Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breakingnews Fighting in Kismayo between Ahmed madoobe troops and SFG troops

Recommended Posts

Dagaal Kismaayo gudaheeda ku dhexmaray Ciidamada ururka Raaskaambooni iyo Maleeyshiyo Beeleed

 

Jimco, June 07, 2013(HOL) :- Dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoona dagaalkani uu u dhexeeyay ciidamo beeleed taageersan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Kismaayo garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

 

Dagaalkan oo ahaa mid ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka Kismaayo ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamo beeleedkaasi ku lahaayeen xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo.

 

Sargaal ka tirsan maamulka Kismaayo oo aan ka wareeysannay dagaalka ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen kooxo uu sheegay in ay jidgooyo dhigteen wadada dheer ee aada garoonka diyaaradaha Kismaayo.

 

Ilaa imika ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka iyo weliba khasaarooyinka ka dhashay.

 

Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dagaalka iyo weliba khasaarooyinka ka dhashay waxaan haduu rabbi qadaro idinku soo gudbin doonnaa wararkeena danbe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka socda magaalada Kismaayo

7. juni 2013

 

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in uu halkaasi ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo maamulka Jubaland ee madaxweyne Axmed Madoobe iyo maleeshiyaad kale oo loo maleynayo in ay ka amar qaataan siyaasiyiin ku sugan magaalada.

 

Wararka ayaa sheegaya in magaalada haatan laga maqlayo rasaas iyadoo aanan la ogayn ilaa iyo iminka khasaaraha ka dhashay dagaalka.

 

Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan wasiirka Difaaca ee xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg Deg:- Dagaal Kismaayo ka qarxay goor dhawayd iyo dhawaqa rasaasta oo isqabsaday.

 

Published on June 7, 2013

 

Kismaayo (Radio Gaalkacyo):-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo Xarunta Dawlada Jubaland ayaa sheegaya in halkaas oo goor dhawayd ka qarxay dagaal u dhexeeya Ciidamada Jubaland iyo Koox kasoo horjeeda Nabada Jubaland.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in gudaha Magaalada haatan laga maqlayo dhawaqa rasaas ay labada dhinac iswaydaarsanayaan iyadaoona aan la ogaan karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

 

Magaalada ayaa waxaa kasoconayay Maalmahaan shirar ay lahaayeen odayaasha dhaqanka kaas oo looga hadalayay dadka nabada diidan ee kusuagn gudaha Kismaayo iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa.

 

Dagaalkaan ayaa si lama filaan ah ku qaraxay iyadoona aan si rasmi ah loo ogayan waxa ka dabeeya inay isfara saareen Ciidamada Dawlada Jubaland iyo kooxaha qaska kawada Gobolada Jubaland kana soo horjeeda Dawlada uu madaxwaynaha ka yaay Madaxwayne axmed Madoobe.

 

Xiriiro Radio Gaalkacyo goor dhawayd lasameeyay Maamulka Isbitalka Kismaayo si aan u ogaano khasaaraha dagaalka ee dadka isbitalka lasoo gaarsiiyay ayaa aysan noo suurtoobin in taleefonada aan dirnay ay Maamulka isbitaalku ka jawabaaan

 

Radio Gaalkacyo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Goor dhow ka qarxay Magaalada Kismaayo

 

June 7, 2013

 

Kismaayo-(Sh.M.Network)-Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in dagaal culus uu haatan ka soconayo halka loo yaqaanno dalcadda oo Magaalada geeskeeda ah.

 

Dagaalka ayaa La sheegay in uu u dhexeeyo Maleeshiyada Raaskaambooni iyo Maleshiyo ka tirsan Mid ka mid ah beelaha dega Magaaladaasi.

 

Dagaalka oo Goor dhow qarxay ayaan weli faah faahin Rasmi ah laga heyn khasaaraha ka dhashay iyadoona Cabsi xoogan ay la soo daristay dadka ka ag dhow halka uu dagaalka ka socdo.

 

Illaa iyo iminka Lama shaaci sababaha uu ka dhashay dagaalkaasi balse wixii faah faahin ee ku soo kordha kala soco Shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Wax dagaal ah meesha kama qarxin... Nimanbaa niman xabadeey dabadeedna cararay! It was more of an ambush on some guys.

 

Xaaji, ducee in ilaahay sii fidiyo isku dhaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War hee dhe warka anigu ma qorin one source is from hiiraan the other 2 are from Puntland websites. Why are they writing dagaal if it is not dagaal war ma ana sudaanta keeny, Why Xaajiga loo qabsnayaa i call for peace. But they are not listening.

 

One thing is for sure there cant be a state in Kismayo before reconciliation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

This Jubbaland political impasse is a very sad development indeed given the long suffering of the natives of that region. This was suppose to be the time the residents of Kismaay and the region started reconciliation, reconstruction, and recovery not a time they should worry about yet another futile clan conflict. May Allah bring some sanity to all the feuding sides.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ But they created a state before reconciling see Talaabo , these people do thing very wrong, they tried to create a state in a fragile region where many clans fought for decades. Now there are 3 Jubbaland Presidents all of them are in the city

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this