Sign in to follow this  
xiinfaniin

Day 1 of Jubbaland Conference

Recommended Posts

Abwaan   

Dowladda Kenya oo lagu eedeeyay in ay faraha kula jirto arinta maamul u sameynta Jubooyinka (Sawiro)

 

Print here| By: allgedo.com: Thursday, February 28, 2013 // 1 Jawaab

 

 

Muqdisho, Somalia (AOL) – Odoyaal, Waxgarad iyo aqoonyahanno kasoo jeeda gobollada Jubooyinka ayaa maanta si kulul u cambaareeyay dowladda Kenya oo ay ku eedeeyeen in ay faraha kula jirto arinta maamul u sameynta Gobollada Jubooyinka.

 

 

 

Shir ballaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho islamarkaasina ay kasoo qeybgaleen qaar katirsan beelaha dega gobollada Jubooyinka ayaa lagu cambaareeyay dowladda Kenya, iyadoona lagu eedeeyay in ay wado qorshe la isaga horkeenayo beelaha dega gobollada Jubooyinka.

 

Xildhibaanno, odoyaal iyo waxgarad hadallo kala duwan ka jeediyay goobta ayaa dhamaantooda si isku mid ah u sheegay in ay kasoo horjeedaan shirka maamul u sameynta Jubooyinka eek a socda magaalada Kismaayo, kaasoo ay sheegeen in aan loo dhameyn islamarkaasina uu yahay mid lagu degdegayo.

 

“Waxaan si kulul u cambaareeynayaa dowladda Kenya oo iyadu masuul ka ah isku dhaca beelaha wada dega Jubooyinka, waxaana sidoo kale doonayaa inaan halkan ka cadeeyo in shirka la leeyahay maamul ayaa loogu sameynayaa Jubooyinka in aan loo dhameyn oo ay jiraan beelo badan oo degan qeybo katirsan gobollada Jubooyinka oo waxgaradkoodii aan lagu casuumin shirka kuna jira gacanta cadowga ee Al-shabaab,” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Baajuun.

 

“Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa in ay sida ugu dhaqsaha badan usoo farageliso arinta Jubooyinka, waxaana sidoo kale ugu baaqeynaa beelaha wada dega gobollaadaasi in ay nabad ku wada noolaadaan islamarkaana aan dib loogu noqon dagaalladii sokeeye ee uu dalku kasoo gudbay,” sidaa waxa yiri Siyaasi C/qaadir Xaaji Max’ed oo kamid ahaa xubnihii goobta ka hadlay.

 

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Kismaayo ku shirsanyihiin ergo ka kala socota gobollada Jubooyinka iyo Gedo, kuwaasoo la filayo in dhawaan ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan maamul ay yeeshaan gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

 

 

 

Xasan Nuur, Muqdisho-Somalia.

 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network

allgedo@allgedo.com

 

 

http://www.allgedo.com/2013/02/28/dowladda-kenya-oo-lagu-eedeeyay-in-ay-faraha-kula-jirto-arinta-maamul-u-sameynta-jubooyinka-sawiro/

 

 

 

Afhayeenka Shirka Wada tashiga Garbahaarey oo faahfaahin ka bixiyey Go’aanadii ka soo baxay Shirkaasi (Dhageyso)

 

Print here| By: allgedo.com: Thursday, February 28, 2013 // 12 Jawaabood

 

 

Shir wadatashi ah oo Maalmahan Magaalada Garbahaarey uga soconayey Ergooyin ka badan ilaa 45 ruux oo ka kala Socdey Mas’uuliyiinta Dowlada Gobolka Gedo iyo Xubno ka socdey Ururada Bulshada Rayidka oo gaarayey ilaa 17 xubnood ayaa gebagebadii shirka waxaa ka soo baxay Go’aano ay wada gaareen Xubnahii ka qeyb galey Shirkaasi.

 

Nuur Siyaax Ilix oo ah Afhayeenka Shirka Wadtashiga ah ee Garbahaarey oo shir Jaraa’id ku Qabtey Garbahaarey ayaa sheegay in ay go’aan ku gaareen in aanan laga Qeybgelin Xilagan shika Maanta ka furmay Kismaayo, isagoo sheegayna shirkaasi in uusan Quseyn Gobolka Gedo.

 

Nuur ayaa waxaa uu intaasi ku darey in marka hore la xoreeyo Gobolka Gedo degmooyinka ka maqan iyo weliba deegaanada kale ee Gobolada Jubada hoose iyo Dhexe oo ka maqan gacanta Dowlada, si arimahaasi loo fuliyo waxuu Gudiga ku heshiiyey in Xiligan ayan haboonayn ku mashquulida Maamul u sameynta Jubbooyinka.

 

Halkaan ka dhageyso shir jaraa’id ee uu qabtay afhayeenka shirka wadatashiga Garbahaarey

 

http://www.allgedo.com/audio/afhayeenka_shirka_garbahaarey.mp3

Maxamed Sheekh, Garbahaarey/Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Carafaat;922740 wrote:
What do the 7 stars on the Somali flag represent.
:D

NFD, Gedo, J/Hoose, J/Dhexe, S/Galbeed, P/Land and SSC :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

xiinfaniin;922593 wrote:
Somalia: Jubaland state formation conference underway in Kismayo

28 Feb 28, 2013 - 2:13:06 AM

 

KISMAYO, Somalia Feb 28 2013 (Garowe Online) – The Jubaland state conference is under way in Kismayo on Thursday, officials and dignitaries from all three regions and abroad are in attendance, Garowe Online reports.

 

The Jubaland state conference which was postponed to allow Somali Federal Government (S.F.G.) officials to attend has begun and is underway in the port city of Kismayo.

 

On Wednesday,
Sheikh Mohamud Dauud Odweyne
Spokesman for Ahlu SunnahWal Jama in Gedo and the Jubbas and a member of the technical committee for the Jubaland state process, stated to Somali media that officials from Gedo and the Jubbas were attending the conference.

 

"Residents in the regions have welcomed the conference very much, and delegates from all over are arriving in Kismayo to attend the Jubaland conference," said
Sheikh Odweyne
.

 

Sheikh Odweyne
had been attending meetings in Garbaharey over the past week where there were politicians from that region who were opposed to the community led Jubaland conference and wanted the S.F.G. to play a more direct role in the Jubaland state formation.

 

"We had meetings in Garbaharey and were successful in getting the politicians who were against the [Jubbaland] state formation process to understand and realize the importance of the community led process, and the finally agreed to take part," said Sheikh Odweyne who spoke to Somali media on Wednesday.

 

The spokesman also said that he welcomes any official or politician who is concerned about the Jubaland process to attend the conference.

 

S.F.G. Minister of Interior Abdikarim Hassan Guled after returning from leading a delegation to visit Kismayo on Monday, tweeted that, "All parts must be aware of that no clan or an armed group can have the decision of creating admin to a great town like Kismayo".

 

The SFG ministerial delegation that visited Kismayo on Monday, requested that the state formation conference be held in Mogadishu which was rejected by interim authorities in Kismayo and Jubaland state organizers.

 

The community led Jubaland state formation process has been underway for the past few years and has come under pressure by Somali government officials in Mogadishu, who have opposed the state formation process, despite the legitimacy of state-building under the country's Federal Constitution.

 

GAROWE ONLINE

I didn't know SOL had sent in it's own delegation to represent all members in the Jubballand Conference!. Well done Admin and more so, Well Done our very own Sheikh ODWEYNE for representing us:cool:;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Haatu;922745 wrote:
NFD, Gedo, J/Hoose, J/Dhexe, S/Galbeed, P/Land and SSC
:D

Ka xaaxaabi hadde Carafaatoow intaas baad Haatu ka rabtey. Waxaase su'aal ah adigu buluugiiba tuurtay ee ninkaan Calanka Buluugga badsaday maxaad ka sheegi?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;922765 wrote:
^^LOL

 

Oodweyne is with us on this matter
:D

Waryaada; OOdweyne waxay ka tahay Anoo qaran ah qiiqna isku qarin waan idiin qarnaqayaaye haigu dembaabina.:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waryaa qufaca golaha ka aayar,

 

Waxaan u malaynayaa inaad hadalkii Abwaan aad uga carootay :D wax dhiba kuumuu geysan hadduu ku yiri xijaabka iyo indha shareerka iska dhig oo sida Godane ha dhuudhamane xaaja rag baa meesha taallee ama ragga kala qayb gal, ama indhashareerkaaga iska qab intaad gayaan helayso :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;922785 wrote:
^^Waryaa qufaca golaha ka aayar,

 

Waxaan u malaynayaa inaad hadalkii Abwaan aad uga carootay
:D
wax dhiba kuumuu geysan hadduu ku yiri xijaabka iyo indha shareerka iska dhig oo sida Godane ha dhuudhamane xaaja rag baa meesha taallee ama ragga kala qayb gal, ama indhashareerkaaga iska qab intaad gayaan helayso
:D

:):):) Waar yaa xiin waxaad i xsuusisay odey meel tuulo ah isu haystay in uu ahaa wax garad, wadaad iyo caaqilba; Tuuladuna hal maqaaxi ayay lahayd ; halkaas ayaa raggu isgu iman jiray martiduna kusoo degi jirtay. Odeygu wuxuu ahaa nin faan badan jecelna in laga dambeey; kaftanka iyo murtida hawraarteedana xoogaa kutuurta dadkana si fiican ugu abtiriyaa. isagoo aanay ka maqnayn ka sheekeynta qabiilooyinka iyo colaadaha ay kukala adkaadeen; Odeygu sidiisaba marka uu maqaaxidan soo galo marka hore wuxuu iska eegi jiray cidda meesha ku cusub oo markiiba shaah uu dalbaa sidaasna uga ag dhowaada isagoo baaraya haybta qofkaas;

 

markaa xiinow horta intaanan indho shareerka iska qaadin dee maqaaxidii SOL ayaan jognaaye shaha noo dalab :) ma odeygaa adeerkaya ayaad ka liidataa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this