Sign in to follow this  
Somalia

More Al-Shabaab Sentenced To Death in Puntland

Recommended Posts

Somalia   

Shabab_(1).jpg

 

Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- ayaa maanta xukun ku riddey sadex nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyey in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

 

Eedeysaneyaasha maanta la xukumay oo ay da’doodu ka yartahay 20-sano, islamarkaana maxkamadda horteeda ka qirtay denbiga lagu soo eedeeyey, waxaa dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah.

 

Guddoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna tilmaamay in xukunkani uu yimid kaddib markii la dhegeystey eedeynta xeer ilaalinta iyo qiraalka ay eedeysaneyaashu sameeyeen.

 

“Maxakamaddu markii ay dhegeysatey eedda xafiiska xeer ilaalinta…difaaca qareenka…iyo qiraalka ay eedeysaneyaashu sameeyeen..maxakamaddu waxay ku xukuntay dil toogasho ah” Guddoomiyaha maxkamadda ayaa yiri.

 

Sadexda qof ee maanta ay maxkamaddu dilka ku xukuntay ayaa kala ah:

 

  1. Aadan Maxamed Nuur 19-jir
  2. Cabdirisaaq Axmed Sheekh 18-jir
  3. Cali Maxamuud Cilmi 19-jir

 

Xukunkan ayaa noqonaya kii 3-aad ee noociisa ah, kaas oo muddo todobaad gudihiis ah ay riddo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, iyadoo tirada ilaa iyo hadda dadka dilka lagu xukumayna ay tahay 17-qof.

 

Waa markii ugu horeysey oo ay maxkamaddu muddo kooban tiro intaas le’eg oo dad ah ay dil ku xukunto, arintan oo ay shacabku aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
xabad   

well done Puntland. i think you should borrow a leaf from Saudi Arabia and crucify them for 3 days...should send a strong signal and act as a deterrent.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xabad;924387 wrote:
well done Puntland. i think you should borrow a leaf from Saudi Arabia and crucify them for 3 days...should send a strong signal and act as a deterrent.

Walaahi waa ra'yi wanaagsan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waranle_Warrior;925057 wrote:
Acuudu wuxuba waa 18, 19 jir, qoorta halaga jaro kuwaan fa'iido malahan.

Waa dhalanyaro maskaxda laga dhaqey...Ilaahey ha soo hanuuniyee

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

kuwaas oo
lagu soo eedeeye
y in ay
ka tirsanaayeen
ururka Al-shabaab.

 

 

Arrinkan oo kale in laga fiirsado ayaan qabaa, haddii Al shabaab lagu eedeynayo iney ka tirsanaayeen in the past halaga fiirsado waayo rehabilitation ayaa loo furi karaa iyo hanuun iyo waxbarasho, iyagaa jidka saxda kolkaa garan oo ku soo dhici maadaama ay da'doodu yartahey, balse hadii ay wax dileen(not mentioned in the article), ayagana hala dilo sidii ay qof kale u dileen unbaa iyagana loo dili, but carefull is needed if they were just members of Al shababaab only!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilka-dahable;925706 wrote:
waxaan qabaa hadii aysan wax dil ah gaysan oo ay tahay eedayn ama siku day dill in xabsi iyo dhaqan celin loo sameeyo ilmahaan maskaxda laga xaday

Waa hadal wanaagsan! Ilama ahan in qof baniaadam la dilo haduusan dil geeysanin. Dhalantyardaan wey qirteen ineey dil ku lug lahaayeen weyna ka qeyb qaateen!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Subxanalah, ciyaalkan 18 jirka ah ma wax dil ah ayaa loo heystaa? Mise eedu waa iney al shabaab uun yihiin ayaa lagu diliyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

maskiin...they look like so innoncent kids!! walaaxowla.......,middle finger wants to kill these innocent kids and pride them as alshyteheads since hes losing power these days...!! wat a fing moron.!! I dont understand whats making so wannabe somali clan leaders another dufus idi amin killers.

 

Plz some one post middle fingers cell # so we can call him to stop this bs!! Hes killing kids.!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this