Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Prime Minister saacid calls for peacereconcalation between the warring factions in kismayo

Recommended Posts

Xukuumadda Somalia oo dhinacyada ku diriraya Magaalada Kismaayo ugu baaqday in dagaalka la Joojiyo, lana Wadahadlo

 

Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo ugu baaqay inay si dag-dag ah u joojiyaan dagaalka, ayna xal iyo nabad ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya.

 

"Waxaan u soo jeedinayaa dhinacyada ku dagaalamaya gudaha magaalada Kismaayo inay joojiyaan xabadda ayna ka wadahadlaan khilaafkaadka dhex-yaalla ku dhameystaan. Shacbiga iyo magaalada Kismaayo midkoodna kama bixi karo dagaal cusub, sidaas daraadeed waa inay labada dhinacba gartaan in xalku uusan ku jirin qoriga caaraddiisa," ayuu ra'iisal wasaare Saacid ku yiri warsaxafadeedka ay soo saartay xukuumadda Soomaaliya.

 

Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Faqi oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, kana dhigay cawaaqib-xumada ka imaan karta hadii dagaalku sii socdo.

 

"Waxaan ugu horreyn ku baaqayaa in dagaalka sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo. Waxaana ka digaynaa cawaaqib-xumada colaaddu deegaankaas u keeni karto, sida macaluul baahda iyo in ammaanka uu faraha ka baxa," ayuu yiri Cabdixakiin Faqi. Isagoo intaas ku daray waxaana inay dadaal ugu jiraan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Kismaayo.

 

Xukuumadda federaaliga Soomaaliya waxay mar kale ku baaqaysaa ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan in dhinacyada is-hayaa ay wadahadallo kusoo af-jaraan khilaafkaadkooda. Iyadoo sheegtay inay ka digayso dhibaatada uu shacbiga iyo deegaanka u gaysan karo dagaal kasii socda Kismaayo oo laga saaray Al-shabaab sannadkii hore.

 

Ugu dambayn, xukuumaddu waxay sheegtay inay cadaynayso inay dadaallo ugu jirto sidii colaaddaas loo damin lahaa, ammaankana deegaankaasna loo xoojin lahaa, iyadoo xustay inay arrintaas la kaashanayso ciidammada AMISOM ee ku sugan Kismaayo.

 

Dagaalkii manta ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa ku geeriyooday tiro dad ah oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo shacab, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo qaarkood ay xaaladdoou aad u culus tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The whole country is infested with Al Shabaab and these guys are wholly focused on Jubaaland. Mogadishu still can't secure itself without foreign troops, why don't we focus on that?!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this