Sign in to follow this  
Jiir-Jiroole

Wasiir XOOG waxaa lagu eryay laba arin , MUUSE BIIXI ayaad abti u tahay iyo GUULWADE ma tihid

Recommended Posts

Cukuse ayaa warar badan maalin walba madaxtooyada geyn jiray oo ah sida muuse iyo xoog ay abtiga isagu yahiin ee a y isagu dhaw yahiin. Haddaba Xoog muu tagi jirin madaxtooyada oo muu guulwadeyn jirin waayo DIKTOOR xoogiisa cunna oo kumanaan dollar oo xalaala bishii shaqaysan kara weeyi .haddaba wasiirada sida aadka laysu weydiiyey ee ku fiicnaa mudadii ay xilka hayeen shaqadooda waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore wasaarada Caafimaadka Dr, Xuseen Maxamud (Xoog).

 

Wasiirkii hore caafimaadka ayaa isagu kor u qaaday adeegyadii caafimaadka oo waqtigaasi aad u hoseeyey ,dibna u soo nooleeyey, , waxaa aad isugu dayey intii karaankiisa ahayd , inuu kor u qaado tayeynta cisbitaalada guud ee dalka , iyadoo midkasta Haayad samafal oo gaara lagu wareejiyey , si iyada loogala xisaabtamo .

 

 

 

Cisbitaalada guud qaar ka midda ayaa waqtigaasi markii xilka uu qabtay aad looga deyrinayey , waxaanay qarkaba u saarnayeen inay xidhmaan , Waxaa kaloo uu aad ugu dadaalay xaqiijinta dadka ka ganacsada cilmiga caafimaadka , ilaalinta iyo ruqsad siinta goobaha adeega caafimaadka bixiya iyo weliba sidii loo baadhi-lahaa dawooyinka dalka ku soo qulqulaaya ,si khatarahooda loo baajiyo, Isla-markaana loo dhowro caafimaadka guud ee dadweynaha S/land.

 

 

 

Hadaba Wasiirkii hore ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xuseen Xoog ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku daray Liiska wasiiradda Xilka laga qaaday, oo waxa uu wasaaradiisii u magacaabay wasiir kale, Isku shaandhayntaas ayaa ahayd tii ugu weynayd ee dhacda intii uu Madaxweyne Siilanyo xilka hayay , iyadoo Isku-shaandhayntani ahayd mid aad loo hadal hayay tallow imisa ayay jiidhi???

 

 

 

Hadaba waxaan leenahay Wasiirkii Caafimaadka ee hore wax badan ayuu ka qabtay dhinaca arimaha caafimaadka mudadaasi uu xilka hayey iyo weliba Shaqo aad wanaagsan marka halbeega la saarayo dhinaca caafimaadka oo aad u hooseeyey, Isla-markaana Dr, Husein Xoog waxuu ahaa muwaadin u qalmayey, hawshii uu umadda u hayey ee madaxweynuhu u cuktay, waxuu dalka keenay dhakhtaro fara-badan oo isagoo la kashanaaya jaaliyadaha debada , kuwaasi oo ka fuliyey dalka hawlo badan oo caafimaad , gaar ahaan Qaliinlo kala duwan oo dhinaca indhaha ahaa.

 

 

 

Isku soo wada duuboo waxqabadkii muuqday wasiir Xoog , waa mid ku suntan markabka soyaalka taariikheed ee S/land , gaar ahaana dhinaca caafimaadka , isagoo mudadii uu xilka hayey aad loo hadal-hayn-jirey waxqabadkiisa , waxuuna ahaa masuul ku suntan inuu u heelanyahay horumar iyo inuu daacadnimo ugu adeego umaddiisa , waxayna ka muuqataa waxqabadka muuqda ee uu ka tegay, mudadii uu xilka hayey.

 

 

 

Ugu danbeyn Waxuu ahaa wasiir dhinaca shaqadiisa aqoon fiican u lahaa gaar ahaana Shaqada Wasaaradaasi islamarkaana, markiiba ka jawaabi jirey goorkasta cabasho kasta oo ka soo yeedha maamulada Degmooyinka iyo Gobolada Dalka dhinaca imkaaniyaadka iyo Adeega Baahiyaha Caafimaadka ee ka jira, taas oo mudadii uu joogay uu Wasiir Xoog cagihiisa ku tagi jirey Goob kasta oo Caafimaadka ah oo laga Soo qeyliyo , Waxuuna ka mid ahaa Wasiirada ku eeg shaqadooda oo keliya, ee aan arimaha kale ku jirin, haddii aan si kale u dhignana, kuwa ugu dedaalka badnaa.

 

 

 

Waxaa lagu bedelay Wasiirka cusub Md, Saleebaan Xaglo Toosiye oo ahaa wasiirkii hore Wasaaradda dibu-dejinta ,isla-markaana ay hortaalo gudashada waajib-adag iyo weliba shaqo aad u baaxad badan , Wasiirka cusubi ma noqon-doonaa masuul si weyn uga soo baxa , hawshaasi balaadhan ee wasiirkii ka horeeyey soo waday??? Waxba ku dheeraanmayno wasiirka cusb lakiin Taariikhda ayaan u deyn-doonaa.

 

 

 

cabdillahi nux 634254421

 

cabdillahi nuux (arabsiyo69@gmail.com)

 

Afaar habro oo iis cuunaya kale ila daawadha :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Jiir-Jiroole;966392 wrote:

Afaar habro oo iis cuunaya kale ila daawadha
:D

I think you wanted to say, 'Afar Habrood oo is cuniya, kaalay ila daawo'. Cause 'dawada' means medicine. Unless you actually, wanted to say, "Afar Habrood oo is cuniya, kaalay ila daweeya".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Carafaat;966394 wrote:
I think you wanted to say, '
Afar Habrood oo is cuniya, kaalay ila
daawo
'. Cause 'dawada' means medicine. Unless you actually, wanted to say,
"Afar Habrood oo is cuniya, kaalay ila
daweeya
".

;) Waxaas oo miidhan ayaa meeshan khuraafaad kula soo ordaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lovely afroheshimite tallabo I understand yur frustration and the frustration of the other sheegato such as yourself, after 22 years of a woe begone succession you guys are now starting to divide along matriarchal lines.....pass the popcorn :) :) :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this