Sign in to follow this  
malistar2012

Kulan lagu taageerayay fatwadii laga soo saaray shirkii culimada oo Maanta lagu Qabtay Magaalada Muq

Recommended Posts

Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Kulan lagu taageerayay fatwadii laga soo saaray shirkii culumaa'uddiinka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dalbaday in la dhaqan geliyo qodobbadii kasoo baxay shirkii culimada ee shanta maalmood ka socday Muqdisho.

 

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qayb galay mashaa’ikh kala duwan, iyagoo sheegay inay u dhaqan gelin doonaan qodobbadaas sida waafaqsan shareecada Islaamka.

 

Sheekh C/qaadir Soomow oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay ayidayaan fatwada laga soo saaray shirkii culimada Soomaaliyeed ay ku yeesheen Muqdisho, isagoo xusay inay rajeynayaan inay noqdan kuwo dhaxal-gal ah.

 

"Waxaan taageersannahay soona dhaweynaynaa fatwadii kasoo baxday shirkii culimada, waxaanna rajeynayaa in miraha shirkaas ay Soomaalidu guran doonto dhawaan. Aragtiyaha shirkaas qayb ayay ka ahayd Ahlusunna, go'aannadii laga qaatay Al-shabaab waa taageereynaa, culummadu waxay isku raaceen in Al-shabaab ay yihiin cadawga dadka, diinta iyo dalka, hadday fiiriyeen Qur’aanka iyo in dhaqankooda uusan mid Islaam ahayn,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

 

 

 

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay Sheekh Muuse Macallin Axmed oo isna codkiisa ku biiriyay inay taageerayaan fatwada culimada, isla markaana ay ahayd markii ugu horreysay oo mashaa’ikh isaga timid gudaha dalka iyo dibadda ay shir noocan oo kale ah ku yeeshaan Muqdisho.

 

"Fatwadii ugu horreysay waxaa kasoo saaray Cali Bin Abii Daalib oo gartay dhibka nimankii khawaarijta ahaa aadna ula dagaalamay, fatwadani ma cusba, balse waa wanaagsan tahay in culimadu ay shiraan oo fatwo soo saaraan, runtiina mowiqf muhiim oo la qaatay ayuu ahaa," ayuu yiri Sheekh Muuse Cagaweyne.

 

Sheekh Axmed Shuqul oo isna hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan geliyo fatwada, isagoo xusay inay marka hore tahay in shacabka, culumada iyo dowladduba ay meel uga soo wada jeestaan Al-shabaab, arrintaasoo uu tilmaamay inay tahay ah midda looga adkaan karo.

 

"Tani waa markii ugu horreysay oo culimada Soomaaliyeed ay go’aan ay ku mideysan yihiin oo Al-shabaab looga hortagayo soo saaraan, waxaana loo baahan yahay inay shacabku maqlaan codkaas, dowladda iyo culumada iyo qaybaha bulshada ay wadashaqeyn yeeshaan, waana muhiim in mowqif adag laga qaato Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul.

 

Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadlay culumaa'uddiin dhowr ah kuwaasoo muujinayay sida ay raalliga uga yihiin fatwada lasoo saaray, waxayna ku baaqayeen in la dhaqan geliyo, shacabka Soomaaliyeedna ay midoobaan.

 

 

 

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

sunafatw_1.jpg

 

 

sunafatw_3.jpg

 

Culumo_taageertay_Go'aan_3.JPG

 

 

Culumo_taageertay_Go'aan_4.JPG

Sheekh Axmed Shuqul Sheekh Aadan Dheere oo ah Gudoomiyaha Ahlusuna ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan geliyo fatwada, isagoo xusay in markii u horeysay ay tahay in shacabka, culimada iyo dowladda oo hal cod ah inay Shabaab meel uga soo wada jeestaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

They are just polishing above the surface, not looking in to the root cause of this tragedy.

 

What made Shabab to became this extremist organ is still there - The intolerance, self-righteous and the notion they, only they are the 'Firqah Al-Najiyah' and the rest should go to hell.

 

Shabaab waa laan geed ka farcantay oo qodxo badan ay kasoo bexeen. Hadii la jaro laanta waxay u badan tahay in xoogaa laga nasto dhibtii, waxa ayadana aan la is moodsiin karin in mustaqbalka laan ka qodxo iyo dhib badan ay soo bixi karto maadaama geedka halkiisii ku yaal.

 

Geedku waa fikrada kore, ay aaminsanyihiin qolyaha maanta culumada u ah Soomaalida, nooc kasta ha ahaadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Tani waa markii ugu horreysay oo culimada Soomaaliyeed ay go’aan ay ku mideysan yihiin oo Al-shabaab looga hortagayo soo saaraan, waxaana loo baahan yahay inay shacabku maqlaan codkaas, dowladda iyo culumada iyo qaybaha bulshada ay wadashaqeyn yeeshaan, waana muhiim in mowqif adag laga qaato Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul.

 

These are significant steps to eradicated alshaabab from Somalia , some of these Ulma are sympathizer of alshabaab and some where too afraid speak up. Today people are speaking about alshabaab loud and clear in the open , Next step every Mosque in Mogadishu should denounce alshabaab.

 

The end of alshabaab is near Inshallah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this