Sign in to follow this  
xiinfaniin

UN: Puntland More Populous Than Somaliland---Somaliland Snaps @ UN

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland oo Hakisay Tirakoobkii Shacabka ku Nool Somaliland & Shuruud lagu xiray sii socoshadiisa

 

Khamiis, Abriil 11, 2013 (HOL) — Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Somaliland, Dr:Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay hakiyeen sahamin tiradda dadka lagu ogaanayey oo ay samaynaysay Hay’ada qaramada midoobay uqaabilsan tirokoobka dadka ka dib markii ay hay’adaasi soo saartay in dadka ku nool Puntland ay ka badan yihiin Somaliland. :D

 

Wasiirku ayaa sheegay in somaliland la tirinayey guryaha, halka Puntland la tirinayey qoyskaasi, taasna uu faraq ka soo baxay, isla markaana hay’addii hawsha wadan ka ogolaatay in dib loo eeggo xogtaasi inta aan wejiga labaaad loo gudbin.

 

“Waxaanu hay’adaha ka codsanay inay naga caawiyaan xaga xogta, waxaana hay’adda UNFPA oo ka mid ah hay’adaha Qaramadda midoobay u qaabilsan tiradda dadka, ayaanu ka helnay balanqaad inay naga caawiyaan sidii dadkeena tiradiisa u ogaan lahayn”ayuu yidhi wasiirku isagoo ka hadlaya qaabka ay hawshan ku bilaabantay.

 

“Wuxuu ahaa sahan laga mala awaalayo tiradda dadka, waxaanay ka hawlgaliyeen Somaliland, Putland iyo Soomaaliya, waxaanay ahaayeen saddex kooxood oo loo tobabaray sahamintaasi, qaybtii Somaliland ka hawlgashay waxay bilaabeen xog ku saabsan guryaha ay degan yihiin dadku, magaalo walba way maraan, qoladii loo tobabaray Puntland ee wajiga hore halkii guryaha laga ururiyey ayey qoysaskii ururiyeen, waxay noqdeen xog aan la is barbar dhigi karin, qolo waxay tirisay guryaha la degan yahay qolana qoysaska”ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray “ waxa soo baxay xogtaasi tiro sheegaysa dadka ku nool Boosaaso in laga mala awaali karo inay leeg tahay dadka Hargeysa ku nool, ta Kaalkacyana Burco, Garoowena la barbardhigay Boorame, waxaanu soo qaadanay map-ka Google, wayna is waafaqi waayeen xogtii aanu haynay iyo xogtii noo soo baxday, waxaana ka codsanay hubin rasmi ah inta aan la gaadhin wajiga labaad, iyaguna way naga ogolaadeen”

 

Wasiirku isagoo hadalkiisa wada wuxuu yidhi “wejigii labaad ee wax lagu tirinayey lama gaadhin ee waa wejigii hore ee diyaarinta waana hakinay ilaa laba shuruudood buuxiyaan, in qiimeyn madax banaan lagu sameeyo sidii wax loo qaaday, waayo wixi ka soo baxay maaha wax na qanciyey oo aqliga galikarta iyo in jiilaalka dambe la gaadhayo dadka miyiga ku nool la tirin karin, maadaama oo ceelasha jiilaalka ku soo noqonayaan reer Miyiga ”.

 

Si kastaba ha ahaatee, sahaminta ayaa hay’ada Qaramaadda midoobay u qaabilsan tiradda dadka ka waday gabi ahaan dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya, taas oo lagu ogaan karo deegaan walba tiradda dadka ku nool, haseyeeshee natiijaddan hordhaca ah ee la is barbardhigayo ayaa dadweynaha Somaliland ka cadhaysiiyey, kuna eedeeyeen hay’adii xogta ururinaysay inay Somaliland khiyaamaysay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

It appears to me that in Somaliland not only the geography taught in schools was wrong, but also the perception of the population was exaggerated to the point Somaliland officials are now angry with facts compiled by UN :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

:eek: This is a blow of epic proportion.

 

It's minor in the real world but secessionist always painted themselves as the larger more stately. How undignified is this to our brothers :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^LOL

 

It seems those you are fond of calling pirates , were busy procreating in a more productive manner

 

These days, as facts are examined, you are object:ing to everything:D , London Conference, UN population estimate, Turkey, Unity and even the existence of Khatumo

 

Wallee hawl baa idin haysata reer waqooyiyow

 

ps. Mintid and Oodweyne would maturely be the most angry at this news .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Tallaabo;936990 wrote:
I think the UN was read the preposterous maahmaah which says " intii madax madaw iyo Maj clan ayaa is leeg";)

Well we all know that saying is full of crap so it must be that many more Somalis than that live in the region :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Lol@ Ngonge..how else can they convince the rest of the world that they are at cusp of historic Somali tipping point j/k.May God bless your population and May this become the staple of your political gains..

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Xiin,

 

Yes I did. Though I have to admit that I didn't understand what he exactly meant by "qoysaskii" (hence the pirate joke). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^LOL

 

The Minister is saying the UN should stop counting till our nomads (who probably went to Oga'den region for greener grass ) return to Somaliland :D

 

He has also indicted the UN method used to count/estimate population.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

xiinfaniin;937006 wrote:
^^LOL

 

The Minister is saying the UN should stop counting till our nomads (
who probably went to Oga'den region for greener grass
) return to Somaliland
:D

 

He has also indicted the UN method used to count/estimate population.

;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this