Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Amisom threatens Prime Minister saacid

Recommended Posts

Amisom Oo Saacid Xarig Ugu Hanjabtay Hadii Uusan Is-Casilana Ku Wargelisay Wadadii Farmaajo In La Marsiinayo:Qalinkii:T

 

Wednesday, 20 November 2013 04:03

asaacidamisom.jpg - 76.80 Kb

 

Kooxaha Da**adiid iyo HAG ee la taliya Madaxweyne Xasan Culusoow ayaa sheeko cusub la yimid,kadib marii ay Generaladda Ugaandhiiska ah ee AMISOM ka tirsan ay u adeegsadeen inay ku cabsi-galiyaan Reysalwasaare Saacid-Jaceyl inuu is-casilo.

 

Generaladan Ugaandhiiska oo caawa Madaxtooyadda kulan fool ka fool ah la qaatay Reysalwasaare Saaciud ayuu u qabtay muddo 72-saac ah inuu is-casilo,hadii uu diidana inuu marayo wadadii Reysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo si qasab ah looga qaaday xilkii Reysalwasaaraha,xiligaas oo Farmaaho uu ka diiday Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif.

 

top-secret1_3466459.jpg - 13.16 Kb

 

Reysalwasaare Saacid ayaa ku adkeystay inuusan is-casileyn wuxuuna Generaladda Amisom ee u hanjabay ku wargeliyay inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed laguna cadaadin karin inuusan is-casilin.

 

Xildhibaano Beesha u ka tirsanyahay raisal wasaaruhu oo Shacabkamedia khadka Teleefoonka kula xiriiray ayaa noo xaqiijiyay inay ku guuldareysteen inay Saacid ka dhaa-dhiciyaan si uu xilkiisa u joogo inuu Wasiiradda Arimaha Dibadda Fawziyo iyo Wasiirka Madaxtooyadda Faarax-Sakiin inuu ku soo daro Liiska Wasiiradda-cusub,isagana uu xilka Reysalwasaaraha hayo muddo 6-bilood ah,isna casilo Bisha Apriil 2014-ka.

 

Reysalwasaare Saacid-Jaceyl ayaa ku xilo-furay inuusan 2-daas Wasiir Golaha Wasiiradda ku daraynin,balse wuxuu aqbalay muddo 6-bilood kadib inuu si sharaf leh isagoo aan lagu qasbin is-casilaad uu is-casilo.

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo Xertiisa Da**adiid iyo HAG ayaa ku adkeysanaya in Saaacid,maadaama uu diiday 2-daas Wasiir inuu ku soo daro Golaha Wasiiradda,inuu is-casilo lacago hadiyad ah oo 1-Malyan oo Doolarna la siiyo,xaaskiisana looga dhigo Wasiiradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Beesha u ka so jeedo raisal wasaaruhu aan khadka Teleefoonka kula xiriirnay ayaa noogu sir-waramay in Saacid ay u badan-tahay inuu is-casilo inta sheekadu gaarin Barako-Ma-leh,maadaama Xerda Da**adiid iyo HAG ay markan isticmaalayaan Kaarka Amisom,waxaana cadaatay Ugandha iyo Burundi iyo 2-daan Kooxood ee Madaxweynaha la taliya inay ka wada dhaxayso wada-shaqeyn marba hadii Reysalwasaare Saacid loo hanjabayo inuu si qasab ah isku casilo inii Muqdisho laga masaafurin lahaa isagoo garbaduub u xiran.

 

Shacabkamedia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this