Sign in to follow this  
Coofle

Jahawareer..Short scenario

Recommended Posts

Coofle   

routine daily scenario between a miskiin faarax and his wife....in support of NGONGE's Woman are mad theory.

 

Faarax :- Xaliimooy, aa kaalay ilmaha saxarada ka tir

Xaliimo:- Anuu ilmaha ma kaligay baa dhalay, adba ka tir, busy baan ahaye

Faarax:- waynu wada dhalnaye kaalay ka tir

Xaliimo:- bas, dee ilmahaaga daryeelkiisa ka qayb qaado

Faarax:- Huuno ma garanayee kaalay ka tir, urtiisaa guriga qabsataye.

Xaliimo:- Ilmaha sida loo dhalo ayuun baad taqaan saw maaha

Faarax:- Naa maxaa dhacay “Baroortu orgiga ka wayne”

Xaliimo:- Maxaa dhici lahaa , anigu ma adoon baan kuu ahay horta

Faarax:- Cawdu bilaah

Xaliimo:- Wakaas hadii aan tabashadayda sheegto sidii shaydaanka ayaad iska kay naaraysaa

Faarax:- kkkkkkk

Xaliimo:- Walaahi sidii qof waalan baad iila dhaqantaa, Serious baan ahay adiguna waad iga maadsanaysaa (Iyada oo Cadho tii u danbsay ah ayay tidhi)

Faarax:- waayahay macaan, ii soo dhiib xafaayada (pampers)

Xaliimo:- oo markii hore sawdigii garan la’aa sida loo badalo

Faarax:- Hadalka badan naga daa…..inta indhaha ku yara giiray.

Xaliimo:- intay yara aamustay bay tidhi “Xaaji ma cadhootay, raali noqo , naagta xun een jaarka nahay ayaanu is huruufnaye.

Faarax:- kkkkk .. dhib ma leh (((laakiin maankiisa waxa ka dhex dhawaaqaysay heestii maxamed mooge

“Haween u samir

Amaa ka samir

Sidaa waxay ku dhaamaan

Loomaba samayne”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Aaliyyah;911934 wrote:
Seems like a sexist story to me. Odhahda ka samir ama u samir has no relevance to this story. Maxey ku sameesay? Waa yaab.

Aaliyah, you can't understand waxay ku sameesay, because that is the point..you are a woman, this is your normality... personally Haween kama samri karo, laakiin waan u samrayaa,,,,Ninkii labadaas diida madax-xanuun iyo dhakafaar buu isku furay...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

sheeko baad mesha ku haysaa..shekadaad aliftey markaan akhriyay ma arkin waxay sameesay. Farax walbow ilmahaga daryeel waa iga talo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

^faaraxyada qaar waxaa lagu soo koriyay kibir iyo 'naa walaalkaa shaadka u kaawiyadee' iyo 'farxalka u keen', markaa wax yaabaha qaar wey ka jaahilsan yihiin. This reminds me of Xaaji Xunjif's thread about liking to make his wife angry.. lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^ Waa runtaa waa luguso koriyay kibirka qaar badan. Wiil iyo gabadhba kii la kibriyo waxaan aminsanahay in favour lo sameen oo bari uun nolosha ka dhacayo. Qof walba waa in uu masuul yahay. Waxa ugu fiican ka reerkiisa masuuliyada ka saaran kasoo baxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^ walaalo rebel ma ihi. Waxaan aminsahay in masuuliyada reerku la wadaago uun. Saan kor ku sheegay xita gabadhaha qaar ee aan arkay in la kibriyo xita waan kasoo horjeeda. Dhalin badan oo gabadha iskaba ilow wiilal ayaa maanta koob shaaha dabka ka qaadi karin. Marka nin ama gabadhba waxa uma haboono. Qof walba waa in uu masuul yahay. Cidna yaa madaxa lo buuxin, raganimona ninka kama lumaso marku ilmahiisa daryeelo. Jahilnimada halaga baxo oo diintaba suuban hala raaco. Nabigu csw iyo asxaabto dhanba reerahooda way caawin jireen. Shekada shaah isuu shub halkan ayaan candhaadhaya waa laga socdey waa dhaqan khariban oo diin ku saleesneen. Wax hala wada qabsado ceeb ma ahe ee waa talo. Waana talo aduunka inta joogtid aad farxad iyo wanaag ku warasid hadaad wax la qabsado reerkaaga. Taladana waxay layidhi yadu kuguma noole adaa ku nool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this