Sign in to follow this  
xiinfaniin

Jubbaland: AMISOM Intercepted Mogadishu Weapons to Kismayo at Afgooye

Recommended Posts

Seeraar oo sheegay in hub la qabtay loo waday Kismayo

 

Afhayeenka maamulka Jubaland Cabdinaasir Seeraar ayaa warbaahinta u sheegay in Kantaroolka Afgoye lagu qabtay hub DF Muqdisho ka soo dhiibtay kaasi oo loo waday magaalada Kismayo.

 

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan jihada uu ka yimid ,halka loo waday iyo cida loo soo dhibay intaba.

 

Seeraar ayaa yiri''Waxaanu horey u sheegnay ayaa dhab noqotay ,gaari xamuul ah ayaa la qabtay oo hub Kismayo loo soo waday saarnaa si loola dagaalamo Jubaland iyo shacabkeeda''.

 

Xaalada magaalada Kismayo ayaa degan ,waxana horey Seeraar uu ku tilmaamay dagaalkii ka dhacay halkaasi Shirqool qorshihiisa laga soo abaabulay Muqdisho.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Hubkan qayb ka yahay taakulo militeri oo Masar ugu deeqday Somalia ,waxana muuqata hadii ay rumawdo in Misdaaqiyadii DF meesha ka baxayso iyadoo dib su'aal la isku waydiinayo sababtii xayiraada hubka looga qaaday dalka?.

 

''Waa wax lagu farxo ,Ilaah mahadiis ayaa lagu fashiliyay ,Al-shabaab iyo Xasan Shiikh waxay ka midaysanyihiin fashilinta jiritaanka Jubaland''ayuu raaciyay.

 

DF Somalia ayaan ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin hubkan la qabtay ,xili uu dib ugu noqday wasiirka gaashaandhigu Muqdisho ka dib markii ku soo hungoobay socdaalkiisi wakhtiga badan qaatay magaalada Kismayo.

 

Cabdixakiin Xaaji Fiqi ayaa lagu tiriyaa inuu maamulayay dagaalkii ka qarxay Kismayo ,waxana hotelka uu magaalada ka degenaa dibadiisa isi soo tumay dadweyne dalbanayay inuu iskaga tago magaalada.

 

Wasiirka arrimaha gudaha DF Cabdikariin Xasan Guuleed oo indhoweyd bogiisa Twitter-ka ku hawlanaa arrimaha Kismayo ayaa yiri ''Markani, waa inaan meel cad iska taagnaa Kooxda Raaskambooni, ama waa iney hubka dhigaan ama waxan u arkeynaa Nabad diid.. go'aan ha gaareen''.

 

Hadalka ayaa muujinaya sida ay u sii kala fogaanayaan labada dhinac xili Puntland shaacisay inay diyaar u tahay dhexdhexaadinta labada dhinac iyo isku soo dhoweyn dhinaca afkaarta ah.

 

Madaxda DF iyo Jubaland ayaa ku kala aragti duwan dhismaha maamulkan iyo qaabka loo maray ,waxana DF markasta ku adkeysanaysaa in laga baxay xiligii KMG ahaa dalkuna dowladda dhamaystiran yeeshay oo loo baahanyahay in hawl kasta ay qayb ka noqoto.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

The AMISOM troops are doing their job of securing Mogadishu and its environs while Mogadishu based anarchist groups are busy doing what they always do best ; cause mischief and fight governance

 

EDIT: Oba hilowle would be very proud of the merchants who sent the weapons to Kismayo, but the pressing question is what would Malistar2012 think of this?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The plot thickens, but I'll wait until a less biased source confirms the news. This follows the defense minister story and whether the Baasto guy is a government agent or not, I wish other regions in Somalia got that much attention.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub la helay oo la raadraacayo

 

 

Kn:Ciidamada AMISON ee ku sugan magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa gacanta ku dhigay gaari ay ka buuxaan saanad iyo hub noocyo kala duwan.

 

Gaarigu wuxuu ka soo baxay Caasimadda Xamar, waxaana hubanti la’aan ay ka jirtaa cidda uu ka socday iyo halka uu ku waajahnaa.

 

Ciidamada AMISON ayaa wada baaritaano amuurahaasi la xariira, laakiin sargaal u hadlay maamulka Kismaayo wuxuu dawladda ku eedeeyay, gaar ahaan wasiirka arimaha gudaha inuu hubkan u soo diray si nabad galiyada Kismaayo loo khalkhal galiyo.

 

KismaayoNews oo xiriirro kala duwan samaysay ayaa loo xaqiijiyay jiritaanka Hubka ay gacanta ku dhigeen ciidamada AMISON, xili uu baabuur uu ku rarnaa maraayay mid kamid ah kantaroolada magaalada, waxaana la sheegay inuu gaarigu u sii jeeday dhanka magaalada Shalaanbood.

 

Dawladda oo horay loogu eedeeyay amaan darrida Kismaayo, gaar ahaan shaqaaqooyinkii ugu danbeeyay, ayaa waxaa hadana soo baxaaya arimo kale oo khatar ku ah sumcadda iyo jiritaanka dawladda, waa hadii ay lug ku yeelato hubka lagu qabtay Afgooye, taasi oo su’aalo culus ay ka soo bixi karaan, maadaama gaadiidka uu sii dhex mari lahaa dhul ay gacanta ku hayaan Alshabaab, waaba hadii uu Kismaayo ku socday.

 

Dawladda Federaalka ayaan ilaa hadda ka soo saarin wax war ah, hubka gacanta lagu dhigay iyo waliba eedaymaha ay u soo jeediyeen saraakiisha maamulka Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this