Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Khatumos process merging with Somaliland begins.

Recommended Posts

Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadlay Maleeshiyo ka soo goostay Kooxda Khaatumo

 

December 26th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Cutub ka tirsan maleeshiyadda kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo- ayaa saaka u soo galay Ciidanka qaranka ee fadhiisinkoodu yahay Aaga Gambadha ee gobolka Sool, sidaasna waxa *****lka ka qaaday warbixin ka soo baxday xafiiska Taliyaha Guud ee Ciidammadda qaranka Somaliland Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle).

 

Taliyaha Ciidanka qaranku waxa uu sheegay in cutubkaa maleeshiyadda ahi ay u soo galeen ciidanka qaranka markii ay fahmeen ahmiyadda nabad-gelyadda iyo qiimaheeddaa.

 

Gen. Ismaaciil Shaqalle waxa uu intaasi ku daray in kooxdan oo uu aad ugu mahad naqayaa ay wateen afar baabuur oo laba ka mid ahi tahay Tikniko.

 

Taliyuhu waxa uu tilmaamay in dawladda Somaliland ay soo dhawaynayso walaalahooda la khalday, waxaanu kooxaha kale ee nabad diidka ah u soo jeediyay inay nabadda qaataan oo ay ku daydaan walaalahooda kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg Deg: Maleeshiyo Ka Amar Qaadan Jiray Garoowe Oo Fadhigoodu Ahaa Tukaraqa Oo U Goostay Jabhada SNM

 

Laascaanood(Allssc): Maleeshiyo ka amar qaadan jiray C/samad cali shire oo fadhigoodu ahaa magaalada Tukaraq aya au goostay dhanka Jabhada SNM. Maleeshiyadan oo hore ugasoo horjeeday Maamulka Khaatumo dhabarkana ku hayay Maamulka C/raxamna Faroole ee hada wiiqmay ayaa u goostay dhanka Jabhada SNM.

Maleeshiyadan oo watay hal gaadhi iyo 9 askari ayaa wax naruuro iyo luqmadii ay hore uga heli jireen garoowe ka go’day kadib markii C/raxman Faroole ay soo food saareen xaalado Dhaqaalo xumo oo ay weheliso Jahwareer Siyaasadeed.

Maleeshiyadan Ka Baxsaday Faroole ayaa sheegaty in ay ka tirsan yihiin Ciidanka Khaatumo State si ay indhaha Saxaafada iyo Jabhada SNm u soo dhowayso maadama aysan Jabahda SNM xiiso u qabin hada Maleeshiyo kasoo goosta Garoowe madama Labada Maleeshiyo ay yihiin kuwo isku mid ah marka la eego dhanka cadaawada ay u qabaan Maamulka Khaatumo State.

 

Wixii kasoo kordha kala soco Warbaahinta Allssc

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

^Wexee ahayeen raag raag daale, nimaan diig leh. They were not subject of another man nor didnt they recognised another man's authority over them in their own land..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this