Sign in to follow this  
xiinfaniin

President Hassan Sheekh's Proposals at London Conference Are Crumbling

Recommended Posts

Qorshihii Dowladda Federaalka ee Kismaayo iyo Shirka London ee Soomaaliyaheads.jpg

 

Bilihii lasoo dhaafay ayey shacabka Soomaaliyeed si weyn u hadal hayeen arrimaha la xariira shirweynaha ka socda magaalada Kismaayo ee lagu dhisayo maamulka Jubaland, Dowlada Federaalka oo iyadu shirkaasi qaadacday ayaa bilihii lasoo dhaafay waday qorshe ay ku dooneyso inay maamul ugu magacowdo magaalada Kismaayo qorshahaasi oo hada dib loo dhigay.

 

Horseed Media ayey u suurto gashay in ay ka hesho xubno ku dhaw-dhaw Madaxtooyada Villa Somalia Waxayna u Xaqiijiyeen Warsidahan in uu jiro qorshe lagu doonayey siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanka Kismaayo in dowlada Federaalka u magacowdo maamul kumeelgaar ah oo ka taliya deegaankaas.

 

Qorshahan ayaa sii xoogeystay tan iyo markii uu dib magaalada Kismaayo uga soo noqday booqashadii uu halkaasi ku tagay Raysalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon. Qorshahan oo aan horey dowladda u shaacin ayaa soo dhaafi waayey heerka diblumaasiyadeeda, waxaana xubnahan xog ogaalka ah u xaqiijiiyeen Horseed Media, in dowlada Federaalka iyo dowlada Kenya si toos ah uga wadahadleen qorshaha uu Federaalka ku doonayey in lagu taageero maamulka uu u magacaabayo Kismaayo.

 

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii tagay sheegtay in wadahadalkii ka dhacay magaalada Mombasa oo ay ku kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Xassan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Kenya Uhuru Kenyatta, aan lagu soo qaadin arrimaha magaalada Kismaayo.

 

Hase yeeshee waxaa wararka soo baxaya ay sheegayaan in Dowlada Federaalka ay u gudbisay dowlada Kenya codsi rasmi ah oo sheegaya in ciidamada Kenya ee AMISOM ay damaanad qaadaan illaalinta maamulka uu doonayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka inuu usoo magacaabo magaalada Kismaayo.

 

Codsigaasi ayaa la sheegay in Dowlada Kenya ka gaabsatay sida ay xaqiijinayeen illo xog ogaal ah oo kamid ah dowlada Federalka Soomaaliya.

 

Dedaalkan cusub oo ay dowlada Federaalka ugu jirto maamul u sameynta Kismaayo ayaa ah mid sidoo kale saameeyey gobalo kale oo ay kamid yihiin Hiiraan iyo Bay. Sida ay Horseed Media warka ku helayso dowladu waxay si weyn xoogga u saartay in bilihii lasoo dhaafay ay gebi ahaan isbedalo ku sameyso gobalada Soomaaliya ee dowlada hadda sida tooska ah u hoos yimaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bay iyo Bakool

 

5tii bishii Feberaayo, ayuu Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya u magacaabay Guddoomiye cusub gobalka Bay, dikereetadaasi oo uu saxiixay Kusimaha Madaxweynaha oo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof.Jawaari ayaa la shaaciyey xili Madaxweynaha dalka dibada uga maqnaa, go’aankaasi oo keenay khilaaf weyn oo hareeyey deegaanka Bay iyo Bakool isla markaana wiiqay ololihii ka dhanka ahaa Al Shabaab oo ka socday gobaladaasi.

 

Khilaafkaasi ayaa sidoo kale keenay in Al Shabaab ay dar-dar geliso dagaalkii gobalada Bay iyo Bakool oo uu hormuudka ka ahaa Mukhtaar Robow (Abu Mansuur). Ciidamadii Dowlada Itoobiya oo xiligaasi ku hanjabay inay ka bixi doonaan gobalada Bay iyo Bakool.

 

16kii bishii Maarso, Ciidamada Itoobiya ayaa ka baxay magaalada Xudur ee gobalka Bakool ayaa keentay in halkaasi gacanta ku dhigaan ururka Al Shabaab.

 

24kii bishii Maarso ayuu magaalada Baydhabo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Prof.Maxamed Cismaan Jawaari oo xiligaasi safarkii ugu horeysay ku tagay magaalada tan iyo intii xilka Guddoomiyenimada uu qabtay, safarkaasi oo salka ku hayey xalinta khilaafka maamulka Bay iyo waliba arrimaha la xariira wada shaqeynta Federaalka iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobalada Bay iyo Bakool.

 

Shabeelada Hoose

 

22kii Maarso, waxaa dagaal uu ka dhacay magaalada Marka ee xarunta Shabeelada Hoose. Xiisadan ayaa ka dhalatay maamulkii dowlada Federaalka u magacowday gobalka Shabeelada Hoose gaar ahaan magaalada Marka, kaasi oo sababay dagaalkii ka dhacay magaalada oo ay ku dhinteen tiro ku dhow 10 qof.

 

Dagaalkaasi ayaa salka ku hayey xiisad ka aloosantay awood qeybsiga Dowlada Federaalka ku saleysay haykalka maamulka gobalkaasi oo xubnaha loo magacaabay lagu eedeeyey inaysan qaarkoodba kasoo jeedin deegaankaasi.

 

Horey ayey dadka ku dhaqan magaalada Afgooye oo kamid ah isla gobalka Shabeelada Hoose u diideen maamulkii looga soo magacaabay magaalada Muqdisho.

 

Gobalka Hiiraan

 

April 2013, Dowlada Federaalka ayaa magacowday Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobalka Hiiraan oo loo magacaabay Cabdi Faarax Laqanyo, magacaabistan ayaa ka duwanayd tii gobalka Bay, waxaana aqbalay go’aankaasi maamulkii hore ee gobalka Hiiraan oo xilka si wanaagsan ugu wareejiyey maamulka cusub ee Muqdisho laga magacaabay. Arrintan ayuu si weyn uga shaqeeyey Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud, waxaana la oron karaa qorshahii Hiiraan waa kan illaa iyo hada sidii la rabay ugu hirgalay dowlada Federaalka. Waxaana la sheegaa in arrintan gacan weyn ku lahayd dowlada Jabuuti oo ay ciidamadeeda ku sugan yihiin gobalkaasi Hiiraan.

Gobalka Gedo

 

Isla bilowgii Bishii April ee lasoo dhaafay ayey dowlada Federaalka sidoo kale magacowday Guddoomiyaha maamulka Gedo oo loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenkii hore Maxamed Cabdi Kaliil, waxaana 2dii bishii April magacaabistiisa ku dhawaaqay Raysalwasaare Saacid oo gobalkaasi booqasho ku tagay bishii lasoo dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jubbada Hoose & Dhexe

 

Qorshaha dowlada Federaalka ayaa ahaa in bartamaha illaa dhamaadka bisha April la magacaabo Maamulada gobalada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, balse dowlada way ku guuleysan weyday inay ku dhawaaqdo maamuladaasi kadib markii ay caqabado badan ka hor yimaadeen.

 

Qorshahan ayaa caqabadda ugu weyn ee ka hortimid ahayd maamulka Kumeelgaarka ah ee gobalada Jubooyinka oo taageero xoogleh ku leh shacabka Kismaayo, Maamulka Kumeelgaarka oo sheegay inuusan oggolaan doonin shaqsiyaad laga soo magacaabo Muqdisho oo magaalada Kismaayo soo gala, waxayna tani keentay in gebi ahaan kala go’aan isgaarsiintii gaadiidka ee dhanka duulimaadka ee u dhaxeeyey Muqdisho iyo Kismaayo.

 

Caqabada kale ayaa noqotay beelaha ku dhaqan gobalkada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose ee ku sugan gobaladaasi oo ay Issimadooda ka biyo diideen inay balanqaadaan inay taageero siin doonaan maamulka Federaalka kusoo dhawaaqo oo la qorsheenayey in diyaarado lagu keeno gobalada Jubooyinka, arrintaasi oo si weyn looga biyo diiday.

 

Caqabada afaraad ee dowlada Federaalka ka hortimid ayaa noqotay dowlada Kenya oo si rasmi ah u sheegtay inaysan taageeri doonin wax kasoo horjeeda rabitaanka shacabka Jubooyinka. Xogta ay Horseed Media ka heshay xubnaha xog ogaalka ah ee ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in Dowlada Kenya sheegtay inaysan dooneyn inay magaalada Kismaayo ku illaaliso maamul aan taageero shacabka ka heysan isla markaana kasoo horjeeda maamulka hadda ku sugan Kismaayo, arrintaasi oo ay ku tilmaameen inay Amniga khal khal ku keeni karto.

 

Dowlada Kenya ayaa dhinaca kale ballanqaaday inay bilaabi doonto taageeradii ay siin jirtay Soomaaliya ee dhanka la dagaalanka Al Shabaab, marka lagu dhawaaqo maamul rasmi ah oo kasoo baxa shirka ka socda Kismaayo, qodobkaasi oo la sheegay in uu kamid ahaa qodobadii dhanka Amniga oo ay ka wada hadleen Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uhuru Kenyatta 28kii April.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka London

 

Somalia-FinalDowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wada shirka London inay kusoo bandhigto Qorshaheeda ku aadan Maamul u sameynta gobalada Soomaaliya iyo waliba mashaariicda horumarinta sida ay u qorsheysay, qodobadaasi oo ay Dowlada Federaalka kala hadashay dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo dhankooda sheegay inay amaanka gacan kasiin doonaan.

 

Balse qodobada shirka London lagu soo bandhigi doono ayaa ah kuwo ka yimid dhanka Dowlada Federaalka isla markaana aan weli taageero buuxda ka helin maamulada dalka Soomaaliya ka jira oo qaarkood qaadaceen inay shirka London tagaan.

 

Dowlada Federaalka ayaa lagu wadaa inay shirka London sidoo kale uga hadasho qorshaheeda baahinta maamulada ee gobalada dalka Soomaaliya iyo sidii dowladu u gaari lahayd guud ahaan dalka, waxaana qeyb ka noqon doona baaq caalami ah oo lagu codsanayo taageero dhanka dhaqaalaha iyo Militariga.

 

Qorshahan qaabka loo qorey iyo weli sida loo qoondeeyey ayaa ah mid aan weli lasoo bandhigin, balse wararka laga helayo dhinaca Federaalka ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu ka biyo diiday habka wax loo maareeyey oo ay codsadeen in wax laga bedalo, balse Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud wafdigii uu hogaaminayey ay ka biyo diideen dhankooda in wax laga beddalo qorshaha Qaranka ee Federaalka soo diyaariyey iyo qodobo ay Puntland dooneysay in loogu daro qorshaha guud ee lagu soo bandhigi doono shirka London.

 

Xog hoose oo aan ka helay Maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubooyinka ayaa dhankoodana sheegay inaysan waxna kala socon qorshaha Qaran ee Dowlada Federaalka kusoo bandhigi doonto shirka London.

 

Waxaa cad in dowladu Federaalka qorshaheedu ahaa in ay Shirka London tagto iyadoo ay shaqeenayaan maamulada kumeelgaarka ah ee gobalada Loo magacaabay, iyo iyadoo taageero qorshaheeda uga heysata dhanka maamulada kale ee jira sida Puntland, Galmudug iyo gobalada dhexe oo ay ka taliyaan Ahlu Sunna Waljamaaca oo iyagu kamid ahaa saxiixayaashii Road-Mapka, in qorshahaasi bur-buray.

 

Waxaase hada muuqda in dowlada Federaalka caqabado badan oo siyaasadeed ka heystaan gudaha Soomaaliya iyo waddamada jaarka ah, mana cadda in taasi ay saameyn ku yeelan doonto qoraalkii qorshihii horey loo diyaariyey in 7da & 8da bisha May lagu soo bandhigo magaalada London.

 

Hussein Farah

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

This excellent reporting explains Hassan Sheekh's sudden visit to Puntland, and his subsequent angry speech at the Parliament.

 

In a nutshell, he wanted to single handedly design a new Somalia that reflects his views particularly in the South. The funny thing is it is the President who wishes to use foreign forces and money to force his agenda on the war weary, peace loving local people gathering in Kismayo. But AMISOM forces understand the politics dynamics of those regions better than President Hassan, it seems , hence the resistance to his proposals.

 

He is frustrated. Alas he does not seem to know why his people, neighboring governments are opposing him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

He is importantant, after all he is the President of Somalia, the Head of the State, Madaxii jirka Somalia la dhahoo. Where Faroole is a governor of Bari and Nugaal and just a finger in the overall equation(afcourse still important for Somalia).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;945492 wrote:
He is importantant, after all he is the President of Somalia, the Head of the State, Madaxii jirka Somalia la dhahoo. Where Faroole is a governor of Bari and Nugaal and just a finger in the overall equation(afcourse still important for Somalia).

Ma naag baa tahay markaa Faroole ku waalatay, who mentioned Faroole in this thread? :eek: And what about north Mudug, or is that part of Galmudug in your secessionist views like the drunk man Faysal Waraabe? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't wish for this guy to fail but he is making it hard for anyone to support his vision. Why become a president for a federal Somalia and then demand that no federal states be formed? It boggles the mind that he purposefully alienates the people who were instrumental in forming this government, he seems more concerned with the Jubaaland issue than eliminating Al Shabaab, very confusing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The president wants federalism but he says he has another vision on federalism

He wants to control the regions and than federa states should be built

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;945517 wrote:
The president wants federalism but he says he has another vision on federalism

He wants to control the regions and than federa states should be built

He doesn't seem to be doing anything but talk, I don't see any progress in eliminating Al Shabaab and controlling the regions you speak of. The country is in a fragile state and diplomacy should be paramount, I know that you can't please everyone (especially Somalis) but you have to compromise a little.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Homunculus;945497 wrote:
I don't wish for this guy to fail but he is making it hard for
anyone
to support his vision. Why become a president for a federal Somalia and then demand that no federal states be formed? It boggles the mind that he purposefully alienates the people who were instrumental in forming this government, he seems more concerned with the Jubaaland issue than eliminating Al Shabaab, very confusing.

I wouldn't say "anyone". Three sentences in one paragraph, Homunculus captured the sentiment of some constituents pretty well. Strike "everyone" and replaced it with numerous or many constituents.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xiin, being obstinate can only go so far. Any faction or group in Somalia today who wants to waste their time fighting the political resurgence of the Somali state whose state mechanisms is represented by this current government is willfully hurting the national political viability of their communities for some time to come. Go fight a losing battle; I will tell you know the world will work even harder to prop up Villa Somalia in the near future.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this