Sign in to follow this  
malistar2012

Taliska Ciidanka Booliiska Oo Mamnuucay In Hub Sharci Darro Ah Lagu Dhex Wato Muqdisho

Recommended Posts

Taliska Ciidanka Booliiska Oo Mamnuucay In Hub Sharci Darro Ah Lagu Dhex Wato Muqdisho

Published on December 17, 2013 by Mowliid · No Comments · 181 views

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in hub sharci darro ah lagu dhex wato magaalada Muqdisho.

 

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah maanta saxaafadda ugu qabteen magaalada Muqdisho Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga ayeey ku soo bandhigeen go’aan sida ay sheegeen ka soo baxay guddiga amniga ee gobolka Banaadir.

 

Afhayeenka ciidamada booliiska Sarreeye Guuto Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale) ayaa sheegay in 24 saac ee soo socda degmada Xamarweyne laga bilaabi doono howlgallo lagu ururinayo hubka sharcidarrada ah si loo adkeeyo Amaanka.

 

“Guddiga nabadgelyada gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in 24-ka saac ee soo socoto la bilaabo olole lagu mamnuucayo hubka sharcidarrada ah ee lagu wato degmada Xamar weyne’’ ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliiska.

 

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga Warsame Joodax oo hadlay ayaa sheegay in go’aankani yahay mid lagu adkeynayo Amaanka degmada Xmaweyne, isagoo xusay in aan la ogoleyn wax hub ah oon ka aheyn kan ciidamada, wuxuuna ku gooddiyay in talaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu qabto hub sharcidarro ah.

 

Go’ankan ayaa loo arkaa in uu qeyb ka yahay dadaallada ay hey’adaha ammaanku ugu jiraan adkeynta ammaanka guud ee gobolka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

4c6a28036b5e4cdf93c84cbd1f3620d9ec6bbb25

 

 

 

Taliyaha booliiska saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir Col. Maxamed Daahir ayaa sheegay in howlgal ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmadaas ay kusoo qabqabteen tiro dhallinyaro ah oo qaarkood hubeysan iyo kuwo aan hubeysnayn.

 

Col. Maxamed Daahir ayaa intaa ku daray in dhalinyaradaas ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna heleen howlgalka ka hor xog ku saabsan goobaha ay joogeen iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin.

 

“Waxaa inoo suuro-gashay xalay inaan gacanta ku soo dhigno dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ku dhuumaanayay xaafado ka tirsan degmada Hodan, Alle mahaddii iyaba iyo hubkoodaba waan heynaa” ayuu yiri taliyaha booliiska degmada Hodan.

 

Taliyaha ayaa xusay in dhalinyarada ay qabqabteen ay qaarkood wateen hub kala duwan, sida bastoolado, bambooyin iyo waxyaabo kale, qaar kalena ay qorsheynayeen howlgallo degmada ay ka fuliyaan.

 

 

“Dhallinyarada aan soo qab-qabannay qaarkood hub ayay wateen kuwa kalena waxay isku diyaariyeen inay falal ammaan-darro degmada, dhammaantood waxay ahaayeen unugyo ka tirsan Al-shabaab oo degmada ku dhuumaaleysanayay,” ayuu yiri taliyaha saldhigga booliiska Hodan.

 

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in dhallinyaradan ay maxkamad soo taagi doonaan si loogu qaado dembiga ay galeen ee ah iney ka mid ahaayeen koox argagixiso ah isla markaana doonayeen iney geystaan falal amanka lagu carqaldeynayo.

 

Inkastoo Al-Shabaab laga saaray Muqdisho dhowr sano ka hor aya haddana waxaa magaalada jooga dagaalyahano ka tirsan kooxdaas oo si dhuumaaleysi ah u fuliya weeraro kala duwan oo iskugu jira qaraxyo kala gedisan, dilal qorsheysan iyo noocyo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar Nugaaleed;991502 wrote:
Sharci Darro? hub sharci ah ma jira lol

Saalax;991503 wrote:
It won't work, metal scrap looters are addicted to violence.

Maybe some can get a licence to carry a gun

 

The hatred! It's just so ripe, so prime. I wonder where such sweet hatred for your brother's progress is grown and nurtured.

Share this post


Link to post
Share on other sites

thefuturenow;991508 wrote:
The hatred! It's just so ripe, so prime. I wonder where such sweet hatred for your brother's progress is grown and nurtured.

Its not hate future, the headline implies that the someone, some is giving gun permits and background checks on people. which its clearly not. either way, I am sure all Somalis are hope for the best, especially those of from the city like myself lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this