Sign in to follow this  
Somalia

Execution by firing squad: Sheikh Axmed Xaaji's Killers Sentenced

Recommended Posts

Somalia   

Alshabab_(1).jpg

 

Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun ku ridey dad ku eedeysnaa in ay ka danbeeyeen dilkii Sheekh/Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliya.

 

Eedeysaneyaasha oo ay tiradoodu tahay 12- qof, islamarkaana ay 6 kamid ahi maxkamadda joogeen, waxaa dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo xukunkoodana uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- Cabdifataax Xaaji Aadan.

 

"Maxkamddu markay dhegeysatey doodda xeer ilaalinta iyo difaaca qareemada, maxkamaddu markay akhrisatay caddeymaha laga qoray eedeysaneyaasha, maxkamadda markii la horkeenay caddeymo ay bixiyeen eedeysaneyaasha qaar kamid ah...sidaas darteed maxkamaddu waxay ku xukuntay dil toogasho ah"

 

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa ugu danbeyntii sheegay in eedeysaneyaasha xukunka lagu ridey ay haystaan muddo 30-maalmood ah, si ay racfaan uga qaataan xukunka ku dhacay. Dadka la xukumay oo uu ku jiro hogaamiyaha xarakada Al-shabaab ayaa kala ahaa sidan:

 

  1. Axmed Cabdi Godane - Hoggaamiyaha Al-shabaab
  2. Axmed Maxamed Cali (Mustaf)
  3. Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra)
  4. Maxamed Abshir Cartan
  5. Cabdiraxmaan Maxamed Cali
  6. Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)
  7. Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf
  8. Xasan Jaamac Xasan (Surato)
  9. Cismaan Cabdirisaaq Saacid (Khaalid)
  10. Mowliid Maxamed Aadan (Gaashaan)
  11. Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle)
  12. Cismaan Axmed Qaasim (Ayuub)

Alshabab_(2).jpg

 

Xukunkan ayaa imaanaya 14-bilood kaddib, markii magaalada Boosaaso lagu diley Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dalka, islamarkaana ay saaxibo dhow ahaayeen Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo isagana labo todobaad kahor magaalada Garoowe lagu diley.

 

Waa markii ugu horeysey sanadkan ee maxkamadda ciidamad qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- ay xukunto dad lala xiriirinayo ururka Al-shabaab, haseyeeshee waxay sanadkii hore ee 2012 xukunno kala duwan ku ridey in ka badan 10 qof oo kale.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

xaajidirir@hiiraan.com

Puntland, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

xiinfaniin;922254 wrote:
This has been expected ...it has been delayed many times.

 

Zack, these are the people who
killed
Dr. Ahmed Haaji Abdirahman many months ago.

Xaaskiisana in lagu darey ahayd & Aabihiis. Waa wax lagu qoslo, tolow ma Mareykan bay lacag uga rabaan?.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Maya sxb, Geelle, sxb. Ee Godane baa dil toogasho ah ku xukumeen, markuu eskeriga xukunka ku ridayna wuxuu yiri: 'sida la sheegay' waa joke, waxaan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekha AS baa dishay, Godane waa AS madax ugu sareeya. Mastermind buu ahaa iyo ma aha, meesha maba taalo. Godane waa dambiille ka mas'uul ah dilal iyo falalka AS geesato oo dhan. Maalinta la qabtana, haddii ayba dhacdo, wuxuu mutaysan DIL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

'maalinta la qabto' ku daa!. Ila saadaali bal: Goormaa la qaban doonaa?.

 

6daan oo gabadha xijaaban ku jirto dilkooda ma ka naxsanid miyaa oo amaa gardarro lagu dilayaa isma lihid?, Geel beele!. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey adigu is ilaali , intaad Godane u baqayso :D

 

In la dilo quraankay ku taal. Ma la bedelaa quraanka hadda, mise sheekadii Ibraahim Afghani baad weli u qabtaa inay shaqaynayso

 

Dukkaa ya Jibaali waa dhammaatay awoowe ee is gaabi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this