leeyahay nin u dhashay dalka talyaaniga ay xaaskiisu ku eedeysay Generaal Gaafow inuu dhistay guri ay lahaayeen iyadoo eedeyntaasi kadibna ay soo baxeen wararaka sheegaya inaan la dhisan oo dhulkaasi banaan yahay.

 

 

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this