Sign in to follow this  
Saalax

Puntland youth oppose Mogadishu based Somalia Olympic group

Recommended Posts

Saalax   

Boosaaso[RBC Radio] Guddoomiyaha Kubadda Cagta gobolka Bari Mustafe Cabdirixmaan Majacase ayaa ka dhawaajiyey

8MKFs.jpg

in ay Canbaareynayaa Doorashada dhawaan lagu magacaabay Xubnaha Guddiga Olombikadda Soomaaliyeed ayna tahay Cadaalad darro.Guddoomiye Mustafe Majacase oo khudbad ka Jeediyey Xarunta Dowladda Hoose ee Boosaaso maanta ayaa sheegay in gobolada Bari,Karkaar,Hayland iyo Bariga Sanaag si wadajir ah u

Canbaareynayaan Doorashada lagu doortay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed taasoon Puntland laga qeybgelin habayaraatee.

Waxa uu sheegay iney Taageerayaan isla markaana Xoojinayaan hadalkii uu dhawaan magaalada Gaalkacyo ka Jeediyey Wasiirka Ciyaaraha Puntland Cabdiweli Xirsi kaasoo ahaa iney Puntland qaadacday Doorashada lagu doortay Guddiga Olombikada ee Muqdisho lagu qabtay.

Xiriirka Kubada Cagta.

Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed ayuu Guddoomiye Mustafe Majacase Usoo Jeediyey dhaliil,wuxuuna sheegay in Skhasiyaad gaar ah ay ku shaqeystaan magaca Xiriirka,kuwaasoo Tababaro ku qabta dalka Jabuuti iyagoo ku been abuurta magacyada gobolo ka tirsan dalka.

..”"Waxaan eedeyneynaa Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed oo waxay sitaan magacii Soomaaliya Shakhsiyaad gaar ah baa ku shaqeysta,waxay qabanayaa Tababaro bey Jabuuti ku qabanayaan oo waxay leeyihiin goboladii Soomaaliyaa fadhiya….”"”ayuu yiri Guddoomiye Majacase.

Musatafe Majacase oo khudbadiisa siiwata ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba u sheegayaan in marnaba aysan matalin Xiriirka Kubada Cagta iyo Kuwa Olombikadda ee Muqdisho lagu Yagleelay.

Halkan ka Dhageyso Codka Guddoomiye Mustafe Majacase Guji Halkan

 

Ciyaartoyda Boosaaso iyo Maamulkooda

…”"Soomaaliya kamid beynu nahay,waxaanu aduunka iyo Umad kasta u sheegeynaa Xiriirka Kubada Cagta in Shakhsiyaad gaara iyo Gobolo gaar uu gacansiiyo,hadda waxaan Ognahay in Gal-mudug ay ka dhisayaan Garoon Kubada Cagta ah,..”"”ayuu yiri Majacase.

Waxaa xusid mudan in Kulanka lagu Canbaareeyey Doorashada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qabtay ay ka hadleen madax kala duwan oo bahda Ciyaaraha ah,waxayna dhamaantood Isaga mid ahaayeen dhaleeceynta Guddiga.

Gababgabadii ayuu ka dhawaajiyey in Dhalinyarada Puntland ay mar walba diyaar u yihiin soo dhaweynta Nabadda dalka iyo Barnaamij kasta oo lagu hormarinaayo Ummada Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Well done, I support it 100%. This is just like the education scholarships. A clan can't take national institutions for its own athletes and send them to training in the name of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Yet ex USC child soldier Abwaan is dreaming about uniting with Hargeysa :D his own neighbors are dissatisfied

with Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Somalia;909306 wrote:
Well done, I support it 100%. This is just like the education scholarships. A clan can't take national institutions for its own athletes and send them to training in the name of Somalia.

Correct.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^If what's alleged is true, it's beyond belief it is happening in 2013.

 

Now that there's a problem but I don't know if this is how to approach it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I heard this from a friend and I was laughing hard, not because it was funny but somehow I thought about the 4.5 system, Somalis and clans so now the Olympic committee were supposed to be distributed accoring to the 4.5 rule :D

 

I think the appointed (or rather self appointed) men should have their position if they are qualified to do the job regardless of their clans but I doubt that may be the case.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;909315 wrote:
Somalis are all dissatisfied.

Wouldn't you be Che hadaa lugu yidha sportka kama qeyb gali kartid reminds me of apartheid in south Africa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this