Sign in to follow this  
Saalax

Faroole:We are copying Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

MADAXWEYNE FAROOLE: "Nidaamka Axsaabta badan Waalalaheen Somaliland ayeynu kaga dayannay"

Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa shalay ka furmay shir-weynaha 1-aad ee urur-siyaasadeedka Horseed. Munaasabaddii shirka lagu furayey oo ahayd mid si weyn loo soo agaamisyey, islamarkaana ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU, waxaa kasoo qayb galay madaxda sare iyo xubnaha ururka.

 

Waxaana kamid ahaa madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole , ku-xigeenkiisa Gen. Cabdisamed, guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi, golaha wasiirrada iyo qaar badan oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka.

 

Madaxweynaha Puntland oo isagu ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday faa’iidada ka dhalan karta nidaamka axsaabta ee looga guurayo hab-maamulkii qabaliga ahaa ee horay hoggaanka Puntland loogu soo dooran jirey.

 

Wuxuuna intaas raaciyey in dowladdu ay ku dhawaaqday hannaaka axsaabta, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay dhabarka u ridato caqabad kasta oo kasoo food saarta, ayna soo dhoweynayso in siyaasadda lagu tartamo.

 

“Nin durbaan tumay ilaaq dalbey, anagaa ku dhawaaqnay in la tartamo Anagaana u yeernay waan soo dhoweyneynaa xisbi kasta oo la furo” madaxweynaha Puntland ayaa yiri.

 

Ugu danbeyntii wuxuu madaxweyne Faroole tilmaamay in nidaamkan ay Puntland ku tallaabsanayso uu yahay mid ay uga dayatay maamulka Somaliland, maadaama ay habboon tahay in waxa fiican laysaga daydo.

 

“Walaalaheena dhinaca galbeedka inaka xiga Somaliland baynu kaga dayaney waaya aragnimada ay ka arkeen, wixii fiican haddii ay cidi samayso waa lagala daydaa, xasad iyo xumaani ma jirto, inaguna wax badan oo laynakaga daydo way jiraan”.

 

Ururka Horseed ayaa ah kii ugu horeeyey ee Puntland looga dhawaaqay, waxaana ku jira in ka badan 200 oo mas'uul oo xilal ka haya xukuumadda xiligan Puntland ka arimisa, kuwaasoo uu qayb ka yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

 

Sannadkii lasoo dhaafay waxaa Puntland looga dhawaaqay ku dhowaad 9 urur-siyaasadeed, waxaase shuruudaha guddiga doorashooyinku ay ku xireen soo buuxiyey 6 urur oo kala ah:Horseed(xisbul xaakimka), Hor-cad (horumar iyo cadaalad) , Midnimo, EDP(ururka dimuqraadiyadda Puntland), Wadajir iyo UDAD(ururka dadka Puntland.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

Puntland, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Waranle_Warrior;914384 wrote:
^No, what did he say?

“Maalmahan waxaa leysla dhexmarayay Mareykan baa dalkii Aqoonsadayoo waxbaa is bedelaya war waxaan leeyahay sidii la doono yaan loo hadlin taana yaan la rumeysan cidna cidkale Hormarkeeda kama hor istaagi karto Dowlada federaalka ee la sheegayo waxaa lagu dhisay Dastuurkii lagu sameeyey Puntland hadaan leys indha tireyna reer Puntland dhulkooda ayaa lagu dhisay Dowlada Soomaaliya iminka ka jirta hadiise leys ogoleysiin karin Soomali weyn Puntland wey tashaneysaa waxbaana inoo Dagsan waana la yaqaanaa, Sidaasina waxaa yiri Madaxweynaha Puntland.

 

http://www.raxanreeb.com/2013/01/puntland-oo-u-digtay-madaxda-sare-ee-dowlada-dhageyso/

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGONGE;914389 wrote:
“Maalmahan waxaa leysla dhexmarayay Mareykan baa dalkii Aqoonsadayoo waxbaa is bedelaya war waxaan leeyahay sidii la doono yaan loo hadlin taana yaan la rumeysan cidna cidkale Hormarkeeda kama hor istaagi karto Dowlada federaalka ee la sheegayo waxaa lagu dhisay Dastuurkii lagu sameeyey Puntland hadaan leys indha tireyna reer Puntland dhulkooda ayaa lagu dhisay Dowlada Soomaaliya iminka ka jirta hadiise leys ogoleysiin karin Soomali weyn Puntland wey tashaneysaa waxbaana inoo Dagsan waana la yaqaanaa, Sidaasina waxaa yiri Madaxweynaha Puntland.

 

 

Is he threatening HAG :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;914398 wrote:
We shall see how it goes and how strong HAG is politically and diplomatically it will be tested
be ready
:D

Loooooooooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Why would we want to copy a project that has failed, we all saw this "election". I think his kids are telling him fantasies, maybe they are fond of their reer abti, I am not impressed Mr Faroole, NOT IMPRESSED.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia but HAG has good friends in the region though they have 17.000 african union forces on their side Diplomatically uncle sam supports their cause and now Hassan is forging new relations with the Europeans. But lets see if they can manage it politically and economically that's the biggest challenge. They have a good leverage on Saacid who operates as a deputy mayor of Mogadishu no more a contest between a President and his prime minister. And it seems the formation of Jubbaland was put on hold by the Gedo Clan because the region was not fully liberated. The biggest challenge for Damjadiid and HAG will be implementing clan federalism and the fight against Amiir Godane. And ofcourse the talks of the century between Somaliland and Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this