Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Government Invited To The New Deal

Recommended Posts

Dr_Osman   

Puntland oo si gaar ah loogu casumay shirka Brussels

13 Sep 13, 2013 - 2:06:25 AM

 

Dowladda Puntland ayaa wafdi heer sare ah uga qaybgalayaa shirka ka dhacaya 16 September, magaalada Brussels ee xarunta Belgium ka dib markii ay ka heshay Midowga Yurub caasumaad gaar ah.

 

25 July, 2013 ka dib booqashada Wafdi EU ka socday Garowe ayaa madaxweyne Farole shaaciyay in Puntland diyaar u tahay ka qaybgalka shirka New-Deal hadii ay magaceeda ku tageyso.

 

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in EU si toos ah Casumaad ugu fidiyeen Puntland inay la tagto shirka wafdigeeda iyo ajandaheeda gaarka ah.

 

Guddi ka kooban wasiiro iyo khuburo oo dhowaanahan ku hawlanaa diyaarintana qorshaha sy Puntland hordhigi doonto madaxda EU oo ugu horeeyo barnaamijka horumarined ee hiigsiga shanta sanno ee soo socota.

 

Khilaaf ayaa in mudo ah ka dhex jiray Puntland iyo DF Somalia kaasi oo Dastuurku sal u yahay, waxana 05 Aug, 2013 xiriirka Puntland u jartay Muqdisho.

 

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa haatan ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka kaasi oo shalay ku soo gabogaboobay shirweynaha saddexaad ee la-dagaalanka burcad badeeda.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Mali, The Puntland Government will present it;s own agenda at the new deal conference centring around the 5 year plan for the state. Representative of Puntland will speak on behalf of Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo, 20, Augst, 2013…..Shir looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub (New Deal) ayaa ka furmay magaaladda Galkacyo, barnaamijkan oo ah wada-tashi ayaa socon donaa labo maalmood , waxaana shirka furay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda Qorsheynta mudane Abukar Sheikh Cabdi Ibrahim oo hormuud u ahaa waftigii dowladdu u xilsaartay New Deal-ka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).

 

Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galay dhamaan ururada bulshada rayidka ah sida dumarka, odayaasha, dhalinyarada, iyo ardayda Jamaacadaha, waxeyna ka doodeen doorka kaga aadan shirka Brussels ee dhici doona bartamaha bisha sebteembar si ay ugu biiriyaan talooyin ayna dhagaystaan dowladda federaalka Soomaaliya oo beryahaan waday la tashiyo ku aadan shirkaas si looga wada qeyb-qaato fekirka ay dowlada ku tageyso.

 

Wasiirka Maaliyadda DFS ayaa ka warbixiey argtida fog ee ay dowladdu ka leedahay qorsha Higsiga Cusub (New Deal) ee ku wajahan mustaqbalka Soomaaliya

 

“Shirkaas ayaa lagu soo bandhigi doonaa qorshaha dowalddu diyaarisay ee New Deal-ka oo ka turjumaya baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya, waana qorshe soconaya mudo sadex sano ah, nidaamkaan waa hab dhaqan cusb oo ka dhaqan galay wadamo ka soo kabanaya colaado sida Soomaaliya. Waxaana laga hirgaliyey markii ugu horaysay todoba wadan, iyadoo iminka ay ka fa’idaysanayaan sagaal iyo toban wadan oo Soomaaliya ku jirto” Ayuuyiri Wasiirku.

 

Madaxweynaha Maamulka Galmud ayaa sheegay inaysan suurta gal ahayn in la hirgaliyo Higsiga Cusub ( New Deal) hadii caalamku aysan qaadan kaalintooda kaga aadan dib-u-dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka.

 

“Waxaa fure u ah hirgalinta Higsiga Cusub (New Deal) xoojinta amniga iyo walaaleynta shacabka Soomaaliyeed waana arrin u baahan in had iyo jeer lagu baraarugsanaado, waxayna masuuuliyadeedu saarantahay ummadda Soomaaliyeed. Waxaa taas xiga in la helo dhaqaale lagu sugo amaanka laguna taageero maamulada gobolada, xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta ummada wada dagta gobollada” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

 

Caalamka ayaa looga fadhiyaa in ay dowladda iyo shacabkeeda ku taageeraan baahiyahooda sida ay u kala mudan yihiin, waxaana hubaal ah in maanta Soomaaliya leedahay dowlad rasmi waana taas sababta loo sameeyey qorshaha “News Deal”.

 

—DHAMAAD—

 

A joint workshop was held in Galkacyo between Puntland - Galmudug- And SFG Barnaamijka Higsashada Cusub (New Deal)

 

Puntland was always invited to Brussel Nothing new other administration are also invited Galmudug - jubba admin- Hiiraan and so on .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miyir   

malistar2012;977293 wrote:
Does this mean no more protest outside in the cold in Brusell ?
:o

You missed the point, President reduced to one of the factions attending foreign meeting for Somalia aid, that is where Qoslaaye and Gang failed the country and the people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this