Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo Khudbad Afka Ingiriiska ku baxeysay ka jeediyay Jaamacado ku ya

Recommended Posts

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo socdaal ku maraya qaar ka tirsan Gobolada Mareykanka Atlanta ee Georgia, West Virginia iyo North Carolinam ayaa khudbado ka jeediyay jaamacado, kaasoo ku baxeysay luqada Ingiriiska.

 

isagoo sidoo kale kulamo la qaatay masuuliyiin ay ku jiraan qaar horay xilal uga soo qabtay dalka Mareykanka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka uu tagay

 

Sheekh Shariif ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Ambassador Charles R. Stith oo ah madaxa machadka African Presidential Center ee jaamacada Boston, William Twayigize oo ah President-in-Residence Attache oo ka mid ah shaqaalaha jaamacad Boston iyo Cumar Shariif oo ah kaaliyihiisa.

 

 

 

Khudbaddiisii ugu horeysay ayuu mudane Shariif Sheekh Axmed ka jeediyay jaamacada Morehouse Collage oo ku taalo magaalada Atlanta, Georgia, Khudbadda oo afka Ingiriiska uu ku jeediyay cinwaankeeduna ahaa Soomaaliya iyo mustaqbalkeeda (Somalia and it’s future) wuxuu uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dalka Somaliya. Jaamacda taariikhiga ah ee Morehouse Collage ayaa lagu xasuustaa halgamaagii waynaa ee arimaha xuuqda insaanka gaar ahaan dadka madowgaa Mareykanka Martin Luther King.

 

 

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta jaamcadda iyo madax hore oo ka tirsaneyd dowalda Mareekanka oo uu ka mid yahay Ambassador Andrew Young oo ahaa danijrihii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Mareykan xilligii madaxwayine Jimmy Carter, sidoo kale wuxuu ahaa duqa magaalada Atlanta 1982-1990.

 

 

 

Sidoo kale madaxwaynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbed ka jeediyay jaamacadda Elizabeth City State University(ECSU) oo ku taalla gobolka North Carolina, taas oo uu uga hadlay waxbrashada Afrika gaar ahaan waxbrashada Soomaliya, iyadoo jaamacaddu ay guddoonsiisay haddiyado kuna amaantay marxaladdii adkeyd ee uu kasoo saaray Soomaaliya, isla markaana ku guuleystay in uu dalkiisa ka saaro ku-meel gaarkii muddada dheer uu ku jiray iyo doorashadii dimoqoraadiga ahayd ee dalka Soomaaliya ka dhacday sanadkii hore.

 

 

 

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Boston iyo Atlanta, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tusaale u noqday dimoqoraadiyadda qaaradda Afrika kaddib markii uu xilka degay sanadkii hore markii looga adkaaday doorashadii ka dhacday dalka Soomaaliya.

 

 

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa bishii Janaayo ee sanadkan tagay dalka Mareykanka, isagoo jaamacadda Boston ka bilaabay kororsi waxbarasho, sidoo kale wuxuu cilmi-baaris ku sameynayaa arrimaha Ammaanka, Waxbarashada iyo dimoqoraadiyadda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DSC02421.jpg

 

DSC02480.jpg

 

Sh Shariif Paying respect to the Martin Luther King

 

DSC02544.jpg

 

 

DSC02842.jpg A simple humble man

 

 

DSC02619.jpg

 

 

 

DSC02602.jpg Dua time , even in crowd of none believers he prays for them

DSC02592.jpg Informing the African Americans about the mother land

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Nice pictures. He's definitely made mistakes, but I believe the things he got right outweighs them. Good luck to him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

Errrr that was painful, I couldn't bare to watch after he said 'in Agooos 1912..." ..

 

Good thing he started practicing at that all male black institution of morehouse first. With more language courses and practice, who knows he will be the one sought after for speaking engagement by those elite schools as an ex-Islamic extremist who became secular president, l see a book deal soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

It takes a man and cannon balls to do what Shariifka has done, put his newly acquired language to use in a public venue as that of Morehouse. Kudos to him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this