Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Axmed Siilaanyo appoints new governors

Recommended Posts

Madaxwayne Siilaanyo Oo Caawa Isku Badalay Badhasaabada Gobolada Dalka, Badhasaabkii Soolna Maroodi-jeex Usoo Badaley.

 

Hargeysa (Ramaas) Feb.05, 2013 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa isku badal cajiib ah ku sameeyay badhasaabada gobolada dalka.

 

Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu Badhasaabkii Gobolka Sool u Magaacaabay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, halka badhasaabka Gobolka Maroodi-jeexna loo badalay Togdheer.

 

Maaxwayne Siilaanyo, waxa uu xilka ka qaaday badhasaabkii Gobolka Awdal.

 

War-saxaafadeed uu Caawa soo saaray ayaa u dhignaa sidan:

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1568/022013 uu isku bedel ku sameeyey Badhasaabada Dalka qaar ka mida.

 

MADAXWEYNAHA:

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Garwaaqsaday: In baahi loo qabo in isku-beddel lagu sameeyo Gudoomiyeyaasha Gobollada Dalka si loo horumariyo hanaanka Dawladnimo;

 

Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;

 

Markuu Arkay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

 

 

 

Wuxuu go’aansaday

 

1. In Mudane, Maxamed Maxamuud Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sool)

 

2. In Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. (horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL)

 

3. In Mudane, Maxamed Faarax Aden, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

4. In Mudane, Cabdoo Axmed Aayer, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. ( horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL)

 

5. In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

6. In Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.( horena u ahaa Gudoomiaha Gobolka Oodweyne).

 

7. In Mudane, Jamaal Xuseen Hurre, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hawd)

 

8. In Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

9. In Mudane, Ibraahim Xasan Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saraar)

 

10. In Mudane, Axmed Cali Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomaha Gobolka Gabiley).

 

Xilka Qaadis

 

Madaxweynuhu waxa uu Xilkii Gudoomiye nimo ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Awdal Mudane, Axmed Xadi Sidci oo uu madaxweynuhu uga mahadnaqay mudadii uu xilkan qaranka soo waday haatana uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyahan Cusub.

 

ALLAA MAHAD LEH

Share this post


Link to post
Share on other sites

Some radical changes there the governor of Sool is the new governor of Maroodijeex the former governor of Gabiley is the new governor of saraar, a new governor for awdal the former hawd governor the new governor of oodweyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And an awdalite is the governor of Sanaag

while an Hargaysaawi is the new governor of Togdheer

 

Only reer Saahil kept their governor , Saahil is now like a holy temple where changes are not welcome:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not going to happen Alpha Blondy will organize a demo in Berbera demanding the resignation of the the new governor if that happens:D

 

By the way the new Governor of Awdal is from Togdheer now that is going to be funny. Reer Togdheer and reer Awdal isku af Somali maha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaaji xunjuf;915768 wrote:
not going to happen alpha blondy will organize a demo in berbera demanding the resignation of the the new governor if that happens:d

 

by the way the new governor of awdal is from togdheer now that is going to be funny. Reer togdheer and reer awdal isku af somali maha.

 

this is funny wallee when a burcaawi from burco say ''waar maxamuudow orodoo ninkaa raacoo nootaayadii ina ina muuse dhag-jar, kasoo saxeex war-qada kala goynta labada baloodh ee cadaynta sar-faynka dhulka''

 

reer borama ''huuno ninka muxuu ka hadlayaa? Waar yaa alalh yaqaan oo nooga turjuma :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Caano_Geel;915815 wrote:
this is funny wallee when a burcaawi from burco say ''waar maxamuudow orodoo ninkaa raacoo nootaayadii ina ina muuse dhag-jar, kasoo saxeex war-qada kala goynta labada baloodh ee cadaynta sar-faynka dhulka''

 

reer borama ''huuno ninka muxuu ka hadlayaa? Waar yaa alalh yaqaan oo nooga turjuma
:D

Frankly speaking I have lived in Every part of Somaliland...And at the end of the day the hadal is the same....waa buunbuunin uun waxan la leeyahay dadku waa kala lahjad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Coofle;915822 wrote:
Frankly speaking I have lived in Every part of Somaliland...And at the end of the day the hadal is the same....waa buunbuunin uun waxan la leeyahay dadku waa kala lahjad.

How did you manage to live in every part of SL, saaxib? Ma bisad luntay baad tahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

why not have the people of each region elect their governors? The governors should be accountable to the people and I don't see how this system will work for the benefit of the people, especially the bigger subclans who are made equal to the small ones.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AfricaOwn;915867 wrote:
why not have the people of each region elect their governors? The governors should be accountable to the people and I don't see how this system will work for the benefit of the people, especially the bigger subclans who are made equal to the small ones.

I couldn't agree more. Regional Governors being appointed from Hargeisa is a holdover/leftover from Siyadist days.

 

AfricaOwn, I take exception, though, with your emphasis on bigger subclans. Strong minority rights are the hallmarks of a vibrant, democratic system. It's even more critical in a young state in a conflict-recovery phase like Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this