Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Khatumos process merging with Somaliland begins.

Recommended Posts

Malika;902439 wrote:
^Wexee ahayeen raag raag daale, nimaan diig leh. They were not subject of another man nor didnt they recognised another man's authority over them in their own land..

Still, sow Jabhad may ahayn ?? mise dowlad bay ahaayeen baad leedahay ? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shan Sarkaal oo ka tirsanaa Maleeshiyo Buuhoodle ah oo si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa

March 2nd, 2013

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shan sarkaal oo sar-sare oo ka tirsanaa maleeshiyadda fadhigeedu yahay magaaladda Buuhoodle, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa.

 

Waxa xubnahan tuuladda Haleeya ee duleedka bari ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaan-dhiga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Dib u dejinta iyo dib u dhiska Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye iyo Wasiir Ku xigeenka Daakhiliga dhinaca Maamulka Mudane Cismaan Garaad Soofe.

 

Xubnahan ayaa sheegay inay si rasmi ah ugu soo biireen Ciidammadda Qaranka Somaliland oo ay ka mid yihiin, waxaanay u mahad celiyeen xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen inay si weyn u soo dhaweeyeen.

 

Cirro Saleebaan Magan oo ku hadlayay magaca saraakiishan ayaa sheegay inay wakiil ka yihiin maleeshiyo ku sugan magaaladda Buuhoodle oo metasha shacbiga deegaankaasi.

 

Magacyadda Shantan sarkaal waxay kala yihiin sidan:-

 

1- Xuseen Maxamuud Baydan.

2- Mahad Nuur Weerar

3- Cirro Saleebaan Magan

4- Dhag-jar Maxamuud Baydan

5- Cabdi Cadde.

 

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa u mahad celiyay sarkaakiishan nabadda qaatay ee ku soo biiray ciidammadda qaranka, waxaanu xusay inay si milgo leh u soo dhawaynayaan xukuumad ahaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

War ninyow listen....xaglatoosiye wants to justify his paycheck so he brings 5 guys and he calls them 'saraakiisha Buhoodleh' and meets them in the middle of nowhere.Xaaji,this guy is playing you big time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ofcourse its a procces and it will take time to convince all of them

Buhoodle is not large community. They will follow their leaders sooner or later.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^^ XX, wixii kale iska dhaadhic but buhodle isn't large community is slap on your own face..

 

Video -gan kashifaad ha kuugu filaato... Successionists' desperation never ends. Any xayraan claiming to be "Sarkaal" from Buhoodle , your ministers will rush to welcome until tthey find out later they are nothing but out smarting guys who happened to figure out the weekness of this project.

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;924072 wrote:
^^ XX, wixii kale iska dhaadhic but buhodle isn't large community is slap on your own face..

 

Video -gan kashifaad ha kuugu filaato... Successionists' desperation never ends. Any xayraan claiming to be "Sarkaal" from Buhoodle , your ministers will rush to welcome until tthey find out later they are nothing but out smarting guys who happened to figure out the weekness of this project.

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

I would deny to :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tuulada Fiqi Fuliye oo ay dul fadhiyaan Maleeshiyo ka soo goosatay Khaatumo oo aany xukuumadda qaabilin

 

Maayarka oo daadifeeyay inay degmadaasi qabsadeen Sheegayna Ceerigaabo inuu u joogo qaramayntooda

Ceerigaabo(Waaheen) Maleeshiyo lagu qiyaasay ilaa laba boqol oo Askari oo wata gaadiid Tikniko ah oo ka soo goostay Khaatumo ayaa afartii maalmood ee ugu danbeeyay dul fadhiya Degmadda Fiqi fuliye waxaanay warar Waaheen heshay sheegayaan in ay Maleeshiyadaasi qabsatay Degmadda, hase yeeshee Maayarka degmadaasi oo ku sugan magaaladda Ceerigaabo ayaa Waaheen u sheegay kooxdaasi inay ku sugan tahay tuuladda Damal cali dheere oo dhawr iyo toban kiiloo mitir u jirta isla markaana ay waan waan lagu qaramaynayo u socoto Xukuumadda Somaliland.

Maayarka Fiqi Fuliye oo aanu weydiinay Ciidanka dul degan Degmadiisa ee la sheegay inay qabsadeen waxa ay yihiin waxa uu yidhi “ ma jiraan wax ciidan ah oo qabsaday Fiqi fuliye xalaybaan ka imi waxaanan u socday sidii Ciidankaas oo dalkoodii dib ugu soo laabtay loo qaramayn lahaa wax dhibaato ah oo na dhex taalaana ma jirto”

Mar aanu weydiinay Ciidankaasi halka ay ka yimaadeen waxa uu yidhi “ waa Ciidan ilaa laba boqol gaadhaya waxay diideen kooxda Khaatumo dhibaatada ay ka wado deegaankaas oo ay iyagu ka soo jeedaan sidaas daraadeed bay uga soo baxeen waxaanay doonayaan Xukuumadooda inay ku soo biiraan” ayuu yidhi

Maayarka mar aanu weydiinay kooxdani inay ahayd kooxdii Ceerigaabo dadka ku laysay markii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Hawlaha guud halkaasi u joogeen heshiisiinta beelaha wada dega oo Dil dhexyaalay waxa uu yidhi “ waa la wada ogaa kooxdaasi koox dhalinyaro ah bay ahaayeen nimankana kuma jiraan waa dad reer Somaliland ah, waxaanan maamulka Gobolka Sanaag ka wada shaqaynaynaa sidii loo qaramayn lahaa Dawladda Dhexena way ogtahay” ayuu kaga baxay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this