Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Soomaalinimo 101

Recommended Posts

Soomaalinimadii dad ayee kasii dhumeysaa, qaarkoodna maba yaqaanaan Soomaalinimo waxee tahay, gaar ahaan kuwa qurbaha ku koray ama ku qaangaaray. Kuwii kalena qabyaaladii ayaa ka badatay oo Soomaalinimadii meel ayee iska dhigeen iyagoo ogeyn Soomaalinimo waxee aasaasi u tahay Soomaali jiritaankeeda.

Boggaan waxaa ugu tala galay inaa nala wadaagtiin dhacdo walba oo Soomaalimo ah kusoo martay aad dunida ku aragtay.

Aniga waxaanan waligey ilooweynin markaa Mareykanka imaanaaye, anigoo dhalin yar. Sanadkii 1996 ayee ahayd, bishii labaad ee Febraayo. Magaalo la yiraahdo Baltimore ayaa kusoo degnay. Xaafadaa deganeen Soomaalida aad iyo aad ugu yarayd. Anagoo magaaladaan toddobaadyo joogno oo jidka lugeyneyno ayaa gaari xiimaayo fariinka qabtay. Taksi ayuu ahaa gaariga. Dib uu u soo noqday. Muraayadda intuu dajiye uu na fiiriye, anaga waa fiirinay. "Soomaali maa tihiin?" uu na weydiiye wiilkii waday gaariga.

Haa markaa ugu jawaabnay baabuurkii uu kasoo booday, asagoo aad u dhoolacaddeynaayo. Si reyn reyn weyn ah uu noo salaamay. Soo kora gaariga uu na yiri anigaa nasii wadaaye. Waa kornay oo xaafadda wax yar u jirnay. Markaa u sheegnay meeshaa deganahay wuuba qoslay maadaama gadaasheena uu deganaa. Asagoo aad u faraxsan, oo xiiseynaayana dad dhulkii ka yimid uu gurigiisa na geeye, 'pizza' ayuu noo dalbay, wareysi iyo meelahaa ka imaanay u sheegnay. Wuxuu noo sheegay inay saaxiibkiis isla deganyihiin, walina aad ugu faraxsanyahay in uu arko Soomaali kale la degan xaafadiisa.

Sheeko waxee socotaba wuu nasoo qaaday, gurigeena na keenay. Saacado kadib markaa guriga joognay waaba kanaa irida lasoo garaacaayaa. Waaba wiilkii kale la deganaa uu noo sheegaaye, wiil kale taksiile ah. Asagana aad u faraxsanaa.

"Soo baxa!"

"Intee?"

"Casho..."

Waa raacnay, casho nala soo siiye, waliba anagoo biisadii ka dharagsan. Farxadda wajigiisa ka muuqdo waaka yaabee.

Waagaas isma weydiinin laakiin gadaal ka ogaan doonaa sababtee saas inoogu soo dhaweeyeen. Waana Soomaalinimada. Waa dareen aad u weyn, qofkii meel Soomaali ku yartahay degan ayaa aad u dareemi karo.

Soomaalinimo dhowr mar oo kale ayaa la kulmi doonaa, mar garoonka Dubeey anoo ku jiro sanadkii 2003 gaar ahaan. Taas waa inoo mar kale faahfaahinteeda.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Somalinimo died in 1991. Now we have Qabilnimo under Federal Statenimo.

Puntlandernimo

Somalilandernimo

Jubbalandernimo

Galmudugnimo

Kilil Shanaadnimo

Please add more of the Hijaab-wearing-Qabil names and by "Hijaab" I mean "Federal State"

Share this post

Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Classified;973177 wrote:
Somalinimo died in 1991. Now we have Qabilnimo under Federal Statenimo.

Puntlandernimo

Somalilandernimo

Jubbalandernimo

Galmudugnimo

Kilil Shanaadnimo

Please add more of the Hijaab-wearing-Qabil names and by "Hijaab" I mean "Federal State"

Alshabaabnimo and HAGistanimo;)

Share this post

Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Che -Guevara;973173 wrote:
Once I got rental at airport. By chance, I run to a Somali employee at one of the rental companies.
Got me a nice car and employee discount
.

Like the Somali bus drivers in London;) All you need to get a free pass is stand next to them and chat with them loudly in Somali about any useless topic that comes to mind until you get off at your stop.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Tallaabo;973185 wrote:

lool

good trick.

Share this post

Link to post
Share on other sites
nuune   

One time I met Odey Soomaliyeed at an airport in 1995kii, he asked me, "qolomaa tahey" out of nowhere, I kindly replied "Baajuun", he never looked at me again, I insisted why he is not responding to me, he said isagoo dhinaca kale wali sii eegaya "qolomaa tahey ayaan ku weydiiyee waaxey waxaad ku hadaaqdey", Soomaalinimo wataa

Share this post

Link to post
Share on other sites
Haatu   

Tallaabo;973185 wrote:
Like the Somali bus drivers in London;) All you need to get a free pass is stand next to them and chat with them loudly in Somali about any useless topic that comes to mind until you get off at your stop.

lol how many times have I lost my oyster card and gotten free rides :D The best is markaad adi iyo hooyo buska u ordaysaan. They'll wait for the hooyo to catch up to the annoyance of shisheeyaha :D

OP, Soomaalinimo is being able to have a conversation with people you can actually relate to down on a level which you can't get with other people.

Share this post

Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Marka la wada dhoofaayo to the motherland. You will see dadkeena at their best. Sida la isu caawiyo iyo general chit chat. Love it.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

nuune;973203 wrote:
One time I met Odey Soomaliyeed at an airport in 1995kii, he asked me, "qolomaa tahey" out of nowhere, I kindly replied "Baajuun", he never looked at me again, I insisted why he is not responding to me, he said isagoo dhinaca kale wali sii eegaya "qolomaa tahey ayaan ku weydiiyee waaxey waxaad ku hadaaqdey", Soomaalinimo wataa

;) ;)

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this