Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President Xassan sheikh, Gangs broke into my Villa Somalia weapon storage

Recommended Posts

Xaalad jahwareer oo ka taagan Villa Somalia iyo Sarkaal sare oo la xiray

 

Published on March 17, 2013

 

Waxaa ay xaalad cakiran ka taagan tahay

Madaxtooyada Soomaaliya iyo Nawaaxigeeda,

ka dib markii Habeenkii Jimcaha Keydka

Hubka ee Madaxtooyada lagala Baxay hub aan

cadadiisa la sheegin.

Saraakiil ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada

ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen in

Keydka Hubka lagala baxo Hub fara badan oo

isugu jira rasaasta ka dhacda Hoobiyaha, kuwa

AK47 iyo Qoryo fudud, iyadoona aan la ogeyn

cida loo gacan geliyay.

Madaxda sare ee Dowlada Soomaaliya ayaa caro xoogan ka muujiyay Arrintaan iyadoona

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saqdii dhexe ee Habeenka Jimcaha

Booqday Xarunta Keydka Hubka uu Amar ku bixiyay in la xero cid kasta oo ku lug yeelata

Arrinta la bixitaanka Hubka.

illaa iyo hada sida la og yahay waxaa la xeray 1 sarkaal oo ka mid ah Madaxda Ilaalada

Madaxtooyada, kaasi oo la sheegay in uu ku lug yeeshay fududeynta in Hub lagala baxo Keydka

Hubka Madaxtooyada.

Waxaa weli socota Baaritaan ku aadan Saraakiisha ku lugta leh Arrintaan, iyo Cida loo gacan

geliyay Hubka, wallow wararka qaar ay sheegayaan in Hubkaan uu ahaa mid laga iibiyay

ganacsato ka macaashta Hubka.

ilo Madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan in aysan aheyn Markii ugu horeesay oo Hub lagala

baxo Keydka Hubka ee Dowlada Soomaaliya, balse xilligaan ay tahay Markii ugu horeesay oo ay

dowlada ka war hesho in Hub lagala baxay Keydka.

Talaabadaan hubka lagala baxay Keydka Hubka ee Madaxtooyada ayaa waxa ay kusoo

beegmeysa xilli dhawaan Cuna qabateynta Hubka muddo 1 sano ah laga qaaday dalka

Soomaaliya, iyadoona xilligii la qaadayay Cuna qabateynta Hubka digniino laga bixinayay in

hubka gala Soomaaliya uusan u gacan gelin gacmo ka madax banaan Dowlada.

Ma jirto War kasoo baxay Dhinaca Dowlada iyadoona Madaxda sare ee Dowlada iyo Saraakiisha

Ciidan ay taxadir ka muujinayaan in Warkaan uu shaaca, bacdamaa Dowlada ay xilligaan ku

fooraarto Indhaha Caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub si qarsoodi leh loogala baxay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia

Posted by Galkacal on March 16 2013 20:10:41

Waxaa si xatooyo leh hub loogala baxay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo loo dhacay keydka hubka ee Dowladda Somaliya, oo yaala Villa Somalia.

Extended News

Waxaa si xatooyo leh hub loogala baxay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo loo dhacay keydka hubka ee Dowladda Somaliya, oo yaala Villa Somalia.

 

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa waxay fududeeyeen in habeenimadii xalay hub lagala baxo Madaxtooyada Somaliya, oo la wada ogsoon yahay in ammaankeedu uu adag yahay.

 

Saraakiishaan ayaa waxaa la soo warinayaa inay hubkaan si xatooyo leh u amreyn in loogala baxo Villa Somalia, waxaana la tuhunsan yahay in Saraakiishaan ay dhamaantood yihiin Ilaalada Madaxtooyada.

 

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo dhacdadani ka muujiyay caro xoog leh, ayaa waxay amreyn in baaritaano deg deg ah arintani lagu sameeyo, lana soo xiro shakhsi walbaa oo lagu tuhmo.

 

Ilaa iyo hada waxaa la soo qabtay oo xiran Sarkaal magaciisa lagu soo koobay C/Fataax, kaasoo si dhaw loola xiriirnaayo in uu qeyb ka ahaa, in hubkaan xalay lagala baxo Madaxtooyada Somaliya.

 

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, oo si kulul caro uga muujiyay markii dhacdadani lagu soo wargeliyay, ayaa wuxuu maanta uu kormeeray goobaha ay yeelaan keydka hubka ee Madaxtooyada.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la filayaa in uu Saraakiil cusub uu u soo magacaabi doono Madaxtooyada, isagoo markaasi jawaab uga dhigaaya hubkii xalay lagala baxay.

 

Ma cadda halka hubkaan lala aaday, sidoo kalana waxba lagama oga in loo gacan gelinaayo Ururka Al Shabaab iyo in kale, balse Al Shabaab ayaa waxay horey u shaacisay inay ka faa’iideysan doonto, hub kastaa oo la siiyo Dowladda.

 

Si kastaba ha ahaatee dhacdadaan ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli dhawaan Golaha Ammaanka uu xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya uu ka qaaday muddo sanad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg deg: Bakhaaradii kaydka Hubka ahaa ee Ville Somalia oo Xalay larartay iyo Tuhun ku saabsan in Shabab laga Gatay.

 

joore

Mar 16|18:24

War Deg deg ah oo Goor dhowayd aanu kahelay Magaalada Muqdisho ayaa Xaqiijinaya in Gabi ahaan Bakhaaradii Hubka ee Xarunta Madaxtooyada kuyaalay Saqbadhkii Xalay laga rartay wixii Hub ahaa ee ku Kaydsanaa.

 

Bakhaarada Kaydka Hubka ayaa Gabi ahaanba kuyaalay Xarunta Madaxtooyada mana Jirin meelo kale oo Ciidamada Dawlada Hub u Yaalay, Hubkan Habeenkii Xalay ahaa larartay ayaan la Ogayn meel loorartay, waxaana Jira warar sheegaya in Hubkaasi Gabi ahaanba Kooxda Shabab lagu wareejiyay oo laga Gatay.

 

Sargaal katirsan Ciidankii ilaalada ka ahaa Kaydkii Hubka ee ugu badnaa kunayaalay Ville Somalia, oo ay waraysi layeesheen Ciidamada Nabad Sugida ee Muqdisho ayaa lasheegay inuu Iftiimiyay in Hubkan lagu raray loogana saaray Bakhaaradii uu ku Kaydsanaa Amar ugayimid Xarunta Madaxtooyada, ayna ku Lug lahaayeen Saraakiil Caana oo katirsan Madaxtooyada.

 

Dhinaca kale waxaa Jira buuq aad u wayn iyo Sas Xoogle oo kataagan Xarunta Madaxtooyada kana dhashay Hubka Xalay larartay kaasi oo Su'aalo badan kadhasheen Madaxwayne Gurguurte iyo Saraakiil ka socota Ciidamada AMISOM ayaa lasheegay inay Duhurnimadii Maanta booqdeen Bakhaarada Hubka Xalay laga Gurtay, waxayna Shaki wayn ku abuurtay arintani Ciidamada AMISOM.

 

Lama Oga Halka rasmi ahaan Hubkan loola kacay waxaa se Jira Tuhun dhab ah oo ku aadan in Hubkan laga Gaday Kooxda Xagjirka ah ee Shabab, oo Xidhiidh wanaagsan uu kala dhexeeyo Maamulka Xasan Gurguurte oo isagu hada ku Xisaabtamaya in Hub aad u badan uu uga yimaado Suuqyada Caalamka Maadaamo Cunaqabatayntii laga Qaaday.

 

Warkan oo aanu kahelay ilo wargaleen ah kala soco

Share this post


Link to post
Share on other sites

So the entire military arsenal of Villa Somalia was stolen by an unknown gang and they might had help from the inside, a Military officer close to villa Somalia is now under custody. This is really messed up where were the Amisom shouldn't they guard Villa Somalia 24/7?

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

Oooooh wow.... i am waiting for the next episode to start for another 23 years! Mmmmmm Does anybody knows the actors?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

LIFT THE ARMS EMBARGO, you are ANTI-SOMALIA IF YOU ARE AGAINST IT.. kkkkkkkkkkkkk, but some people NEVER FAIL TO AMAZE man, cajiib!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

Tallaabo;927705 wrote:
^ Subxaanalah. Waar Alle ka cabso oo dadka walaalaheena dib ha u saadin.

Don't mean it in a bad way, just amazed!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fake story , it seems that Somaliland administration its on all out propaganda war. Its too late arms embargo has been lifted and its unlikely weapons will be used against Hargesa. Things should cool down no reasons for Hargesa to panic in a such early stage .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malistar actually i have seen one Somaliland website reporting it but most websites mentioning it are from Somalia, actually arms embargo wasn't partly lifted ,the UN will have a similar session about the Somali ARMS embargo whether to completely lift it or not.

 

Puntlandi.com

Puntlandpost.com

Shacbkamedia

Jubbalandnews

 

And some other websites also mention it

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;927729 wrote:
LIFT THE ARMS EMBARGO, you are ANTI-SOMALIA IF YOU ARE AGAINST IT.. kkkkkkkkkkkkk, but some people NEVER FAIL TO AMAZE man, cajiib!!

loool qoute from snet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this