Sign in to follow this  
malistar2012

Daawo Sawirada Ciidamada Ahlusuna oo lagu biiriyay ciidamada dowladda iyo Xerada 21aad la furay

Recommended Posts

Munaasabad ballaaran oo dib loogu furayay Xerada Ciidamada Xoogga dalka ee 21-aad ee Magaalada dhuusa-mareeb ayaa Gelinkii dambe ee Maanta lagu qabtay Dhismaha xaruntaas oo ku taalla magaalada dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud iyadoo si rasmi ah xarigga uu uga jaray dib u furitaanka Xerada Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi ,waxaana munaasabaddaasi goobjoog ka ahaa,Saraakiisha Taliska Xoogga dalka ee 21-aad,Saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca ,Odayaasha Dhaqanka,siyaasiyiin iyo martisharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

 

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha saddexda Gole ee Ahlusunna Waljamaacad Sh.Ibraahim Sh.Xasan Guureeye, waxa uuna xusay in maanta wixii ka dambeeya Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ay ku biireen Ciidamada Xoogga dalka islamarkaana ay ka qeybqaadan doonaan hirgelinta Nidaamka Dowladnimo ee Gobollada Dhexe ee dalka.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka General c/risaaq Khaliif Cilmi oo maanta ka hadlay Munaasabadda ayaa ugu horreyn waxa uu salaam sharaf uu ka siday madaxda Qaranka Somalia guddoonsiiyay Ciidamada Ahlusunna ee maanta si rasmi ah ugu biiray Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Somalia,isagoo ballanqaadey in Taliska Xoogga dalka uu dammaannad qaadayo bixinta Xuquuqda ay leeyihiin Ciidamada Ahlusunna ee maanta la midoobay Xoogga dalka, waxa uu intaasi sii raaciyay abaanduuluhu in Labo neef oo Geel ah loo qalayo Ciidamada Ahlusunna ee kamid noqonaya Xoogga dalka.

 

Generaalku waxa uu tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay Ciidamada lagu xareynayo Xerada ay kala mid noqonayaan Ciidanka Xoogga dalka dhinacyada Xanaaneynta,Qalabeynta,Taakuleynta,Xuquuqda iyo waajib siinta Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somalia.

 

Generaal C/Risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Xoogga dalka Somalia ayaa maanta munaasabadda ka xusay in Ciidamada lagu xareynayo Xerada 21-aad loogu magac daray ( Cali Boobaaye 2- ) magacaas oo ah Ciidamadii ugu horreeyay ee lagu aas-aasay Xoogga dalka ,isagoo farta ku fiiqay in Dowladda Soomaaliya ay dib u dhiseyso Xeradan islamarkaana tababar dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa loogu qaadi doono Ciidamada Ahlu-sunna ee ay qarameynayso Dowladda Soomaaliya si ay u helaan Xuquuq lamid ah

kuwa Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Somalia.

 

Saraakiisha Ahlusunna ayaa Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ku wareejiyay Gaadiid dagaal iyo Ciidamo aad u farabadan oo loogu talagalay in lagu daro Ciidanka Xoogga dalka si loo qalabeeyo.

 

Dib u furitaanka Xeradan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Heshiiskii ay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya la gashay Maamulka Ahlu-sunna waljamaaca Bishii March 2013,waxaana ay noqonaysa Xero laga maamulo Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobollada Dhexe gaar ahaa Mudug ,Galgaduud iyo Hiiraan,iyadoo Talis cusub loo soo magacaabay Xeradan oo aan shaqeynayn muddo ka badan 20 Sano.

Share this post


Link to post
Share on other sites

abandule_1.jpg

 

 

Saraakiisha Ahlusunna ayaa Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ku wareejiyay Gaadiid dagaal iyo Ciidamo aad u farabadan oo loogu talagalay in lagu daro Ciidanka Xoogga dalka si loo qalabeeyo.

 

 

abandule_2.jpg

 

 

 

abandule_3.jpg

 

 

Dib u furitaanka Xeradan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Heshiiskii ay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya la gashay Maamulka Ahlu-sunna waljamaaca Bishii March 2013,waxaana ay noqonaysa Xero laga maamulo Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobollada Dhexe gaar ahaa Mudug ,Galgaduud iyo Hiiraan,iyadoo Talis cusub loo soo magacaabay Xeradan oo aan shaqeynayn muddo ka badan 20 Sano.

 

abandule_4.jpg

 

Congrats to the SFG its been great week for SFG

 

 

abandule_12.jpg

 

Time to Make Alshabaab history

Share this post


Link to post
Share on other sites

abandule_2.jpg

 

They are better then alshabaab agents , These warriors are going to be part of the Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobollada Dhexe gaar ahaa Mudug ,Galgaduud iyo Hiiraan.

 

Congrats to SFG

Share this post


Link to post
Share on other sites

bbbbbbbbb8b-466x350.jpg

 

 

 

 

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud (War-Saxaafadeed)

 

Wefdi uu hogaaminayo Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General C/Risaaq Khaliif Cilmi oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud Mudane Xuseen Cali Wehliye Cirfo,Saraakiisha Taliska 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa duhurnimadii maanta safar lug ah kusoo gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud iyadoo Tuulooyin ka mid ah kuwa u dhexeeya degmada Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb ay ku soo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo Bulshada Reer Caabudwaaq kuwaasi uu horkacayay K/S Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Caabudwaaq Mudane C/risaaq Cali Jaamac Gacal.

 

Wefdiga oo lagu soo galbiyay gaadiid aad u farabadan ayaa si nabad ah markii ay kusoo gaareen caabudwaaq waxaa Dadweyne Boqolaal ah isugu yimaadeen barxadda weyn ee kasoo horjeeda Xarunta degmada caabudwaaq halkaas oo ay Qeybihii isugu yimaaday kamid ahaayeen Odayaasha Dhaqanka,Haweenka,Dhallinyarada,Ardayda waxa ka barata Degmada Caabudwaaq waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee Degmada.

 

Ugu horreyn waxaa Goobta ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Degmada caabudwaaq Mudane C/Risaaq Cali Jaamac oo si diiran usoo dhaweeyay wefdiga ka socday Dowladda Federaalka ah ee Somalia.

 

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Mudane Xuseen cali Wehliye Cirfo oo Boqolaalka dadweyne kula hadlay Degmada Caabudwaaq ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay waxa uuna ballanqaaday in maamulkiisu dib u dhis ballaaran ku sameyn doono degmooyinka Gobolka islamarkaana dib u heshiisiin la dhexdhigi doono dhammaan dadka ku wada nool G.Galgaduud.

 

Guddoomiye Cirfo ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay ka howl bilaabaan Degmooyinka Gobolka Galgaduud islamarkaana ay ka shaqeeyaan caawinta Bulshada Galgaduud maadaama uu maamulka Gobalka ee cusub uu dammaannad qaadayo ammaanka Hay’adahaasi.

 

Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Khudbad ka jeediyay Goobta ayaa si weyn ugu ammaanay Bulshada ku nool Gobolka Galgaduud sida xammaasadda leh oo ay usoo dhaweeyeen hirgelinta nidaamka Dowladnimada,isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ku biiritaanka Ciidamada Ahlusunna iyo Xoogga dalka uu wax badan kusoo kordhin doono tayada Ciidamada ka howlgala Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Abaanduuluhu waxa uu si cad ugu ballanqaaday dadweynaha Reer Galgaduud in sida ugu dhaqsaha badan gacanta cadowga looga saari doono Goobaha fara ku tiriska ah oo ay ka joogaan Gobolka Galgaduud iyo Gobollada kale ee wadanka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa intii ay ku guda jireen safarkii lugta ahaa waxa ay soo kormereen difaacyada ay Ciidamada Xoogga dalka ku leeyihii Duleedka degmada Caabudwaaq iyadoo la arkayay Gadiid dagaal oo ay ku jiraan Taankiyo iyo Ciidamo aad u fara badan kuwaasoo salaam sharaf siiyay Abaanduulka iyo Guddoomiye Cirfo.

 

Wefdiga ayaa inta ay maanta joogaan Magaalada Caabudwaaq waxa ay kulammo gaargaar ah la yeelan doonaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada,Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Degmada,iyadoo Wefdiga uga sii gudbi doonaan Deegaannada Xeraale,Ballanbal iyo Deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Much respect to the Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliy for touring Galgaduud and Opening one of the most important military base in our history .

 

Its to time liberate the remaining regions such as ceeldher and ceelbuur clean alshabaab from Galgaduud...........

 

It looks like President Hassan Government is slowly gaining control of the Country

 

images?q=tbn:ANd9GcTyFIwrs6QW1wh578nv8KZ

 

One Chain of Command soon !!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this