Sign in to follow this  
The Zack

Hal diiddan geed ay ku xoqoto ma weydo!

Recommended Posts

The Zack   

Saacid: Isu aruurinta, Hogaaminta iyo muraaqabaynta. Hadaba aannu faalayno

Gedoweb.com

 

Saacid oo shalay waraysi siiyey idaacadda BBC-da ayaa sheegay in shirka kismaayo ka socda aysan dowladdu aqbalaynin, isagoo sheegay in kaalintii ay dowladdii ku lahayd ay meesha ka maqan yihiin. Kaalintaas oo uu ku soo koobay Sadex Waxyaabood “Hogaamin”, “Muraaqabayn”, iyo “Isu aruurinta dadka”.

 

Hadaba waxaan jeclaystay inaan idinkala munaaqishoodo sadexdaas waxyaabood, mid walbana aan goonidiisa uga hadlo, ka dibna aan wixii talo ah aan halkaan ka siiyo Saacid Shirdoon.

 

Hogaamin

 

Waxaa uu Saacid sheegay in Dowaladda kaalinteedii hogaaminta ahayd ay meesha ka maqan tahay. Dabcan dowladdu waa dowlad Somaaliyeed inay goobta hogaamiyaha deegaankaas lagu dooranayo ay goob joog ka ahaato, waa arin wanaagsan. Laakiin, waxaanu ognahay in intuusan shirkaan bilaabanta dowladda lagu martiqaaday inay ka soo qaybgasho shirkaan, fududayso tasiilaadkii ay shacabkaan u baahnaayeen, maarayso shirkaan wixii ka soo baxana ay goobjoogayaal iyada ka socda ay meesha joogaan. Laakiin sida aanu la wada socono dowladdaan way ka madax taagtay, iyadoo wasiirkeeda arimaha gudaha uu xitaa inkiray in martiqaad loo fidiyey. Walina howlwadeenada shirka Kismaayo ay diyaar u yihiin inay casumaaddii dowladdu ay wali furan tahay. Saas daraadeed, qodobkaas uu Saacid sheegay waa uu inkiray in lagu martiqaaday shirkaan si ay hogaanka dowladdu u lahaato. Saas daraadeed qodobkani mid sax ah maah (clear lie)

 

Muraaqabayn

 

Inkastoonan luqadda carabiga aanan si wanaagsan u garanaynin, hadana waxaan qodobkaan u fahmay in Saacid uu kala jeedo “Wada hadashiin” ama “kor joogid”, “ka warqabid”. Saas daraadeed qodobkani waxaa uu synonymy la yahay kan kore ee “hogaaminta” waana isku mid oo ka warqabiddu waxay la xiriirtaa Hogaaminta. Waxaanan ku soo gunaanadayaa inuusan qodobkani micno badan kordhinayn, meeshana uusanba ku jirin. (clear lie)

 

Isu uruurinta dadka

 

Dadka deegaankan way iska iloobeen waxyaabihii soo maray mudooyinki hore, mana aha dad dowlad dhexe wax ka sugaya iyagaana isku tashaday, isu soo aruuray, rabana inay aayahooda ka tashadaan. Dowaladana waxa kaliya oo ay ka rabaan waxay tahay, inay si xurmad leh uga soo qaybgalaan dadka Soomaaliyeed ee danahooda guntiga dhiisha isaga dhigay. Qodobkaan uu Saacid sheegay waxaan ku sheego anigu koley ma garanayo, laakiin waxaan u arkaa inuu yahay mid war jacayl ku dhisan ama mar-marsiiyo buuxis.

 

Hadaba

 

Saacid marka hore waraysigaasi waa mid ay ka muuqatay bisayl darro siyaasadeed, daacad darro mar-marsiiyo raadis ah iyo hal diidayso geed ay ku rugato ma waydo kind of. Waxaase la yaab leh, diyaar garow xumada ka muuqatay waraysigaas. Haddii qof arin laga waraysto, doodu waa inay macno ku fadhido, waxa uu diidan yahayna uu sababeeyo “supporting statement” uu la yimaado. Dadku waxay la yaaban yihiin xaaladda aad ku sugnayd xilligii waraysiga ‘Your status during that interview”. Ma huruday, maadan diyaar garaysnayn miyaa, mise sidaasaa kaa dhab ah?

 

Talo soo jeedin

 

Ilaahay quraankisa kariimka ah waxaa uu ku yiri “Wa Idaa Ra’aytahum, Tucjibuka ajsaamuhum, Wa in yaquuluu, Tasmac Liqowlihim. Ka annahum Khusbun, musanadah"

 

waidaa.png

 

Yacni ilaahay waxaa uu leeyahay “markaad aragtaan jirkooda iyo haybadda ka muuqata, waa mid ku cajaa’ib galisa. Markayse hadlaan, waa sidii dogob dumay oo kale”. Geedka la yiraahdo dogobka waa geed wayn oo qurux badan, oo dadku harsadaan oo qabow. Markuu qalalo waxaa hoosta ka gala, bulan bulyo iyo halaqyo iyo dabaylo.

 

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Islaan dhali wayday aleelo ku waalatay”. Adiga iyo dowladaduba meel aad maanta wax ka qabataan ma joogtaan , qaranka Soomaaliyeedna dhib baad ku haysaan. Mar-marsiiyo iyo hadalo micno yarna wax badan idiin soo kordhin mayso, insha’allah Jubbland State waa la dhisayaa, taariikhdana baal madow baad adigu shakhsiyan ka gashay, hadaadan maalmaaha soo socd isbadal la’iman. Dadka aad ka soo jeedana, koley way cadahay inaadan waxba u taraynine ee ka gaabso inaad wax u dhinto.

 

Gedoweb.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Nin xaaskaaga raba gabadhaada hoo laguma karo!

 

 

 

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin xaaskaaga raba gabadhaadaa laguma karo, nin meeli ucadahay meeli umadoow,hal diidan geed ay ku xoqoto ma weydo iyo qaar kale badan oo la macana ah.Dowlada Federaalka ee Somalia waxay ka dhaamn la’dahay yaan la degdegin,IGAD baa faragelin nagu haysa, shuruucdii Federaalku nooma sameysna iyo qaar kale oo badan.Madaxweynaha Somalia iyo kooxda siyaasada oodwadaaga kula ah dagaal adag oo aan qarsoonayn kula jiraan kulana jiridoonaan in maamul goboleed ka dhasho gobolada Jubooyinka sababtoo ah waxay u arkaan arin khatar ku ah maslaxda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee Muqdisho.

 

Waa su’aale akhristoow wali ma isweydiisay wax isku fikirka ka dhigay madaxweynaha Somalia, oday dhaqameedyada Beeshiisa,qurbajoogta iyo dadyoowga kale ee la oodwadaaga la ah Muqdisho.

 

Ma aha in dhamaan dadkaas aan kor ku xusay ay dan soomaaliyeed u diidan yihiin maamul goboleed ka dhasha Jubooyinka bal waxaa u muuqata in maamul goboleed halkaas ka dhasha uu khatar kuyahay maslaxadooda gaar ahaaneed ka deegaan ahaan.

 

Taariikhda dib ujaleec barnaamijkan waxaa horay ula soo dagaalamay Sheekh Shariif oo dacwo ka dhan ah barnaamijka Jubbaland gaadhsiiyay Madaxda dalalka Africa, markii uu xilka ka degayna wuxuu ku wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud oo barnaamijkan ka dhigtay qorshaha ugu muhiimsan ee ah in dowladiisu wax ka qabato(National issue number 1), wuxuu sidii Sheekh Shariif kula galgashay meelo badan oo caalamka kamida isagoo barnaamijka ka bixiyay sawiro kala gedisan.Xasan Sheekh wali ma aysan u suurta gelin in siyaasiyan u kala tuuro barnaamijka Jubbaland, balse waxaa muuqata inuu yahay nin dhiiran oo kutala jira waxkastoo ay ku qaadataba in ishortaago maamul goboleed halkaa ka dhasho, hadii uu ishortaagi waayana uu calaa aqal isagu keensado dadkii maamul goboleedkaas madaxda ka noqon lahaa.Arintaas wada kasta oo suurtagal u ah ayuu umari doonaa

 

‘‘War la helaa talo la helaa’’,mar hadii arintu sidaas tahay oo mowqifka Xasan Sheekh la ogyahay waa doqonimo iyo ilduuf siyaasadeed in Muqdisho weedh san laga sugo!

 

Marka maxaa siyaasiyiinta iyo shacabka Jubbalan la gudboon?

 

Taariikhda waa in wax laga bartaa, wali ma aysan dhicin wax soomaali raali iskaga tahay bal ufiirso sida Puntland iyo Somaaliland ku dhismeen soomaalida kale oo aan raali ka ahayn ayay dhismeen maantana waad ujeedaan heerka ay marayaan.

 

Mar hadii ay sidaas tahay yaan wakhtiga la isag dhuminin in la sugo ama la helo raali ahaanshada soomaalida oo dhan iyo khaasatan ree Muqdisho.Waa in howsha socota si qurux badan loo dhameystiraa oo cidna dhag jalaq loo siinin.Hadalada qaabka daran ee kasoo yeedhaya madaxda Dowlada waa inaysan niyad jab keenin loona arkaa kuwo hal jiho oo mucayin ah kasoo baxaya.Markii aan dhageystay hadalkii Ra”isulwasaaraha waxaa ii soo baxday odhaahdii Prof. Cali Khaliif Galaydh ee ahayd waxaan doonaynaa Ra’iisulwasaare iyo madaxweyne ee ma doonayno nin iyo hadhkiis

 

Waa in rabitaanka shacabka la meelmariyaa m’uuda Muqdishana aan loo meel dayin.

 

Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

This sock-puppet of a prime minister is no representative of the Gedo folks, and HAG's feeble attempt to use him to further their anti-federalist agenda is rather sad. I suggest they head back to the drawing boards, and work up a different strategy to derail the Jubaland Express. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

The Jubaland Express train departed, and I do not think it will be derailed by HAG or its puppet Saacid no matter how hard they pull the strings from behind.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^True daat to both comments..

 

He is a closet PM and is only used when needed LOL. Hassan had no balls to say no to Jubbaland, he knows the consequences. He learned from his past when he said "Jubbaland maamul baan u dhisayaa Beledweyna iyadaa dhisan". Now, he is avoiding that so he used the closet PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He's a feeble useless PM who only shot himself in the foot. A man without a backbone and yet angers his constituency instead of strengthening it to remain relevant in Somali politics. I guess, after he's used he will be thrown out like an overused and abused Kastuumo.

 

Oh also the HAG president's attempt will end in utter failure just like his predecessor A. Qasim, the Jubbaland project will not be dented let alone staled.

Share this post


Link to post
Share on other sites

My dear friends Pm is not against forming jubbaland , the FG wants key role on forming all states . To make sure no clans are side liNed. Kenya will not be allowed to form buffer zone.Somali government will guarantee Kenyan security and and border issue.Pm is a wise and strong man , rer gedo also rejected this conference. Soon inshallah a state will be formed with all the clan participating equally.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Prime Minister does he have the support of the entire gedo people?

We know the entire HAG supports Hassan sheikh

From abwaan folks to down south to all the smaller once.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xajji Xunuf Stop the none senses , This energetic Administration will raise Somalia back on her feet. A strong FG can only be achievable when all clans are seen equal and without foreign hands. Soon Somaliland will be question.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ i hope it for you , how can you talk about foreigners when Hassan Culusow him self is guarded by Ugandans if we have to believe you're way of reasoning than the federal goverment cannot be effective as long as there foreigners in Somalia.

Remember there are

Ethiopians in Somalia

Kenyans

Ugandans

Burundians

Djiboutians

Share this post


Link to post
Share on other sites

Those countries you mentioned are hear fight global terrorist.Sh.madow ismilitary commander plus a candidate therefore cannot form fair administration kismayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this