Sign in to follow this  
xiinfaniin

UHURU KENYATTA: “Dhaqaale iyo fikir badan ayaan ku bixinnay in Soomaaliya ay noqonto dal deggen, kam

Recommended Posts

UHURU KENYATTA: “Dhaqaale iyo fikir badan ayaan ku bixinnay in Soomaaliya ay noqonto dal deggen, kamana daalayno”

 

 

Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyata oo ka hadalyay xafladda dhaarintiisa ayaa sheegay inay rabaan in mustaqbalka dhow ay arkaan Soomaaliya oo nabad ah, isagoo sheegy in nabadda Kenya iyo tan Bariga Afrika ay ku xiran tahay deggenaasho ka dhasha Soomaaliya.

 

Kenyatta ayaa intaas ku daray in ciidanka Kenya ay u galeen Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxaha argagaxisada ah iyo burcad-badeedda oo uu sheegay inay caqabad ku noqdeen nabadda iyo horumarka gobolka ayna si gaar ah saameyn ugu yeesheen Kenya.

 

“Labaatankii sano ee lasoo dhaafay Kenya waxay dhaqale badan iyo fikir ku bixisay sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd dal deggen, oo kala dambeyn ay ka jirto,” ayuu yiri Kenyatta oo sheegay in dadaalkooda uusan joogsan doonin inta ya ka arkayaan Soomaaliya oo nabad ah.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaalka lagula jiro argagaxisad iyo burcad-badeedda uu udub dhexaad u yahay sidii Kenya ay ku gaari lahayd nabad iyo horumar dhinaca siyaasadda ah.

 

“Waxaan ballan-qaadayaa inaan bulshada caalamka kala shaqeyn doonno sidii loo xoojin lahaa taageerada ururka IGAD iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya ay dan weyn ugu jirto dhammaan caalamka.

 

Kenya ayaa waxay dhammaadkii sannadkii 2011 si iskeed ah ugu soo dirtay Soomaaliya kumannaan askarteeda, iyadoo sheegay inay la dagaalamayso Al-shabaab oo ay ku eedeysay inay falal ammaan-darro ka fulisay gudaha dalka Kenya, kuwaasoo ay ku jiraan dilal iyo afduubyo shaqaale ka tirsanaa hay’ado samafal oo caalami ah.

 

Ciidamada Kenya ayaa waxay sannadkii hore ku biireen howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna ku sugan yihiin haatan deegaanno ka tirsan Koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Uhuru Kenyatta ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxnimo ee dalka Kenya kaddib markii uu doorashadii madaxnimo ee dalkaas oo dhacday bishii hore uu kaga guuleystay ninkii ay tartanka adag ku jireen Raila Odinga oo diiday inuu maanta kasoo qaybgalo xafladda dhaarinta iyo caleemo-saarka Uhuru iyo ku xigeenkiisa William Rutu.

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa madaxdii Afrika ee ka qaybgalay caleemo-saarka, iyadoo Kenyatta uu noqonayo madaxweynihii afaraad oo loo dhaariyo xilka madaxweynenimo ee dalka Kenya 50-kii sano ee dalkaas uu xorta yahay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi(RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee wadanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in nabadda dalkiisa Kenya ay ku xiran tahay nabad iyo xasilooni ka hanaqaada dalka deriska ee Soomaaliya madaxweyne Uhuru Kenyatta oo khudbad dheer ka jeedinayey munaasabada caleema saarkiisa ayaa *****lka ka qaaday in dowladiisu ay ahmiyad weyn siin doonto nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.

 

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidankiisa ku sugan gudaha Soomaaliya ay sii wadi doonaan hawlgalkii ay u yimaadeen oo uu ku sheegay iney ahayd la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo Burcad badeeda oo saameyn ku yeesha wadankiisa sida uu tilmaamay.

 

Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu wadamada urur goboleedka IGAD iyo guud ahaan beesha caalamka ka gacan siin doono dadaalada lagu doonayo in dib loogu soo celoyo nabadii iyo xasiloonidii dalka Soomaaliya isagoona tilmaamay inuu si dhow ula shaqayn doono cid walba oo ku hawlan xal u helida arimaha dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Kenya sheegay in dowladiisu ay udub dhexaad u tahay dadaalada lagu doonayo sidii dib loogu soo celin lahaa sharcigii iyo kala danbeyntii wuxuuna hoosta ka xariiqay in horu mar iyo barwaaqo ka dhalata dalka Soomaaliya ay dan u tahay guud ahaan wadamada caalamka sidaa darteedne ay waajib tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo nabadeyn lahaa Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Oodweyne , you are still at it :D, are you not?

 

Jubbaland is a federal state , there will be elections, there will be a parliament and there will be economic activity as peace diffident is harvested . And you still entertain that it gets rolled back out of clannish sensibilities :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Alas, if you only waited to see the eventual outcome as it is being played out, one would have given you the benefit of doubt. But your active campaigning and voluntary offering of political consulting suggests other wise :D, namely that you have a lingering fear of the emerging state

Share this post


Link to post
Share on other sites

One thing is true, the west and America cannot afford to lose Kenya, specially when China is just lurking behind the curtain willing to grab any opportunity. Western diplomats and leaders will in the end swallow their bride and forget all about Uhuru Kenyatta and his vice president's crimes or Hague's bulshit as if nothing ever happened.

 

Kenya is too big and far too important for them to dwell on such issue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If Kenya is undertaking a $5 billion project on Lamu port a short distance from Kismayu, what would be the significance of Kismayu port for Jubbaland and Somalia at large.?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed Lamu port will be the largest Port in East Africa Ethiopia is investing in that port to and so is south Sudan

No port in east africa can compete with Lamu when it finishes

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this