Sign in to follow this  
Yunis

War dag dag ah: Xildhibaano ka dagay Magaalada Kismaayo Saacadihii la soo dhaafay

Recommended Posts

Yunis   

Waxaa Daqiiqado ka hor Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose garay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia.

 

Imanshaha Xildhibaanada ayaa waaxaa Kismaayo24.com u xaqiijiyay Xildhibaan Cabdilahi Yusuf Cali Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Jubboyinka isla markana ka mid ah Xildhibanada manta soo garay magaalada Kismaayo.

 

Xildhibaanada Waxaa garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweyay Gudomiyaha Maamulka KMG ah ee Kismaayo Axmed Madoobe Gudomiyaha Saxiixeyaasha Jubbaland Sh Maxamed Aw-libaax iyo Masuliyin kale oo ka tirsan Gudiga Farsamada Jubbaland.

 

Kadib Marki Xildhibaanadaasi ay si nabad ah ku tageen Goobti logu talagalay ayaa waxaa dib hawada ugu soo labtay Isgarsiinta Magaalada Kismaayo.

 

Xildhibanada aan magacyadooda helnay ee soo garay Kismaayo waaxaa ka mid ah

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan

 

Xildhibaan Cabdirshiid Xidig

 

Xildhibaan Cabdilahi Yusuf Cali Nuur

 

Xildhibaan Shuuriye

 

Xildhibaan Xildhibaan Nuur Maxamed Farax ( Nuur Badiyow)

Xubnaha kala ayaan wali Magacyadooda ku raad jognaa waxana soo gudbindoona marki aanu helno insha alah

 

Source: Kismaayo24.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waaw, at least Hiiraan Online are coming out clean now and these days, the saw the reality and saw this is no short of Tahriir Square that changed the policy of the white house towards Egypt.

 

The demand of the people cannot be stopped.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^LOL@Tahriir Square

 

I recognized Abdiwahaab Ugaas and Jurile

 

I don't see Xigid. Anyone know the names of these MPs. 44 is more than I expected really

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arbaco, 03 April, 2013 (HOL) :- Ku dhawaad ilaa 44 Xildhibaan oo ka tirsan golaha baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo iyadoona ay halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.

 

Xildhibaanada oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, waxaana ujeedka imaatinkooda uu ahaa taageeridda shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee ka socdo Kismaayo iyo weliba xallinta kala aragti duwanaanta u dhexeeysa dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.

 

Xubnihii soo dhaweeyay wafdiga xildhibaanada ah ayaa waxaa ka mid ahaa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliay Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana sidoo kale garoonka ku sugnaa si ay wafdiga usoo dhaweeyaan odoyaal, dhalinyaro iyo haween, iyadoona ay xusid mudantahay in qaar ka tirsan haweenka reer Kismaayo ay garoonka kusoo bandhigeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yihiin gobollada Jubooyinka.

 

Wafdiga ayaa kulan gaaban gudaha garoonka kula qaatay masuuliyiinta maamulka Kismaayo, waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo Sheekh Axmed Madoobe oo isagu xildhibaanada kusoo dhaweeyay magaalada, wuxuuna sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xildhibaanada Soomaaliyeed ay maanta indhahooda ku arkaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Jubooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan C/risaaq Cismaan Juriile oo hogaaminayay wafdiga ayaa ka warbixiyay ujeedada safarkooda, wuxuuna sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee ay u yimaadeen ay tahay in la taageero rabitaanka shacabka ku dhaqan Jubooyinka iyo weliba in ay xalliyaan kala aragti duwanaanta u dhexeeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Kismaayo.

 

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay uga warbixisay shirarkii ay magaalada Kismaayo kula yeesheen masuuliyiinta maamulka ka dhisan halkani, wuxuuna sheegay in ay sidoo kale dhageeysan doonaan madaxda maamulka Kismaayo ka dibna ay u ambaqaadi doonaan sidii loo sixi lahaa wixii khilaaf ah ee jira.

 

Sidoo kale waxaa garoonka iyana ka hadlay xildhibaano kala duwan, kuwaasoo dhamaantoodba ka sinnaa taageeerada ay u hayaan maamulka la doonayo in loo yagleelo gobollada Jubooyinka.

 

Xildhibaanada ayaa ugu danbeyn loo gelbiyay xarunta Jaamacadda Kismaayo halkaasoo uu ka soconayo shirka maamul u sameynta Jubooyinka, waxayna halkaasilagu gudoonsiiyay axdiga KMG ee la doonayo in lagu maamulo dowlad goboleedka Jubbaland, kaasoo ergada shirka ay ansixisay maalinimadii shalay.

 

Imaatinkan 44-tan xildhibaan ee ka tiran dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmeeysa iyadoo maalinimada berito ah sidoo kale la filayo in ay magaalada Kismaayo soo gaaraan xubno kale oo ka tirsan golaha baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Same Mps that voted for abdiwali gass qabil sub sub clan gather , just like Pm suggested turn the Kismayo conference into clan reconciliation not bad

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^You see , one understands your frustration with Kismayo, though one is not sure whether you appreciate your poor judgement. You need to accept facts as they are. This conference is constitutionally anchored, organized and well funded, that perception of clan bias or other nonsensical arguments advanced by its opponents have no chance of stopping it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG:— Kismaayo oo wafuud kusoo qulqulayaan iyo Xafladii oo berri laga dhigay

 

Waxaa saaka Kismaayo soo gaaray wafdi Xildhibaano ah oo kontomeeya ah kuwasoo ka yimid Muqdisho, waxa iyana yimid wafuud isugu jira ganacsato iyo waxgarad ka yimid Nairobi, beri waxaa iyana imaanaya Wafdi balaaran oo ka socda beesha caalamka iyo ugu yaraan Wafdi ay hogaaminayaan laba wasiir oo ka imaanaya Puntland, dhamaan waxay u imaanayaan ama u yimaadeen Xaflad balaaran oo ka dhacaysa magaalada Kismaayo tasoo lagu soo dhaweynayo ama lagu daahfurayo Dowlada cusub ee Jubaland oo kusoo biirtey Maamulada ka jira soomaaliya.

 

Shalay ayaa lagu guuleystey in sharciyan loo sameeyo dhidibadana loogu taago Dowlada Jubaland ee Soomaaliya, Berina waxaa dhacaya Xaflad balaaran, Xaflada ayaa qorshuhu maanta ahaa in la qabto balse sidii la qorsheynayay Xafladu way ka waynaatey waxaana soo codsadey inay kasoo qaybgalaan Wafuud aad u badan taasaana keentey in Berri oo khamiisa laga dhigo.

 

Waxaa hadda la sugayaa iney beri subixii yimaadaan Wafdi balaaran oo Puntland ka imaanaya iyo Beesha Caalamka oo iyana ka imaanaya Nairobi.

 

Garowe waxaa hada ka socda qabanqaabada Wafuuda aadeysa beri magaalada Kismaayo, walina lama shaacin Masuuliyiinta baxaya waxaase nagu maqaalo ah in laba wasiir ay hogaaminayaan wafdiga Puntland.

 

faahfaahinta warkaan dhowaan naga filo

Share this post


Link to post
Share on other sites

sxb somali nation will not fall for Puntlanders shady agenda we know who you niggas are whether in the Parliament or not dawldiid elements and clan agenda tricks are over.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

In my school days when we saw someone with loose scruples and naughty personality we used to say 'khad buu cabay', which later became 'faraxal buu cabay'. This might be case with this gentleman.

 

malistar2012;933942 wrote:
sxb somali nation will not fall for Puntlanders shady agenda we know who you niggas are whether in the Parliament or not dawldiid elements and clan agenda tricks are over.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this